Archive for Janaayo, 2014

War deg deg ah: Ciidamada Dowladda Kenya oo si rasmi ah u baneynaaya Magaalada Kismaayo

Janaayo 31, 2014

WAAJIDPRESS – 31 Jan 2014:

Dowladda Kenya, ayaa waxay maalmaha soo socda ay Ciidamadeeda kala bixi doontaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, markii ay kala wareegeen Ururka Al Shabaab daba yaaqadii bishii September ee sanadkii 2012-ka.

Ciidanka Difaaca ee Kenya ee qaybta ka ah hawlgalka Amisom, ayaa diyaar garow ugu jira, sidii ay maalmaha ina soo aadan u faarujin lahaayeen Magaalada Kismaayo.

Ciidamada Dowladda Sierra Leone, ayaa la wareegi doono hawlgalka Magaalada Kismaayo, waxayna ku hawlgali doonaan magaca ah Amisom qaybta 5-aad ee Kismaayo.

Afhayeen u hadlay Ciidanka Difaaca ee Kenya oo lagu magacaabo Col. Will Wesonga, ayaa waxa uu caawa xaqiijiyay in Dowladda Kenya, ay Ciidamadeedu si buuxdo ugala baxeyso Magaalada Kismaayo.

Col. Will Wesonga oo la hadlay laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa tibaaxay in booskii Ciidanka Kenya lagu wareejinaayo Ciidamada Militariga ee ka socda Dowladda Sierra Leone.

Ciidamada Kenya, ayaa lagu eedeeyay in ay baalmareen waajibaadkii shaqo ee loo igmaday, markii la sheegay in ay la safteen garab gaar ah, ayna iska diideen rabitaankii Dowladda.

Sabtidii waxaa Magaalada Kismaayo ka dhacay banaanbax uu soo qaban qaabiyay Maamulka Kmg ah ee Jubba, loogana soo horjeeday in Ciidanka Kenya laga bedelo Magaalada Kismaayo.

Dhageyso: Wareysi Aad u Kulul oo Goordhow Aan La Yeelanay Gudoomiyaha Odayaasha K/galbeed Malaaq Xasan Shure (Xasan Sheekh Reerkiisa Ayaa Nagu Soo Duulay)!

Janaayo 31, 2014

WAAJIDPRESS – 31 Jan 2014:

Malaaq Xasan Shure oo ah Gudoomiyaha Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Ilyaas Qalinle goordhow khadka telefoonka kula xiriiray, kana wareystay dhacdadii foosha xumeyd ee shalay ka dhacday Magaalada Baydhabo.

Malaaq Xasan Shure oo ah geesi aan hadalka la ganban ayaa sheegay in dowlada Muqdisho ay weerar kusoo qaaday ayna isdifaaci doonaan.

Sidoo kale Malaaqa ayaa dhaleeceen kulul u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh, sheegayna in wax dowlad ah aysan kajirin dalka.

Hadaba Wareysiga Malaaq Xasan Shure Aan La Yeelanay oo Ah Mid Aad u Kulul Ka Dhageyso Halka Hoose:

 

Ku Dhageyso Mobelkaaga.

War deg deg ah: Ciidamada Dowladda Kenya oo si rasmi ah u baneynaaya Magaalada Kismaayo

Janaayo 31, 2014

WAAJIDPRESS – 31 Jan 2014:

Dowladda Kenya, ayaa waxay maalmaha soo socda ay Ciidamadeeda kala bixi doontaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, markii ay kala wareegeen Ururka Al Shabaab daba yaaqadii bishii September ee sanadkii 2012-ka.

Ciidanka Difaaca ee Kenya ee qaybta ka ah hawlgalka Amisom, ayaa diyaar garow ugu jira, sidii ay maalmaha ina soo aadan u faarujin lahaayeen Magaalada Kismaayo.

Ciidamada Dowladda Sierra Leone, ayaa la wareegi doono hawlgalka Magaalada Kismaayo, waxayna ku hawlgali doonaan magaca ah Amisom qaybta 5-aad ee Kismaayo.

Afhayeen u hadlay Ciidanka Difaaca ee Kenya oo lagu magacaabo Col. Will Wesonga, ayaa waxa uu caawa xaqiijiyay in Dowladda Kenya, ay Ciidamadeedu si buuxdo ugala baxeyso Magaalada Kismaayo.

Col. Will Wesonga oo la hadlay laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa tibaaxay in booskii Ciidanka Kenya lagu wareejinaayo Ciidamada Militariga ee ka socda Dowladda Sierra Leone.

Ciidamada Kenya, ayaa lagu eedeeyay in ay baalmareen waajibaadkii shaqo ee loo igmaday, markii la sheegay in ay la safteen garab gaar ah, ayna iska diideen rabitaankii Dowladda.

Sabtidii waxaa Magaalada Kismaayo ka dhacay banaanbax uu soo qaban qaabiyay Maamulka Kmg ah ee Jubba, loogana soo horjeeday in Ciidanka Kenya laga bedelo Magaalada Kismaayo.

DAAWO: MADAXWEYNE XASSAN SAFAROW OO HAWEEN BADAN XAQOODA CIIDAMO QAATEY OO DULMIYEY

Janaayo 31, 2014

WAAJIDPRESS – 31 Jan 2014:

DAAWO: SAWIRKA XASSAN SAFAROW OO MAANTA BAYDHABA LAGU GUBEY IYO SHACABKII KOONFUR GALBEED OO KACAY HUBKOODIINA QAATEY

Janaayo 31, 2014

WAAJIDPRESS – 30 Jan 2014:

Dhageyso: Malaaq Xasan Shure Iyo Maxamuud Sayid Aadan oo Ka Hadlay Dhacdadii Maanta ee Baydhabo

Janaayo 30, 2014

WAAJIDPRESS – 30 Jan 204:

malaaq xasan shureGudoomiyaha Odayaasha Malaaq Xasan Shure iyo Gudoomiyaha gudiga hogaaminta Shirweynaha Koonfur Galbeed Maxamuud Sayid Aadan ayaa VOA uga waramay is hortaagidii maanta Ciidamada AMISOM ay ku sameeyeen Shirweynaha ka socda Magaalada Baydhabo.

Ku Dhageyso Mobelkaaga.

 

Dhegeyso:-Gudomiyaha gudiga mamul u sameynta konfur galbeed oo ka hadley is hortaagii Amisom ey maanta sameysey

Janaayo 30, 2014

WAAJIDPRESS – 30 Jan 2014:

siidioGudoomiyaha gudiga isteerin comitiga ayaa ka hadley ishortaagii ey maanta sameeyeen ciidamada amison wuxuuna sheegey in ey qaadatey mudo sacad iyo bar ah ka dib kolkii ey bananbax xoogan kala kulmeen shacabka taageersan dowlad goboleedka koonfur galbeed maxamuud ayaa intaasi ku direy in hada shirkii uu caadi u socdo wax dhibatana eysan meesha ka jirin. 

Halkan hoose kaga dhegeyso Mobilkaada:

 

Maxamuud siyaad Mobil

 

DAAWO Sawirrada: Mudaharaad Gacan Ka Hadal Dhaliyay oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Baydhabo

Janaayo 30, 2014

WAAJIDPRESS – 30 Jan 2014:

Ciidamada AMISOM ayaa maanta isku dayay inay diideen in gudahaloo galo xaruunta ADC taasoo ay u cuntamiweydey Odayaasha iyo waxgaradka Koonfur Galbeed,taasoo markii danbana dhalisay in dadweynuhu ay is kudayaan inay xoog kugalaan oo ay jiiraan  Ciidamada AMISOM islamarkaana nimbi tabartiisa aynoqotay  taasna ay keentay  Rasaas tirabadan inay ridaan dadweynuhuna ay dib ulaaban waayaan oo mar kaasi horay ugu sii socdaan ADC-da.

Waxaana halkaasi dadku ay ku gubayeen Taayero waxayna kudhawaaqayeen Madaxweynaha ayaa kadanbeeya, shacabkiisa manihin doonimeyno iyo ereyo kale markii arintu qir iyo qir taagantahay ayaa ciidanka AMISOM isaga baxeen hareeraha Hoolka uu shirk aka soconayo ee ADC-da.

Waxaa markii danbe si caadi ah u furmay Shirweynihii dowlad-goboleedka K/galbeed Soomaaliya.

Dhanka kale ciidamada Amisom ayaa lasheegay inay amar kahaysteen Madaxweynaha dowlada Muqdisho Xasan Sheekh Maxamuud kaasoo ku aadan inay hor istaagaan rabitaanka Shacabweynaha Koonfur Galbeed.

Ciidamada AMISOM ayaa gabi ahaanba faarujiyay Xaruunta ADC iyo meelaha kudhow ayadoo goobihii ay katageen  odayaashu ay keeneen ciidamo tiradoodu dhan tahay 300 oo askari.

51234568

 

Dhagayso:- Musharaxiinta Maamulka K/Galbeed oo Khudbado jeedin Doona Maanta

Janaayo 30, 2014

WAAJIDPRESS – 30 Jan 2014:

Musharaxiinta u Tartamaysa Jagada Madaxtinimada Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya ayaa maanta Bilaabi doona Khudbado ay jedinayan,isla markasna ay kusoo bandhiyan Taarikhdooda nololeed.

Malaaq Cali C/raxmaan Cali Shiino oo kamid odayaasha digil iyo mirifle ayaa u shegay Warbaahinta in maanta ay bilaaban donaan khudbado ay jedinayaan musharixinta.
Tirada musharaxiinta hada u taagan inay qabtaan hogaanka Maamulka Koonfurta Soomaaliya ayaa waxa ay gaarayaan ilaa 18-musharax sida malaaq Shiino uu xaqiijiyay inkastoo buu yiri qaar kale ay maanta tagayaan Magaalada Baydhabo.

Shirkan qorshihiisa wuxuu yahay in lixda Gobal ee Koonfurta Maamul loogu sameeyo, kuwaasi oo kala ah Labada Jubba Ged, Baay iyo Bakool iyo Gobalka Shabeelaha hoose.

 

00:56 / 00:56

Daawo Muuqaalka sida ay udhacday Munaasabada Dhaarinta Golaha Guurtida ee K/Galbeed Soomaaliya EE LIXDA GOBOL

Janaayo 29, 2014

WAAJIDPRESS – 29 Jan 2014: