WAAJIDPRESS – 12 Jan 2013:
Warar goor dhaw soo baxay ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Xarakada Al-shabaab ee ku sugan deegaanka Buulo Mareer ay dileen Laheestihii u dhashay dalka Faransa ee xalay ay rabeen ciidamada Farasiiska inay soo furtaan.
Talefishanka France 24 ayaa goor dhaw baahiyay wararkaan sheegaaya in la qaarajiyay laheestihii Al-shabaab ee u dhashay dalkaasi, iyadoona talefishanka uu soo xiganaayo ilo wareedyo.
Ma jirto ilaa iyo haatan muuqaalo ama cadeemo kale oo muujinaaya in la dilay ninkaan hase ahaatee TV-ga ayaa sheegaaya oo kaliya in la dilay haatanna la wado xaqiijinta arintaasi ku saabsan.
Dhanka kale waxaan isku daynay inaan xirii la sameeno saraakiil ka mid ah Al-shabaab oo ku sugan deegaanka Buulo Mareer ee gobalka Sh/hoose ayaa inoo suurta gelin, laakiin waxaad wadnaa dadaalo badan oo arintaasi aan ku dooneyno inaan ku xaqiijino.
U dhaaf Halcelis