Archive for Diseembar, 2014

SANAD WANAAGSAN: HA ILOOBIN OO BARO ABTRISIIMADA BEESHA JIROON – DIGIL & MIRIFLE

Diseembar 31, 2014

WAAJIDPRESS – 31 DEC 2014:

Halkan ka Baro Abtirsiimada Beelweynta JIROON EE ku abtirsata beesha DIGIL & MIRIFLE:

 

Ugu horeyntii magaceyga waxaa la yiraahdaa Dr. Isaaq Aadan Xasan
(Isaak Doolow). Waxaana bilaabayaa Abtirsiimadeyda waana sidan soo socota:

Marka hore waxaan ahay nin Mirifle ah, waxaana ka ahay Jiroon, Jiroona waxa ay u kala baxdaa labo qeybood oo kala ah:

Shang (5) Rireeji iyo Lami Garwaali.

Waxaan Jiroon ka ahay Laami Garwaali, kuwaas oo kala ah Maadey iyo Masuusi, labadan waxaan ka sii ahey ahay Maadey, Maadey-guna waxa uu ukala baxaa Sedex kuwaas oo kala ah

1) Riinle Maadey
2) Shaabey Maadey
3) Kulmis Maadey

Anigana waxaan sedexdan ka sii ahay Riinle Maadey, sida soo socto ayaana u abtirsadaa:

Isxaaq Aadan Xasan Maxamed Cali Maxamed Aadan Iyaanle Sheekhow Riinle Maadey Jiroon Garseed Garjeele Haraaw Hinjinle Dharggene Madoobe Mirifle Reewing(raxweyn) Sifir Kalmuge Talmadar Sheekh Maxamed Digil Deysan Cumar Ciise Axmed Maxamud, F.Yoonis, F.Yusuf, F.Muxamed, F. Cumar, F.Yacquub, F.Yaxye, F.Ciise, F. Muuse, F. Zakariye, Yatiim, Jamalu-diin, Maxamed, Cabdullahi, Maxamed, Abubakar Al-Siddiiq.

Sidaas ayaan u Abtirsadaa, qof walbana sidaas oo kale ha isugu taxlujiyo, si aan tashwiish laguugu abuurin oo aadan haye raac noqon ama aadan is dhihin sidee u Abtirsataa?.

Aniga oo ah Jiroon, ka sokoow Maadey, ka sokoow Riinle, ka sii ahay Reer
Aw-Sheegow hadana waxaa la inoo yaqaanaa Reer Aw-Hasing, kaas oo ahaa awoowgeen.

Waxaan kaloo leeyahay ruuxii ah Reer Aw-Hasing sideyda oo kale ayuu u Abtirsanaayaa, wuxuu ku darayaa keliya Magaciisa iyo kan Aabihiis. Qeybaha kale ee Jiroonta ah waxaan dabcan isugu imaaneynaa Jiroon. Laga bilaabo Jiroon sideyda oo kale ayey u Abtirsanayaan. Intaas waxaan ooga baxayaa Abtirsigeygii, sidaas ayaana uga baxsaday maahmaahdii Reewing “‘Reegay’” ee aheyd “Ajuusi tiri aadani ku biloow”.

 

War deg deg ah: Radio Galkacayo oo ku yaaley Magaalada Galkacayo oo hadda la qarxiyey iyo Wariyeyaal Dhaawacmey

Diseembar 31, 2014

WAAJIDPRESS – 31 DEC 2014:

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkcyo ee Xarunta Gobalka mudug ayaa sheegaya in Caawa Fiidkii qarax lala beegsaday xarunta Radio Gaalkcyo Taas oo ay ku dhawacmeen labo wariye oo kala ah wiil iyo Gabar.

Bom gacmeed ayaa la sheegay in lagu tuuray xarunta Radio Gaalkcyo Waxana dhaawac uu kasoo gaaray qaar kamid ah Shaqaalaha Radio Gaalkacayo ,siiba dhawaca wuxuu soo gaaray Wariyaasha kala ah Cabdulaahi Maxamuud Aadan Abdulahi yare iyo Nasteexo Cabdirashiid,

Dhaawaca ayaa la sheegay in Cabdulaahi Yare uu kasoo gaaray Gacanta waxaana sido kale soo Gaaray firir,sida ay no sheegen dad gobjogayaal ah.

Dhaawaca Wariyaasha ayaa la gaarsiyeey Cisbitaalka weyn ee Magaalada Gaalkcyo halkaas oo hada xaladooda Cafimaad lagula Tacaalayo.
2 Bom ayaa lagu tuuray sida an Wararka ku helayno Radiyaha Gaalkcyo oo ah Radiye kamid kuwa ugu magaca dheer Magaalada Gaalkcyo ayaan ahayn markii ugu horeysay oo qarax lagu tuuro marar badan ayaa horey u dhacday in qarax lagu tuuray.

War deg deg ah: Nin Injineer ahaa oo maanta lagu dilay Magaalada Muqdisho

Diseembar 31, 2014

WAAJIDPRESS – 31 Dec 2014:

Laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa, ayaa maanta Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ku dilay nin Injineer ahaa, iyadoo laba kalana ay ku dhaawaceen.

Weerarku wuxuu ka dhacay inta u dhaxeyso Isbitaalka Carafaat iyo Labaajada Mahad Alla, iyadoo ragga dilka geystay uu ujeedkoodu ahaa ninkii injineerka ahaa, balse rasaastii ay ku dileen, ayay ku dhaawacmeen labada nin ee kale.

Raggaan, ayaa dilka ka dib cagaha wax ka deyay, waxayna ka nabad galeen oo ay ka baxsadeen gacanta Sharciga, inkastoo ay soconayaan dadaalo uu Boolisku ku doonaayo, in lagu soo qabto dhagar qabayaasha.

Injineerka la dilay, ayaa ka shaqeynaayay dayactir ka soconaayo wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho. Sidoo kale wuxuu ka mid ahaa cilad bixiye-yaasha layrarka cad-ceedda ku shaqeeya.

Lama garanaayo waxa dhabta ah ee keenay dilka ninkaasi, hadana waxaa la hadalhayaa in ay dileen dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab, oo si dhuumaaleysi ah dilalka uga fuliya Magaalada Muqdisho.

Hay’adaha ammaanka ee Gobolka Banaadir, ayaan ka hadlin dilka Injineerka, balse wuxuu daba socdaa dilal Injineerada loogu geysanaayay Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Madaxweynaha J. F. S. oo saaka dalka dib ugu soo laabtay

Diseembar 31, 2014

WAAJIDPRESS – 31 Dec 2014:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hogaaminayay oo safar shaqo ku tegay wadanka Masar ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay gudoomiyaha Baarlamanka, R/wasaaraha iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan golayaasha dowladda.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha J. F. S. ayaa booqasho laba maalmood ah ku tegay dalka Masar. isagoo magaalada Qaahira kula kulmay dhiggiisa dalkaasi, iyo xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta.

Dagaal beeleed saaka ka qarxay deegaanka Deefoow ee Gobolka Hiiraan

Diseembar 31, 2014

WAAJIDPRESS – 31 Dec 2014:

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya deegaanka Deefoow oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, waxaa saaka halkaasi ka qarxay dagaal udhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada daga, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii mid kamid ah labada maleeshiyo beeleed saaka aroortii weerar ay ku qaadeen deegaanka Deefoow, halka ciidamada maleeshiyaadkii kalena ay bilaabeen inay iska caabiyaan dagaalka.

Qof kamid ah dadka ku nool deegaanka Deefoow ayaa ku waramaayo in rasaas culus labada dhinac ay isku adeegsanayeen, taasi oo qal-qal iyo cabsi gelisay dadkii ku noolaa deegaanka.

Waxaan la ogaan karin khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaasi ka dhashay inta uu la eegyahay, maadaama dagaalka uu deegaanka ka socday dadkii deegaanka joogayna ay usuurageli weysay inay ka barakacaan halkaasi, xabada oo dhaceysa.

Lama oga waxa dagaalkaan dib usoo cusbooneysiiyay, maadaama beelaha halkaasi ku dagaalamaya dhawaan ay heshiis ku kala saxiixdeen Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa umuuqda mid ku fashilmay xalinta dagaal beeleedkaan soo noq-noqday ee Gobolka Hiiraan ku dhexmaraayo labo beelood oo halkaasi wada daga.

Xaalada deegaanka ayaa hada degan oo dagaalka iskiis ayuu u istaagay, laakiin waxaa suuragal ah in marwaliba dagaalka uu dib ka qarxo, maadaama dhinacyada dagaalamay ay is horfadhiyaan.

XOG CULUS: Fartaag Goormuu baraarugey waakan cabaadayee

Diseembar 31, 2014

WAAJIDPRESS – 30 Dec 2014:

ws) Iyadoo Maalmihii lasoo dhaafay ay isa soo tarayeen Cabashooyinka iyo Dhibaatooyinka ula kaca leh ee ay ku kacayeen Ciidamada Maamulka Axmed Madoobe ee Raaskaambooni ayaa waxaa arimahaas ka dhiidhintooda qeyb ka noqday masuulyiini ka tirsan Maamulkaasi balse beel ahaan ay is xigaan Dad Sida goonida ah loo bartilmaameedsanaayo.

Hogaamiye xigeenka maamulka KMG ah ee Jubba Cabdulahi Sheekh ismaaciil fartaag ayaa ka hadlay Dhibaatooyinka ulakaca leh ee maalmihii lasoo dhaafay ay ku kacayeen Ciidamo ka tirsan maleeyshiyada raaskaambooni.

Fartaag oo hadlayay ayaa sheegay in Waxyaabaha kismaayo ka soo gaaraya ay yihiin wax aad looga Xumaado Qof damiir lehne uusan fiirsan karin, isagoo hoosta ka xariiqay in arimahaasi uu ogyahay iney ka danbeeyaan Beelo gooni ah Sida uu hadalka u dhigay lana doonayana in lagu barakiciyo beel si gaar ah Diirada loo saartey.

Isaga oo arimahaasi ka hadalaya waxa uu yiri.

“Kismaayo Maalmihii lasoo dhaafay Dhibaatooyinka ka soo yeerayay waxay ahaayeen kuwo aan indhaha laga qabsan karin Waayo waa ficillo loogu danleeyahay beelo gooni ah la doonayana in Hantidooda iyo Degaankooda laga barakiciyo,balse ma ahan mid aan Raali kanahay waana arin sababi karta in meesha lagu kala tago” Ayuu yiri Fartaag oo hoosta ka xariiqay in uu in mudaa ka amausnaa dhibka Kismaayo ka socda balse ay hada isaga laftiisa u soo gudubtay oo aysan wax wada shaqeyn ah ka dhaxayn isaga iyo Axmed Madoobe.

Sidoo kale fartaag oon wax ka weydiinay Mustaqbalka Maamulka KMG ah ee Jubba Ayaa Yiri ” Hadii ay sii socdaan Ficilada Caynkani oo kala ah oo is kadaa dadkii rayidka ahaaye xitaa lagu dhibaateeyey masuuliyiin maamulka Ka tirsan oo uu kamid yahay Col Yaasiin Raadeer waxay soo dadajineysaa in Maamulka Jubba guud ahaan uu daaqada ka baxo Dadkii maamulkaasi ku midoobayne ay noqdaan kuwo Midkastaa iskiis isku maamulo dibna ay u soo noqoto fowdadii beelaha” ayuu yir Fartaag.

War deg deg ah: Nin askari ahaa oo caawa shan ruux ku dhaawacay Degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho

Diseembar 30, 2014

WAAJIDPRESS – 30 DEC 2014:

Mid ka mid ah Ciidamada Booliska ee Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir, ayaa xilligii Salaadda Maqrib waxa uu shan ruux ku dhaawacay Degmadaasi.

Askariga oo la sheegay in uu soo cabay waxyaabaha maanka dooriga, ayaa dadkaasi ku dhaawacay Isgoyska Afar Irdoodka, ka gadaal markii uu rasaas aanu u meel deyin uu oodda kaga qaaday.

Dadkii ka badbaaday rasaastaasi ee wadada maraayay, ayaa gurmad u fidiyay shantii qof ee ku dhaawacantay shaqaaqadaasi, waxayna kula carareen goobaha caafimaadka ee Caasimada.

C/qaadir Maxamed C/qaadir (Carab), Gudoomiyaha Degmada Xamar Weyne ee Maamulka Gobolka Banaadir, oo la hadlay Dhacdo.com, ayaa ku waramaaya 5-ta qof ee dhaawacantay in mid ka mid ah ay ahayd haweeney

Ciidamada Booliska ee Degmada Xamar Weyne, ayaa waxaa u suurta gashay in ay gacanta ku soo dhigaan askariga, waxaana la soo sheegayaa in lagu haayo Saldhiga Booliska ee Afar Irdood.

Goobjooge, ayaa sheegay in askarigu uu isku deyay in gacanta sharciga uu ka baxsado, laakiin taasi laga hor joogsaday.

Dhacdadaan, ayaa noqoneyso nooc ku cusub bulshada ku dhaqan Degmada Xamar Weyne, waxaana laga hadalhayaa xaafadaha ku dhow dhow Isgoyska Afar Irdoodka.

Ciidamada Dowlad Goboleedka Lixda Gobol ee Koonfur Galbeed ayaa Maanta si xoog ah ula wareegey deegaanka Daynuunaay

Diseembar 30, 2014

WAAJIDPRESS – 30 DEC 2014:

Ciidamada Dolwad Goboleedka Lixda Gobol ee Koonfur Galbeed ee uu Madaxweyne ka yahay Dr. Madoobe Nuunow Maxamed ayaa la sheegayaa in Maleeshiyada Alshabaab ay ka saaren gabi ahaan deegaanka Deynuunaay oo halboole u aheyd Dagaalyahaanada Shabaab.

Deegaanka Deynuunaay, ayaa waxaa dagaal culus ku dhexmaray Cutubyo ka kala tirsan Ciidamada Dowlad Goboleedka Lixda Gobol ee Koonfur Galbeed iyo Maleeshiyada Alshabaab, iyadoona halkaasi uu ka dhacay Khasaaro kala duwan oo soo kala gaaray garabyada uu dagaalka u dhexeeyay.

Ciidamada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa waxay laba jiho ka weerareen Shabaabkii qabsaday Deynuunaay, waxayna taasi keentay in Shabaabku ay dib u baneeyaan deegaankaasi.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii Maleeshiyada Alshabaab ay hakat geliyeen isu socodkii dadka iyo gaadiidka, iyagoona digniino kala duwan u jeediyay dadka deegaanka inaysan wax ka iibin karin Ciidamada DF iyo kuwa Dowlad Goboeedka Koonfur Galbeed.

Inta la Ogyahay dagaalkaasi ayaa waxaa Maleeshiyada Alshabaab uga dhintay 8 kamid ahaa dagaalyahaanadooda, halka Ciidamada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed looga dilay 5 askari.

War deg deg ah: Gabar ardayad ah oo hadda Lagu diley Muqdisho

Diseembar 30, 2014

WAAJIDPRESS – 30 Dec 2014:

Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno degmada Dharkeynlay ee gobolka Banaadir waxaa halkaasi lagu dilay gabar arday aheyd oo dhameysay mid kamid ah jaamacadaha Muqdisho.

Gabadha oo magaceeda lagu sheegay Maryan Axmed Boote, ayaa dhameysay jaamacada Jaamacada Plasma ee magaalada Muqdisho, iyadoo baratay kuliyada Computer Sceince.

Gabadha ayaa lagu dilay agagaarka masaajid ku yaala degmada Dharkeynlay ee gobolka Banaadir, waxaana kadib goobta ka qaaday dadweyne ku sugnaa halkaasi.

Lama oga sababta ka dambeysay dilka gabadha loo geystay, waxaana ciidamada amaanka ee maamulkaasi kadib ay bilaabeen baaritaan ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay falkaasi.

Hooyada dhashay gabadha oo iyadoo ilmeynaysa saxaafada la hadashay ayaa sheegtay inay sugeysay xiligan inay ka faa’ido gabadheeda, maadaama waqti dheer ay wax bareysay.

Warar ay heleyso Caasimada Online ayaa sheegaya in gabadha maanta la dilay la doonayay in maalinta khamiis loo dhigo xaflad aroos.

Maamulka degmada Dharkeynlay ayaa xaqiijiyay dilka gabadha waxayna sheegeen in baaritaan kadib ay sheegi doonaan waxii faahfaahin ah oo ay helaan.

War Cusub: BARRE Hiiraale oo ku dhacay bohoshii uu u qoday wasiir FAARAX C/QAADIR

Diseembar 30, 2014

WAAJIDPRESS – 30 Dec 2014:

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in Hogaamiyaha Maamulka KMG Jubba Axmed Madoobe uu saraakiisha Ciidamada Militeriga maamulka ku amray inay hub ka dhigis ku sameeyaan Ciidamada Col. Barre Hiiraale ee ku xareysan xiro ku taala Magaalada Kismaayo.
Ciidamadaani la sheegay in hub ka dhigista lagu sameynaayo, ayaa waxa ay kismaayo ku gaaren Heshiis dhexmaray Hogaamiye Axmed Madoobe iyo Col. Barre Hiiraale, iyadoona heshiiskaasi uu abaabulkiisu lahaa Sii haayaha wasaarada Dastuurka Faarax C/qaadir.
Sidoo kale, warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu Ciidamadaasi ka mamnuucay inay iridka uga soo baxaan Xarunta, kadib markii uu ka cabsaday inay sameeyan falal lid ku ah Ammaanka Kismaayo maadaama laga dhigaayo hubkii ay isku difaacayen.

Faarax C/qaadir iyo Axmed Madoobe oo siyaasad ahaan isku dhow, ayaa suuragaliyay in gabi ahaan masraxa mucaaradnimo laga saaro Barre Hiiraale waanatan sababtay in Madaxweyne Xasan uu Axmed madoobe u aqoonsado Madaxweynaha maamulka jubba, xili uu weli taagan yahay Khilaafka maamulka iyo beelaha Kismaayo wadadega.

Dhanka kale, waxaa hada magaalada Muqdisho ku go’doonsan Col. Barre Hiiraale oo isagu laga ilaalinaayo inuu dib ugu laabto deegaanka Goobweyn sababo la xiriira cabsi laga qabo inuu dib isu abaabulo