Archive for Luulyo, 2013

War CULUS: DHAGEYSO: BEESHA WACDAAN ABGAAL OO LA SAFATEY DIGIL IYO MIRIFLE IYO BIIMAAL KUNA BAAQDEY DAGAAL LAGU QAADO HABARGIDIR XOOGA KU JOOGTA SHABEELAHA HOOSE:

Luulyo 31, 2013

WAAJIDPRESS – 31 Jul 2013:

nabadon axmed daqare iyo ugaas warsame

 

Advertisements

War deg deg ah: Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan oo goor dhow la dilay

Luulyo 31, 2013

WAAJIDPRESS – 31 Jul 2013:

Allaha u naxariistee waxaa goor dhow la dilay Afhayeenkii Odayaasha Golaha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan Xuseen Cilmi Ibraahim, xilli dadka ay u fadhiyeen afurkii Maqribnimo.

Afhayeenka ayaa waxaa lagu dilay Xaafadda Hawl Wadaag ee Magaalada Baladweyne, waxaana dishay niman bistoolado ku hubeysnaa, oo aan la garaneyn cidda ay ka tirsan yihiin.

Raggaan ayaa waxay rasaas ku boobeen marxuumka, taasoo kama dambeys sababtay inuu u geeriyoodo rasaastii ay huwiyeen, waxayna dilka kadib ay ka baxsadeen Xaafadda Hawl Wadaag.

Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan, ayaa waxay ku bexeen dhacdadaasi, waxayna xilligaan ay hawlgalo ka wadaan goobta lagu dilay marxuumka.

Dilka Xuseen Cilmi Ibraahim ayaa wuxuu saameyn weyn ku yeeshay Xaafadda Hawl Wadaag, isla-markaana dadka xaafadaasi ku dhaqan ayaa waxaa saameyn ku yeeshay hawlgalo ka soconaayo.

Ilaa iyo iminka majiraan wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Hiiraan, oo ku aadan dilka qorsheysan ee lagu qaarajiyay Afhayeenkii Odayaasha Golaha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan.

FASHIL:- Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Somalia oo laga soo sheegay Arrin la yaab ku noqotay Xukuumadda Somalia. (Akhriso)

Luulyo 31, 2013

WAAJIDPRESS – 31 Jul 2013:

fashil wasiirkaFaarax Sheikh C/qaadir oo ah Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Somalia, ayaa waxaa lagu soo waramaaya inuu ku dhaqaaqay Arrin lama filaan ku noqotay Xukuumadda Somalia.

Illo-wareedyo ku dhow dhow Faarax Sheikh C/qaadir, ayaa Shabakadda WAAJIDPRESS u xaqiijiyay in Faarax uu ku biiray Ganacsatada Dhuxusha sida sharci darada ah uga dhoofiyo Kismaayo.

Faarax oo ka tirsan Xukuumadda Somalia oo iyadu mamnuucday, ayaa waxa uu muddo laga joogo Bilk u biiray Ganacsato Dhuxulaha ka dhoofiyo Kismaayo, isagoona meel cad uga dhacay Go’aankii QM iyo Xukuumadda Somalia ay ku joojisay Dhoofinta Dhuxusha ee sida sharci darada looga raro Kismaayo.

Faarax Sheikh C/qaadir, waxa uu Saaxiib dhow la yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia, haddana waxa uu si hoose uga shaqeystaa Howlaha ay mamnuucday Xukuumadda Xassan Sheikh Maxamuud, isaga oo aan ka qajileynin Khilaafka uu khilaafayo Xukuumadda.

Faarax ayaa waxa ay dhoofinta Dhuxusha uga soo hooyataa Dhaqaale xoogan, isagoona la sheegay in Dhaqaalahaasi uu ugu deeqo Beesha uu isaga ka soo jeedo halka inta kalane uu ka buuxsado Bankiga.

Ma cadda sida ay Xukuumadda Somalia ka yeeli doonto Faarax C/qaadi wallow inta badan Siyaasiyiinta Dalka ay Xukuumadda ku dhaliilaan in Faarax C/qaadir uu yahay Maskaxda Madaxweyne Xassan Sheikh taasina ay usuura galineyso inuu ku kaco wax waliba oo qilaafi kara Xukuumadda.

War deg deg ah: GUDDOOMIYE KU XIGEENKA DEGMADA BAYDHABO DHALA DHEERE OO GEERIYOODEY

Luulyo 31, 2013

WAAJIDPRESS – 31 Jul 2013:

Allaha unaxriistee waxaa saaka magaalada Muqdisho ku geeriyoodey Guddoomiye ku xigeenka degmada Baydhabo ee gobolka Baay Maxamed Macallin (Dhala-dheere) oo ciidamada dowladu ay kusoo dhaawaceen Baydhabo 17/bishaan .

Marxuumkaan Geeriyoodey ayaa wuxuu udhintay Dhaawac kasoo gaarey Qeybaha hoose ee jirka kaasoo ay u geysteen Ciidan ka tirsan dowlada soomaliya oo ku buuqsanaa dhulkii suuqa xoolajha Baydhabo oo ka socotay Mashaariic Dhismo ah xiligaasi.

Dhala Dheere Allaha U Naxriistee asaga oow ato ciidamo ilaaladiisa ah ayaa wuxuu tagay Goobta dhismaha Dhulka ka socotay oo ciidamo dowlada Ka Tirsan qaarkood meesha isku heystey, isla markii uu tagey Marxuumkaan hada geeriyoodey iyo istaafkiisa ayaa waxaa durbaba la is weedaarsadey Tacshiirad ilaaladiisa iyo ciidankii meeshaasi joogey.
 
 waxaa isla goobtii ku ruux baxay mid kamid ahaa ilaaladii Dhala dheere ayadoo Mas’uulkaasina dhawaca halis ah soo gaarey kaasoo isla maalintiiba loola soo cararey Isbitaalada Magaalada Muqdisho si rasaastii oo ka haleeshey qeybaga hoose ee jirka banaanka looga soo saaro,
 
Daaweyn badan iyo la tacaalid caafimaadkiisa ka sokow waxaa timid tii Rabbi saaka waxaana ku geeriyoodey isbitaalkii uu ku jirey markuumkaan ” Inaa Li Laah Wa Inaa Ilaahi Raajicuun”

War deg deg ah: Dhageyso Ugaaska Beesha Biyomaal: Dowladda dhanka kale ayey nooga xaglisay

Luulyo 31, 2013

WAAJIDPRESS – 31 Jul 2013:

Dhageyso Ugaaska Beesha Biyomaal: Dowladda dhanka kale ayey nooga xaglisay

Hoos Riix:-

Ugaas axmed ugaas xuseen

 

War deg deg ah: Isku Shaandheyn lagu sameeyay Saraakiil Police-ka kamid ah iyo General Cabdullaahi Xasan Bariise oo CID-da laga qaaday looba bedelay hogaanka Saadka

Luulyo 31, 2013

WAAJIDPRESS – 31 Jul 2013:

Sida ku cad wareegto ka soo baxday xafiiska taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen Cabdixakiin Daahir (Saacid) waxaa laga qaaday xilkii uu hayay General Cabdullaahi Bariise ee ahaa taliyaha hoggaanka baarista dambiyada CID xilkaasoo uu hayay muddo ka badan 2 sanno waxaana u magacaabay taliyihii hore ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen Shariif Sheekhuna Maye (OO ka soo jeeda TUNI – DIGIL IYO MIRIFLE).

Waxaa sidoo kale General Cabdullaahi Xasan Bariise horey looga qaaday Xilkii Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed iyadoona Xilkaasi loo magacaabay Sargaal kale oo katirsan Ciidanka Booliiska.

Gen Bariise oo laga qaaday labada xil ee muhiimka ah ayaa hada waxaa loo magacaabay madaxa hoggaanka saadka ee Ciidanka Booliiska, sidoo kale taliyhii akadeemiyada Ciidanka Booliiska ee General Kaahiye S/Guuto Dhega caleen ayaa isna laga qaaday akadeemiyada waxaana loo dhiibay hoggaan lagu magacaabo hoggaanka kormeera.

War deg deg ah: Afar hablooad oo walaalo ah oo isku meel lagu dilay qaar kalena la dhaawacay

Luulyo 31, 2013

WAAJIDPRESS – 31 Jul 2013:

Sida ay baahisay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho deegaan ka tirsan Gobalka Mudug ayaa waxaa lagu dilay afar hablood oo kasoo wada jeeda hal qoys halka qaar kalena la dhaawacay.

Deegaanka falkaan uu ka dhacay ayaa waxaa lagu sheegay inuu ka tirsan Gobalka Mudug laguna magacaabo qeydaro halkaasi oo horay ay uga dhaceen dagaal beeleedyo khasaaro kala duwan geestay.

Maleeshiyo hubaysan oo aan la aqoon rasmi ahaan cida ay ka tirsan yihiin ayaa waxa ay dileen afar hablood halka sidoo kale ay dhaawac ugeesteen saddex kale oo dhamaantood kasoo wada jeeda hal qoys,falkaan wuxuu dhacay xilli dadkan ay isku meel jiifeen xalay saqdii dhexe.

