Archive for Maarso, 2013

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jaaliyada Somaliyeed ee Emirate-ka Carabta uga warbixinaaya xaalada dalka

Maarso 31, 2013

WAAJIDPRESS – 1 Apr 2013:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdigii uu hogaamninayay ayaa caawa kulan la qaadanaya jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Imaraadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu warbixin ka siin doonaa jaaliyadda Soomaaliyeed, xaaladda dalka Soomaaliya ku sugan yahay iyo horumarka la gaaray. 

Sidoo kale Madaxweyne Xassan oo howl shaqo u jooga dalka Imaraadka ayaa waxaa uu warbixin ka siin doonaa safarkiisa waxa uga qabsoomay.

Madaxweynaha ayaa Jaaliyadda u sheegi doono shaqooyinka ay xaqqa ugu leeyihiin in ay dowladda u qabato uuna kala hadlay dowladda Imaraadka Carabta in la dhowro shacabka Soomaaliyeed xaquuqdooda.

Kulankaan kadib ayuu Madaxweynaha wuxuu kulamo la qaadan doonaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Imaraadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa horay wuxuu u yiri “waxaan u dhaartay in aan difaaco Dalka,Dadka, iyo Diinta.” Waxaana uu xooga saarayaa sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed dib ay ugu soo noqon lahayeen dalkooda, sidoo kalena ay u maalgashan lahaayeen.

War deg deg ah: Taliyihii Ciidanka Nabad Sugid Kismaayo oo Jeelka La dhigay

Maarso 31, 2013

WAAJIDPRESS – 1 Apr 2013:

Kismaayo – Taliyihii Ciidanka Nabad Sugidda Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose Isaaq Max’ed Kheyre Boqorow ayaa La sheegay in ay Xabsiga Dhigeen Ciidamo ka tirsan Maleeshiyaadka Raaskaambooni markii La sheegay in Laga qabtay Bartamaha Magaalada Kismaayo.

Sarkaalkaan oo wareysi siiyay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho xilli uu ku jiray Xabsi ay Maamulaan Maleeshiyaadka Raaskaambooni ayaa waxa uu sheegay in sababta Loo xiray ay ugu weyntahay kadib markii uu sheegay Miino dhulka ku aasneed oo la doonayay in Lagu qarxiyo Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

Sarkaalkaan ayaa tilmaamay in miinadaasi uu halkaasi ka bixiyay hase ahaatee shaqsiyaad gaara ay bartilmaamsadeen balse eeyan u dhameen Maamulka KMG kismaayo.

Majiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Maamulka KMG ah ee Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose oo ku aadan Xariggaan Loo geestay Sarkaalkii ugu sareeyay Ciidanka Nabad Sugida ee Ka howl gala Magaalada Kismaayo.

Puntland oo Ku guuleysatay in Maleeshiyo Beeleed ay Ka sii deyso Nin ay Afduub u heesteen

Maarso 31, 2013

WAAJIDPRESS – 1 Apr 2013:

Garoowe – Wasiirka Amniga ee Maamulka Puntland Khaliif  Ciise Mudan oo Shir Jara’id Warbaahinta u qabtay ayaa sheegay in ay ka soo daayeen Nin Maleehiyo Beeleed ay afduub ahaan ugu heesteen deegaanno Ka tirsan Gobolka Nugaal.

Wasiirka Amniga ee Maamulka Puntland ayaa Tilmaamay in Cabdullaahi C/qaadir Warsame oo Ka soo Jeeda Galmudug sii deyntiisa ay suura galiyeen wada hadallo ay Sameeyeen Culumaa’udiinka iyo Odayaal dhaqameedyada Reer Puntland.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi kudaray in ay dadaal dheer u gali doonaan siideynta Nin kale oo Galmudug Ka soo Jeedo oo haatan Maleeshiyo beeleed kale Gacanta ugu Jiro.

Geesta Kale Wasiirka Amniga ee Puntland ayaa waxa uu ugu baaqay Odayaasha iyo Culumaa’udiinka  ee Maamulka Galmudug in ay ka qayb qaataan Rag Ka soo Jeedo Puntland oo iyagana lagu Heesto Deegaanno ka tirsan Galmudug.

Ninkaan  Puntland ay ku dhawaaqday sii deyntiisa ayaa waxa uu afduubkiisa yimid kadib markii Nin kale oo Puntland Ka soo Jeeda afduub loogu geestay deegaanno ka tirsan Maamulka Galmudug.

