Archive for Maarso, 2014

WAR DEG DEG AH: GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA OO BAYDHABO GAARAYA DAQIIQADO KADIB

Maarso 30, 2014

WAAJIDPRESS – 30 Mar 2014:

kadib markii ay arinta GADUUDKA Ka Gaartey Wefdigii Madaxweynaha ee Baydhabo gaarey saaka aya waxaaa loo Qeylo Dhaamiyey Gudoomiyaha Baarlamanaka Soomaaliya Mudane Maxamed Sh. Osmaan ” JAWAAREY”

Jawaarey ayaa wuxuu kasoo kictamay hada Muqdisho sida ay inoo xaqiijinayaan Rag Masuuliyiin ah oo aan ku leenahay Xafiiskiisa Muqdisho waxay inoo sheegen In Madaxweynaha Kasoo Wacay Baydhabo oo yiri Deg u imaaw Baydhabo kaasoo horey Baydhabo Ugula Hadley Labo war oo Ka Aheyd Gudoomiyaha Baarlamaanka Iska dheh.

Jawaarey & Wefdiga Uu Horkacayo ayaa waxaa lagu wadaa iney ku biiraan oo ay isku meel kasoo wadajeestaan wefdiga Madaxweynaha kuwaasoo aan la ogeyn Natiijada aay kasoo Hooyin Doonaan Arinta Baydhabo oo ah Mid aad u Cakiran Maanta & Maal mihii Lasoo Dhaafeyba.

Wararkii ugu DAMBEEYEY EE BAYDHABA

Maarso 30, 2014

WAAJIDPRESS – 30 Mar 2014:

War goor naga soo gaaray magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheikh uu goor dhow deyr kala kulmay Xildhibaanada taageersan maamulka Lixda Gobol iyo Golaha Aqalka Sare ee KGS.
Madaxweynaha DFS oo ay wehliyaan Waziiro , Xildhibaano iyo saraakiil ciidan ayaa weli ku xayiran hoyga taliyaha ciidamada gobalada Bakool, Gedo iyo Baay Gen.Ibraahim Yarow oo sidaa uga fogeyn Garoonka diyaardaha magaalada Baydhabo.
Madaxweynaha ayaa halkaasi kula kulmay xildhibaanada BFS ee taageersan Maamulka Lixda gobol ee Koonfur Galbeed sida Xildhibaan C/laahi Ismaaciil iyo Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade kuwaasi oo madaxweynaha ka cosaday labo arimood.
1. In xildhibaanadaaan la soo hadlaan dad banaanbaxayaa si ay gudaha ugulaan wafdiga madaxweynaha.
2. In ay Golaha Guurtida iyo Madaxda Koonfur Galbeed ay ugu keenaan hoyga Gen.Ibraahim Yarow si ay ula kulmaan.
Xildhibaanadii qaabilay Madaxweynaha ayaa dayr ka muujiyay gebi ahaanba qodobadii uu madaxweyne Xasan Sheikh ka codsaday iyagoona Madaxweynaha usheegay in labada qodob ay ku adag tahay in ay sameeyaan balse madaxweyne Xasan Sheikh ugu baaqay in ay iyaga khudhooda fuliyaan labo qodob:
1. in Madaxweynaha iyo Wafdigiisa uraacaan ADC si ay ula kulmaan Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Golaha Guurtida KG.
2. In madaxweynaha uu warbaahinta Baydhabo ka sheego in uu taageeray maamulka Lixda Gobol ee Koonfur Galbeed si ay ujoogsadaan Banaanbaxyada .

MADAXWEYNE XASSAN SHEIKH OO CAAWA SEEXANAYA BAYDHABA JANAAY

Maarso 30, 2014

WAAJIDPRESS – 30 Mar 2014:

Wefdigii Madaxweynaha Soomaaliya ee Maanta Gaarey Baydhabo ayaa waxay daqiiqado ka hor la hadleen Saxaafada kuwaasoo sheeqey Iney Caawa Seexan Doonaan Baydhabo akdib Markii Lagu Guuleysan Waayey Hadafkii Baydhabo Loo Tagey.

Wefdigii Madaxweynaha Ayaa wuxuu kulan la qaatey Dhinacyada Baydhabo isku haaya garabka Mamaulka 6 Gobol waxana Hogaaminayey Wasiirka Arimaha Gudaha & Amniga C/fataax waxaa la sheegey iney isa soo afgaran waayeen kadibna uu Aadan Saransoor Oo ah wasiirka Ganacsiga & Warshadaha uu saxaafada la hadley oo yiri Arintii aan U Imaaney Weli Nooma Dhamaanin Waanu Seexan Doonaa Caawa.

War deg deg ah: HOGAAMINAYO MADAXWEYNAHA OO GOORDHOW BAYDHABO GAAREY

Maarso 30, 2014

WAAJIDPRESS -30 Mar 2014:

Waxaa goor dhowayd gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay wafdi uu hor kacayo madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud kaasoo kasoo kicitimay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa oo barqanimadii maanta ka amba baxay Garoonka Aadan Cadde, ayaa daqiiqado kahor waxay ka caga dhigteen Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo.

Wefdiga Madaxweynaha ku wehlineysa socdaalkiisaan Baydhabo, ayaa waxaa ka mid ah Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Gudaha Maxamuud Macalin Yaxye, Wasiirka Ganacsiga Aadan Saransoor, Xildhibaano iyo Gudoomiyihii Gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosoow.
Dhanka kale kumanaan ruux oo ka tirsan dadka reer Baydhabo, ayaa isugu soo baxay qaybaha kala duwan ee Magaalada, waxayna ku dhawaaqayaan inaanay marnaba doonayn Maamul ka kooban 3 Gobol.

Banaanbaxayaasha, ayaa si weyn maanta loogu arkayaa qaybaha Magaalada Baydhabo, waxayna u muuqdaan kuwo maanta ka tiro badan, intii horey isugu soo bixi jirtay Baydhabo.

Odayaasha Golaha Dhaqanka ee ku sugan Magaalada Baydhabo, ayaa waxay warar hoose sheegayaan inaanay la kulmi doonin Madaxweynaha, ilaa uu ku soo booqanaayo Xarunta ADC.

War CULUS: Barre Hiiraale “Dadka la jira Axmed Madoobe ma sheegan karaan magaca Mareexaan”

Maarso 30, 2014

WAAJIDPRESS – 30 Mar 2014:

Korneel Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa si adag u sheegay in ragga la safan hogaamiyaha maamulka KMG ee Jubba Axmed Madoobe aan loogu yeeri karin magaca beesha Mareexaan, isaga oo tilmaamay inay yihiin caado qaatayaal waa sida uu hadalka u dhigaye.
Waxa uu sheegay in Beesha Mareexaan ay mid ka tahay qorshaha Jubooyinka iyo Gedo, islamarkaana ay isaga taageersaan yihiin.
“Dadka la jira Axmed Madoobe ma sheegan karaan magaca Mareexaan, wa caado qaatayaal, Mareexaan oo dhan waa ka midaysan yahay Jubooyinka iyo Gedo, Axmed Madoobe isaganu waan is naqaan, balse wixii aan kala helno ayuu leeyahay”.

Dhanka kale Barre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga fadhiyo sidii magaalada Kismaayo looga saari lahaa ciidamada Kenya oo uu ku sheegay inay cadfow ku yihiin shacabka degan Jubooyinka.

Barre Hiiraale ayaa dagaal looga saaray magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose, waxaana uu sheegaa inuu yahay madaxweynaha maamulka Jubaland State.

Dadweynaha Magaalada Baydhabo oo Saaka u Diyaar Garoobay Imaanshaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Maarso 30, 2014

WAAJIDPRESS – 30 Mar 2014:

Wararka saaka naga soo gaaraya Baydhabo Janaay ayaa waxa ay sheegayaan in dadweynaha Magaalada ay isku diyaariyeen mudaharaad ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayna hada isugu tageen Fagaaraha Xuriyada Koonfur Galbeed.
Dadweynahan ayaa ka mudaharaadaya imaanshaha Xasan Sheekh uu imaanayo Magaalada Baydhabo, waxayna sitaan boorar ay ku qoran yihiin israaca lixda gobol diido ku doonimayno iyo erayo kale oo ay kamid yihiin Dantayda Intaan Ka Gaarayo Dabalaabkayga Ma Dhigayo.

DAAWO: DAMAASHAADKA REER BAYDHABA EE DOWLADA LIXDA GOBOL EE KOONFUR GALBEED

Maarso 30, 2014

WAAJIDPRESS – 30 Mar 2014:

DAAWO: Reer Koonfur Galbeed “Cadowgeena Xasan Sheekh Ayaa Kow Ka Ah, Bakiin Iyo Sakiina Waan La Xisaabtami Doonaa”!

Maarso 30, 2014

WAAJIDPRESS – 30 Mar 2014:

DAAWO VIDEO: MADAXWEYNAHA LIXDA GOBOL OO MAANTA DHAGAX DHIGEY MADAXTOOYADA DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED

Maarso 29, 2014

WAAJIDPRESS – 29 MAR 2014:

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Madoobe Nuunow Maxamed iyo Madaxweyne ku xigeeenka Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta xariga kajaray Xaruunta madaxtooyada Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku Xigeenka ayaa waxay dhagaxdhigeen dhisme laba Taalo lagu xasuusanayo odayaal dhawaan lagu dilay wadada udhaxaysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo iyo wiil dhawan lagu dilay isagoo kaqaybqadanaya kacdoonkii looga soo horjeeday imaanshaha Baydhabo uu imaday shariif Xasan oo markii dambe isaga cararay Magaalada Baydhabo.

Waxaa kaloo maanta cusub in magaalada Baydhaba laga saarey Ninkii isku magacaabay maamulka sadexda gobol, isagoo ay diyaarad ka qaadey Baydhabo kuna dejisey magaalada Muqdisho.

Taalooyinkan loo dhisayo Odayaasha iyo Wiilka u dhintay Calanka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay ku kala yaalaan Huteel eethan agagaarkiisa oo mid lagu dhisayo mida kale Xarunta ADC-da taas oo lagu magacaabay Taalada Odayashii mujaahidka ahaa mida kalena Waa Taalada Mujaahid Xasn Aadan Keerow.

Inta kadib mas’uliyiinta waxay socod kusoo mareen Magalada iyagoo soo kormeeray goobo badan oo bulshada muhiim u ah – HOOS KA DAAWO VIDEO:

War deg deg ah: Xildhibaanada Daarood oo Moshin ka dhan ah labo wasiir oo HAWIYE ah u gudbiyey Gudoomiye Prof. Jawaari.

Maarso 29, 2014

WAAJIDPRESS – 29 MAR 2014:

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo jeeda (BEESHA DAAROOD) ayaa mooshin ka keenay Wasiiro ka soo jeeda (BEESHA HAWIYE) oo kala ah wasiirrada arrimaha gudaha iyo federaalka, Cabdullaahi Goodax Barre  (Ka soo jeeda beesha Xawaadle- Hawiye) iyo wasiirka amniga, Cabdikariin Xuseen Guuleed (Ka soo jeeda beesha Habargidir – Hawiye), sida uu maanta ka sheegay kulankii baarlamaanka guddoomiyaha baarlamaanka, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in qoraal loogu yeerayo wasiirradan ay u diri doonaan ayna hor-imaan doonaan baarlamaanka, isagoo xusay inaysan xildhibaannada soo gudbiyay mooshinka soo qorin su’aalaha ay doonayaan inay wasiirradan su’aalaan.

“Waxaa i soo gaaray mooshin ay saxiixeen 15-xildhibaan, kaasoo lagu codsanayo in loo yeero wasiirrada arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka. Su’aalaha la weydiin doono wasiirrada waxaan ka dhigi doonnaa kuwa baarlamaanka kasoo baxa, waayo xildhibaannadu ma aysan soo qorin su’aalihii xildhibaanka la weydiin lahaa,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka.

Wasiirradan ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo looga yeero xarunta golaha baarlamaanka si su’aalo looga weydiiyo howlaha quseeya wasaaradahooda, iyadoo aan si rasmi ah loo ogeyn xilliga ay hortagayaan baarlamaanka.