WAAJIDPRESS – 26 FEB 2013:
Waxaa la sheegaa in Puntland ka gudubtey habkii qabaliga ahaa, una gudubtey habka axsaabta badan, balse bulshada Puntland ayaa dareen kalsooni la’aaneed ka muujinaysey sida ay ku suurtogeli karto arrintaasi, una noqondoonto mid caddaalad ah oo uu qof waliba ku qanci, karo, si taas loo helo waxaa la dejiyey xeerar qeexaya xaqa muwaadinka iyo sida uu codkiis au dhiibanayo.
Waxaa la sameeyey lix urur siyaasadeed, waxaadse mooddaa in taladu gacanta ugu jirto urur siyaasadeedka Horseed oo uu guddoomiye u yahay Dr. Faroole, kaas oo dadweynuhu ay ka muujiyeen dareen cabdsiyeed oo ay sal uga dhigeen in uu maroorsaday dhammaan awooddii dawladnimo, markii ay ururkaas ku bahoobeen;
– Golihii Wakiiladda Dawladda Puntland.
– Golihii Xukuumadda Dawladda Puntland.
– Guddoomiyayaashii Gobollada Puntland.
– Guddoomiyayaashii Degmooyinka Puntland.
Waxaa intaa ka daran Guddiga Doorashooyinka KMG ah oo ay soo magacaabeen Golaha Xukuumadda iyo Golaha Wakiilada ee hadda isku halk urur siyaasadeed ku wada jira, taas oo ay hadda caddayn u tahay in uu u shaqaynyo Urur Siyaasadeedka Horseed, sida ku caq qoraalkan hoose ee aan laga talogelin Ururada kale ee dalka ka jira, tanina waxay caddayn u tahay in Guddiga Doorashooyinka ee KMG ahi, ay iyaguna ka mid yihiin Urur Siyaasadeedka Horseed.
Warqaddii Maxamed Xasan Barre u qoray Dr. Faroole
Ku. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Maxamuud
Ujeeddo. Soo jeedin ka saarid labo qodob xeerka doorashooyinka Puntland.
Mudane Maadaxweyne
Guddiga doorashooyinku markii uu dib u eegay xeerka lambarkiisu yahay shan 5 oo ku saabsan sharciga golayaasha deegaanka ee DPL, waxaa u muuqatay qodobkaasi saddexaad 3.1 ee ku saabsan shuruudaha laga rabo codbixiyaha in uusan la jaanqaadi karin doorashooyinka ku soo foolle dalka bilaha soo socda.
Sidoo kale qodobka afraad 4.1 ee ku saabsan xuquuqda codbixiyaha qaybtiisa hore marka la sameeyo diiwaanka codbixiyayaasha ee sharciga ah ayuu guddigu arkay in aysan la jaanqaadi karin hannaanka doorashooyinka puntland ee soo socda.
Sidaa darteed, waxaan si xushmad leh kaaga codsanaynaa in labadaa qodob oo kan hore ku saabsan yahay aqoonsi laga rabo codbixiyaha kan labaadna in uu diiwaangashan yahay laga saaro sharciga doorshooyinka Puntlnd.
Mahadsanid
Maxamed Xasan Barre
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland
Warqaddii Dr. Faroole u qoray Guddoomiyaha Golaha Wakiilada.
Ref.MW/DPS/89/2013 Garoowe Tuesday, February 2013
Ku. Guddoomaiyaha Golaha wakiilada puntland.
Ujeeddo. Wax ka baddelid xeerka doorashooyinka goleyaasha deeganada dawladda puntland.
Tixraac. qoraalka guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland ee 12/02/2013, ee ujeeddadiisu ahayd soo jeedinta wax ka baddelidda labo qodob ee xeerka doorashooyinka Puntland, kuwaas oo aan la jaanqaadi karin doorashooyinka ku soo fooleh deegaanada, waana qodobka 3aad farqadiisa 1aad iyo qodobka 4aad faqradiisa 1aad.
Qodobka 3aad faqraddiisa 1aad oo u qoran waa in uu yahay muwaadin puntlandi ah oo leh warqadda aqoonsiga ee doorashada. iyo Qodobka 4aad faqraddiisa 1aad oo u qoran marka la sameeyo diiwaanka codbixiyayaasha ee sharciga ah, codbixiyuhu wuxuu codkiisa ka bixinayaa goobta codbixinta ugu dhaw maalinta doorashada.
Tixraac. shirkii golaha wasiirada ee 18/02/2013, wuxuu ogolaaday wax baddelidda labada qodob, oo u qoran sida kor ku cad, golaha wasiiraduna u baddeley sida hoos ku qoran.
Qodobka 3.1 waxaa loo baddeley sidan waa in uu yahay muwaadin puntlandi ah.
Qodobka 4.1 waxaa loo beddeley sidan codbixiyuhu wuxuu codkiisa ka bixinayaa goobta codbixinta ugu dhaw maalinta doorashada.
Haddaba waxaan guddiga joogtada ah ee golaha wakiilada u soo gudbinayaa in aad ansixisaan labadaas qodob si loogu dhaqmo.
Dr. C/raxmaan Maxamed Maxamuud
Madaxweynaha Dawladda Puntland