Archive for Abriil, 2014

War culus: BF Somalia oo u yeeray raysal wasaare C/Weli si wax looga weydiiyo sababta uu ku yiri in la soo laayo ciidamada BARRE HIIRAALE.

Abriil 30, 2014

WAAJIDPRESS – 30 APR 2014:

Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaca u yeeray ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya si uu uga warbixiyo wax yaabaha ay qabatay xukuumadiisa muddada ay jirtay.

Ra’iisal wasare Cabdiweli Sheekh Axmed iyo gollaha wasiirradiisa ayaa lagu wadaa in maalinta Sabtida ay hortagaan baarlamaanka.

Ra’iisal wasaaraha ayaa la sheegay in su’aallo dhowr ah ay weydiin doonaan xildhibaannada baarlamaanka, waxaa la leeyahay waxaa ka mid ah wax yaabaha la weydiin doono Sababta uu u amray in la soo laayo ciidamada BARRE HIIRAALE uu hogaamiyo, iyadoo dowlada u aqoonsan tahay BARRE HIIRAALE in uu yahay sarkaal ka tirsan Dowlada.

Warar ay heshay ogaalka, ayaa muujinaya in ra’iisal wasaaraha lagu dheggan yahay, oo waxaaba laga gudbin doonaa mooshin ka dhan ah.

Ra’iisal wasaaraha ayaa la sheegay in uu khilaaf kala dhexeeyo qaar ka mid ah wasiiradiisa gaar ahaan wasiiro ku dhow madaxweynaha, kuwaasoo kala ah arrimaha gudaha iyo ammaanka.

Xildhibaannada baarlamaanka ayaa maalmahan su’aallo weydiinaayay wasiiradda arrimaha gudaha iyo ammaanka qaranka.

Labada wasiir ayaa muddo seddax cisho mid kasta la weydiiyay su’aallo badan

DEG DEG: Qoysaskii deganaa agagaarka garoonka diyaaradaha Kismaayo oo maanta guryahooda la bur-burinayo

Abriil 30, 2014

WAAJIDPRESS – 30 Apr 2014:

Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in qoysaskii degnaaa halkaasi lagu amaryo inay isaga guuraan.
Wararka ayaa intaas ku daraya inay jiraan dad bur-burintaasi wax ku noqday oo laba qof gaaraya, waxaana sidoo kale ay tilmaamayaan in xaalad beni’aadanimo ay heysato.
Hooyo Ruqiyo oo kamid ah hooyooyinka halkaasi laga barakicinayo ayaa u sheegtay warkii.com inaysan garanaynin meel ay ciirsadaan isla markaana si xoog ah ay uga saarayaan ciidamo kamid ah kuwa maamulka KMG ee Jubba.
Horay sidan oo kale ayaa xaafado kamid ah magaalada Kismaayo looga sameeyay bur-burin loo geystay qoysas deganaa magaaladaasi, waxaana la sheegayaa in bur-burintani ay kamid tahay howlaha maamulka uu ku soo celinayo bilicda magaalada Kismaayo
Weli Ma jiro wax wra ah oo ka soo baxay masuuliyiinta maamulka magaalada Kismaayo iyo saraakiisha oo ku aadan bur-burinta maanta ka socota magaaladaasi oo la bur-burinayo guryaha qoysaska danta yar.

War run ah: Korneyl C/laahi Cabdi “Dhulka NFD waxaa bixiyay Sharmaarke, wiilkiisiina badda ayuu bixiyay”

Abriil 30, 2014

WAAJIDPRESS – 30 Apr 2014:

Korneyl C/laahi Cabdi Isaaq, ayaa si kulul kaga hadlay damaca Kenya ee xilligaan ku aadan Gobolada Jubbooyinka ee Koonfurta Soomaaliya, xilli ay qayb ka tahay Hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom.

Korneyl C/laahi Cabdi Isaaq oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Kenya in ay Qunsul u soo magacawdo Gobolada Jubbooyinka, xilli ay Soomaalida ku dhibaateeneyso Magaalada Nairobi.

“Wax la aqbali karo maaha in Kenya Safiir u soo magacawdo Jubbooyinka, iyadoo dadkeena ku xasuuqeysa Nairobi, hablaheenii ku umulayaan xabsiyada, loona diido raashiinkii iyo biyihii.” ayuu yiri Korneyl C/laahi Cabdi Isaaq.

Sarkaalkaan oo la hadlay Dhacdo.com, ayaa yiri “2010-kii bisha afaraad, ayaan ogaanay in Kenya ay dooneyso gumeysi inay geliso Gobolada Jubbooyinka, Gedo iyo qayb yar oo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose. Waxa uuna intaa ku daray “Dhulka NFD waxaa bixiyay Sharmaarke, wiilkiisiina badda ayuu bixiyay. Dhulka NFD anagoo uga aamusnay, ayay Kenya hadda rabtaa inay nagu qabsato Gobolada Jubbooyinka.

Sarkaalkaan, ayaa si adag u sheegay in Soomaaliya ay lee dahay Soomaali oo qura, balse Kenya aynaan lahayn dalka Soomaaliya. Hase ahaatee ay dooneyso in kala qub qubnaanta Soomaalida ka faa’iideysato.

“Soomaaliya, Soomaali baa iska leh, Kenya malaha Soomaaliya, waxay dooneysaa inay ka faa’iideysato kala daadsanaanta dadka Soomaaliyeed, oo qabiil ku mashquulay.” ayuu yiri Korneyl C/laahi. “Waxaan maaha wax khuseeya qabiil ama dad gaar ah waa wax khuseeya Soomaali oo dhan, meel kastaba ha jooggaanee, waa inay ogsoonaadaan in Kenya inagu heysato dhulkeenii.” ayuu markale yiri.

Korneylka waxa uu ugu baaqay Siyaasiyiinta in arrintaan ka dhiidhiyaan oo si adag kaga munaaqashoodaan, sababo ku aadan Kenya oo dooneysa gumeysi cusub inay geliso Soomaaliya.

“Siyaasiyiinta waxaan ugu baaqayaa in arrintaan ka dhiidhiyaan oo meel kasta ka fariistaan, Kenya waxay dooneysaa in waqtigaan oo la jooggo 2014-ka gumeysi ku qabsato dal madax banaan.” ayuu yiri Sarkaalkaan oo ku sugan Gobolada Jubbooyinka.

Wuxuu sidoo kale baaq u diray Culimada Soomaaliyeed iyo dhammaanba qaybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna kula dardaarmay in ay dareen u lahaadaan damaca Kenya.

“Culimo iyo caamo waxaan rabaa inaan u sheego in arrintaan si dhow u fiiriyaan, waa in Kenya lala dagaalamaa oo ku celinaa Xuduuda, Kenya yaan laga yeelin in maanta na gumeysato.” ayuu yiri Korneylka. “Waa nasiib daro in Jubbooyinka nalagu qabsado, wax la dhaho Maamulka Jubba kama jiro Magaalada Kismaayo, Kismaayo waxaa heysta cadow, waana in lala dagaalamaa.” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeen Korneyl C/laahi Cabdi Isaaq, ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobe, Ururka Midowga Afrika iyo Jaamacada Carabta, in laga dhiidhiyo damaca guracan ee Dowladda Uhuru Kenyatta.

BF Somalia oo ku dhegan Muungaab iyo magacaabistiisa guddomiyeyaal

Abriil 30, 2014

Waxaa maalintii labad xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, ayaa su’aallo culus weydiinayee wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre.
Wasiirka uu u la socdo wasiirka ammaanka qaranka ayaa maalintii seddaxaad hor-tagay baarlamaanka, iyadoona la weydiinaayo howsha wasaaradahooda ka qabatay.
Wasiirka arrimaha gudaha ayaa la weydiiyay bal wuxuu kala socdo magacaabista guddoomiyaasha degmooyinka gobalka Banaadir ee uu magacaabay guddoomiyaha gobalka Gen Xasan Xuseen Muungaab.
Wasiir Goodax ayaa baarlamaanka u sheegay in Muungaab uusan isaga magacaabin guddoomiyaha degmooyinka balse uu ka qaybgalo uun xafladaha lagu caleemo saaro guddoomiyaasha.
Wuxuu sheegay oo kale in magacaabista guddoomiyaha degmooyinka ay gaartay wasaaradda arrimaha gudaha.
Mar uu ka hadlaayay sababta loo badalay guddoomiyaashii horre, wuxuu xusay in loo baahan yahay is badal si nabad buuxda ay u dhacdo gobalka Banaadir.
Wasiirka waxaa kaloo la weydiiya wax yaabaha uu kala socdo qandaraasyada la siiyo shirkadaha Turkiga ee la wareegay goobaha ku yaalla xeebaha, wuxuu sheegay in heshiiska lala galay shirkadaas ay ka horreeyeen wasaarradiisa.
Waa maalintii labaad oo wasiirka arrimaha gudaha Cabdullaahi Goodax Barre uu hortago baarlamaanka Soomaaliya.

War CULUS: Goodax “Waxaa jira Mas’uuliyiin leexsaday raashinkii gar gaarka ee loo diray gobolada”

Abriil 30, 2014

WAAJIDPRESS – 30 Apr 2014:

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/llaahi Goodax Barre oo su’aalo uga jawaabayay Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa sheegay inay jiraan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda lunsaday raashin gar gaar.

Goodax ayaa sheegay in dowladda ay joojisay gar gaarkii ay u diri laheyd degmooyinka, kadib markii ay ku aamini waayeen mas’uuliyiinta maamulada degmooyinka, kadib markii ay dhacday marar badan in sidii loogu tala galay aan loo gaarsiin dadka dan yarta ah.

“Waxaa jira dad mas’uuliyiin ahaa oo lunsaday raashinkii gar gaarka, waxaa dhacday raashin gar gaar loo diray Bay iyo Bakool, in badan ayaa la leexsaday, dowladda waa ka soo celisay waxaa loo diray Shabeelaha Dhexe oo ay ka jirtay xaalado bani’aadanimo”ayuu yiri Wasiir Goodax.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa weydiistay Xildhibaanada hadii uu jiro cid ay ku aamini karaan oo qaadaya mas’uuliyada raashinkaas inuu deegaankiisa gaarsiiyo, ay ku wareejinayaan, isla markaana lagula xisaabtamayo.

Marar badan ayaa waxaa jiray eedeymo loo jeediyay Mas’uuliyiinta maamulada degmooyinka oo ku aadan in raashin gar gaar loogu tala galay deegaanadooda inay lunsadeen, taasna ay keentay in dowladda ay joojiso gar gaarkii la gaarsiinayay dadka dan yarta, maadaama sidii loogu tala galay aanay u gaareyn.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa lagu wadaa in maalintii 3aad uu hortago Baarlamaanka, si su’aalo looga weydiiyo, waxaana Xildhibaanada Baarlamaanka ay maalmihii u dambeeyay su’aalo weydiinayeen Wasiirka Amniga Qaranka.

WAR CULUS: DAAWO: MADAXWEYNAHA PUNTLAND IYO WASIIRKA ARIMAHA DIBADA OO ISKU RAACEY HALKA AY KU TAALO XUDUUDAHA SOMALILAND KA DIB SHIR AY KU YEESHEEN ETHIOPIA

Abriil 29, 2014

WAAJIDPRESS – 29 APR 2014:

Wasiirka Cali Warancade ayaa yiri: Puntland heshiiskaygii hore ayaan soo ceshaney, xuduudayada waa ku qanceen, anagana arintaas waynu ku faraxsanahay.

Cali Warancade iyo Maxamed Biixi ayaa shegay inay la soo kulmeen Abdiweli Gaas isla markaana ay soo nooleeyeen waxa ay ugu yeedheen heshiisyo ay hore xukuumadii Faroole ugula jireen, isla markaana ay aad ugu faraxsan yihiin ka dowlad ahaan.

