Archive for Oktoobar, 2013

DAAWO: PROF. JAWAARI IYO SHARIIF XASSAN OO MAANTA KA QEYBGALAY AASKA XILDHIBAAN CUMAR ISLOW EE MUQDISHO

Oktoobar 31, 2013

WAAJIDPRESS – 31 Oct 2013:

imageimageimage

War Deg Deg Ah Duqeyn Culus oo ku socota Garoonka Diyaaradaha Kismaayo xili uu halkaasi joogo Madaxweynaha Soomaaliya

Oktoobar 31, 2013

WAAJIDPRESS – 31 Oct 2013:

Wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in goordhaw Duqeyn culus lagu garaacay garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo xili goordhaw ay halkaasi ka dagatay diyaarad qaas ah oo waday Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xubno lasocday.

Wararka ayaa sheegaya in Duqeyn loo maleenayo in ay geesanayaan Dagaalyahanada Al-Shabaab ay iminka ku dhaceyso qeybo kamid ah Garoonka Diyaaradaha Kismaayo iyo banaankiisa.

Ciidamada Huwanta ah ee kusugan Garoonka ayaa iyaguna dhankooda ridayaya Madaafiic iyo rasaas ay ugu jawaabayaan Kooxda Al-Shabaab oo loo maleenayo in iyagu ka dambeyso duqeynta.

Madaxweynaha iyo Wafdiga lasocda ayaa lasoo sheegayaa in xiligan kusugan yihiin garoonka Diyaaradaha Kismaayo , lamana oga wax qasaaro ah oo ka dhashay Duqeynta lagu soo garaacay Garoonka Diyaaradaha Kismaayo.

Dadweyne aad u fara badan iyo Masuuliyiin ayaa sidoo kale kusugan Garoonka kuwaa oo halkaasi u tagay soo dhaweynta Madaxweynaha iyo Wafdiga lasocda .

WAR DEG DEG: Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Magaalada Kismaayo

Oktoobar 31, 2013

WAAJIDPRESS – 31 Oct 2013:

Madaxweynaha iyo wefdigiisa oo ka soo amba baxay Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa si nabdoon ku soo gaaray Magaalada Kismaayo.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Kmg ah ee Jubba, Saraakiisha Ciidanka ee Jubba, Amisom iyo kuwa Dowladda Soomaaliya, ayaa waxay si diiran u soo dhaweeyeen Madaxweynaha iyo wefdigiisa.

Ciidan gaar ah oo ka tirsan Maamulka Jubba, oo horey Garoonka Kismaayo loogu sii diyaariyay, ayaa waxay Madaxweynaha Soomaaliya ka qaateen salaam sharaf.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo xubnaha kale ee la socdo, ayaa waxay ku sugan yihiin Garoonka Kismaayo, mana cadda in gudaha Magaalada loo galbin doono iyo in kale.

Laakiin Ciidan fara badan, ayaa waxaa lagu soo daadiyay inta u dhaxeyso Garoonka iyo gudaha Magaalada, waxayna dadku lee yihiin waxaa loo galbin doonaa Madaxtooyada Kismaayo, inkastoo aynaan jirin cid si rasmi ah u xaqiijisay.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ahna Amniga Qaranka ee Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa kamid ah wefdiga Madaxweynaha ku wehlineysa, socdaalkiisaan Kismaayo.

Kuxigeenka Nicolas Key oo lasoo magacaabay

Oktoobar 31, 2013

WAAJIDPRESS – 31 Oct 2013:

Afhyaenka xog hayaha guud ee Qm Martin Nasariki ayaa shegay in Ban Ki Mun uu soo magacaabay ku xigeenka wakilkiisa gaarka ah ee arimaha Somalia u qaabilsan oo lagu magacabo fatxiya saruur oo kasoo jeeda wadanka al-jeriya waxana ay badalaysa beter di kelerik oo kasoo jeda wadanka Holand.

Afayenka ayaa sheegay in fatxiya ay horey uga soo shaqeesay hay,ad dhanka dhaqaalaha iyo hor marinta qabailsan.
Waxana ay lasoo shaqeesay ergada qm ee ka howlgala wadanka afgaanistan.

Fatxiya saruur oo looso magacabay ku xigeenka wakiilka qm arimaha Somalia inay noqoto ayaa waxa ay heesata darajada dektoorada.

Alfa Group oo tagay Kismaayo & Madaxweyne Xasan oo ku wajahan….

Oktoobar 30, 2013

WAAJIDPRESS – 30 Oct 2013:

Kismaayo –

MADAXWEYNE XASSAN HADII UU TAGO MAGAALADA XOOGA LAGU HEYSTO EE KISMAAYO WAXA UU DHUMIN DOONAA KALSOONIDA BEESHA DIGIL IYO MIRIFLE IYO SOOMAALIDA KALE.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in halkaas galabta ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa gaashan ama Alpha Group oo ah ciidamo si gaar ah u tabbabaran.

Wariye ku sugan Kismaayo oo la hadlay Shabakadda WAAJIDPRESS , ayaa sheegay in ciidankan galabta markii ay gaareen magaalada in halkaas lago soo dhaweeyay, waxaana la arkayay iyagoo saaran baabuurta dagaalka ee ciidamada AMISOM iyo kuwa maamulka Jubba.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana caawa magaalada lagu arkayaa ciidamo badan, dadka magaalada ayaa goorhore guryahooda ku xarooday.

Ciidamada maanta gaaray Kismaayo ayaa tiradooda lagu sheegay 150-askari, kuwaasoo si gaar ah u tabbabarran.

Kooxda Al-Shabaab ayaa habeenkii soo weerarta garoonka Kismaayo, waxaana xilliyada qaar magaalada dhexdeeda ka sameeyaan qaraxyo waa weyn oo dad ay ku dhintaan ama ku dhaawacmaan.

DAAWO: SIDA SOOMAALIDA ADUUNKA KU NOOL AY U TAAGEERSAN YIHIIN MAAMUL LIXDA GOBOL EE KOONFUR SOOMAALIYA

Oktoobar 30, 2013

WAAJIDPRESS – 30 Oct 2013:

JAALIYADA KU NOOL LONDON:

JAALIYADA SACUUDI CARABIYA:

JAALIYADA KOONFUR GALBEED EE KU NOOL UK:

JAALIYADA UK EE MANCHESTER CITY:

JAALIYADA KU NOOL HOLAND EE YURUB:

DHAGAYSO WAR DEG DEG AH:Tarsan Oo Xilkiisa wayey Lagana Qadayo Iyo Cumar Yariisow Oo loo magacab…

Oktoobar 30, 2013

WAAJIDPRESS – 30 Oct 2013:

  • Saddex xubnood oo ka soo jeeda Beesha Wacbuudhan Abgaal ayaa ugu cad cad qabashada xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho, kadib markii dhowaan uu Madaxweynaha u balan qaaday beeshaas inuu siinayo xilkaas.

    Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in saddexdan xubnood ay ilaa iyo hada yihiin kuwo u taagan xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho, iyadoo xubnahan liisaskooda ay gudbiyeen beelahooda.

    HALKANI RIIX DHAGAYSO

     

War deg deg ah: Belgium-ka oo maanta maxkamad saaraya Tiiceey iyo Afweyne

Oktoobar 30, 2013

WAAJIDPRESS – 30 Oct 2013:

Dalka Belgium-ka maanta oo Arbaco ah 30-Bisha October waxaa maxkamad lasoo taagayaa Hogaamiye hore ooo ka tirsanaan jiray Burcad badeeda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xasan Afweyne iyo Madaxweynihii hore ee maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Cabdulaahi Aadan Tiiceey.

Labadaan ruux ayaa Dowladda Belgium dabin udhigtay,kadib markii loo sheegay inay kaqeybqaadanayaan sameynta filim looga hadlayo Burcad badeeda Soomaalida, kadibna markii ay dalkaasi tageen xabsiga loo dhaadhiciyay.

Dowladda Belgium ayaa Maxamed Cabdi Xasan Afweyne ku haysata inuu qeyb ka ahaa Burcad badeed sanadkii 2009 Afduub kula dhaqaaqay markab laga leeyahay dalka Belgium.

Sida uu horay usheegay safiirka Midowga Yurub ufadhiya Dowladda Soomaaliya Dr Cali Fiqi maanta ayaa labadaan ruux maxkamada lasoo taagayaa, iyadoo ay jiraan qareeno udoodaya.

Qaar kamid ah ehelada labada ruux ayaa ku sugan dalka Belgium-ka iyaga oo si dhaw ula socda xaaladaha Afweyne iyo Tiiceey, oo Dowladda Belgium-ka uxiran.

Maxamed Cabdi Xasan Afweyne ayaa sanadkaan gudihiisa ku dhawaaqay inuu ka baxay Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida, wixi xiligaasi ka dambeeyay wuxuu ahaa ruux ganacsade ah sida masuuliyiin ay sheegeen.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay xariga Tiiceey iyo Afweyne ayaa waxa ay ku tilmaamay mid aad looga xumaado, maadaama Afweyne uu horay usheegay inuu ka baxay Burcad badeeda Soomaalida.

DAAWO: HEES CUSUB OO LA YIRAAH “DIGIL II MIRIFLOOW”

Oktoobar 30, 2013

WAAJIDPRESS – 30 Oct 2013:

DAAWO: HEESTII CALANKA CUSUB EE LOO DIYAARIYEY MAAMULKA LIXDA GOBOL EE MARDHOW LAGU DHAWAAQI DOONO

Oktoobar 30, 2013