Archive for Febraayo, 2014

Dowlada Jabuuti oo heshiis dhanka Milatariga la saxiixatay Shiinaha

Febraayo 28, 2014

WAAJIDPRESS – 28 FEB 2014:

Wasiirka gaashaandhiga dalka Jabuuti Darar Huoffaneh ayaa sheegay in heshiiska dhanka iskaashiga Milatariga ah ay la saxiixatay dowlada Shiinaha.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dowladisu heshiiska ay la saxiixatay dowlada Shiinaha uu horseedi doono xoojinta ciidamada Difaaca dalka Jabuuti iyo ka shaqayna amaanka wadamada Bariga Africa oo dhan.

Houffaneh ayaa intaasi ku daray in kulamo xasaasi ah oo heshiiskaasi lagu saxiixayay uu la qaatay dhigiisa wadanka Shiinaha oo booqasho ku yimid dalka Jabuuti.

Wasiirka difaaca dalka Shiinaha ayaa dhankiisa sheegay in dowlada Shiinaha ay diyaar u tahay in tageero Milatari ay siiso dalka Jabuuti, isagoo sheegay in dowlada Jabuuti ay ciidamo nabad ilaalineed ka joogaan Soomaaliya kuwas oo dagaal adag kula jira Xarakada Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta.

Dowlada Jabuuti aya dhawaan sheegtay in ciidamada dheeraad ah oo gaaraya 1000 Askari ay ku biirinayso ciidamadeeda horay uga joogay Soomaaliya ee qaybta ka ah kuwa AMISOM.

Advertisements

WAR FARXAD LEH: Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed oo Shaaciyay liiska Magacyada Musharixiinta ee dhiibey lacagta iyo shuruudaha ee u Tagaan Madaxtinimada DGKG

Febraayo 28, 2014

WAAJIDPRESS – 28 FEB 2014:

 

423Gudiga doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa galabta soo saaray liiska tirada musharaxiinta u taagan doorashada madaxtinimo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.wuxuuna u dhignaa liiska:-

1-Madoowe Nuunow Maxamed

2-Maxamed Aadan Ibraahim (Farkeeti)

3-Xasan Maxamuud Abuukar (Dhuuqsane)

4-Ibraahim Maxamed Idiris (Leesto)

5-C/fitaax Ibraahim Geesey

6-Saalax Sheekh Cismaan

Xilka Madaxweyne Ku-xigeenkana waxaa isku soo sharaxay oo bixiyey lacagat (Fee), kana soo baxay shuruudaha Mudane Maxamuud Sayid Aadan (oo ka soo jeeda beesha MAREEXAAN), IYO LIX NIN KALE OO AAN HADDA HEYNIN MAGACAYADOODA.

Waxaana maalinta isniinta loo balansanyahay inay dhacdo doorashada
madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya,

War deg deg ah: AMISOM oo sheegtay war ka nixiya Axmed Madoobe iyo mamulkiisa, ciidamada Kenya Kismaayo waa,,,,,

Febraayo 28, 2014

WAAJIDPRESS – 28 Feb 2014:

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Korneel Cali Aadan Xumud ayaa sheegay war ka nixiyay maamulka Axmed Madoobe, ka dib markii uu ka hadlay arinta ciidamada Kenya.

Waxa uu sheegay in ciidamada Kenya laga wareejinaayo guud ahaan Kismaayo, laguna wareejinaayo Sera Leone.

Warar kale, Ciidamo lagu qiyaasay ila 600 oo askari oo horay jabhada raskambooni uga soo biiray dhankajabhada ONLF ayaa waxaay gabi ahaanba iskaga baxeen Magaalada Kismaayo iyo hareeraheeda ka dib markay ogadeen in Gobolada Jubboyinka ay ku soo wajahan yihiin Ciidamada Itobiya.
Ciidamadan ayaa waxaay afka saareen dhanka deeganka Raskambooni iyo waliba deeganka biyo madoob`ee isla gobolka Jubbada Hose waxaa ayna ciidamadani qorshaynayaan in ay ayago shacab ah gudaha u galaan magaaloyinka Gaarisa, Wajeer iyo deeganka habase weyne ee dalka kenya.
Baxsashada Ciidamadan ka tirsana Onlf ayaa waxaay dhabar jab weyn ku tahay jabhada Raskambooni oo aan lahayn Cudud Ciidan oo ay ku xajisato deeganada ay hada jogto.

Dardaaran Ku wajahan Odayaasha Dooranayo Madaxweynaha Koonfur-Galbeed Soomaaliya

Febraayo 28, 2014

WAAJIDPRESS – 28 Feb 2014:

Maanta waa maalin mushtamaca reer Koonfur-Galbeed Soomaaliya ay mudo sugaysay, Maanta waa maalin dhalinta Koonfur-Galbeed u baahnaayeen, Maanta waa maalin hooyooyinka caruurtooda yari kuhurudsiyaan madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeedoow imoow.
Maanta waa Maalin Malaaqyada magac hakaa haro leeyihiin, Maanta waa maalintii uu Madaxiisa sareeye Malaaq Xassan shure kusifeeyey in Gacan lagu dagaalamayo gacanta kalena Koonfur-Galbeed lagu dhisayo.
Maanta waa markii ugu horeysay Koonfur-Galbeed shacabkeeda, Odayaashooda, Siyaasiyeentooda, Culimadooda iyo aqoonyahanadooda ay midoobeen, Maanta waa maalintii qofkii Soomaalinimo rabo kufarxi lahaa Maamulka Xaqa ah ee Koonfur-Galbeed, Maanta waa Maalin kii qabiilka rabayna uu naci lahaa Horumarka iyo midnimada Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya.
1. Musharixiinta madaxweynanimada doonayo ee maamul Goboleedka Koonfur-Galbeed soomaaliya waxaan kula dardaarmayaa ineey dhab kanoqoto rabitaanka masuuliyadan weyn.
2. Inuu awoodeeda iyo kartideeda leeyahay oo aysan ka ahayn is-sharax oo qura waayo masuuliyadan waa masuuliyad weyn oo ladoonayo in mushtamac tan iyo 1960 kii
dhib kujiray aanu doonayno hogaanka qabtaayi inuu nagu bad-baadiyo ee uusan danihiisa qaaska kuqabsanayo ama reerkiisa ku hormarinayo.
3. Waxaan kadigayaa mid is-sharax qarashka anaa kaa bixinayee walaalkaa kuxumee inuusan meesha ku imaanin oo aan diyaar u ahayn oo rabitaankiisa ku iman balse asxaab ama reer kuqasbeen inuusan imaanin waayo qof aan diyaar u ahayn oo lasoo riixay mushtamacan mabadbaadin karo shaqsiga is-sharaxayana inuu ahaadaa mid rabitaankiisa kuyimaado.
4. Waxaan kutalinayaa in musharixiinta ay diyaar u noqdaan ineey isku tanaasulaan tasoo kudheehan walaaltinimo, saxiibtinimo, ehelnimo, deegaannimo, jaceyl.
5. Waxaan kaga digayaa musharixiinta hadii laga raayo ineeysan diidin natiijada waayo waxay dhalinaysaa qilaaf iyo in lagu kala tago meesha tasoo farxad u ah kuwa diidan horumarka Koonfur-Galbeed Soomaaliya waxaa manta idin eegayo Soomaalida kale, waxaa idin eegayo beesha caalamka, waxaa idin eegayo dowladaha deriska, waxaa idin eegayo wadamada daneeyo Soomaaliya oo idil waxayna doonayaan inaan tusno cadaalad, waxaan doonaynaa inaan tusno kala danbeyn, waxaan doonaynaa inaan tusno maamul wanaag waxaan idinka filaynaa dhamaan waxii wanaag ah.
6. Musharaxa waa inuu ahaadaa mid ahmiyadiisu tahay inuu danihiisa qaaska ah kahormariyo tan qowmiyada Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya.
7. Musharaxa waa inuu yahay shaqsi rabo inuu kadhabeeyo riyada shacabka Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya kuwaasoo u ooman ineey arkaan Maamulka Koonfurgalbeed ee Soomaaliya.
8. Musharaxa waa inuu ahaadaa mid u adeego mushtamaca Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya balse uusan noqon mid u adeego aayihiisa balse aayaha umada lixda Gobol degta oo shanta soomaaliyeed kakooban tahay.
9. Musharaxa waa inuu noqdaa mid Alle hacabsanayo, aaminsan maalinta qayaamo, muwaadin, wadani kasoo/Taasoo kudheehan tahay wadaniyad aaminsana maalinta qayaamo in loosoo istaajinayo waxa uu falo
10. Musharaxa waxaan kafilaynaa inuu noqdo Geesi hor istaagi karo kana baaraan dagi karo caqabadaha kala duwan oo soo wajihi doono kuwaasoo ubaahan adkeeysi, awood iyo kalsooni. Musharaxa waa inuu ahaadaa mid garan karo waxa kusoo socda isla markaasna raadin karo hababkii uu u ga hortagi lahaa iyo qaabkii uu ku wajihi lahaa.
Ilaahay waxaan kabaryaynaa Madaxweyne, Karti leh, Aqoon yahan ah, Qibrad leh, Geesi ah, baahi kastana buuxin karo mushtamaca Koonfur-Galbeedna kuwada faraxdo inuu ilaahay inoo soo saaro maalmaha soo socdo.

Qormadan waxaa qoray
Dr. Cumar Cali Maxamed (Biikole)

DAAWO: WAFDI KA SOO JEEDA BEESHA DIR OO KA YIMID KISMAAYO OO HADDA BAYDHABA SOO GAAREY SI AY UGA QEYBQAATAAN DOORASHADA MADAXWEYNAHA DOWLAD GOBOLEDKA KOONFUR GALBEED

Febraayo 27, 2014

WAAJIDPRESS – 27 Feb 2014:

Wafdi ay hogaaminayaan Odaydhaqameeyada Beesha Direed oo kasocda gobolada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Shabeelaha Hoose ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo.

Wafdigan Odaydhaqameedyada ubadan ayaa magaalada Baydhabo u yimid si ay uga qeybgalaan Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku Xigeenada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo lagu wado inay dhacdo Isniinta soo socota.

Wafdigaan ayaa loo galbiyay Hoygii loogu talagalay, waxaana Shir Jaraa’id oo  Saxaafadda u qabteen ugu mahad celiyeen Odayaashii sida wanaagsan usoo dhaweeyay.

678910

 

DAAWO: XAFLADA CALAN SAARKA MAAMULKA LIXDA GOBOL EE KOONFUR GALBEED

Febraayo 27, 2014

WAAJIDPRESS – 27 Feb 2014:

War CUSUB: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho oo loo magacaabay Mungaab

Febraayo 27, 2014

WAAJIDPRESS – 27 Feb 2014:

muungaabWareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa si rasmi ah xilka Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho loogu magacaabay Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

Jen. Xasan Maxamed Xuseen ayaa horay u ahaa Gudoomiyihii Maxkamada ciidamada qalabka sida, waxaana xilkan la sheegay inay kula tartamayeen xubno kale duwan oo ka soo jeeday Beesha Mudullood.

Tariikh Nololeedka Oo Kooban:

Jeneraal Xasan Maxamed Xuseen Muungaab wuxuu Dhashay Sanadkii 1972    wuxuna ku dhashay Tuulada Muungaab Dagmeda War-Sheekh Ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Dhinaca Waxbarshada

Darasaadka shareecada iyo Qaanuunka, Sidoo Kale Jeneraal Xasan Maxamed Xuseen, Wuxa uu Hadda Diyaarinayaa  Master Degree Shareecada iyo Qaanuunka Ee Jaamacadda Um Durmaan Al Islaamiya khartuum Sudaan.

Sanadkii 2002 wuxuu ka qalin Jabiyay Jaamacadda Afrika Ee Caalamiga ah Gaar ahaan Kuliyadda Shareecada iyo Daraasaadka Islaamka, Isagoo Ka qaatay Darajada batch.

Dhinaca Khibradaha    Shaqo

2001 -2002 Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Soomaliyeed Ee Suudaan.

2005- 2007 Bare Dugsiga Sare Jubba Ee Magalada Muqdisho.

2008  – 2009 Mustashaar safaradda Soomaaliyeed Ee  Suudaan.

02/03/2010  ilaa   15/08/2010  Wuxuu ki biiray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed Waxaana lagu qaatay Darajada Gaashaanle Dhexe, islamrkaana waxaa loo magacaabay Garsoore Ka Tirsan Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida..

16/08/2010  ilaa  16/08/2012  Waxaa loo magacaabay Guddomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliyeed.

17/08/2012 ilaa    25/02/2014 Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Maanta oo ay Taarkiikhdu tahay 27 bisha Febraayo ee sanadka 2014-ka waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

War deg deg ah: QARAX ismidaamin ah OO MAANTA MUQDISHO ka dhacay

Febraayo 27, 2014

WAAJIDPRESS – 27 Feb 2014:

Barqanimaddii maanta waxaa qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa lalabeegsaday Maqaayad ku taalla agagaarka Isgoyska Baar FIAT ee magaalladda Muqdisho.

Ugu yaraan 12-qof ayaa ku geeriyootay qaraxaasi, in ka badan 15 qofna wey ku dhaawacmeen qaraxaasi oo loo adeegsaday gaari noociisu ahaa CARIB.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Dareewalkii waday gaarigaasi uu si toos ah u soo abaaray geed ku hor yiillay maqaayadda oo ay dad isugu jiray ciiddan iyo rayid fadhiyeen.

Sarkaal sare oo ka tirsan booliska Muqdisho oo lagu magacaabo Colonel Cabduqaadir Xuseen ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in qaraxa lala beegsaday askar ka tirsan ciidanka nabad-sugidda oo fadhiyay maqaayadda, isagoo xaqiijiyay in dadka dhintay ay isugu jiraan askar iyo dad rayid ahaa.

Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Somalia iyo ciidamada taageeraya ee AMISOM ayaa sheegatay inay mas’uul ka ahayd weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay isgoyska Fiat ee magaalada Muqdisho.

DAAWO: CALAN-SAARKII MAAMULKA LIXDA GOBOL EE DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA

Febraayo 27, 2014

WAAJIDPRESS – 27 Feb 2014:

DAAWO: BARNAAMIJ KU SAABSAN DAMAASHAADKA SHIRKA LIXDA GOBOL EE MAAMULKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA

Febraayo 27, 2014

WAAJIDPRESS – 27 Feb 2014: