WAR DEG DEG AH:- Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa Ahlu-sunna oo u ruqaansaday degmada Ceel-buur.

Wararka haatan naga soo gaaraya gobalka Gal-gaduud ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Ahlu-sunna Waljaneeca oo garab sanaaya kuwa Itoobiya ay u dhaqaaqeen degmada Ceel-buur ee gobalka Gal-gaduud halkaa oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka mid Xarakada Al-shabaab.

Ciidamadaan ayaa la sheegayaa inay ka kala baxeen degmooyinka Dhuusa Mareeb iyo Guri-ceel waxaana ay sheegeen in xilligaan ay ka go’an tahay sidii ay ula wareegi lahaayeen guud ahaan degmadaasi iyo deegaanada kale ee Gal-gaduud ka joogaan ciidamada Al-shabaab.

Dad goob joogayaal ah ayaa inoo sheegay inay arkeen ciidamo aad u badan misane wata dabaabaadka dagaalka oo aad u badan kuwaa oo lagu doonaayo in lagula dagaalamo ciidamada Xarakada Al-shabaab.

Dhanka kale ciidamada Al-shabaab waxa ay wadaan dhaq dhaqaaqyo aad u xoogan misane ay ku doonayaan inay kaga hortagaan ciidamadaan Itoobiya iyo kuwa Ahlu-sunna ee halkaasi ku wajahan dhankooda, waxaana xaaladda ay tahay mid aad iyo aad u cabsi ah.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

w

Connecting to %s


%d bloggers like this: