Wararkii ugu dambeeyay dagaal Ceelbuur ku dhexmaray Shabaab iyo ciidamada Itoobiya

WAAJIDPRESS – 29 Apr 2014:

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Degmada Ceelbuur ee Gobalka Galgaduud, Al-Shabaab ayaa xalay waxa ay dagaal ku qaadeen Degmadaasi, iyadoo xalay Ceelbuur laga maqlaye rasaas ay isweydaarsanayeen ciidamada Shabaab iyo ciidamada Huwanta ee Magaalada gacanta ku haya.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalkii xalay ka dhacay Degmada Ceelbuur ee Gobalka Galgaduud uu ahaa mid aad uculus oo argagax ku beeray dadka ku sugan Magaalada.

Waxaan la ogeyn khasaaraha dagaalkaasi kasoo gaaray labada dhinac ee dagaalka dhexmaray, welina saraakiisha dhinacyadaasi wax faah-faahin ah kama aysan bixin dagaalka ka dhacay Degmada Ceelbuur.

Sheekh Xasan Yacquub oo ah Guddoomiyaha Al-Shabaab u qaabilsan Gobalka Galgaduud, ayaa usheegay warbaahinta in ciidamada Itoobiya ay ku go’odoomiyeen Degmada Ceelbuur.

Wuxuu sheegay in ciidamada Itoobiyaanka aysan doonan karin saad, hadii ay isku dayaan inay dhaqaaqaana ay ku weynayaan halkaasi sida uu yiri gaadiid iyo ciidamo intaba.

Sheekh Xasan Yacquub, ayaa ku goodiyay inaysan marnaba joojin doonin dagaalada ay ku qaadayaan ciidamada Itoobiya inta ay ku sugan yihiin Gobalka Galgaduud, gaar ahaan Degmada Ceelbuur.

Al-Shabaabka weerarada kusoo qaada Degmada Ceelbuur ayaan ka fogeyn Degmadaasi, waxaana ay go’doomiyeen Degmada Ceelbuur oo ay udiideen inay galaan gaadiidka xamuulka ee raashinka sida.

Faallo u dhaaf