Shir Taageero dhaqaale loogu raadinaayo Al Shabaab oo ka dhacay Baardheere.

Maarso 31, 2013

WAAJIDPRESS – 1 Apr 2013:

Shir soconayay muddo 5 Cesho ah oo ay wada lahaayeen Xarakadda Al shabaab iyo Odoyaasha Dhaqanka ayaa la soo sheegayaa in lagu soo gabagabeeyay degmaddaasi baardheere ee gobolkaasi Geddo.

shabaab11
Kulankaan ayaa lagu soo waramayaa in u jedadiisa ugu weeyn ay aheeyd  sidii ay Xarakadda Al Shabaab gacan ugu siin lahaayeen Odoyaasha  Jilibweynka ah ee ku dhaqan degmnadasi dagaalka ay Xarakada kula jiroto Ciidamadda dawladda Federaalka Soomaliya iyo kuwa Amisom si ay ugu guuleeystaan Dagaalkasi.
Iyadoo dhaqdhaqaaqyo ciidan ay ka soconayaan Gobolka Gedo oo dowladda ay ku dooneyso inay ku qabsato Gobolka dhan dhinaca kalena Al Shabaab ay qorsheynayaan inay xajistaan deegaanada ay maamulaan ayaa kulan looga hadlayay dagaalka Gedo waxa uu ka dhacay Degmada Baardheere.
Xubnaha ka qeeyb galay Kulankasi oo ka mid ahaa Salaadiinta  oo Qariyay magaciisa ayaa sheegay in ay labadda dhinac ku heshiiyeen inay iska kaashadaan dagaalka. Ay kula jiraan Dhanka dawladda iyo Amisom.
Horjoogayaal  ka tirsan Al Shabaab ee degmadda Baardheere  Gobolka Gedo oo ka hadlay kulanka la soo gabagabeeyay ayaa sheegay in loo baahan yhay in dagaalka lagu gacan siiyo ay u horseedi karto inay dib u Qabsadaan egaanada badda oo ka maqan Gacanta Al Shabaab.oo horay Xoog looga Saaray.
Dhinaca kale Al Shabaab ayaa dagaal adag kula jira ciidamada Dowladda oo taageero ka helaya dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin ciidamada Amisom, Dawladaha Diriska, waxaana ay Xaraakadda Al shabaab ugala wareegeen Gobolo badan oo ka mid ah goboladda dalaka soomaliyeed oo ay maamulijireen Xaradaasi.

War deg deg ah: Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo magacaabay R/Wasaare cusub

Maarso 31, 2013

WAAJIDPRESS – 31 Mar 2013:

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta isku shaandheyn ku sameeyay xukuumadda Jabuuti kadib markii uu Ra’iisul Wasaarihii hore Dileita Mohamed Dileita is casilay.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa iscasilaada Dileita Mohamed Dileita ka aqbalay sida uu warbaahinta u sheegay Xoghayaha guud ee Dowladda jabuuti Maxamed Xasan, islamarkaana wuxuu Madaxweynaha uu isku shaandheyn uu ku sameeyay Xukuumadda Jabuuti, waxaana xukuumadda cusub ku soo biiray xubno hor leh.

Madaxweynuhu wuxuu Ra’isul Wasaare cusub u magacaabay Cabdulqaadir Kaamil Maxamed oo horay u ahaa Wasiirka Difaaca dalka Jabuuti.

geelleMadaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in magacaabistaani in uu ku saleeyey sida uu qabo Dastuurka dalka Jabuuti isla markaana si deg deg ah loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha cusub.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dileita Mohamed Dileita ayaa markii uu Madaxweynaha ka aqbalay wuxuu guddoon siiyay Bilad sharafta ugu sareysa dalka Jabuuti taasoo uu guddoomay Dileita Mohamed Dileita oo u mahad celiyay Madaxweynaha sida wanaagsan ay iskula soo shaqeeyeen.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee jabuuti ayaa ka mid ahaa Golaha Wasiirada dalkaasi isagoo ahaa Wasiirka Difaaca ee Jabuuti.

Maxaad Kala Socotaa Go’aamada Ka Soo Baxay Shirkii Jaaliyadda DigilMirifle ee Ka Dhacay Magalaada Manchester

Maarso 31, 2013

WAAJIDPRESS – 31 Mar 2013:

dm ukShirkii lagu qabtay shalay wadanka ingiriiska gaar ahaan magaalada manchester waxaa kasoo qeyb galay Jaaliyada DigilMirifle ee ku dhqan Dalka UK, kaasoo aad muhiim u ahaa.

