“Aqoonsiga Somaliland London Iyo Addiss Ababa Ma Yaalo Ee Waxa Uu Yaalaa Muqdisho ” Dr. Gaboose

WAAJIDPRESS – 30 sept2012

Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Ummada Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa sheegay in Aqoonsi Somaliland baadi goobay muddad labaatanka sanno dhaafay inuu yaalo Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Somalia, isaga oo rajo fiican ka muujiyey wada hadalada Somaliland iyo Somalia u socdaa in ay ka soo baxaan natiijo Somaliland qadiyadeeda lagu aqoonsado.
Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo warbaahinta kula hadlayey Garoonka Diyaaradaha ee Herthrow Airport oo uu gaadhay Maalintii khamiistii, ayaa waxa kale oo uu ka hadlay kalsoonida uu Ururkoodu ku qabto Komishanka Doorashooyinka Somaliland.
Dr. Maxamed Cabdi Gaboose waxa kale oo uu sheegay inay urur ahaan soo dhaweynayaan isbadalka siyaasadeed ee Somaaliya, balse waxa uu uga digay siyaasiyiinta Soomaalida in aanay u qaadan in shacabka Somaliland ay ka noqdeen gooni isku-taagooda, waxaanu yidhi “Bini’aadamku wuxuu kaga duwan yahay abuurista kale waa hadalka, Mashaakil kasta oo jirana wada-hadal baa lagu xalin karaa, dariiqa wada-hadalku waa ka ugu qiimaha badan ee Dadka ka badbaadin kara bur-bur iyo dariiqyo qaloocan, markaa waanu dhiiri-gelinaynaa oo waanu soo dhaweynaynaa wax alaale iyo wixii dariiqa wada-hadalka lagu heli karo, qaadiyadda Somaliland ee Shacbigu goostay waa wax cad, waa wax aan mugdi ku jirin”.
Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Ummadda Dr Maxamed Cabdi Gaboose oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “ Aqoonsiga Somaliland ma yaalo London, Addis Ababa iyo Kenya, laakiin waxa uu yaala Xamar, Maaha in himilada Umaddani mugdi ku jirto mar hore ayey cadaysteen, muddo dheer-baa dadka qarkii siyaasad gurucan oo cadawtinimo ah ku dhaqmayeen, taana waxaanu qabnaa in wad-hadalkani furayo Albaabka ah in la wada-hadlo”

Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Ummada waxa uu sheegay in Ururkoodu kalsooni buuxda ku qabo Guddiga doorashooyinka Somaliland, waxaanu yidhi “Annagu (Ururka Ummada) kalsooni buuxda ayaan ku qabnaa Komishanka doorashooyinka Qaranka, Komishankuna dalka taariikh ayey leeyihiin oo ay hore uga kasbadeen Beesha Caalamka iyo shacabka Somaliland, waana rag dhalinyaro ah oo hawshooda ka adag oo doorashadii dalka ay ka qabteen si wanaagsan u qabtay. Taageerayaashayadana waxa aanu u sheegaynaa in aanu ku kalsoonahay Komishanka doorashooyinka qaranka”

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: