WAAJIDPRESS – 2 Feb 2013:
Kooxo hubeysan ayaa maanta bartamaha Bosaaso ku toogtay mid ka mid ah isimada Puntland.
Allaha u naxariistee kooxahan hubeysan ayaa rasaas la dhacay Suldaan Muuse Faarax Muuse Onkod (OO u dhashey beesha UGAAR SALEEBAAN) ka dibna baxsaday.
Suldaanka la dilay oo lagu magaacbi jiray Suldaan Muuse Faarax Muuse(Onkod) ayaa laba dhalinyaro ah oo hubaysan waxay ku toogteen Suuqa Sarifka ee magaalada Boosaaso.
Labada dhalinyarada ah ee Suldaan Muuse Faarax Muuse dishay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana maydka Suldaanka loo qaaday Isbitaalka weyn ee Bandarqaasim Hospital.
Taliyhii hore ee Ciidamada Booliska Puntland Xukuumadii Madaxweyne Cadde Muuse,Cabdicasiis Siciid Gacamey “Baduugaaye”” oo Saxaafadda gudaha Wareysi kooban siiyey ayaa sheegay in kooxda dishay Suldaanka ay Xirnaayeen dharka Ciidanka kuwa kalena ay dharcad ahaayeen; sida dad ka agdhowaa u sheegeen.
…”’Waxaa lagu dilay meesha la yiraahdo Dhex=taal oo maqsinada Sarifka agtooda ah oo dawladda hoose agteeda ah baa lagu dilay,waa meel waadax ah oo cadaan ah,wuxuuna fadhiyey halkaas,niman Odayaal ah oo Nabadoona ahna waa la fadhiyeen marka la dilaayey Suldaanka….””‘ayuu yiri.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdirixmaan Maxamed Faroole oo ka hadlay dil maanta magaalada Boosaaso loogu geystay Suldaan Muuse Onkod ayaa sheegay ay ka danbeeyaan dad nabad- diid ah.
U dhaaf Halcelis