Shirkaan oo  ay  ka soo qayb galeen  siyaasiyiin, Aqoonyahano, odoyaal  dhaqameed, dhalinyaro, Haween iyo  dhamaan qaybaha  Bulshada ee   Qoowmiyahada  DigilMirifle.

Furitaanka  shirka  oo lagu  furey  Aayado  Qur’aan  ah  oo  uu   halkaas  ka  akhriyey  Macalin Bashiir ayaa  waxaa  bilaabatey  dhageeysiga  Khudbadii  halkas  ay soo kala jeedinayeen  madaxdii   kala gadisaneed ee shirkaas lagu casuumey.

Duniya Aadan Teegow oo  ahayd  Xiriiriyaha Shirka  ayaa Aayadihii  Qur’aanka  Kadib waxey Microphne-ka  ku soo  dhowaysey  Axmed Cabdi Xamiid (Afgooye)  oo  ah Gudoomiyaha  Jaaliyada  UK, Gudoomiye Axmed  ayaa  ugu  horeyntiiba  si  wayn  ugu mahadceliyey Jaaliyada  manchester oo ah Jaaliyada shirka  soo Qaban  Qaabisey, isagoo ku  amaanay  Jaaliyada  manchester iney  tahay  Jaaliyada  Hogaanka  u  haysa dhamaan  Jaaliyadaha  ka dhisan dalka UK.

Ergooyinkii shirka  lagu  casuumey ineey ka hadlaan ayaa  waxaa ka mid  ahaa:-

Axmadeey Sheikh Mukhtaar, Wasiirkii warfaafinta & Boostada  ee  Dowladii  C/qaasim ,Cali sheikh Cabdullahi  (Cali Afgooye) wasiir kuxigeenkiii  Shaqada & Shaqaalaha, Dowladii Farmaajo, Eng: Saalax  sheikh Osmaan oo  ka  mid ah  Oqoonyahanadii  wax  ka soo diyaariyey dastuurka  Federaalka ah  ee  hada  jira  isla  markaana  ka  mid ah Guddi  7 Xubnood ka kooban oo ay Dowlada  Soomaaliya u soo Magacoowdey   Maamul  Sameeysasha Gobolada  Koonfur-galbeed Soomaaliya, C/risaaq Sheikh Muxyadiin oo   ka mid ahaa Wasiiradii Dowladii  Farmaajo Eng: Yuusuf Muumin   Gudoomiyaha  Guddiga  Fulinta  Jaaliyada  UK, Sahra Max’ed Nuur (Sahra Carabey) oo  ka mid ah Guddiga Manchrester  Cabdiladhiif Qaasim Abuukar oo  ka socdey Jaaliyada Bolton Max’ ed Jeylani oo ka mid ah  asagana  siyaasiyiinta  Digil & Mirifle, Maxamed  Nuur Gudoomiye Kuxigeenka Gudiga fulinta  Jaaliyada  Uk, iyo  Max’ed Cabdalla  Awisa  oo  ka  mid  ah  Salaadiinta Digil & Mirifle.

Shirka  ayaa waxaa lagasoo  saarey Bayaan halkaas  Saxaafada loogu  akhriyey,   Bayaanka  oo  iskugu jirey  Baaq Dowlada  Federaalka  ah loo direy iyo Digniin loo jeediyey Hogaamiyaal  sida  baaqa ku qorneyd Magacyadooda lagu  tilmaamey  ineey  yihiin ”Hogaamiyaal Burcad-dhuleed ah “ kukaaso  loola  jeedey  kuwa   ku Looltamaayo lahaanshaha Gobolada  Jubbooyinka ee waayahaanba shirarka  kale gedisan uga socdey magaalada Kismaayo.

1- Dowlada Ayaa loogu baaqey iney Maxkamad Horkeento, Askarta Caadiyeysatay DHACA, DILKA, KUFSIGA, JIRDILKA HAWEENKA KU JIRA XERYAHA BARAKACIYAASHA MUQDISHO.

2- DOWLADU WAA INEY MAGDHOW, RAALI GAREEN KA BIXISAA XADGUDUBYADAASI LOO GEYSTO BARAKACIYAASHA, WAANA INEY ILAALISO XUQUUQUL INSAANKA

3- DOWLADU WAA INEY KA HORTAGTAA KOOXAXA DHUL BOOBKA AH RABA DAD MASAAKIIN AH INEY DHULKOODA XOOG KU QAATAAN OO LOO SHARCIYEEYO, GOBOLKASTA WAXAA ISKA LEH DADKIISA  OO XAQNA U LEH INUU MAAMUSHO.

4- DADKA BARAKACAYAASHA AH EE KU JIRA XERYAHA MUQDISHO WAA IN DIB LOOGU CELIYAA GURYAHOODA SI AY U TACBADAAN BEERAHOODA , DOWLADUNA WAA INEY DADKAA SI KU TAAGEERTAA DIB U CELINTOODA.

5- DOWLADA WAXAA LAGU AMAANEY QEYB KA SIINTA TV-GA QARANKA AFKA MAAY-GA  LAAKIIN WAA INEY HOR MARISAA MA AHAN  QAABKA UU HADA KU SOCDO QAAB AAD LOOGU QANACSAN YAHAY.

6- BURCAD DHIULEEDKA WARKOODU LA ISKUMA WAALIN WAXA ALA YIRI” SEDLANGKOO ING BOOROW IIMAANGKAA SUGHOY MIKIING SUURTAWAASOO IIMAANGKAA SUGHOY, KELIYA WAXAA LOO RAACIYEY CAGTII JOOGSAN WEYSA MARBEY CEEB LA KULANTAA.

7- GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA & GUDIGII MAAMUL USAMEYNTA 6-DA GOBOL WAXAA LA ISKU RAACEY INEY HOWSHA DA DEJIYAAN, OO MAAMULKII SAMEEYAAN, JAALIYADAHA BANANAKANA WAXAA LOOGU BAAQEY INEY TAAGEERTO SHIRKA BAYDHABO

8- BAAQA JAALIYADAHA LOO JEEDIYEY AYAA WAXAA KU JIREY INEY TAAGEERAAN ISBITAALADA KOONFURTA SOOMAALIYA OO WAX LOO QABTO ISBITAALADA KU YAALO MAGAALOOYINKA, KISMAAYO, MARKO, BARAAWE, JILIB, SAAKOW, BAARDHEERE, LUUQ, DOOLOW, BAYDHABO, XUDUR, AFGOOYE, BUURHAKABA, DIINSOOR IYO GUUD AHAAN GOBOLADA ARLAADII.

Dhagayso:- Khudbadii Raisul Wasaare Saacid ee Magaalada Garbahaareey “Reer gedo hadii ay Jubbaland ku qanacsanyihiin…

Maarso 31, 2013

Raisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo Wafdi balaaran oo hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolkaasi Gedo, waxaana markii uu halkaasi gaaray kusoo dhaweeyay dadwayne Farabadan.

Saxaafadda ayuu la hadlay Raisul Wasaare Shirdoon Markii uu gaaray Garbahaareey Qaybta Hoose ka dhagayso

Riix Halkan si aad u dhagaysato

Ama ku dhagayso Mobile

Dhagaystayaasheena Sharafta leh waxaan ka cudur daaranaynaa Maqalka Codka oo aad u liita waxaanse idiin balan qaadaynaa inaan Saacadaha soo socda idiin soo gudbino Khudbada oo Nadiif ah.

Daawo Ajaanib Lagu Qabtay Iyagoo Lacago Ka Diraya Britain Oo U Diraya Alshabaab

Maarso 31, 2013

Maxkamad ku taala dalka Britain ayaa xukun ku riday dhalinyaro ajaanib ah oo lacago ka aruurinayay dadka iyagoo ku qaraabanaya inay sadaqo u aruurinayaan dad tabaalaysan balse u dirayay Alshabaab.

Wiilaashaan oo labo mataano ah ayaa lagu xukumay min 3 sano oo xarig ah kadib markii la ogaaday inay lacago u dirayeen walaalkood ka weyn oo tababar la qaata argagixisada Soomaaliya. Wilashaan ayaa ah 25 jirro waxaana laga duubay codkooda iyagoo walaalkood teleefan kala hadlaya.

Wilashaan ayaa dadka ka aruuriyay lacago ay sheegeen in la gaarsiinayo muslimiinta dunida ku dhibaataysan gaar ahaan kuwa u dhashay dalak Falastiin. Nimaanka dhalinyarada ah ayaa qirtay inay lacago u direen dalka Soomaaliya.

Walaalkood ka weyn oo 29 jir ah ayaa dalka Soomaaliya u safray sanadkii 2008- kii halkaas ayuuna ilaa hada ku suganyahay.

Codka la duubay ee fashiliyay nimaankaan arinkooda ayaa waxaa dubtood isla qoyskaas sababtoo ah waxay islahaayeen waa marki idin kugu dambeysay ee aad maqli doontaan wiilkiina Soomaaliya jooga codkiisa.

Maxaa ka jira in uu xiriir ka dhaxeeyo Ururada Al Shabaab iyo MRC?

Maarso 31, 2013

Sarkaal ka tirsan Dowladda Kenya ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inuu xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo Ururka Al Shabaab iyo Ururka isku magacaabay Golaha Jamhuuriga Mombassa ee MRC.

Madaxa Gobolka Xeebta ee Dowladda Kenya Samuel Kilele, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inuu xiriir ka dhaxeeyo labadaan dhinac, ayna iska kaashanayaan hujuumka ay ku hayaan sida uu sheegay Dowladda Kenya.

Samuel Kilele ayaa wuxuu sheegay inay muuqdaan calaamadooyin muujinaaya in labada dhinac uu ka dhaxeeyo iskaashi wanaagsan.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu labadaan garab uu ku eedeeyay inay qal qal iyo qasba ka geysanayaan Gobolka Xeebta ee dalka Kenya, ha yeeshee wuxuu ka digay inay sii socdaan.

Samuel Kilele ayaa wuxuu xusay in Magaalada Mombasa ee Xarunta Gobolka Xeebta lagu dilay ilaa 26 askari, oo ka mid ah Ciidamada ammaanka ee Dowladda Kenya, wuxuuna ku eedeeyay inay dilalkoodu geysatay MRC.

Dhanka kale Masuulkaan ayaa wuxuu labada dhinac uu muddo isbuuc ah uu u qabtay, inay isugu soo dhiibaan Dowladda, haddii kalana ay tallaabo adag ka qaadi doonaan, sida uu hadalka u dhigay.

Ururka MRC ayaa wuxuu yoolkoodu yahay sidii Gobolka Xeebta ay uga jari lahaayeen qeybaha kale ee dalka Kenya, iyadoo Dowladda Kenya ay dagaalo adag kula jirto Ururkaan.

Maarso 31, 2013

 

 

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayna ka mid yihiin Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Gaashaandhiga, xildhibaano iyo saraakiil kale ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyey boqolaal dadweyne ah kuwaasoo sitay sawirada Ra’iisal Wasaaraha, waxayna ku qeylinayeen soo dhowaada Jaallayaal, iyaga oo lulalayay caleemo qoyan.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa markii uu gaaray magaalada Garbahaarey waxa uu durbadiiba guda galay kulamo uu la qaadanayo maamulka gobolka, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada si uu ugu kuurgalo xaaladda dhabta ah ee degaanadan. 

Odayaasha dhaqanka magaalada ayaa Xukuumada ka codsaday in laga garab siiyo dhanka amniga, gaara ahaana sidii looga sifeyn lahaa kooxaha nabadiidka ah degaanada gobolka Gedo ee weli gacantooda ku jira. sidoo kale odayaasha ayaa Ra’iisal Wasaaraha u cadeeyay in aysan wax lug ah ku laheyn shirka Kismaayo ka socda, cid reer Gedo ahna aaney ka qeybgalin.

Odayaasha ayaa sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa u xaqiijiyay inay diyaar la yihiin inay ku wareejiyaan hantidii dawladda iyo xarumihii ay dawladdu laheyd, si loogu adeego bulshada.

Dhanka kale, Ra’iisal Wasaaraha iyo xubno ka tirsan wafdigiisa ayaa galabta soo booqday qabriga madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Marxuum Maxamed Siyaad Barre, waxayna halkaasi ku dul aqriyeen Iqlaas, iyaga oo u duceeyey.

Ugu dambeyntiina, Ra’iisal Wasaare Saacid ayaa ducada kadib, alle uga baryay inuu u dambi dhaafo “Wixii uu qabtay runtii waa wax muuqda, illaaheyna dembi dhaaf ayaan uga baryeynaa” ayuu yiri.














 

Dhacdooyinka Caalamka Kala Soco Aduun.com