Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ee Gobolka Galgaduud ayaa waxay gelinkii dambe ee maanta ay wadada u galleen gawaari ay la-socdeen Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Itoobiya.
Gawaari ay wateen Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Itoobiya oo ka yimid dhinaca Magaaladda Ceel Buur, kuna sii jeeday Magaaladda Dhuusa Mareeb, ayaa waxaa wadada loogu gallay inta u dhaxeysa Deegaanada Ceel La-helay iyo Warmooley ee Gobolka Galgaduud.
Kahor inta aysan dhex marin wax dagaalo ah ayaa waxaa la-sheegay in miinada nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga haggo, lala helay gaari Uraalaha ah oo ay wateen Ciidamadda Dowladda Itoobiya.
Qaraxa ayaa wuxuu qabsaday gaarigaasi oo uu soo gaaray burbur, iyadoo ay ku dhinteen ku dhaawacmeyn qaar ka tirsan Ciidamadda Itoobiya oo gaarigaasi saarnaa, isla-markaana waxaa qaraxa xiggay dagaalo labada dhinc dhex maray.
Muddo kooban kadib ayay dib u gurteen Ciidamaddii Shabaab ee wadada u gallay gawaaridii ay wateen Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Itoobiya, iyadoo dhinaca Al Shabaab iyana la-sheegay in uu khasaaro jiro, balse waxaa adag in faah faahin sax ah laga hello.
Ciidamadda Itoobiya oo gurmad dalbaday ayaa waxay gurmad uga yimaadeen dhinaca Magaaladda Ceel Buur, waxaana loo-baahday gaari nooca wiishka loo-yaqaano in lagu soo jiido gaarigii Uraalaha ahaa ee ay wax-yeelada u geysteen Xoogaga Shabaab.
Gaarigaasi ayaa waxaa laga soo doonay Magaaladda Dhuusa Mareeb ee Xaruunta Gobolka Galgaduud, laakiin gaarigaasi oo ay iska lee-yihiin rag ganacsato ah ayaa waxay ka war helleen in lagu soo wajahan yahay, waxayna kala carareyn Magaaladda Dhuusa Mareeb, iyagoona doonaayay inay geeyaan Deegaanada Ximin iyo Xeeb.
Hase ahaatee waxaa lagu qabtay Deegaanka Ontaraale oo qiyaastii 5km u jira Deegaanka Godinlabe, iyadoo Deegaanka Godinlabe iyo Magaaladda Dhuusa Mareeb-na ay qiyaastii isu jiraan 40km.
Ugu dambeen gaarigaasi ayaa waxaa lagu wareejiyay Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Itoobiya, si’ay ugu soo jiitaan gaarigii Uraalka ee looga gubay inta u dhaxeysa Deegaanada Ceel La-helay iyo Warmooley ee Gobolka Galgaduud.