Wasiirka Dibadda ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo saxaafadda kula hadley Garoonka Diyaaradaha Hargeysa ayaa sheegey in ay shir la qaateen Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Cali Gaas, shirkaas oo ahaa mid wanaagsan sida Wasiirku yiri, waxaan u sheegney (Madaxweynaha Puntland) ayuu yiri halka xuduudayadu dhacdo ay Somaliland xor u tahay – hoos ka daawo:

Korneyl Mahad Qoorjaf oo lagu dilay dagaal culus oo maanta ka dhacay Gobolka Gedo

Abriil 29, 2014

WAAJIDPRESS – 29 Apr 2014:

Taliyihii Ciidamada Dowladda ee Deegaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo Korneyl Mahad Qoorjaf, ayaa waxaa maanta lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay afaafka hore ee Deegaanka Ceelcadde.

Xoogaga Shabaab, ayaa weerar kulul ku soo qaaday fariisimaha Ciidamada Dowladda ku lee yihiin halka loo yaqaano Warta Xaashi Calaam, oo ka tirsan Deegaanka Ceelcadde, waxaana labada dhinac ku dhex maray dagaal soconaayay muddo saacad ah.

Ilo lagu kalsoonaan karo, ayaa Dhacdo.com u sheegay in Korneyl Mahad Qoorjaf lagu dilay dagaalka ka dhacay Warta Xaashi Calaam, waxaa kaloo jira tiro askar ah oo dagaalka lagu dilay, laguna dhaawacay.

Nin diiday in magaciisa Warbaahinta loo adeegsado, ayaa ku waramaaya Shabaabka meydad tiro ah in ay ka qaateen Warta Xaashi Calaam, dibna ay u baneeyeen halkaasi muddo hal saac kadib.

Ciidamada Kenya ee fariisimaha ku leh Deegaanka Ceelcadde oo qiyaastii 60km u jirta Magaalada Garbahaarey, ayaa la soo sheegayaa inaanay ka qayb qaadan dagaalka.

Ciidamada Kenya mararka qaarkood kama qayb qaataan weerarada lagu soo qaado fariisimaha Ciidanka Dowladda, inkastoo xilliyada qaar ay madaafiic u ridaan jihooyinka ay weerarada ka soo qaadaan Shabaabka.

Xoogaga Shabaab, ayaa weeraro ku ekeeya goobaha ay ku sugan yihiin Ciidanka Xooga Dalka iyo Xoogaga Midowga Afrika ee Amisom, sababo ku aadan, iyagoo rumeysan in dalka ku soo duulleen.

Wararkii ugu dambeeyay dagaal Ceelbuur ku dhexmaray Shabaab iyo ciidamada Itoobiya

Abriil 29, 2014

WAAJIDPRESS – 29 Apr 2014:

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Degmada Ceelbuur ee Gobalka Galgaduud, Al-Shabaab ayaa xalay waxa ay dagaal ku qaadeen Degmadaasi, iyadoo xalay Ceelbuur laga maqlaye rasaas ay isweydaarsanayeen ciidamada Shabaab iyo ciidamada Huwanta ee Magaalada gacanta ku haya.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalkii xalay ka dhacay Degmada Ceelbuur ee Gobalka Galgaduud uu ahaa mid aad uculus oo argagax ku beeray dadka ku sugan Magaalada.

Waxaan la ogeyn khasaaraha dagaalkaasi kasoo gaaray labada dhinac ee dagaalka dhexmaray, welina saraakiisha dhinacyadaasi wax faah-faahin ah kama aysan bixin dagaalka ka dhacay Degmada Ceelbuur.

Sheekh Xasan Yacquub oo ah Guddoomiyaha Al-Shabaab u qaabilsan Gobalka Galgaduud, ayaa usheegay warbaahinta in ciidamada Itoobiya ay ku go’odoomiyeen Degmada Ceelbuur.

Wuxuu sheegay in ciidamada Itoobiyaanka aysan doonan karin saad, hadii ay isku dayaan inay dhaqaaqaana ay ku weynayaan halkaasi sida uu yiri gaadiid iyo ciidamo intaba.

Sheekh Xasan Yacquub, ayaa ku goodiyay inaysan marnaba joojin doonin dagaalada ay ku qaadayaan ciidamada Itoobiya inta ay ku sugan yihiin Gobalka Galgaduud, gaar ahaan Degmada Ceelbuur.

Al-Shabaabka weerarada kusoo qaada Degmada Ceelbuur ayaan ka fogeyn Degmadaasi, waxaana ay go’doomiyeen Degmada Ceelbuur oo ay udiideen inay galaan gaadiidka xamuulka ee raashinka sida.

War CULUS : Jeneraal Gaafoow iyo Bashiir Goobe oo maanta wacdaro ku qabsatay Baarlamaanka gudahiisa

Abriil 29, 2014

WAAJIDPRESS – 29 Apr 2014:

Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida ee Qaranka General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) iyo Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha General C/laahi Gaafow Maxamuud, ayaa maanta hortagey Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada Baarlamaanka, ayaa waxay Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida ee Qaranka wax ka weydiiyeen, xaalada amni ee dalka iyo waxa ay ka qababatay Hay’adda uu hogaanka u haayo.

General Bashiir Goobe, ayaa ku waramaaya in Hay’adda Nabad Suggida ay muuqato waxyaabo badan, oo ay qabatay, sidoo kalana ay ka hortagtey weeraro ay Caasimada ka fulin laheyd sida uu yiri Al Shabaab.

Su’aad ahayd meelaha laga saaray Shabaab, maxaad u geyn weyday Ciidan Nabad Suggid ah? ayaa wuxuu ku jawaabay in ay jiraan meelo dhowr ah oo ay u suurta gashay in la geeyo, halka meelaha qaarna aynaan weli u suurta gelin, balse ay taasi wadadeeda hayaan.

Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha General C/laahi Gaafow Maxamuud, oo isna wax laga weydiiyay sababta uu kaga horyimid go’aankii uu Baarlamaanka ku joojiyay, kaararka aqoonsiga ee Muwaadinimada, ilaama laga horkeenaayo Baarlamaanka, ayaa wuxuu isku difaacay in laga been abuurtay.

General Qaafow, ayaa ku dooday inaanay jirin meel uu hadalkaasi ka sheegay, cidii ka sheegtayna ay ka been abuuratay,wuxuuna carabka ku adkeeyay inaanu marnaba diidin go’aan Baarlamaaneed.

General Qaafow, ayaa Isniintii hore Shirweynaha Qaran ka sheegay in si wanaagsan ku socoto qaadashada kaararka aqoonsiga ee Muwaanimada, isla-markaana ay kordhiyen meelaha laga heli karo.

War deg deg ah: Ra’iisul Wasaare Cabdiwelli ayaa wuxuu Khilaaf Xoog leh kala horyimid Madaxweyne Xasan Sheikh

Abriil 28, 2014

WAAJIDPRESS – 28 APR 2014:

Ra’iisul Wasaare Cabdiwelli ayaa wuxuu bilaabay khilaaf xoof leh, ka dib markii uu soo jeediyey in uu ceyrinayo sadex Wasiir oo aad ugu dhow Madaxweynaha Soomaaliya, arintaasna waxaa si cad u diidey Madaxweyne Xassan Sheikh.

Ra’isulwasaare Abdiwali wuxuu Madaxweynaha u sheegey inuu xilka qaadis ku sameeyn doono Wasiirada Arrimaha gudaha,Amniga,Garsoorka iyo Federalka kuwaas oo kala ah, Cabdi-Kariim Guled, Goodax iyo Faarax Topaz.

Ra’isulwasaaraha Somalia Abdiwali Yuulka ayaa olole xoogan ugu jira sidii Baarlamaanka Somalia shaqada uga eryi lahaayeen sedex ka mida Wasiirada sida aadka ugu dhaw Madaxweyne Xassan Sheikh.

Ra’isulwasaare Abdiwali wuxuu kulama hoose la yeeshey Xildhibaanada u dhashay Beelaha Daarood iyo Dir ,isagoo weydiistay inay diyaariyaan mooshin ay kaga taqalusayaan Wasiirka Arrimaha gudaha Abdullahi Barre Goodax, Wasiirka Garsoorka Faarax Cabdulqaadir iyo Wasiirka Amniga Abdikarim Guled; sadexda wasiir ayaa laba ka mid ah ka soo jeeda beesha Hawiye.