Archive for Maajo, 2013

WAR DEG DEG—DAAWO VIDEO: Beesha Jejeele ee dega G/Hiraan oo Kalsoonidii kala laabatay Dowladda Federaalka

Maajo 31, 2013

WAAJIDPRESS – 31 May 2013:

 

 

War deg deg ah: Aqri 11 qodob oo Barre Hiiraale sheegay in ay yihiin heshiiska Kenya iyo Axmed Madoobe ee Kismaayo

Maajo 31, 2013

WAAJIDPRESS – 31 May 2013:

Col. Barre Hiiraale ayaa waxa uu soo ban-dhigay 11 qodob oo uu sheegay in ay yihiin heshiis ay wada gaareen Axmed Madoobe iyo dowlada Kenya ee gadaal ka riixeysa hamiga siyaasadeed ee uu ka leeyaay Jubooyinka.

Sida uu ku waramay Barre 11-ka qodob waxa ay yihiin kuwa inta badan ay diyaarisay dowlada Kenya Axmed madoobana uu ku qancay, hasa yeeshee ay yihiin kuwa shacabka Soomaaliyeed innaba hala ekaatee aan wanaag ugu jirin.

1) In isaga iyo Kenya ay isku raaceen in Kismaayo la raaciyo Dalka Kenya.

2) Waxa uu sheegay in Axmed Madoobe iyo Dowladda Kenya ay kala saxiixdeen in Biraha iyo qalabka Dekada Kismaayo loo raro Kenya.

3) Waxa ay ku heshiiyeen in Dhaqaalaha Dekada kasoo xaroodo ay Dowladda Kenya qaadaneyso 80%.

4) Waxa ay ku heshiiyeen in Saraakiisha iyo Ciiddamadda Raaskambooni lagu biiriyo kuwa Kenya.

5)In Taliyaha guud ee Ciiddamadda Jubbaland ay soo magacawdo Dowladda Kenya.

6) In Shacbiga Asal ahaan kasoo jeeda Kismaayo ay qaatan Sharcida Kenya, loona aqoonsado inay yihiin dhalat Kenyaatti ah.

7) Waxaa la kala saxiixday In Jubbaland aysan ka dhici dooni wax doorasho ah, isla markaana Madaxweynaha Rasmiga ah uu ahaan doono Axmed Madoobe.

8) In is-bedel waliba oo dhaca uu saameyn doono Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland iyo Xubnaha kale.

9) In Maamulka Jubbalan garabka Axmed Madoobe uu xili waliba u dhaga nuglaan doono Awaamirta Kenya.

10) In Shaqaalaha iyo Nabadsugida Garoonka Kismaayo uu noqon doono Ciiddamo laga soo xulay Kenya.

11) In Deegaanada Kismaayo laga saaro ama aan lagu arkin wax Ciiddamo ka tirsan Dowladda Somalia.

Sida ka muuqata 11-kaan qodob iyo hab-dhaqanka ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo iyo hogaamiyaha Jabhadda Raaskanbooni, Axmed Madoobe, waa kuwa is-waafaqaya si cadna u muujinaya in dhibaato weyn ay Soomaaliya halkaasi ka soo wajahday.

War deg deg ah: Wafdigii Dowlada ee ku sugnaa Kismaayo oo Muqdisho dib ugu soo laabtay iyo Waziirka Gaashaandhiga Fiqi oo Kismaayo ku soo haray si uu xal ugu helo mad-madowga.

Maajo 31, 2013

WAAJIDPRESS – 31 May 2013

Waxaa magaalada Muqdisho galabta kusoo laabtay wafdigii wasiirada, xildhibaanada iyo saraakiisha ciidamada ee ku sugnaa mudada kala duwan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Wafdiga ka socday dowlada federaalka Soomaaliya ayaa waxaa hogaaminayay wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya mudane Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi balse maanta waxaa hogaaminayay wasiirka warfaafinta, boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka,Cabdullahi Cilmooge, wasiirka Cadaaladda, awqaafta iyo arimaha diinta, Cabdullahi Ebyan Nuur iyo 7 xildhibaan.

Wasiirka gaashaandhiga ayaa kusoo haray magaalada Kismaayo ayada oo ay sidoo kalena kula suganyihiin halkaas xildhibaano dhowr ah sida uu sheegay wasiirka warfaafinta, boostada isgaarsiinta iyo gaadiidka.

Wasiirada ayaan wax war ah siinin warbaahinta markii ay soo gaareen magaalada Muqdisho ayada oo la filayo inay xili dambe la hadlaan saxaafada.

Wafdiga maanta dib ugusoo laabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo dhaweeyay wasiika Arrimaha Gudaha iyo Ammaanka Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Howlaha Guud iyo Gaadiidka Badda, Muxudiin Maxamed Kaalmoy, wasiir ku xigeen Warfaafinta C/Shakuur Cali Mire, wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga, C/raxmaan Dheere iyo saraakiil kale.

War deg deg ah: DHAGAYSO AHLU SUNNA: Axmed Madoobe Waa Shabaab, dowlada ha iska qabato

Maajo 31, 2013

WAAJIDPRESS – 31 May 2013:

Saraakiisha Maamulka Ahlusunna ee gobolka Gedo ayaa ka hadlay Maamulka Jubbaland ee dhawaan loogu dortay Madaxwaynaha Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

RIIX HALKAN SI AAD U DHAGAYSATO

Xogahayaha gaashaandhiga Ururka Ahlusunna Sheekh Isxaaq Mursal Geesdheere  ayaa sheegay in uusan Axmed Madoobe marna noqon karin Madaxwaynaha Jubbaland isla markaana uu yahay nin ay isku hadaf yihiin Kooxda Alshabab.

Eedeyntan katimid Sargaalkan Ahlu Sunna Waljamaaca katirsan ayaan ahayn mid ay warbaahinta cadeyn uhayso, maadaama Axmed Madoobe uu haatan yahay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland inkastoo ay jiraan rag kale oo iyagana sheegay inay madaxweyne yihin

Wasiirka arimaha gudaha oo sheegay in Maamulka Axmed Madoobe uu ka dhiganyahay cunug meher la’aan la dhalay.

Maajo 31, 2013

WAAJIDPRESS – 31 May 2013:

Cabdi Kariim Xuseen Guuleed, Wasiirka arimaha gudaha iyo amaanka qaranka Soomaaliya, ayaa waxa uu si layaab leh oo aan siyaasad lagula leexan uga hadlay arinta ku aadan maamulka Jubaland ee dhawaan Axmed Madoobe sheegtay in uu ka hir geliyay Kismaayo.

“Maamulada la dhisay inta ay jirto xukuumadaan ma aha kuwa dowladu aqoonsantahay. Waxa ay ka dhiganyihiin ilma sharci la’an dhashay. Dowladu marnaba ma aqoonsan doonto dhamaan wixii shaci darro ah”, wasiirka ayaa ku waramay mar wax laga weydiiyay sida ay dowladu u aragto maamulka Axmed Madoobe ee Kismaayo looga dhawaaqay.

Dadka sida aadka ah u falanqeeya hadalada qayaxan ee saxaafada laga baahiyo iyada oo koo si gaar ah loo bar-tilmaamedsanayo ayaa waxa ay iftiimanayaan in hadalka wasiirka ee ah in ilma sharci la’aan dhashay iyo maamul dad badani ku daaleen uu dhalin karo khilaaf hor leh.

Hadalka wasiirka ee ah in aysan jirin wax layiraahdo mamaul gobaled la dhisay intii ay jirtay dowlada Xassan Sheekh Maxammuud ayaa waxa uu imaanayaa iyada oo dhawaan Kismaayo looga dhawaaqay maamulka lamagac baxay Jubalanad ee Axmed Madoobe hogaamiyo inkasta oo shan maamul oo kale iyana isla magaaladaasi laga sameeyay.

Madaxweyne Siilaanyo Oo Sheegay Inaan La Qaadi Doonin Xayiraadda Ay Somaliland Saartay Diyaaradaha Qaramada Midoobay Illaa Heshiis La Gaadho.

Maajo 31, 2013

WAAJIDPRESS – 31 May 2013:

Hargeysa –  Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa cadeeyay inaanay Somaliland ka noqon doonin go’aanka ay xayiraadda ku saartay duulimaadyada hay’adaha Qaramada Midoobay ee iman jiray Somaliland.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa qoraal kooban oo uu 19 May, ku qoray barta uu ku leeyahay twitterka, wuxuu kaga hadlay go’aankaas Somaliland ee la xidhiidha hay’adda ICAO oo ku wareejinaysa hawada Somaliland iyo Somaliya, dawladda federaalka Somaliya. “Xayiraadda ay Somaliland saartay duulimaadyada Qaramada Midoobay, lama qaadi doono ilaa aanu heshiis ka gaadhno.” Sidaas ayuu Madaxweynuhu ku yidhi qoraalka kooban ee uu ku qoray bartiisa twitterka.

Waxa kale oo uu Madaxweyne Siilaanyo isla maalintaas Twitterka geliyay, farriin kooban oo uu u diray beesha Caalamka, “Bulshada caalamku waa inay fahantaa inaan rabitaanka iyo himilooyinka reer Somaliland la iska indho tiri karin.”

Go’aankan uu Madaxweyne Siilaanyo ku ladhay xayiraadii uu wasiirka duulista iyo hawada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, saaray duulimaadyada Qaramada Midoobay, ayaa u muuqda mid uu Madaxweyne Siilaanyo ku sii adkaynayo xayiraadaas, islamarkaana uu ku muujinayo inuu go’aankaasi yahay mid rasmi ah oo ay hirgelintiisu dawladda Somaliland ka go’antahay.

War deg deg ah; Warbixin: Barlamaanka Soomaaliya oo xoojiyay ololaha ay kaga soo horjeedaan ciidamada Kenya

Maajo 31, 2013

WAAJIDPRESS – 31 May 2013:

Xildhibaano DF Somalia ka tirsan ayaa Muqdisho ka wada olole ay codad badan ku raadsanayaan si uu u dhamaystirmo Kooramka Mooshin laga geeyay Ciidanka Kenya ee Kismayo jooga gudoonka Barlamanka.

Kenyan-Soldier_2103489b
Xildhibaan Mohamed Xasan Abdulaahi oo ka tirsan Barlamanka DF ayaa u sheegay warbaahinta inay taageero ka dhex baadi goobayaan golaha oo ku aadan sidii looga soo horjeesan lahaa Hawlaglka Kenya,waxaan uu raacicay inuu ku kalsoonyahay gudbitaanka mooshinkan.

Ciidamada Kenya ayaa 13 October,2011 gudaha u soo galay Somalia,waxana ka dib qayb ka noqdeen hawlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

Wargeyska Standard ee dalka Kenya ayaa sheegay in Mooshinkan ay dabada ka riixayaan rag uu ka mid yahay wasiiru dowlaha madaxtoyada Faarax Cabdiqaadir oo gacan wayn ka gaysta siyaasada Xasan Shiikh.

Arinta la yaabka ku tilmaamtay Standard ayna soo bandhigtay ayaa ahayd in raga Faarax ugu horeyo ay yihiin muwaadiniin degan Kenya islamarkaasina sita Passporka dalkaasi.

Gudoomiye ku xigeenka Barlamanka Somalia Jaylaani Abiikar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in mudanyaashu xaq u leeyihiin inay soo gudbiyaan mooshinka balse ay haboontahay inaan la kala saarin ciidamo inoo soo gurmaday.

Madaxweynaha DF Somalia ayaa dhowaan ku eedeeyay Ciidamada Kenya ee Kismayo ku sugan inay baalmareen hawlihii loo igmaday,waxana arintaasi beeniyay afhayeenka ciidanka Kenya Bogeta Ongeri.

Kenya ayaa gacan wayn ka geystay amaanka Jubooyinka iyo dhismaha maamulka Jubaland ,waxana la sheegay in DF ay ka soo horjeedo taageerada Kenya ee maamulka Axmed Madoobe hogaamiyo.

WAR DEG DEG AH: DAAWO: BEESHA GAALJECEL OO KALSOONIDII MAANTA KALA LAABATEY DOWLADA

Maajo 30, 2013

WAAJIDPRESS – 30 May 2013:

Halkaan hoose riix si aad u daawatid:

 

 

 

MOOSHINKA LAGU ERYAAYO D/KENYA EE HORMUUDKA KA YIHIIN XIL/ HAWIYE IYO MARIXAAN MAXAY TAHAY DANTA XIL/DIGIL IYO MIRIFLE

Maajo 30, 2013

WAAJIDPRESS – 30 May 2013:

Todobaadyadii la soo dhaafey xisadihii siyasadeed ee lasoo marey waxaa ugu weynaa markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku xadgudbey awood qaybsigii ku dhisneyd DFS, taasoo kulankii uu la yeeshey madaxweyne Xasan Shekh xildhibanada D&M uu kala kulmey waji gabax markii isagoo la hadlaya ka ka dareersadeen ku dhowaad 60 Xildhibaan oo D&M ah.

Dhacdadaasi oo ahayd markii ugu horeysey oo Xildhibanda D&M iyo xubnaha Wasirada ayku leyihiin DFS oo isku duuban isku fikirna ah
,taasoo Xildhibaano faraban oo danno kale leh tagereen aragtidii Xil/D&M kana keeneen mooshin ka dhan ah Raysulwasare Saacid Xil/kor u
dhafaya 110 xubnood.

Haddaan faahfaahin ka bixiyo danaha kale ee xildhibanada lasoo saftey D&M oo ahayeen Xildhibanada Darood oo aan ku jirin Marixaan wuxuuna qorshu ahaa sida ay shegeen dadkii ka hortagey moshinkaasi oo qorshaha uu ahaa mid ay ka danbeyso Dowlada Kenya iyo Norwey oo heshiis ku ah boobka badda ku aadan dhanka Kismanyo ayna moshinkaasi lacag ka badan 5milyan dollar loo diyaariyey si ay u helaan reysawasare danahooda ka
shaqeeya,kadibna Xasan sheekh 190 cod lagu rido loo raadsho.

Arimahan oo ilo xog ogaal ah kana ag dhow Xafiiska Madaxweyne Garguurte mar hore ka helney ayaa waxaa uu madaxweyne Xasan sheekh
waxaa danta ku qasabtey inuu Xil/D&M uu habeen seq dhexe la kulmo uuna u balan qaadey Lix jeggo oo aanu horey idinku soo gudbiney iyo gacan
qabsi raali gelin ah uu wada siiyey Xildhibanadii 57xubnood ahaa ee D&M,hortoodana ku balanqaadey in dowlada dib u habeyn ku sameyn doono
saamigoodana si xaq ah oo uu ayaga kala tashan doono u sameyn doono.

Hadaba waxaa maanta iyo Shaleyba barlamaanka DFS ka socda mooshin lagu eryaayo Dowlada Kenya waxaana hormuud ka ah kooxdii ka soo horjeedey Axmed madowe Tagerona u ahayd Bare Hiraale.

Ka dib markii aanu xildhibaano badan oo ka tirsan xubnaha D&M weydiiney ujeedada ka danbeysa erinta Kenya iyo aragtidooda waxaa ay
inta badan noo shegeen in aanay raali ka ahayn Moshinka laga keeney Dowlada Kenya ayna leeyihiin xildhibaano horey ay gacansaar ulahayeen
(waa kuwaan kor kusoo xusney)waanu is hortaagi doona ayuu warkooda u batey.

Isku soo wada duub haddii arinta lagu murmaayo asal ayba u tahay lahaanshaha iyo gacan ku hayta Jubada Hoose ,xildhibaanadii u doodi
lahaa ay noqdeen kuwa aan dhulkaasi waxba kulahayn kuwo GARABXIR ukala noqdey sow mahan ayaandarro u soo hoyatey dadweynihii lahaa dowlada dadbaa idinku jira.

Gudoomiyiii Laanta Hanti Wadaag ee Magaalada Jowhar oo caawa la dilay

Maajo 30, 2013

WAAJIDPRESS – 30 May 2013:

Allaha u naxariistee waxaa caawa Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, lagu dilay Gudoomiyihii Laanta Hanti Wadaag ee Magaalada Jowhar Xuseen C/laahi Cumar “Jicib”.

Rag hubeysan oo aanu si sax ah loo garaneyn tiradooda, ayaa waxay Gudoomiyaha ku toogteen oo ay ku dileen Suuqa Xaafada Hanti Wadaag, intii u dhaxeysay Maqribka iyo Cishaha.

Ragga dilka geystay ayaa isaga baxsaday goobta ay dilka ka geysteen, oo daqiiqado kadib lagu soo waramaayo inay soo gaareyn Ciidamada Dowladda ee Magaalada Jowhar ku sugan.

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in Ciidamada Dowladda ay hawlgalo ka sameeyeen aagga uu dilku ka dhacay, ha yeeshee uma aysan suura gelin inay gacanta ku soo dhigaan dambiile-yaashi dilka geystay.

Saraakiisha Dowladda ee Magaalada Jowhar ayaanu weli ka hadlin dilka loo geystay Xuseen C/laahi Cumar, oo la sheegay in dhawaan uun xilkaan loo soo magacaabay.

Shacabka reer Jowhar ayaa hadal haaya dilka qorsheysan ee caawa loo geystay Allaha u naxariistee Gudoomiyihii Laanta Hanti Wadaag ee Magaalada Jowhar.

Ciidamada Dowladda oo garab ka helaaya Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay dabayaaqadii bishii Febraayo ee sanadkaan, ay Magaalada Jowhar kala wareegeen Ururka Al Shabaab.