War deg deg ah: Ciidamada Somaliya iyo Jabuuti oo weeraray Xoogaga Shabaab oo gaadiid u diiday inay galaan Buulo Burde

WAAJIDPRESS – 31 May 2014:

Ciidamada Dowladda Federalka ee Soomaaliya oo garab ka helaaya Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, ee ka socdo dalka Jabuuti, ayaa waxay maanta weerar ku qaadeen Xoogag ka tirsan Shabaabka, oo gaadiid ku xanibay Deegaanada Dhabadey iyo Ceelwade ee duleedka Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan.

Deegaanada la weeraray oo 18km dhinaca Koonfureed kaga beegan Degmada Buulo Burde, ayaa waxay Ciidamada Huwanta kula dagaalameen Xoogaga Ururka Al Shabaab.

Shabaabka oo xayiraado saaray Degmada Buulo Burde, ayaa waxay gaadiidka u diideen in ay gudaha u galaan Degmadaasi, si ay u xoojiyaan tallaabada ay ku xaqiijiyanayaan go’doomintooda Buulo Burde.

Ciidamada Somaliya iyo Jabuuti oo ka dhiidhiyay amuurtaasi, ayaa waxay maanta Shabaabka xoog kagala wareegeen Deegaanada Ceelwade iyo Dhabadey, isla-markaana ay Shabaabka dib u gurteen.

Abaan Duulaha Ciidamada Xooga Dalka ee Gobolka Hiiraan Korneyl Cismaan Cabdi Muumin, ayaa wuxuu sheegay Ciidamada Dowladda iyo Amisom, inay ku sugan yihiin Deegaanadii Shabaabka lagu weeraray.

Taliyaha Ciidanka Dowladda ee Gobolka Hiiraan Korneyl Tawane Axmed Gurey, ayaa dhankiisa sheegay in la soo badbaadiyay gaadiidkii ay Shabaabku u diideen, in ay gudaha u galaan Buulo Burde.

Korneyl Tawane wuxuu Shabaabku ku eedeeyay in raashiinkii iyo qutul daruurigiiba ay u diidan yihiin shacabka Somaliyeed, taana aynaan ahayn wax uu aqbali karo Xooga Dalka.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: