WAAJIDPRESS – 24 Jun 2014:
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Somaliya, ayaa waxay caawa shir xasaasi ah ku lee yihiin Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, iyadoo looga hadlaayo arrimaha cusub iyo wareysigii Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ahna Federalka ee Somaliya C/laahi Goodax Barre.
Shirka oo xilligaan Golaha Wasiirada kaga soconaayo Villa Somalia, ayaa waxaa shir gudoominaaya Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federalka ee Somaliya C/weli Sheekh Axmed Maxamed.
shirkaan ayaa waxaa soo baxaaya inaanay caawa ayaan ka qeybgelin Wasiirada ka soo jeeda DIGIL IYO MIRIFLE IYO KUWA Beelaha Hawiye, ka gadaal markii ay Odayaasha Dhaqanku ku baaqeen inaanay xaadirin shaqada. Ilaa amar dambe.
Dhanka kale Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya oo maanta kulan ku lahaa Xarunta Golaha Shacabka, ayaa waxaa la soo sheegayaa in uu u baaqday bilaa koorom, kadib markii Xildhibaanada Beelaha DIGIL & MIRIFLE IYO Hawiye aysan soo xaadirin.
U dhaaf Halcelis