Archive for Maarso, 2014

DAAWO: WARARKII UGU DAMBEEYEY EE BAYDHABA JANAAY

Maarso 31, 2014

WAAJIDPRESS – 31 Mar 2014:

War deg deg ah: Madaxweyne Xassan Sheekh oo u yeerey Raisul Wasare Cabdiwelli in uu Baydhaba Yimaado, isla caawa ayuu gaarey Baydhaba Janaay

Maarso 31, 2014

WAAJIDPRESS -31 MAR 2014:

Raisul Wasaare Cabdiwelli ayaa Salaadii Casar markii laga baxay maanta gaarey Magaalada BAYDHABA JANAAY.

Waxaa la sheegey in Ra’isul Wasaare Cabdiwelli uu u yeerey Madaxweyne Xassan Sheikh oo isaga iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari ay maalintii labaad ku sugan yihiin Magaalada BAYDHABA.

Sadexda Mas’uul ee dalka ugu sareysa ayaa hadda ku wada sugan Caasimada Dowlad Goboleedka lixda gobol ee BAYDHABA JANAAY.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa wuxuu u yeerey Ra’iisul wasaarihiisa oo dhalasho ahaan ka soo jeeda gobolada koonfur galbeed soomaaliya, ka dib markii uu Madaxweynaha Dowlad goboleedka lixda gobol Dr. Madoobe Nuunow uu diidey in uu la kulmo Madaxweyne Xassan ilaa uu idaacadaha ka sheego in uu aqoonsan yahay Dowlad Goboleedka lixda gobol oo ka kooban BAY, GEDO, BAKOOL, JUBADA HOOSE, JUBADA DHEXE IYO SHABEELAHA HOOSE.

Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiwelli ayaa isagana maanta degey xerada military ee qeybta 60’aad ee ku taala Magaalada Baydhaba oo ay horey u degan yihiin Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Gudoomiye Prof. Jawaari.

WAR DEG DEG AH: DAAWO: MADAXWEYNE MADOOBE NUUNOW OO DIIDEY IN UU LA KULMO MADAXWEYNE XASSAN SHEEKH BALSE WUXUU U DIREY 30 ODAY OO AH ODAYAASHA GOLAHA GUURTIDA EE DOWLADA LIXDA GOBOL

Maarso 31, 2014

WAAJIDPRESS – 31 MAR 2014:

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa saaka la kulmay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Madoobe Nuunow Maxamed iyo Gollaha Guurtida.

Kulanka dhexmaray Gudoomiye Jawaari iyo Madaxweyne Madoobe ayaa ahaa mid looga hadlayay sidii ay ula kulmi lahaayeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Gudoomiye Jawaari ayaa si celcelis ah uga codsaday Madaxweyne Madoobe Nuunow iyo Gollaha Guurtida inay la kulmaan Madaxweynaha ayna u sheegaan waxa ay qabaan.

Madaxweyne Madoobe Nuunow ayaa diiday inuu kamid noqdo mas’uuliyiinta la kulmaya Xasan Sheekh wuxuuna u diray 30 Oday oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gollaha Guurtida Koonfur Galbeed Malaaq Xasan Shure oo hada kulan kula leh Xirada ciidamada Milatariga Gobolka Baay oo ah halka uu xalay ku hoyday Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale waxaa weli magaalada Baydhabo ka socda Kacdoonka ka dhanka ah Madaxweynaha Dowlada Muqdisho Xasan Sheekh; CAAWA WUXUU MARKALE MADAXWEYNE XASSAN SHEEKH SEEXANAYAA MAGAALADA BAYDHABA JANAAY – SAWIRADA HOOS KA DAAWO – KUNA RAAXEYSO GUUSHA DOWLADA LIXDA GOBOL:

baydhabo26

baydhabo29

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????

War FARXAD LEH: Calanka dowlad goboleedka Koonfur galbeed oo laga taagay degmooyin ku yaala gobolka Gedo.

Maarso 31, 2014

WAAJIDPRESS – 31 Mar 2014:

image
Wararka aanu ka helayno degmooyinka Buurdhuubo, Luuq iyo Ceelwaaq ee gobolka Gedo ee Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhowayd laga taagay halkaas calanka dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya oo ay ku midaysanyihiin lixda gobol ee uu gobolka Gedo kamid yahay.

Calanka Koonfur galbeed ee laga taagay degmooyinka gobolka Gedo ayaa imanaya xili ay madaxda dalka ugu sareysa ku suganyihiin magaalada Baydhaba halkaasoo ay wadahadalo ku leeyihiin masuuliyiinta Koonfur galbeed iyo ayaga.

WAR DEGDEG: Prof Jawaari oo goor dhow xarunta ADC kulan kula qaatay Madaxda sare ee KG iyo Golaha aqalka sare

Maarso 31, 2014

WAAJIDPRESS – 31 Mar 2014:

Waxaa gordhow soo idlaaday Kulan xasaasi ah oo albaabada uxernaa kaasoo udhaxeeyay Gudoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya Prof Jawaari iyo Madaxda iyo Golaha Guurtida Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kulankaan oo ka dhacay xarunta shirarka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ADC baydhabo ayaa waxaa lagu gorfeeyay sida Madaxweyne Xasan uu ula kulmi lahaa Madaxda KG iyo golaha Guurtida ee Koonfur Galbeed sida aan kasoo xiganeyno mid ka mid Waziirada KG ee xaadiray kulanka.
Waziirkaan oo aan noo ogalaan inaan magaciisa u adeegsano saxaafada ayaa waxa uu ka gaabsadey in uu faahfaahin dheer ka bixiyo kulankii iyaga iyo Prof Jawaari dhex maray kaasoo dibad joog ka ahayd saxaafada.
Daqiiqadaha soo socda ayaa lagu wadaa in Madaxweyne Xasan Sheikh uu tago xarunta shirarka ee ADC halkaasii oo uu kula kulmi doono Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Madoobe Nunow iyo golaha Aqalka sare ee KGS.
Isku soo wada duuboo kulanka maanta dhexmaray Prof Jawaari iyo Madaxada KG ayaa laga dheehaan karaa in dabacsanaan ka duban tii uu Madaxweyne Xasan Sheikh diidanaa in uu tago ADC balse maanta qasab ku noqotay kadib markuu xalay ku hoydey meel aan uqalmin inuu seexdo Madaxweyne Dal.

War Deg Deg Ah: Cabdulaahi Aaden Carabeey (C/llaahi Ina Direey) Oo Hadda Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Dhaawac Culus Ugu Geeysteen Magaalada Kismaayo.

Maarso 31, 2014

WAAJIDPRESS – 31 Mar 2014:

Kismaayo – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in ay hada gudaha magaalada Kismaayo maleeshiyo beeleedka Raaskambooni rasaas ay ku huwiyeen Cabdulaahi Aaden Carabeey (C/llaahi Ina Direey – oo ka soo jeeda beesha MAREEXAAN / DAAROOD) oo gaarigi uu watayna ay dhaceen.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa Cabdulaahi Aaden Carabeey (C/llaahi Ina Direey) markuu dhaawacmay in dhaawaciisa ay ka qaadeen goobti lagu dhaawacay ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Siiraaliyoon.

Dhaawaca Cabdulaahi Aaden Carabeey (C/llaahi Ina Direey) ayaa hadda waxaa xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayaa isbitaal ay gaar u leeyihiin ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Siiraaliyoon.

Cabdulaahi Aaden Carabeey (C/llaahi Ina Direey) ayaa hayb ahaan waxa uu kasoo jeedaa beesha Mareexaan.

Isku soo wada duuboo dhawaaca Cabdulaahi Aaden Carabeey (C/llaahi Ina Direey) ayaa waxa uu qeeyb ka yahay mashruuca ka socda magaalada Kismaayo ee isugu jira dilka, dhaca, xariga, kufsiga iyo barakicinta baahsan ee ay wadaan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee ay hogaamiyaan Axmed Madoobe iyo Macalin Maxamed.

DAAWO: XAFLADII MAGAALADA MINNESOTA LOOGU SUUBIYEY DOWLAD GOBOLEEDKA LIXDA GOBOL

Maarso 31, 2014

WAAJIDPRESS – 31 Mar 2014:

War deg deg ah: DAAWO: AFHAYENKII MAAMULKA 3 GOBOL OO SHEEGEY IN MAAMULKA 3 GOBOL UU BURBUREY , QIYAANO AYUU SHARIIF XASSAN NOO DEJIYEY

Maarso 31, 2014

WAAJIDPRESS – 31 Mar 2014:

war deg deg ah: Dhageyso: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Caawa Ku Hoyanaya Xiro Ciidan Iyo Gudoomiye Jawaari oo Goordhow Gaaray Baydhabo

Maarso 30, 2014

WAAJIDPRESS – 30 MAR 2014:

Warar goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu caawa ku hoyanayo magaalad Baydhabo.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku hungoobay inuu la kulmo Gollaha Guurtida Koonfur Galbeed kadib markii Odayaasha ay diideen inay ugu tagaan Xarunta Milatariga Gobolka Baay oo Madaxweynuhu caawa ku hoyanayo.

Dhanka kale Mudahaaraadyo looga soo horjeedo Mowqifka Dowlada Xasan Sheekh ee ku aadan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa weli kasocda magaalada Baydhabo.

Dadweynaha Baydhabo ee Dibadbaxyada dhigaya ayaa u diiday Madaxweyne Xasan inuu u gudbo gudaha Magaalada, taasoo sababtay in Xasan Sheekh uu caawa ku hoydo Xarun Ciidan.

Dhinaca kale waxaa goordhow gaaray Magaalada Baydhabo Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari – HOOS KA DHAGEYSO:

 

Ku Dhageyso Mobelkaaga.

 

War deg deg ah: Labo wasiir OO Garoonka Baydhaba isku gacan qaadey

Maarso 30, 2014

WAAJIDPRESS – 30 Mar 2014:

MADAXWEYNE XASSAN IYO Jawaari IYO RA’IISUL WASAARE ku-xigeenka IYO 9 Wasiir ayaa weli ku xayiran Airporka Col. Shaatigaduud EE BAYDHABA.

Kumanaan Shacabka BAYDHABA OO WATA Faas IYO Midiyo ayaa horfadhiya albaabka Airporka BAYDHABA.

Markii Baydhaba Laga soo DEGTEY WAXAA isku gacan qaadey wasiirka ARIMAHA gudaha Godax IYO wasiiru dowlaha ARIMAHA gudaha Yaxye; Iyagoo ku dagaalamay in Madaxweyne XASSAN la geeyo ADC IYO Bar-Bakiin.

Caawa waxay kuligood jiifaan Airport BAYDHABA.

Kala soco wixii soo kordha.