Archive for Diseembar, 2013

WAR CULUS: DHAGEYSO : MALAAQA REER MATAAN OO YIRI TARSAN IYO XASSAN SHEEKH WAA U DHAMAATEY

Diseembar 31, 2013

WAAJIDPRESS – 31 Dec 2013:

Advertisements

DHAGEYSO: Gudoomiyaha Barlamanka oo amray inaan wax lacago ah laga saarin Bankiga Dhexe (Dhageyso)

Diseembar 31, 2013

WAAJIDPRESS – 31 Dec 2013:

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federalka ee Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa wuxuu maanta amray inaan wax lacago ah laga bixin karin Bankiga Dhexe ee Somaliya, ilaa iyo inta uu Baarlamaanka laga horkeenaayo Warbixin ku aadan Miisaaniyad Kmg ah, oo maanta lahor keenay.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta kulan adag ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka, ayaa waxay Guddoonka sare ee Baarlamaanka ay ka dalbadeen, in fadhiga maanta waxyaabaha looga hadlaayo lagu daro miisaaniyada, ay ku shaqeyneyso Dowladda sanad beri dhalanaaya.

Wasiirka Maaliyada Maxamuud Xasan Suleymaan, oo maanta looga yeeray Baarlamaanka, ayaa wuxuu horkeenay Misaaniyad Kmg ah, oo lagu hawlgalaayo 3-da bilood ee foodda inagu soo heysa.

Prof. Jawaari, ayaa amray in maanta iyo caawaba uu Wasiirka wada shaqayn iskaashi ah uu la yeesho Guddiga Maaliyada ee Baarlamaanka, ayna Arbacada berito ah Baarlamaanka horkeenaan Warbixin dhameystiran, oo ku aadan Miisaaniyada kmg ah.

War deg deg ah: ETHIOPIA OO CAABA BAYDHABO AMAANKEEDA LA WAREEGTEY

Diseembar 31, 2013

WAAJIDPRESS – 31 Dec 2013:

waxaa gabal dhacii caawa magaalada baydhabo soo buuxa dhaafiyey ciidanka militiriga dowlada Ethiopia oo dhawaalahanba ay joogeen degmada berdaale ee gobolka baay.
waxay fariisamo ka sameysteen dhamaan duleedyada magaalada Baydhabo sida Airpor-ka, Warshadii Lawyer Xassey, Ali Axmaar, Bukriyey iyo meelo kale oo magaalada kamid ah

Filo Sawiro & Muuqaal Ku Saabsan Soo galitaanka Ciidanka Ethiopia Caawa Baydhabo

(Warbixin) Maxaa La Gudboon Dhulbahante, Mar Haddii Majeerteen Sideedii U Soo Celiyeen Xubnihii La Dayriyey

Diseembar 31, 2013

WAAJIDPRESS – 31 Dec 2013:

Waxaa shalay lagu dhawaaqay 66 xubnood oo lagu tilmaamay xildhibaanada Maamul Goboleedka Puntland, waxaana maanta warbaahinta beesha Majeerteen ka muuqtay murashaxiin badan oo u hanbalyeynaya golaha cusub ee la sheegay in la soo xulay.

Xubnaha lagu tilmaamay in ay yihiin kuwa ka soo jeeda Sool, sanaag iyo Cayn ayaa intooda badani waxay yihiin kuwii hore ugu jiray Maxjarka , waxaana dhamaantood saxeexay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo Boqor Cabdilaahi Dabagooye, oo iyagu madax dhaqeedyo dhulbahanta ah, Garaad Saleebaan oo hore ugu dhaartay magaalada Taleex sheegayna in uu daacad u yahay ayaa sida muuqata baal maray dhaartaasi, Boqor Cabdilaahi Dabagooye ayaa isagu markasta ahaa nin aad ugu xagliya dhinaca Magaca Hartiga isaga oo in badan ku celcelin jiray in Puntland aan laga maarmi karin.

Sida muuqata beesha Majeerteen waxay iska indha tirtay rabitaanka shacabka Dhulbahante iyo madax dhaqeemaadka intooda badan marka laga reebo labadaasi madax dhaqameed, waxayna beesha Majeerteen dhamaantood shacab iyo madax dhaqameedka go’aanku gaadheen in ay dantoodu halka ay ugu badaniyaso ay u jan jeedhsamaan, taas oo muujinaysa in beesha Majeerteen gaar ahaa Maxamuud Saleebaan in ay barwaaqada ay heleen aanay doonayn in laga kala dhantaalo, taas oo ah maamul ay iyaga kaliya madax ka yihiin inta kale Harti Gaagaabkuna ku taageeraan. Dhulbahantaha ayaa arrintani laba raad ku yeelan kartaa.

1. In ay u sii cadaato Damac Meejeerteen ee aan xuduudka lahayn, sidii Habartii la yidhi 12 mudac mid kala bax inta kalena iskaga tag ee dhamaan mudacyadii wada xaabsatay kii ugu liidatayna tidhi waa inaga dhaxeeyaa, taas oo macnaheedu yahay in damac Majeerteen xadka dhaafay oo ay iyaga Puntland iyo Soomaaliba doonayaan in ay u rahmanaato, waxay cid uga ogol yihiina aysan jirin.

2. In Dhulbahantaha Xalaashaha ay ku sii adkaystaan sidii ay maamulkooda Khaatumo dhidibada ugu adkayn lahaayeen isla markaana ay midnimadooda uga shaqayn lahaayeen oo aanay wax raad ah ku yeelan kuwa maanta mar kale ku noqday golihii loogu adeegayey beesha Majeerteen guud ahaan , gaar ahaana Maxamuud Saleebaan oo dhamaan ragga u sharaxan xilka madaxweynaha ay yihiin Maxamuud Saleebaan, madaxweyne ku xigeenkana ku magaca Dhulbahante ka sheegta hankana duunyada ka la wadaaga.

Dhulbahante maanta waxaa la gudboon mar haday arkeen in aan la qadarin madaxdhaqameedka iyo rabitaanka shacabka in ay halgankooda ay deegaankooda ku soo ceshanayaan laban laabaan, ragga Garoowe Maxjarka lagu haystana ay ka soo qaadaan kuwii hore ula taloobay Majeerteen ee ay u bixiyeen magacyada la yaabka badan, Sida (Reer waa rag), (Fur-caag), iyo (shalaanu degnay). Kuwa Dhulbahantaha Majeerteen la Taloobayna hore ayaaba loogu yeedhi jiray(Reer File iyo Findhicil).

Odayaasha Dhulbahante ee door biday in ay maxjarkii Majeerteenka ku noqdaana ilaahay laga baryo in ceebtooda iyo magac xumada ay isbideen uu u khafiifiyo.

Ciidammo Itoobiyaan ah oo gaaray Baydhabo iyo shacabka Baydhabo oo ka soo Horjeestay in eeyo ay baaritaan ku sameeyaan

Diseembar 31, 2013

WAAJIDPRESS – 31 Dec 2013:

Talaado – Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa waxaa maanta gaaray cutub ka tiirsan ciidamada Itoobiya, kuwaasoo ka yimid degmada Berdaale soo maray deegaanka Awdiinle oo ciidamada AMISOM ay saldhig weyn ku leeyihiin.

Ciidamada Itoobiya ayaa dhawaanahan waxay ka wadeen dhaqdhaqaaqyo ciidan, iyagoo soo gudbay xuduudda dhinaca Ceelberde iyo dhinaca Yeed, iyadoo ciidamada maanta soo gaaray degmada Baydhabo ay yihiin kuwii saldhigyada ku lahaa degmada Qansax-dheere iyo Bardaale.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ciidamadan ay u yimaadeen Baydhabo, iyadoo sidoo kale ay degmada soo gaareen taliyaha maxkamada ciidamada qaybta 60-aad ee ciidamada xoogga dalka, Col. Sheekh Xuseen iyo xubno ka tirsan maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in xubnahan ay u socdaan sidii maxkamad ay u soo taagi lahaayeen eeedaysanayaal ku xiran xabsiga dhexe ee Baydhabo kuwaasoo qaarkood geystay dilal, halka kuwo kalena loo haysto inay Al-shabaab ka tirsan yihiin.

Dhanka kale, dadweynaha magaalada Baydhabo ayaa kasoo horjeestay inay baaritaanno ku sameeyaan eeyo ay wataan ciidamada AMSIOM xilliga ay galayaan garoonka diyaaradaha halkaasoo ammaankiisa aad loo adkeeyay.

Ciidamada AMISOM ayaa waxay garoonka keeneen eeyo tababaran si ay u sameeyaan baaritaanno dhameystiran, waxaana la sheegayaa in gaoronka ay ku sguan yihiin ciidammo Mareykanka ah oo aan la sheegin ujeedka ay u yimaadeen halkaas.

Garoonka Baydhabo waxuu ka mid yahay garoommada ugu waa weyn dalka Soomaaliya, maalin waliba waxaa yimaaada 19 diyaarado oo kala duwan sida kuwa jaadka keena iyo kuwa rakaab oo ka imaanaya Muqdisho,Hargeysa, Kenya, Uganda IYO Turkey; sidoo kale waxaa yimaada diyaarado ay leeyahiin hay‘adaha samafalka iyo kuwa ciidamada AMISOM .

Dadweynaha iyo waxgaradka Baydhabo ayaa ka cabanaya eeyaha baarista ku sameynaya marka ay joogaan garoonka Baydhabo.

Sheekh Cabdullaahi Cabdi oo ka mid ah culummada Baydhabo ayaa joojiyay safar uu Muqdisho ku tegi lahaa, kaddib markii uu diiday in eeyaha ay baaraan.

Sheekh Cabdullaahi ayaa ka hadley arrintan isagoo eedeyn kulul u jeediyay adeegsiga ay ciidamada AMISOM u adeegsanayaan baaritaanka dadka eeyo ay tababarteen, isagoo sheegay in ay tahay mid ka baxsan diinta Islaamka wuxuuna dalbaday in la joojiyo.

War deg deg ah: Ku Xigeenka Duqa Magaalada Gaalkacyo oo Maanta Ku Dhaawacmay Qarax Miino

Diseembar 31, 2013

Cabdi Cismaan FaaraxKu-xigeenka duqa magaalada Gaalkacyo Cabdi Cismaan Faarax ayaa maanta ku dhaawacmay qarax miino oo lagu aasay afaafka hore ee gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Garsoor.

Duqa magaalada Gaalkacyo ee Puntland Axmed Cali Salaad ayaa Al-Shabaab ku eedeeyay isku dayga dil ee lala damacsanaa ku xigeenkiisa.

Wuxuu tilmaamay in ciidanku ay wadaan baaritaan lagu ogaanayo cidda ka dambeysay falkaas.

Dhaawaca Cabdi Cismaan Faarax ayaa la sheegay inuu yahay mid fudud, isagoo la geeyay Isbitaalka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

War CULUS: A-Shabaab iyo dadka deegaanka oo ku dagaalamay Gobalka Bakool

Diseembar 31, 2013

WAAJIDPRESS – 31 Dec 2013:

Wararka inaga soo gaaraya deegaano ka tirsan Gobalka Bakool, ayaa sheegaya in shalay halkaasi ku dagaalameen ciidamo ka tirsan Ururka Al-Shabaab iyo dadka deegaanka oo ka carooday tallaabo uu doonaye inuu ku dhaqaaqo sarkaal ka tirsan Shabaab.

Dagaalka dadka deegaanka iyo Shabaab dhexmaray, ayaa yimid kadib markii sarkaal sare oo Shabaab ka tirsan uu damcay inuu iibsado dhulweyn oo ku yaala inta udhaxeysa Rabdhuure iyo Waajid, taasi oo dadka deegaanka ay siwadajir ah uga soo wada horjeesteen.

Dhulka uu doonaye inuu iibsado sarkaalkaasi ayaa wuxuu yahay dhul danguud ah oo xilliyada ciidaha Salaada lagu dukado, wuxuuna udhaxeeya Rabdhuuro iyo Waajid deegaano ka tirsan.

Dagaalka dhexmaray Shabaab iyo dadka deegaanka, ayaa wuxuu sababay dhimasho soo gaartay qaar kamid ah dadka deegaanka, oo tiradooda lagu sheegay ilaa labo ruux, laakiin lama oga Shabaab dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray.

Ciidamo ka tirsan Shabaab oo aad ubadan ayaa ka yimid dhanka Degmada Waajid iyadoo qaar kamid ah dadkii dagaalamaye ay gacanta ku dhigeen oo Degmada Waajid ay ukaxeysteen.

Al-Shabaab ayaa dadka caburiya, kuna qasba hadba ujeedooyinka ay leeyihiin,laakiin maalmahan dambe waxaa biloowday dad kasoo horjeeda fekerka Shabaab iyo ujeedooyinka ay leeyihiin oo dagaal toos ah gacanta ugula tagay.

DHAGEYSO: BARNAAMIJ KU SAABSAN SHIRKA DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA

Diseembar 31, 2013

WAAJIDPRESS – 31 Dec 2013:

War deg deg ah: Dhagayso:- Jubbooyinka oo lagu Afduubtay dad ka shaqanyay Hay’addo Gar-gaar iyo Maamulka Jubba oo ka hadlay

Diseembar 30, 2013

WAAJIDPRESS – 30 Dec 2013:

Kooxo hubaysan oo haybtooda la garanayn ayaa afduubtay ku dhawaad tobon ruux oo shaqalle gargaar ah kuwaasoo ka howlgalayay deeganada Jubbooyinka sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Ciidanka maamulka KMG ah ee Jubba.

Col-Yuusuf Maxamed Xuseen Taliyaha saldhiga degmada Dhoobleey oo la hadlay K24 ayaa sheegay Kooxo hubaysan inay weerar u gaysteen dad u shaqaynayay Hay’addo gargaar.

Taliyaha ayaa sheegay dadka la afgduubtay tiradoodu inay dhantahay ilaa 7 ruux kuwaasoo dhamaantood Somali ah wuxuuna ku edeeyay afduubka Shaqaallahaasi kooxda Al-shabaab.

Shaqaalahan oo tiradoodu ahayd Todobo  ruux ayaa la sheegay inay kasoo baxeen  deegaanka Taabto iyagoo kusii jeeda degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose ka hor inta aan loo galin dhabaha.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in in shaqaalahan la afduubtay uu ku jiro darawalkii gaariga u waday, waxayna shaqaalahan u shaqeynayeen hay’ado maxali ah oo lagu kala magacaabo Juba Foundation iyo Southern Aid.

HALKAN KA DHAGAYSO

WAR DEG DEG AH:Maamulka Khaatumo oo Go’an Culus Ku Dhawaqay Doorashada Puntland Farin lama Filan u Diray(Maqal)

Diseembar 30, 2013

WAAJIDPRESS – 30 Dec 2013:
at: http://marqaannews.com/?page_id=50546