Dagaal beeleed saaka ka qarxay deegaanka Deefoow ee Gobolka Hiiraan

WAAJIDPRESS – 31 Dec 2014:

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya deegaanka Deefoow oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, waxaa saaka halkaasi ka qarxay dagaal udhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada daga, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii mid kamid ah labada maleeshiyo beeleed saaka aroortii weerar ay ku qaadeen deegaanka Deefoow, halka ciidamada maleeshiyaadkii kalena ay bilaabeen inay iska caabiyaan dagaalka.

Qof kamid ah dadka ku nool deegaanka Deefoow ayaa ku waramaayo in rasaas culus labada dhinac ay isku adeegsanayeen, taasi oo qal-qal iyo cabsi gelisay dadkii ku noolaa deegaanka.

Waxaan la ogaan karin khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaasi ka dhashay inta uu la eegyahay, maadaama dagaalka uu deegaanka ka socday dadkii deegaanka joogayna ay usuurageli weysay inay ka barakacaan halkaasi, xabada oo dhaceysa.

Lama oga waxa dagaalkaan dib usoo cusbooneysiiyay, maadaama beelaha halkaasi ku dagaalamaya dhawaan ay heshiis ku kala saxiixdeen Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa umuuqda mid ku fashilmay xalinta dagaal beeleedkaan soo noq-noqday ee Gobolka Hiiraan ku dhexmaraayo labo beelood oo halkaasi wada daga.

Xaalada deegaanka ayaa hada degan oo dagaalka iskiis ayuu u istaagay, laakiin waxaa suuragal ah in marwaliba dagaalka uu dib ka qarxo, maadaama dhinacyada dagaalamay ay is horfadhiyaan.

Faallo u dhaaf