Archive for Nofeembar, 2014

Dhegeyso:- Wareysi uu maanta ka hadlayey waxyaabo badan Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Dr. Madoobe Nuunow

Nofeembar 30, 2014

WAAJIDPRESS – 30 NOV 2014:

madoobe

Madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed somaliya mudane Madoobe Nuunow Maxamed ayaa waxaa uu  hambalyo u direy geesinimada iyo dalka jaceylka ka muuqata jaaliyahada koonfur galbeed ee dalka ingriiska iyo Minneapolis oo xaley si cad u qaadacay kulan la rabey in lagu taageero madaxweynaha is magacaabey Shariiif Sakiin hadaladii madaxweynahana waxaa ka mid ahaa – Hoos ka dhageyso:

 

madobe nunow mobil 2

Advertisements

War deg deg ah: Nabadsugida oo weerartay Gudoomiye degmo

Nofeembar 30, 2014

WAAJIDPRESS – 30 Nov 2014:

Nuur Xasan Guutaale oo ah Gudoomiyaha Degmada Ceelbuur ee DF Somalia oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan Nabadsugida Qaranka Somalia ay weerar adag kusoo qaadeen Hooygiisa uu ka degnaa Magaalada Muqdisho.

Nuur Xasan Guutaale waxa uu sheegay in lagu soo weeraray laba Cabdi-bile oo ay saarnaayen Ciidamada Nabadsugida, waxa uuna Tilmaamay in xiligaasi uu hooygiisa ka maqnaa, islamarkaana ay Ciidamada gudaha u galeen qaateen alaab qolkiisa ku jirtay.
Waxa uu Tilmaamay in qorshahaasi uu ahaa mid lagu doonaayay in lagukharijiyo, balse nasiib daro aysan Ciidamadu usuuragalin.

Isaga oo weerarkaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Labo Gaari oo ay wataan Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida Qaranka ayaa Xili Habeyn ah Gurigeyga soo weeraray,markaas waan ka maqnaa, alaab aan lahaa ayey qateen Dadkii Guriga joogayna Rasaas ayey ku fureen”.

Dhanka kale, waxaan jiri ilo kaasi ka duwan oo xaqiijinaaya hadalka Gudoomiyaha Ceelbuur ee sheegay in qorshe lagu Khaarijin lahaa uu ka bad-baaday.

Dhageyso: Xildhibaanada raacsan Cabdi Weli: Xeelad cusub ayaan la imaneynaa talaadada

Nofeembar 29, 2014

WAAJIDPRESS – 29 NOV 2014:

uddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee maanta soo saaray go’aan uu ku shaacinayo xiliga ay dib u bilaabanayaan kulammadii Baarlamaanka ee uu dhowaan Guddoonku hakiyey.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska guddoonka baarlamaanka ayaa shaaca ka qaaday in maalinta Talaadada ee soo socota oo ay taariiqdu tahay 2da bisha Diseembar la qaban doono kulanka gudagalka mooshinka kalsooni-kala-noqoshada Xukuumadda R/wasaare Cabdi wali Sh Axmed.

Hadaba wareysi aan la yeelanay Xildhibaan Bishaar Ugaas Ibrahim Ugaas Cali oo ka mid ah xildhibaanaddii ka soo horjeeday Mooshinka Ra’isul Wasaaraha ka dhanka ah, ayaa shaaca ka qaaday inay ogolaadeen mooshinka.

Si kastaba waxa uu sheegay inay bedeleen xeeladdii hore oo ay ku diidanaayeen mooshinka oo ay ahayd buuq iyo fowdo, ayna la yimaadeen xeelad cusub.

“Waxay ku xiran tahay sida wada hadalka uu ku dhamaado inta ka horeysa “TALAADADA”‘ ayuu yiri Xildhibaanka.

“Waan ogolnahay mooshinka, balse waxaan wax ka badalnay xeeladdii hore ee ahayd buuqa iyo dagaalka, waxaana in mooshinka uu yahay sharci darrada aan ku muujin doonnaa si kale” ayuu yiri Bashiir – Hoos ka dhageyso:

 

HALKAN KA DHEGEYSO

 

DEGDEG: RW Cabdiwali Sheekh Axmed Oo Caawa Walaalkiis Muqdisho Lagu Dhaawacay.

Nofeembar 29, 2014

WAAJIDPRESS – 29 Nov 2014:

image

Wararka xiligaan ka imaanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in Caawa uu dhaawac culus soo gaaray Nin la dhashay R/wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed.

Ninkaan oo lagu magacaabo Cabdikheyr Sheekh Axmed ayaa lasoo warinayaa inay xaga hoose ee jirkiisa ka haleeshay Rasaas isla markaana xiligaan dhaawaciisa lagu daaweynayo mid kamid ah Cusbitaalada magaalada Muqdisho.

Howl-wadeeno ka tirsan Xafiiska RW Cabdiwali Sheekh Axmed oo Shabakada WAAJIDPRESS in R/wasaaraha walaalkiis uu si kedis ah ugu dhex-dhacay laba kooxood oo ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya oo is rasaaseynayay kadibna ay haleeshay Rasaas kamid ah rasaastaasi oo dhanka hoose ugu dhacday.

Si kastaba ha ahaatee, arrintaan ayaa Caawa si weyn looga hadal-hayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana ilaa iminka la cadeyn karin in falka uu ku dhaawacmay Cabdikheyr Sheekh Axmed Maxamed uu yahay mid laga soo shaqeeyay oo Siyaasadeysan iyo inuu si caadi ah u dhacay.

XILDHIBAANADA TAAGEERSAN RAISUL WASAARAHA OO OGOLAADEY IN LAGA DOODO MOSHINKA IYO GO’AAN UU SOO SAAREY GUDOOMIYE PROF. JAWAARI

Nofeembar 29, 2014

WAAJIDPRESS – 29 Nov 2014:

War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa lagu faah faahiyay natiijooyinkii kasoo baxay wadahadalo siyaasadeed oo socday maalmahaan iyo goorta uu qabsoomi doono kulanka baarlamaanka ee lagaga doodi doono mooshinka kalsooni kala noqoshada raisulwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed – HOOS KA AKHRI GO’AANKII MAANTA UU SOO SAAREY GUDOOMIYE PROF. JAWAARI:

image

image

War deg deg ah: DAAWO: MADAXWEYNAHA MAAMUL GOBOLEEDKA PUNTLAND OO SI KULUL U SHEEGEY IN SHARCI DARO UU YAHAY MOSHINKA KA DHANKA AH RAISUL WASAARE CABDIWELLI

Nofeembar 29, 2014

WAAJIDPRESS – 29 NOV 2014:

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. C/weli Gaas ayaa sharci daro ku tilmaamay mooshinka ka dhanka ah Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Muqdisho C/weli Sheekh Axmed ee Baarlamaanka horyaala – HOOS KA DAAWO:

DAAWO: Xafladii iyo Barnaamij Cusub Looga Hadlayo 20 Guuradii Ka Soo Wareegatay Qorista Afka Soomaali Maay

Nofeembar 29, 2014

WAAJIDPRESS – 29 NOV 2014:

Telefishinka Soomaalida ee Magaalada Toronto ayaa waxaa uu todobaadkii tegay kusoo qaatey Barnaamijkii Alif Maay ee loogu dabaal degeyey 20 guuradii kasoo wareegtey qorista Afka maayga – HOOS KA DAAWO:

War deg deg ah: Dagaal khasaaro dhimasho iyo dhaawac ka dhashay oo Gobolka Mudug ka dhacay

Nofeembar 29, 2014

WAAJIDPRESS – 29 Nov 2014:

Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal udhaxeeya labo beelood oo walaalo ah, dagaalkaan ayaa qarxay shalay, waxaana mar kale uu saaka ka qarxay deegaanka lagu dagaalamay oo Warshuba lagu magacaabo.

Sababta ka dambeysay dagaalka ayaa waxaa la sheegay inay tahay in labada maleeshiyo beeleed ay isku qabsadeen haysashada Godadka cusbada lagu keydiyo, taasi oo keentay in labada dhinac ay isku hub qaataan dagaalkana uu sidaasi ku qarxay.

In ka badan 15-ruux ayaa ku dhintay dagaalkaasi oo labada maleeshiyo beeleed kawada tirsan, iyadoo dhaawac uu intaasi ka badan yahay, waxaana dhaawacyada loo kala qaaday Degmooyinka Cadaado iyo Dhuusomareeb oo Galgaduud ka tirsan.

Qof kamid ah dadka ku nool deegaanka Warshuba ayaa Warbaahinta u sheegay in xaalada ay aad u kacsan tahay dagaalkii saakay qarxayna uu istaagay, balse ay suuragal tahay in mar kale dagaalka uu qarxo, maadaama aysan jirin cid ku kala dhexjirta labada dhinac.

Waxaa lasoo sheegayaa in labada dhinac ee maleeshiyo beeledka ah ay helayaan gurmadyo kala duwan oo kaga imaanaya beelaha ay kasoo kala jeedaan, taasi oo sii hurinaysa colaada meesha ka jirta.

Dagaalada noocaan ah ayaa kusoo noq-noqday Gobolada dalka Soomaaliya, iyadoo inta badan Odayaasha ay Warbaahinta ka jeediyaan baaq nabadeed, balse cid ka dhageysata aysan jirin.

War Cusub Dhageyso: MD Xasan Sheekh oo ciidan gaar ah u diray qabrigii Maxamed Siyaad Barre + Ujeedka

Nofeembar 28, 2014

Waajidpress – 28 Nov 2014:

Sarkaal ku sugan magaalada Garbahaarey ayaa warbaahinta u sheegay war ay ka YABEEN shacabka Soomaaliyeed kaaso ah in ciidan laga diray Madaxtooyada Xamar ay gaareen Qabrigii Jaalle Maxamed Siyaad Barre.

Ninkan oo warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh ergadii uu so dirtay ciidda qabriga Maxamed Siyaad Barre ay ka diideen – Hoos ka dhageyso:

 

HALKAN KA DHAGEYSO

 

WAR DEG DEG AH: GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA OO MAGACAABEY 5 XILDHIBAAN OO XALISA KHILAAFKA MADAXDA KA DIBNA U SOO GUDBISA WARBIXINTOODA GUDOOMIYE JAWAARI

Nofeembar 28, 2014

WAAJIDPRESS – 28 Nov 2014:

XILDHIBAANADA kala taageersan Madaxweynaha IYO Raisul WASAARAHA ayaa shalay Gudoomiyaha BAARLAMAANKA Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ka codsadey in Labada dhinac uu ka soo xulo sidii uu HESHIISKII MADAXWEYNAHA IYO XILDHIBAANADA ahaa in uu Prof. JAWAARI soo xulo 5 XILDHIBAAN OO xalisa khilaafka Madaxweynaha IYO Raisul Wasaaraha.

Gudoomiye Prof. Jawaari ayaa maanta ku dhawaaqey 5ta xildhibaan EE galeysa xalinta Khilaafka madaxda wuxuuna wareegto ku magacaabey 5 xildhibaan OO kala ah:

Gudigga Xildhibaanadda la magacaabay oo ka kooban shan Xildhibaan ayaa kala ah:-

1- Xildhibaan Dr. Sayid Cali = DIGIL & MIRIFLE.
2-Xildhibaan Cabdullahi Axmed Xuseen Coonka = Beesha Shanaad, Jareer, Shiidle
3- Xildhibaan Cabdinasir Garjeex = Daarood – Mareexaan
4- Xildhibaan Sugule – Dir – Isaaq – Habaryoonis.
5- Xildhibaan Xassan Macalin = HAWIYE – ABGAAL