Nairobi – Raysul wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ku baaqay in isimada Puntland ay soo kala dhexgalaan mucaaradka iyo maamulka madaxweyne C/raxmaan Faroole oo ismariwaagu ka dhex oogan yahay ka hor inta aan la gaarin 8-da bisha Janaayo oo uu ku egyahay waqtiga rasmiga ah ee xukuumadda Faroole.
“Waxaa la joogaa waqtigii isimada waxaan filayaa in iyaga doorkooda uu hadda yahay.” ayuu yiri C/weli Gaas oo u waramay idaacadda VOA.
Mudane Gaas wuxuu sheegay in haddii mucaaradka iyo madaxweyne Faroole ay heshiis gaari waayaan ka hor 8-da Janaayo in markaasi ay waajib noqoneyso in isimadu talada la wareegaan oo ay ka taliyaan halka loo jiheynayo Puntland.
“Waan la socda halka wax marayaan, waxaana qabaa in isimadu ay arrinta soo galaan haddii mucaaradka iyo xukuumadu wax isla gaari waayaan.” ayuu sii raaciyey Dr. C/weli Gaas oo qiray inuu dhowaan ka tanaasuley xubinimadii baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya.
Dr C/weli Gaas ayaa dhowaan tagay Puntland wuxuuna socdaal uu ku maray deegaano kala duwan kadib uu soo saaray bayaan uu kaga hadlay dib u dhaca iyo xorriyad la’aanta ka taagan gobolka taasoo madaxweyne Faroole uu ka carooday.
Dr Gaas wuxuu cadeeyay inuu ka tanaasulay ka sii mid ahaanshaha baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya, uuna goodtey inuu booskiisa ku wareejiyo cid shaqeyn karta.
“Mudane baarlamaan mar haddaad tahay waa inaad tahay qof dalkii jooga oo shaqeynaya, aniguna taasi iima suurtagaleyso marka waa sax inaan ka tanaasulay xubinimadeydii, waxaana ku wareejiyey dad hawshaasi qaban kara.” ayuu yiri Dr. C/weli.
Wuxuu ka dhawaajiyey inuu qorsheynayo inuu hawlo kale oo waxtar leh uu dalka ka bilaabo wuxuuna si hordhac ah u sheegay inuu dhowaan ku dhawaaqi doono hay’ad ka shaqeysa horumarinta caafimaadka, waxbarashada iyo amaanka taasoo uu sheegay inay ka shaqeyn doonto guud ahaan Soomaaliya.