Wararkii ugu dambeeyay magaalada Kismaayo iyo ciidanka huwanta oo..

Ciidamada Soomaalida iyo Kenya ayaa maanta cagta Saaray qaybo kamid ah magaalada Kismaayo kuwaas oo lugta ku socday.

Dagaalyahanada Huwanta ayaa waxay xilligaan cagaha la-soo galeen Xaafadda Calanley oo dhacda Galbeedka Magaalada Kismaayo.

Warar kale ayaa sheegaya in Ciidamadda Huwanta ay cagaha galiyeen Xaafadda Via Afmadow oo ka tirsan Xaafadaha hoos-tagga xaafadda Calanley, oo ka mid ah afarta xaafadood ee ugu waaweyn ee Magaalada Kismaayo.

Ciidamadda Huwanta ayaa waxay xaafadda Calanaley ay kaga soo tallaabeen dhinaca Deegaanka Sacmoole, oo ka tirsan Deegaanada hoos tagga Magaalada Kismaayo ee Xaruunta Gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in Ciidamadda Huwanta ay ku hubeysan yihiin qoryaha fud fudud ee nooca gacanta lagu qaato, iyadoo aysan jirin wax iska caabin ah oo ay kala kulmeyn rag bistoolado ku hubeysan, oo kooxda Shabaab taabacsan oo ku haray sida la-rumeysan yahay Magaalada Kismaayo.

Dadka kale oo kusugan Kismaayo ayaa iyagana sheegaya in ciidamada aysan magaalada galin balse ay qorshaynayaan in Galabta ay qaybo kamid ah magaalada la wareegaan.

Xaalada Magaalada ayaa dagan mana jirto maanta wax dil ah oo ka dhacay magaalada.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: