Archive for Juunyo, 2013

Dhageyso dowladda oo codsatay in Kenya laga saaro Jubooyinka

Juunyo 30, 2013

Dowladda Soomaaliya ayaa ay war kasoo saartay dagaalka mudada 3 maalin ka soconaya magaalada Kismaayo.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta C/shakuul Cali Mirre oo aqriyay war kasoo madaxda sare ee dowladda ayaa sheegay in si toos ay Kenya uga qeyb qaadatay dagaalka.

Waxa uu sheegay in dowladda ay codsaneyso in la badalo ciidamada Kenya oo uu sheegay in duqeysay magaalada ayna la safatay Axmed Madoobe.

RIIX HALKAN SI Aad UDHAGAYSATO GO’AANKA XUKUMADA SOOMAALIYA

Advertisements

DHAGAYSO Indha Cadde: Anaga dhamaanteen dhaawac ayaan nahay Xasan Daahir-na xoog ayaa loo qaatay

Juunyo 30, 2013

Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde ayaa shaaca ka qaaday in si xooga h loo qaatay Sh Xasan Daahir Aweys, waxaana uu tilmaamay in jirdil xooggan loo gaystay Madaxdii Maamulka Ximan iyo Xeeb, Xildhibaano, Waxgarad iyo xubno kale oo gaaraya ilaa 50.

RIIX HALKAN SI AAD UDHAGAYSATO HADALKA INDHA CADDE.

Indha Cadde ayaa sheegay in Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Taliyaha Nabad sugida ay bixiyeen amarka lagu jirdilay Ergadii iyo Xasan Daahir Aweys.

Dowlada ayuu sheegay in ay horey ubalan qaaday in ay magangaliyo siiso Xasan Daahir, hase ahaatee balantii looga baxay uuna ka cabsanayo in wadaadka iyo xubnaha la socday loo gacan geliyo gacan shisheeye.

War deg deg ah: Maamulka dowlada Somalia ee gobolka Gedo oo iclaamiyey dagaal ka dhan ah ciidamada Kenya

Juunyo 30, 2013

break news

Masuuliyinta maamulka dowlada Somalia ee gobolka Gedo ayaa ku dhowaaqay iney dagaal toos ah la galayaan ciidamada Kenya ee magaca AMISOM ku jooga qeybo ka mid ah gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Gudoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo saxaafada la hadlay isagoo jooga degmada Garbahaarey ayaa ciidamada Kenya ku eedeeyey ka qeyb qaateen dagaaladii maalmahan magaalada Kismaayo ka socday ayna la safteen xoogaga Axmed Madoobe.
 
“Ciidamada Kenya waaa cadow ku soo duulay Somalia oo doonaya iney gumeystaan, waxay xasuuq u geysteen shacabkii magaalada Kismaayo, madaafiic ayey ku garaaceen, waxayna toos ula safteen Axmed Madoobe oo Al-shabaab ah” ayuu intaa ku daray Kaliil.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa gudoomiyaha gobolka Gedo waxaa uu intaa ku daray in ciidamada Kenya inay kula dagaalamayaan meel kasta min Gedo illaa Jubooyinka ayna ka saari doonaan goboladaas oo dhan, wuxuuna dowlada Somalia ugu baaqay iney ka hadasho talaabada ay ku dhaqaaqday dowlada Kenya.

Ciidamada Axmed Madoobe ayaa dagaal socday muddo afar cisho ah ka dib ka saaray magaalada Kismaayo xoogagii la dagaalamayey ee Barre Hiiraale, iyadoo saraakiisha u dagaalameysa Barre Hiiraale ay ku eedeeyeen ciidamada Kenya iney la safteen ciidamada Axmed Madoobe

War HADDA soo dhacay: DHAGEYSO:Dagaalo Culus Oo Markale Ka Bilawday Kismaayo Iyo Bare Hiiraale Oo Beesha Caalamka U Sheegay In Kenya Ay Tahay…

Juunyo 30, 2013

Afhayeenka Barre Hiiraale Xasan Kaafi Warsame ayaa beesha caalamka ugu baaqay in ay wax ka qabato gabood falyo uu sheegay in ay ak dhaceen magaalada Kismaayo.

Afhayeenka ayaa sheegay in goobaha dadka rayidka ah sida uu hadalka u dhigay ay Kenya iyo Raaskaanbooni madaafiic ku garaaceen.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA BARE HIIRAALE

Dowladda Oo Xabsiga Dhigtay Argagixiso Xasan Daahir

Juunyo 30, 2013

 

xasan_dahir_aweysMuqdisho – )Argagixiso  Xasan Daahir Aweys oo xalay la keenay Muqdisho kadib markii laga soo duuliyay magaalada Cadaado ayaa ciidamada Nabadsugiddu xabsiga u taxaabeen.

Warka ayaa intaasi ku daraya in Xasan Daahir lala xiray horjoogayaal kale oo isaga la socday, mana jirto ilaa iyo hadda cid ka tirsan dowladda oo ka hadashay xarigga horjoogahaasi.

Argagixiso Xasan Daahir ayaa dhawaan naftiisa kala soo baxsaday maleeshiyaadka Shabaab ee uu ka tirsanaa,  wuxuuna isu soo dhiibay maamulka Ximan iyo Xeeb fiidnimadii xalay ayaana la soo gaarsiiyay Muqdisho.

Agagixiso Xasan Daahira ayaa ka soo baxdsaday  ninka ugu weyn argagixisada dalka soomaaliya ina Godane isla markaasna naftiisa ku door biday inay isu soo dhibaan dawlada federaalka ah ee soomaaliya,waxaana la sheegayaa inuu Xasan Daahir hadda ku xiran yahay Saldhig ciidamada sirdoonka dalka soomaaliya ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Ugu dmabeyntii ma jiraan cid ka tirsan Masuuliyiinta  dawlada federaalka ah oo ka hadashay xariga Xasan Daahir Aweys waxaana la aaminsan yahay in ciidamada sirdoonka dalka soomaali ay doonayaan inay waydiiyaan su,aalo la xiriiraha qorshihiis dambe iyo meesha ay jaan iyo cirib dhigeen kooxdii Alshabaab ugu weyneyd.

Deg Deg: Xukuumada Soomaaliya oo dalbatay in ciidamada Kenya ee jooga Jubbooyinka lagu bedelo ciidamo kala gedisan.

Juunyo 30, 2013

news1Xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay ka hadashay dagaaladii sadexdii maalin ee ugu dambeysay ka soconayay magaalada Kismayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose kuwaasoo ay dad badani ku dhinteen kuwo kalena ku bara kaceen.

Wasiir kuxigeenka wasaarada warfaafinta Cabdishakuur Cali Mire oo akhriyay wax saxaafadeed kasoo baxay xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in dagaaladii ka dhacayay Kismaayo ay ka qayb qaateen ciidamada Kenya ayaga oo madaafiic ku garaacay xaafado ay dad rayid ah deganaayeen sidoo kalena bur buriyay hanti badan.

Dhanka kale, wasiir kuxigeenku waxa uu sheegay inay ciidamada Kenya la safteen dhinac kamid ah dhinacyadii isku hayay talada magaalada Kismaayo ayaga oo sidoo kalena xirtay abaanduulihii ciidamada dowlada Soomaaliya meel ay la aadeena aan la ogeyn saldhigii ciidamada dowlada Soomaaliyana la bur buriyay ayada oo ciidankii dowlada qaarna la dilay kuwana la dhaawacay.

Sidoo kale wasiir ku xigeenku waxa uu sheegay in hanti dadweyne lagu boobay magaalada Kismaayo.

Hadaba xukuumada Soomaaliya waxa ay dalbatay in ciidamada Kenya lagu bedelo ciidamo isku dhaf ah oo ka socda dalal kale oo Afrikaan ah, in sidoo kale gudi xaqiiqo raadis ah loo diro magaalada Kismaayo, in midowga Afrika uu usoo magacaabo gobolada Jubbooyinka sarkaal dhanka siyaasada ah islamarkaasna aanu noqon sarkaalkaasi mid dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Kenya iyo inay ciidamada Kenya xoriyadiisa deg deg ugusoo celiso abaanduulihii ciidamada dowlada Soomaaliya ee gobolada Jubbooyinka saldhigiisiina lagusoo celiyo.

Hadaba hadalka kasoo baxay xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa cirka kusii shareerayo xurgufta u dhaxaysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya maadaama ay ciidamada Kenya si cad ula safteen hogaamiye kooxeedka lagu magacaabo Axmed Madoobe oo isku magacaabay dhawaan inuu madaxweyne ka yahay sadex gobol oo dadkii deganaa ee Soomaalida ahaa aanay raali ka ahayn balse ay Kenyaanku si xoog ah dadka ugu qasbayaan.

Dhagayso:-Kala Fadhigii Kowaad ee Barlamanka Soomaliya oo Maanta Xirmay iyo Madaxweyne Xasan oo Khudbad Dheer kajediyeey

Juunyo 30, 2013

Caasimadda Soomaliya ee Muqdisho Maanta Waxaa kusoo gaba gaboobay kala Fadhigii Baarlamanka Soomaliya iyadoo u Gudominayeey Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaliya Prof Jawaari.

 
Martida muhiimka aheyd ee maanta ka soo qeyb galay xiritaanka kalfadhiga koowaad oo ay kamid yihiin gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa muqdisho Maxamuud Axmed Nuur(tarsan),gudoomiyaha baarlamaanka Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi,gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug Xasan Maxamuud Heyl iyo wasiirka arrimaha diinta iyo dhaqanka dowlada Jabuuti mudane Aadan Xasan Aadan oo dhamaan khudbado ka jeediyay xiritaanka kalfadhiga labaad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay si isku mid ah u bogaadiyeen howlaha uu baarlamaanku u haayo shacabka soomaaliyeed.

 
Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheekh ayaa Khudbad Dheer kajediyeey Xiritaanka kala fadhiga Baramaanka Soomaliya.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheikh Mohamed Oo Soo Xiray fadhiga Baarlamaanka

Dhageyso:- Maamulka Jubaland oo Jawaab adag siiyay xukuumada R/wasaare Shirdoon Sheegayna ciidamada kenya in aanan la badali doonin

Juunyo 30, 2013

Maamulka Jubaland ayaa si kulul ugu jawaabay xumuumada Soomaaliya oo eedeyn dusha kaga dhacday ciidamada Kenya eek u sugan magaalada Kismaayo.

C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaan oo aan la xariirnay ayaa sheegay in ciidmada Kenya aysan ka qayb qaadan dagaalka Kismaayo sidoo kalana aysan ka baxaynin magaalada.

DHAGEYSO MADAXWEYNE KU XIGEENKA JUBALAND

DEG DEG: Sheekh Xasan Daahir Aweys oo soo gaaray Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho

Juunyo 29, 2013

Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo xubno kale ayaa waxay goor dhow soo gaareyn Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, kadib markii ay ka soo amba baxeyn Magaalada Cadaado.

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo muddo toddobaad kahor isaga soo goystay Ururka Al Shabaab, ayaa wuxuu gelinkii dambe ee maanta uu aqbalay in loo duuliyo Magaalada Muqdisho.

Diyaarada Xasan Daahir Aweys ka soo qaaday Magaalada Cadaado, ayaa waxaa kaloo la socda Ergayda Khamiistii soo gaartay Cadaado iyo sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Ximin & Xeeb.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in si weyn loo adkeeyay ammaanka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyadoo uu hakad ku yimid dhaq dhaqaaqii guud ee ka jiray Magaalada Muqdisho.

Kooxo Suxufiyiin ah ayaa waxay heegan ku yihiin Garoonka Aadan Cadde, iyadoo lagu soo waramaayo in la filaayo in uu shir jaraa’id uu ku qabto Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo dhinacyada kale ee la socda qaarkood.

Waa suurta gal in Sheekh Xasan Daahir Aweys uu ka biyo diido in uu ka soo muuqdo shirka jaraa’id, ee Wariye-yaasha loogu yeeray in loogu qabanaayo Garoonka Aadan Cadde, maadaama uu horeyba uga biyo diiday intii uu ku sugnaa Magaalada Cadaado.

Dowladda Somaliya ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay ka biyo diiday in Sheekh Xasan Daahir Aweys, uu diyaar gaar ah uu ka raaco Magaalada Cadaado, si ay u geyso dal seddexaad.

WAR DEG DEG AH: DHAGEYSO: XASAN DAAHIR AWEYS OO KU GACAN SEEREY ERGADII HABARGIDIR EE UGU TAGTEY CADAADO

Juunyo 28, 2013

WAAJIDPRESS – 29 JUN 2013:

Xili24 saac ee lasoo dhaafay Wada hadalo aan loo kalakicin  ay ka soconayeen Magaalada Cadaado eexarunta Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa wararkii ugu danbeeyay ee halkaasi ka imaanaya sheegayaan in ay guul daraysteen Wajigii koowaad ee Wada hadalkii u dhexeeyay Dowladda iyo Sheekh Xasan Daahir Aways.

HALKAN KA DHEGAYSO COD 

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Ximan iyo Xeeb, Cabdi Maxamed Axmed ayaa sheegay in haddii uu ku adkeysto in Xasan uusan raacin wafdiga dowladda u soo dirtay aysan u oggolaaneyn in uu ku sii sugnaado magaalada Cadaado.

Isagoo lahadlayay saxaafada ayaa Madaxweyne ku xigeenka wuxuu xusay in go’aanka Xasan Daahir uu ku adkeysanayo go’aankiisa, balse weli ay socdaan wahadallada la doonayo in lagu qanciyo in la geeyo magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka maamulka Ximan iyo Xeeb, Cabdi Maxamed Axmed ayaa sheegay in haddii uu ku adkeysto in Xasan uusan raacin wafdiga dowladda u soo dirtay aysan u oggolaaneyn in uu ku sii sugnaado magaalada Cadaado.

Lama sheegin sabab cad oo uu hor-joogaha u diiday in la geeyo magaalada Muqdisho, Balse wararka qaar ayaa sheegaya Xasan inuu danayo inuu la dagaalamo Kooxihii Al-shabaab ee ay horay iskugu soo dhaceen

Magaalada Cadaado ayaa waxaa kusugan XIldhibaano iyo siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda beesha Habar-gidir oo uu ka dhashay Xasan Daahir oo haatan ah oday waayeel ah.