Arintan ayaa la xiriirta arimo qabiil,iyadoo maleeshiyada arxan laawayaasha ee dilkaasi geestay ay durba meesha ka baxsadeen markii ay dileen hablaha halka kuwa kalena ay dhaawaceen.

Qaabka ay udileen hablaha ayaa lagu sheegay in rasaas ay ooda kaga qaadeen xilli ay hurdeen aqalka dhexdiisa,taasi oo keentay in afar hablood ay geeriyoodaan halka saddexda kalena ay dhaawacmaan.

Horay ayaa deegaanka Qaydaro waxaa uga dhacay dagaal beeleed udhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo deegaankaasi wada daga,taasi oo ay dadka badi sheegayaan inay laxiriirto amuurtaas.

Hooyada dhashay reerkaan ayaa ka maqneyd xilliga falkan naxdinta badan uu dhacaye,halka aabaha reerkana uu horay ugeeriyooday.

DAAWO: WASIIRKA GAASHAANDHIGA OO SHEEGEY GUDOOMIYEYAASHA AY ISBAARO U TAALO SHABELAHA HOOSE WAXAYNA HOOS YIMAADAAN WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA

Luulyo 30, 2013

WAAJIDPRESS – 30 Jul 2013:

C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa waxaa wax laga waydiiyey  dagaalo xoogan oo ka dhacay deegaano ka tirsan shabeelaha hoose iyo arimo kale oo Xasasi ah kuwaasi oo la Xidhiidha Guud ahaanba Dalka.

Wasiirka Ayaa Sheegay in Dagaalada Shabeelada Hoose Ay Ka Dhasheen Isbaarooyin ay Dhigteen Maamulka Gobolkaasi.

WASIIR FIQI

DAAWO MAANTA WARSAXAAFADEED: ODAYAASHA DIGIL IYO MIRIFLE IYO BIIMAAL OO MAANTA HADALO KULUL KA SOO SAAREY DAGAALADA GOBOLKA SHABEELAHA HOOSE.

Luulyo 30, 2013

WAAJIDPRESS – 30 Jul 2013:

Daawo:- Odey dhaqameedyada BEELAHA DIGIL IYO MIRIFLE IYO BIIMAAL EE Gobolka shabeelaha hoose oo ka hadley dagaalada ka taagan Gobolka:

 

odey dhaqameed shOdey dhaqameedyada kasoo jeeda gobolka shabeelah hoose ayaa dowalada ugu baaqey ineysan ka qeyb qaadan dagaal;ada ka socda gobolka.

Ciidamo ka tirsan dowlada aya ala sheegayey in ey ka qeyb qaateen dagaalada ka socda gobolka kuwaas oo la sheegey in ey la safteen qaba’iladii ey ka dhasheen.

Nala Daawada.

 


DHAGEYSO: XILDHIBAANO UU KU JIRO XAABSADE UNA BADAN DIGIL IYO MIRIFLE AY SU’AALO MAANTA KU WEYDIIYEEN GOLAHA BAARLAMAANKA WASIIRKA GAASHAANDHIGA MR. FIQI

Luulyo 30, 2013

WAAJIDPRESS – 30 Jul 2013:

Wasiirka Difaaca Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa maanta hor tagay Xubnaha baarlamanka Federaalka Soomaaliya waxaana su’aalo laga waydiiyay arimaha Ciidamadda gaar ahaan dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee ka dhacay gobolka Shabelaha Hoose.

C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo Su’aalo laga waydiiyay dagaalkii dhawaan ka dhacay gobolkaasi oo lagu eedeeyay Ciidamadda dowladda gaar ahaan kuwa Milletariga inay qayb ka qaateen, wuxuuna gabi ahaanba beeniyay in Ciidamo ka tirsan  dowladda Soomaaliya ku lug lahaayeen dagaaladaasi.

Wasiirka ayaa sheegay in rag labisan direeska Ciidanka ay dhibaatooyin ka gaysteen gobolka Shabellaha Hoose isagoona xusay dadkaasi inaysan ka tirsanayn ciidanka dowladda, balse ay yihiin dad doonaya inay magaca ka xumeeyaan Ciidamadda Xogga dalka.

Sidoo kale Wasiirka ayaa eedayn kulul dusha uga tuuray Guddoomiyaha gobolka Shabellaha Hoose iyo kan degmada Marka, waxaana uu ku eedeeyay falal ammaan xumo ee gobolkaasi ka jira qayb inay ka yihiin, isagoona geesta kale sheegay isbaarroyin inay dhigteen gobolka.

Halkan Riix Si Aad U Dhagaysato