Archive for Maajo, 2014

War deg deg ah: Iska horimaad caawa ka dhacay Isgoyska SOS iyo qarax lagu weeraray hoyga Gudoomiyaha Degmada Kaaraan

Maajo 31, 2014

WAAJIDPRESS – 31 May 2014:

Bambo gacmeyd, ayaa caawa gudaha loogu tuuray hoyga Gudoomiyaha Degmada Kaaraan Axmed Xasan Yalaxow, uu ka degan yahay Degmadaasi, xilli la tilmaamay in uu ku sugnaa.

Ciidamada Ilaalada ee hoyga Gudoomiyaha Degmada Kaaraan, ayaa la maqlaayay rasaas ay ridayeen, inkastoo aan la sheegin cid waxyeelo ay ka soo gaartay rasaastaasi.

Dadka ku dhow dhow Gudoomiyaha Degmada Kaaraan, ayaa ku waramaaya inaanay jirin waxyeelo Gudoomiyaha iyo Ciidamada Ilaaladiisuba ka soo gaartay qaraxa bambaano ee gudaha loo geliyay fiidnimadii caawa.

Gudoomiye Yalaxow kama hadlin qaraxa ka dhanka ah hoygiisa, toddobaadkii horena wuxuu ka badbaaday weerar dhaba-gal ahaa oo loo dhigay Xaafada SII SII ee Degmada Yaaqshiid, xilli uu ka yimid dhinaca Degmada Heliwaa. Waxaana ku dhaawacantay weerarkaasi laba ka mid ahayd Ilaaladiisii.

Dhanka kale Iska horimaad hubeysan, ayaa abaarihii 9-kii caweysnimo ee caawa ka dhacay Isgoyska SOS ee Degmada Heliwaa, kadib markii Xoogag hubeysan ay weerareen fariisimaha ay halkaasi ku lee yihiin Ciidamada Dowladda.

Daryanka gantaalaha garbaha laga tuuro ee baasuukaha, ayaa caawa laga maqlaayay aagga Isgoyska SOS, wuxuuna weerarkaan daba socdaa weeraro joogto ah, oo ay Shabaabku ka geystaan Degmadaasi Heliwaa.

Maamulka Degmada Heliwaa, ayaa toddobaadkii hore sheegay in weeraradaan ay kaga imaanayaan dhinaca Degmada Yaaqshiid, halkaa oo ay sheegeen inay iska soo uruursanayaan mintidiinta Shabaabka, iyagoona Maamulka Yaaqshiid weydiistay in arrintaasi ay ka jawaab siiyaan.

Advertisements

War deg deg ah: Ciidamada Somaliya iyo Jabuuti oo weeraray Xoogaga Shabaab oo gaadiid u diiday inay galaan Buulo Burde

Maajo 31, 2014

WAAJIDPRESS – 31 May 2014:

Ciidamada Dowladda Federalka ee Soomaaliya oo garab ka helaaya Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, ee ka socdo dalka Jabuuti, ayaa waxay maanta weerar ku qaadeen Xoogag ka tirsan Shabaabka, oo gaadiid ku xanibay Deegaanada Dhabadey iyo Ceelwade ee duleedka Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan.

Deegaanada la weeraray oo 18km dhinaca Koonfureed kaga beegan Degmada Buulo Burde, ayaa waxay Ciidamada Huwanta kula dagaalameen Xoogaga Ururka Al Shabaab.

Shabaabka oo xayiraado saaray Degmada Buulo Burde, ayaa waxay gaadiidka u diideen in ay gudaha u galaan Degmadaasi, si ay u xoojiyaan tallaabada ay ku xaqiijiyanayaan go’doomintooda Buulo Burde.

Ciidamada Somaliya iyo Jabuuti oo ka dhiidhiyay amuurtaasi, ayaa waxay maanta Shabaabka xoog kagala wareegeen Deegaanada Ceelwade iyo Dhabadey, isla-markaana ay Shabaabka dib u gurteen.

Abaan Duulaha Ciidamada Xooga Dalka ee Gobolka Hiiraan Korneyl Cismaan Cabdi Muumin, ayaa wuxuu sheegay Ciidamada Dowladda iyo Amisom, inay ku sugan yihiin Deegaanadii Shabaabka lagu weeraray.

Taliyaha Ciidanka Dowladda ee Gobolka Hiiraan Korneyl Tawane Axmed Gurey, ayaa dhankiisa sheegay in la soo badbaadiyay gaadiidkii ay Shabaabku u diideen, in ay gudaha u galaan Buulo Burde.

Korneyl Tawane wuxuu Shabaabku ku eedeeyay in raashiinkii iyo qutul daruurigiiba ay u diidan yihiin shacabka Somaliyeed, taana aynaan ahayn wax uu aqbali karo Xooga Dalka.

XOG. Faarax Sheekh C/qaadir oo loo xil-saaray soo xulista Wasiirka Amniga.

Maajo 31, 2014

WAAJIDPRESS – 31 May 2014:

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Madaxtooyada Somalia, ayaa Alldhacdo u xaqiijiyay in Wasiirka Dastuurka Faarax Sheekh C/qaadir loo xil-saaray inuu soo iqtiraaxo ruuxa laga dhigi doono Wasiirka Amniga Qaranka ee lagu buuxin-doono Booska uu faarujiyay Gulled.

Illo wareedka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xassan Sheekh uu Faarax C/qaadir u xil-saaray inuu soo xulo shaqsigaasi, isagoona lagu amray inuu ka feerjignaado mab’ada uu aaminsan yahay ruuxa la keeno doono si uusan uga dhex-bixin Dam-jadiid.

Lama Oga ruuxa uu Faarax C/qaadir soo xuli doono, waxaana la sheegayaa in iminka uu Villa Somalia kulamo kala duwan kula qaato Odayaasha iyo Xildhibaanada H/gidir, gaar ahaan lafta Booskaasi leh.

War CULUS: DAAWO: Wasiir Faarax oo beeniyay in Baarlamaanka Somaliya uu bedelay Dastuurkii Dalka

Maajo 31, 2014

WAAJIDPRESS – 30 May 2014:

Wasiirka Wasaarada Cadaalada & Dastuurka Soomaaliya Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed -(OO ka soo jeeda BEESHA SHEEKHAAL), ayaa wuxuu beeniyay in Baarlamaanka Somaliya uu wada bedelay Dastuurkii Dalka.

Wasiirka, ayaa wuxuu qiray in Baarlamaanka Somaliya uu wax ka bedel ku sameeyay qodobada Dastuurka qaarkood, laakiin aanu wada bedelin gebi ahaanba nuqulada Dastuurka.

Wasiirka wuxuu tilmaamay waxa keenay in isbedel lagu sameeyo qodobada Dastuurka qaarkood, uu yahay mid ka horeeyay jiritaanka Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isla-markaana uu Baarlamaanka horey go’aan ugu gaaray in dib loo dhigo qodobada qaar ee Dastuurka. Taana ay tahay midda keentay in dadka qaar ay u fasirtaan in la bedelay Dastuurkii Qabyo Qoraalka.

Sidoo kale waxa uu qeexay marka aad dib u milicsato daabacida Dastuurka Soomaaliya, in uu yahay mid ka horeeyay Dhismaha Xukuumada iyo Doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya (10 September 2012).

Wasiir Faarax, ayaa xusay in qodobada la bedelay ee Dastuurka ka dhasheen, talooyin farsamo u badnaa oo ka yimid Gole-yaashii Ergada iyo Baarlamaanka – DAAWO hoos:

War deg deg ah: Baabuur laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa hadda lala beegsadey Taliyaha Boliiska Soomaaliya

Maajo 30, 2014

WAAJIDPRESS – 30 MAY 2014:

Qarax xoogan ayaa Caawa ka dhacay Ilinka hore ee Hotelka City Place ee magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxa uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku qarxay Banaanka hore ee hotelka.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xooganaa ayaa laga maqlay qeybo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir Maadaama Qaraxa uu ahaa Mid Ismiidaamin ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xilliga qaraxa dhacayay uu hetelka soo Galayay Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. C/xakiin Daahir Saacid iyo saraakiil kale oo shir ku balansanaayeen.

Sidoo kale gudaha Hotelka ayaa waxaa ku sugna Saraakiil sare sare oo ka Tirsan Ciidan Booliska iyo nabad Sugida Dalka Soomalaiya .

Wax Khasaaro ah ilaa hadda lama soo sheegin.

Ciidamada booliska iyo kuwa Nabadsugida ayaa xiray wadada hor marta Hotelka ee Laamiga iyadoo la sheegayo in ciidamada Ay wadaan Baaris Xoogan.

WAR DEG DEG AH: DAAWO: WASIIR KU-XIGEENKA AMNIGA EE SOMALILAND OO XALAY GURIGIISA HARGEYSA AY KU WEERAREEN CIIDAMADA BOLISKA SOMALILAND

Maajo 30, 2014

WAAJIDPRESS – 30 AMY 2014:

HOOS KA DAAWO: XAASKA WASIIRKA KA WARAMEYSA SIDII AY U SOO WEERAREEN CIIDAMADA SOMALILAND GURIGOODA:

War deg deg ah: Xildhibaanada Diyaarinaya Mooshinka Madaxweynaha Soomaaliya lagu ridayo oo sii kordhay

Maajo 30, 2014

WAAJIDPRESS – 30 MAY 2014:

Warar hoose oon heleyno ayaa sheegaya in ay kordheen maalmihii lasoo dhaafay Xildhibaanada Siyaasad ahaan kasoo horjeeda Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud dhwaana ugu baaqay in uu is casilo.

Kulamo hoose ayaa maalmihii lasoo dhaafay kasocday Hoteelo kuyaala Magaalada Muqdisho , waxaana kulamadaa lahaa Xildhibaanadii dhawaan soo saaray bayaankii Madaxweynaha loogu baaqay in uu is casilo.

Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in wali ku hoolan yihiin diyaarinta Mooshinka lagu ridayo Madaxweynaha Soomaaliya , waxa uuna intaa raaciyay inay ay maalinbo maalinta ka dambeysa sii kordhayaan Xildhibaanada kasoo horjeeda Madaxweynaha.

Waxaan wali wadnaa diyaarinta mooshin lagu ridayo Madaxweynaha Soomaaliya maadaama uu kabiyo diiday in uu qaato bayaankii aan uga codsany in uu is casilo , Xildhibaanada ku baaqay in uu is casilo Madaxaweynaha ayaa u badan beesha DIGIL & MIRIFLE.

Xildhibaanada hada ku soo biray Xubnihii horey bayaanka u soo saaray ayaa la sheegay in ay ka caroodeen Maamul xumada dalka ka jirta, in uu ka laalaabanayo aqoonsiga maamulka Lixda Gobol ee Koonfur Soomaaliya iyo amaanka oo faraha kasii baxay kadib markii weerar dharaar cad Al-Shabaab ku galeen xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho, ayuu yiri Gudoomiyaha Xildhibaanada Moshinka wada kana soo jeeda beesha Digil iyo Mirifle.

Madaxtooyada Soomaaliy ayaa waqti iyo qarash badan ku bixisay kala fur furka Xildhibaanada kasoo horjeeda Madaxweynaha Soomalaiya , hasa ahaateewaxaa muuqata in qorshahaasi uusan hirgalin uuna u muuqdo mid fashil ku dhamaaday.

War deg deg ah: Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha oo sii xogeystey iyo Wasiirada la isku heesto

Maajo 30, 2014

WAAJIDPRESS – 30 MAY 2014:

Waxaa Maalmihii lasoo dhaafay soo baxay Warar ku aadan in uu jiro Khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/Wasaare Cabdi Wali Sheekh Axmed kaa oo ka dhashay in isku shaandheyn lagu sameeyo Golaha Wasiirada.

R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa doonaya in uu sameeyo isku shaandheyn kooban meeshana uu ka saaro qaar kamid ah Golaha Wasiirada ee hada shaqeeya halka kuwa kalana uu doonayo in lagu sameeyo isku shaandheyn oo la isku badalo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn uga soo horjeestay qorshaha R/Wasaaraha ee ah in uu golaha Wasiirada kasaaro xubno kudhaw dhaw Madaxweynaha Soomaaliya , waxaana wali taagan dooda iyo Khilaafka arintaasi ka dhashay.

R/Wasaare Cabdi Wali ayaa ku adkeesanaya hadiiba uu sameenayo isku shaandheyn in uusan dooneyn in golaha Wasiirada ay kusoo laabtaan xubno aan ka amarqaadan hadana kamid ah Golaha Wasiirada kuwaa oo si aad ah ugu dhaw Madaxweynaha Soomaaliya , waxa sidoo kale R/Wasaaraha diidan yahay in markale golaha Wasiirada uu kamid noqdo Wasiirkii Amniga ee is casilay.

Xubnaha uu muranku ka taagan yahay uuna doonayo R/Wasaaraha Soomaaliya in uu meesha ka saaro waxaa kamid ah Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka C/Laahi Goodax Barre , Wasiirka Dastuurka Faarax Cabduqaadir , Wasiirka Warfaafinta Mustaf Dhuxulow , Wasiiru Dowlaha Maaliyada Cabdulaahi Maxamed Nuur , Wasiir kuxigeenka Arimaha Dibada Mahad Salaad iyo Xubno kale oo katirsan Golaha Wasiirada oon helin Magacyadooda.

Wasiiradaan uu rabo in Ra’isul Wasaaraha Shaqada ka ceeriyo ayaa Badankooda ka soo jeeda beesha HAWIYE.

Wasiiradan ayaa ah kuwa katirsan Xisbiga Madaxweynaha Soomaaliya iyo kuwa ku shaqeeya Siyaasada Xisbigaasi balse aan ka tirsaneyn , R/Wasaaraha ayaana aad u dhaliilsan qaabka ay u shaqeeyaan Wasiiradan Xukuumadiisa kamidka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa ku adkeesanaya in aan marnaba Liiska golaha Wasiirada laga saarin xubnahan ku dhaw dhaw , Madaxweyanha ayaana ka codsaday R/Wasaaraha in kaliya uu isku shaandheyn sameeyo balse aan xilka laga qadain Wasiirada hada shaqeeya.

Waxaa socda xalinta Khilaafka cuub ee soo shaac baxay ee u dhaxeeya Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha , waxaana wali la ogeyn halka uu saldhigan doonto arintan Siyaasadeed oo ka dhalatay iscasilaada Wasiirkii Amniga Qaranka Cabdi Kariin Xuseen Guuleed .

War deg deg ah: Wasiir Ku Xigeenkii Hore ee Amniga Somaliland oo La Xiray, Sheegayna In Wasiiro Ka Tirsan Xukuumada Ay Xiriir La Leeyihiin Al-Shabaab

Maajo 30, 2014

WAAJIDPRESS – 29 May 2014:

Cabdullaahi Abokor Cismaan oo ahaa wasiir ku-xigeenkii hore ee amniga iyo wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliland ayaa xabsiga la dhigey,kaddib markii uu sheegay inay jiraan wasiirro xukuumadda Soomaaliland ka tirsan oo Al-Shabaab ah,waxuuna cadeeyey inay isticmaalam magacyo kala duwan.
Ciidamada ammaanka Soomaaliland ayaa weerar ku qaadey guriga uu Hargeyso ka daganyahay wasiir ku-xigeenkii hore,waxaana halka ka dhacey isku dhac muddo kooban socdey.
Rasaas xog-leh ayaa laga maqley guri uu daganaa Cabdullaahi Abokor,waxaana gudaha u galey aqalkiisa ciidamada ammaanka oo la soo baxey,waxaana isku dhaca ka dhashey dhaawaca mid ka mid ah ilaaladiisa.
Xilligaan waxaa la sheegay wasiir ku-xigeenkii amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha inuu ku jira xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa, mana jirto wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka Soomaaliland.
Cabdillaahi Abokor ayaa dhawaan Madaxweyne Siilaanyo xilka ka qaaday, waxaanu warbaahinta u sheegay inuu bil kasta soo bandhigi doono arimo uu xog ogaal uu u yahay oo ay ku dhaqmaan koox wasiiro ahi.
Dhinaca kale,waxaa la adkeeyey amniga magaalada Hargeysa,ciidamada ammaanka ayaana la soo dhoobey jidadka waa weyn ee dhex qaada Hargeysa waxaan ay halka ka wadaan baaritaan.
Arrimahan oo dhan waxaa ay ku soo aadayan xilli xalay uu qarax ka dhacay goob ku dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliland,walow an wax khasaaro ah ka dhalan,lamana garanayo sababaha kenay inay xilligan qaraxyo ka dhacan Hargeyso.
Ma jirto cid wali sheegatey mas’uuliyada labo qarax oo labo habeen oo is xigta ka dhacay Hargeysa,waxaana wali taagan xiisada siyaasaded ee ka dhaxeysa xisbiga talada haya ee Kulmiye kuwaaso khilaf uu ka dhaxeeyo.

Sir Culus oo ka soo baxday qarax maanta ruxay magaalada Hargeysa & Siilaanyo oo…

Maajo 29, 2014

WAAJIDPRESS – 29 MAY 2014:

Magaalada Hargaysa ee maamulka Soomaaliland, xalay saqdii dhexe waqti ay ku beegneyd 12- habeenimo ayaa waxaa Magaalada laga maqlay qarax aad uweyn xilli jawiga magaalada uu deganaa.

Qaraxan ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhacay wadada dhabarka dambe ka marta Isbitaalka Guud ee Magaalada Hargaysa, laakiin ilaa hada lama oga cida ka dambeysay qaraxan.

Saraakiisha Booliiska magaalada Hargaysa weli war faah-faahsan kama aysan soo saarin qaraxaan iyo cida ka dambeysay, iyadoo uu jiro khasaaro ka dhashay.

Dadka xilligaasi ka agdhawaa goobta ee maqaaxiyaha fadhiyay ayaa ku waramaya in nooca qaraxa uu ahaa miinada wadada dhinaceeda la dhiga, balse aysan garan karin xilliga la dhigay iyo cida loo dhigay.

Xaalada Magaalada Hargaysa ayaa degan, dadka ayaa su’aalo iska weydiinaya qaraxii xalay iyo waxa uu ahaa.

Booliiska Magaalada Hargaysa ayaa si weyn u adkeeyay ammaanka guud ee caasimada Hargaysa ee Soomaaliland.

Qaraxan ayaa kusoo aadaya xilli buuq siyaasaded uu ka dhexjiro Xisbiga talada Soomaaliland haya ee Kulmiye.