War deg deg ah: Wasiir Ku Xigeenkii Hore ee Amniga Somaliland oo La Xiray, Sheegayna In Wasiiro Ka Tirsan Xukuumada Ay Xiriir La Leeyihiin Al-Shabaab

WAAJIDPRESS – 29 May 2014:

Cabdullaahi Abokor Cismaan oo ahaa wasiir ku-xigeenkii hore ee amniga iyo wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliland ayaa xabsiga la dhigey,kaddib markii uu sheegay inay jiraan wasiirro xukuumadda Soomaaliland ka tirsan oo Al-Shabaab ah,waxuuna cadeeyey inay isticmaalam magacyo kala duwan.
Ciidamada ammaanka Soomaaliland ayaa weerar ku qaadey guriga uu Hargeyso ka daganyahay wasiir ku-xigeenkii hore,waxaana halka ka dhacey isku dhac muddo kooban socdey.
Rasaas xog-leh ayaa laga maqley guri uu daganaa Cabdullaahi Abokor,waxaana gudaha u galey aqalkiisa ciidamada ammaanka oo la soo baxey,waxaana isku dhaca ka dhashey dhaawaca mid ka mid ah ilaaladiisa.
Xilligaan waxaa la sheegay wasiir ku-xigeenkii amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha inuu ku jira xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa, mana jirto wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka Soomaaliland.
Cabdillaahi Abokor ayaa dhawaan Madaxweyne Siilaanyo xilka ka qaaday, waxaanu warbaahinta u sheegay inuu bil kasta soo bandhigi doono arimo uu xog ogaal uu u yahay oo ay ku dhaqmaan koox wasiiro ahi.
Dhinaca kale,waxaa la adkeeyey amniga magaalada Hargeysa,ciidamada ammaanka ayaana la soo dhoobey jidadka waa weyn ee dhex qaada Hargeysa waxaan ay halka ka wadaan baaritaan.
Arrimahan oo dhan waxaa ay ku soo aadayan xilli xalay uu qarax ka dhacay goob ku dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliland,walow an wax khasaaro ah ka dhalan,lamana garanayo sababaha kenay inay xilligan qaraxyo ka dhacan Hargeyso.
Ma jirto cid wali sheegatey mas’uuliyada labo qarax oo labo habeen oo is xigta ka dhacay Hargeysa,waxaana wali taagan xiisada siyaasaded ee ka dhaxeysa xisbiga talada haya ee Kulmiye kuwaaso khilaf uu ka dhaxeeyo.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: