Archive for Maajo, 2015

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Cumar C/rashiid oo gaaray Cadaado

Maajo 31, 2015

WAAJIDPRESS – 31 MAY 2015:

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha Dalka Cumar Cabdirashiid oo maanta ka ambabaxay Magaalada Muqdisho uu gaaray Magaalada Cadaado.

Ilo ku dhow Xafiiskiisa oo Warkaan inoo xaqiijiyay ayaa sidoo kale sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha iyo Wafdigiisa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Cadaado ee uu ka soconayo Shirka dhismaha Maamulka Mudug iyo Galgaduud.

Ujeedka socdaalka Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa ah, sidii uu u furi lahaa wejiga labaad ee shirka Maamul u sameynta gobollada Mudug iyo Galgaduud ee lagu ansixinayo Dastuurka sidoo kalana lagu dooranayo Madaxda Maamulka.

Waa booqashadii labaad ee uu ku tago gobolka Galgaduud, waxa uu horay sidaan oo kale u booqday Magaalada Dhuusamareeb xilligii uu ka soconayay Shirka dib u heshiisiinta Beelaha gobolka.

Mas’ul ka tirsan Dowlada Somalia oo sifo adag ka baxshay Ra’isul wasaaraha Somalia

Maajo 31, 2015

WAAJIDPRESS – 31 MAY 2015:

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ku eedeeyay inuu ka talaabay shuruucdii u degsaneyd dalka Somalia.

Xildhibaan Cabdullahi Maxamed ayaa tilmaamay in booqashadii Ra’isul wasaaraha uu ku kala bixiyay Jubbaland iyo Puntland uu kaga talaabay sharciga, waxa uuna sheegay si uu u raali galiyo awgeed uu hoos u dhigay Maqaamka Dowlada Somalia.

”Wey iska cadahay qaabka uu ugu tagri falay nidaamka kala xadeynaayo Dowlada iyo Maamul Goboleedyada dalka. waxaa loo diray inuu xaliyo Khilaafyada maamuladaasi kala dhexeeya Dowlada, balse waxa uu siyaasada garab ku siiyay maamuladaasi”

”Heshiisyada uu la galay Jubbaland iyo Puntland cidna ma aysan farin isaga ayaa inta badan maskaxdiisa ka maagay isaga oo qancinaayo dadkiisa”

Waxa uu sheegay in ka shaqsi ahaan uu sumcad darro u arko in Ra’isul wasaaraha dalka uu Heshiisyo la saxiixdo Hogaamiyayaasha Goboolada dalka, waxa uuna cadeeyay in heshiiska ceynkaasi ah loogu talo galay laba Dowladood oo kaliya.

Xildhibaan Cabdullahi Maxamed waxa uu Cumar C/rashiid ku sifeeyay inuu yahay Mas’uul xili waliba u jaran-jeera dad gaar ah islamarkaana Siyaasada dalka uga faa’iideysa shaqsiyaadkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Xassan Sheekh ayuu ugu baaqay inuu ka fiirsado Mas’uuliyiinta uu xilalka isaga dhiibanaayo oo ku tagri falaayo Sharcida dalka.

War deg deg ah: XAFLAD BALAARAN AYAA SHARIIF XASSAN OO MAANTA BAYDHABA KAGA DHAWAAQEY IN UU U TAAGAN YAHAY DOORASHADA XILKA MADAXWEYNENIMO EE 2016

Maajo 30, 2015

imageWAAJIDPRESS – 30 MAY 2015:

 

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa xaflad Balaaran OO ka DHACDEY BAYDHABA kaga dhawaaqey in uu u taagan yahay Xilka Madaxweynaha Dalka Sanadka 2016-ka dhaceysa.

Shariif Xasan ayaa Markii UU ku  dhawaaqay Waxaa mar qura KA  dhacdey Sacab iyo Heeso meeshii Xaflada KA dhaceysey;  wuxuu Carrabka ku dhuftay in Doorashada ka hor uu isku deyayo in uu Maamulka Gobolladiisu Awood u yeesho Maamul wanaag uu ku Kasbado dadka Degaanada uu ka jiro.

Ammaanka, Isdhexgalka, Dhaqaalaha, Beerashada iyo Xoolaha ayuu sheegay in la Horumarin doono inta ka harsan Doorashada 2016-ka ka dhici doonta Dalka.

Dhinaca kale, Waxaa Maanta BAYDHABA gaarey , WAFDI balaaran EE uu hogaaminayo  Wasiiru Dowlaha Beeraha EE Federaalka Dr. Burci Xamza (OO ka soo beesha TUNI – DIGIL IYO MIRIFLE) iyo wafdi KA socda  Hay’ada FAO oo shacabka Koonfur Galbeed KA caawini doonto Beeraha iyo Dhaqaalaha isla markaana maanta geeyey Baydhabo Mashaariic faro badan oo waxtar u leh Beeraha ; DAAWO Hoos Video:

 

War deg deg ah: Ciidamo ka gadooday Puntland oo ku biiray AL-SHABAAB

Maajo 30, 2015

WAAJIDPRESS – 30 MAY 2015:

Warar ka imaanaya Magaalada Garoow ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Maamulka ay ku biireen Maleeshiyaadka Al-shabaab ee ka dagaalama Buuraha galgala.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ciidamadaasi ay ka gadooden mushaar la&aan ka heysatay dhanka Maamulka taasi oo sabab looga dhigay goosashadooda.
Ciidamadaani oo aan weli la shaacin tiradooda ayaa waxa ay kamid ahaan jireen kuwa ka dagaalama furumaha dagaalka ee Galgala, iyadoona ay xusid mudan tahay in ay horay ula sii baxsadeen Hubkii ay heysteen.
Ciidamada Militeriga ee fadhigoodu yahay jiida Galgala ayaa dhowr jeer ka banaanbaxay dhaqaale xumi iyo daryeel la&aan ku heysata furumaha, waxa ayna tani barbar soctaa cabashada ay muujinayaan Ciidamada.
Taliska Ciidamada Militeriga Maamulka ayaan weli ka hadal arrinta la xiriirta Ciidamada u goostay dhanka Maleeshiyaadka Al-shabaabka ku dhuumaaleysanaya Galgala.
Arrintaani ayaa imaaneysa xili Saraakiisha Ciidamadu ay shaaciyeen inay qaadi doonaan talaabooyin Militeri oo ay ku burburinayaan dhufeysyada Al-shabaab ee Galgala.

DEG DEG AH: Dhimashada oo 100 sii mareysa iyo dagaalka Liyuu Booliis iyo Soomaalida oo dib u qarxay

Maajo 30, 2015

WAAJIDPRESS – 30 MAY 2015:
Wararka aan ka heleyno gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in markale saaka dagaalo ay dib kaga qarxeen xuduuda Galgaduud iyo Ethiopia.
Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamo deegaanka ah iyo ciidamada Liyuu boolis, kuwaasi oo dagaalkooda todobaadkaan uu ka socday xuduuda Galgaduud iyo Ethiopia, waxaana dagaalada ay sababeen dhimasho iyo dhaawac.
Tirada dhimashad dagaalka ayaa kor u dhaafeysa 100 ruux oo labada dhinac ah, waxaana xaqiiqo ahaan la ogeyn sababta dhabta ah ee ka dambeysa dagaalada halkaasi ka dhacaya.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in saaka dagaalka uu dib kaga bilowday meel ku dhow xadka Ethiopia iyo Galgaduud gaar ahaan deegaan magaciisa lagu sheegay Balidig, sida dadka deegaanka ay xaqiijinayaan.
Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalkii ugu dambeeyay ee dhacay xadka labada dal uu sababay dhaawacyo la gaarsiiyay isbitaalka magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.
Ma jirto faahfaahin ah oo laga heli karo dagaalada ka dhacaya xuduuda Ethiopia iyo Soomaaliya.

Heshiis Hordhac AH OO LAGU gaarey Baydhabo OO ah QEYBINTA beelaha Xildhibaanada MAAMULKA Koonfur Galbeed

Maajo 29, 2015

WAAJIDPRESS – 29 MAY 2015:

Wararka Naga soo gaaraya Magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in tirada iyo qeybsiga Xildhibaanada Maamulka Seddaxda Gobol laga gaaray heshiis horudhac ah.
Tirada Xildhibaanada Seddaxda Gobol ayaa lagu heshiiyay inay noqoto 95 Xildhibaan, 59 waxaa la siiyay Gobolada Baay iyo Bakool halka Reer Shabeelaha Hoose oo isku duubana la siiyay 36 Xildhibaan.
36 Xildhibaan ee la siiyay Gobolka Shabeelaha Hoose, 10 kamid ah waxaa qeybin doona Shariif Xasan oo uu kala siin doono Beelaha Hawiye, Jareer iyo Asharaaf Banaadiri.
Shariif Xasan ayaa Sideed kamid ah Tobanka Xildhibaan u kala qeybin doona Beelaha Habargidir, Abgaal, Murusade iyo Xawaadle iyo……..Hoos KA akhri:
Beesha Habargidir: Labo Xildhibaan!!
Beesha Abgaal: Labo Xildhibaan!!
Beesha Murusade: Labo Xildhibaan!!
Beesha Xawaadle: Labo Xildhibaan!!
Beelweynta Jareer: Hal Xildhibaan!
Beesha Asharaaf Banaadiri: Hal Xildhibaan!

War deg deg ah: Qarax Ismiidaamin Ah oo Magaalada Garbahaarey Ka Dhacay

Maajo 29, 2015

WAAJIDPRESS – 29 MAY 2015:

Ruux la sheegay in uu isku soo xiray waxyaabaha qaraxa ayaa si iskiisa ah ugu qarxay Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.
Sheekh Isxaaq Xuseen Mursal Geesa-dheere Xoghayaha Gaashaandhiga Ahlu Sunna oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ismiidaamiyaha uu magaalada soo galay isagoona doonayay in uu isku qarxiyo dhaqaatiir magaalada ku sugneyd.
Sheekh Isxaaq ayaa tilmaamay in shaqsiga inta uusan goobta gaarin kaligii qaraxay.
“Meesha waa meel ay fariisan jireen dhaqaatir balse ninka inta uusan soo gaarin ayuu qarxay, kaligiis ayaa qarxay isagaa goobta ku basbeelay,Meesha waxaa kaloo fariisin ay u hayad ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca saraakiishooda”ayuu yiri Xoghayaha Gaashaandhiga Maamulka Sunna Waljamaaca ee Gobolada Koofureed.
Qaraxan ma jiro ilaa iyo hada cid sheegatay balse waxaa looga bartay qaraxyada naftii hurnimada dagaalyahanada Al-Shabaab.

War deg drg ah: Weerar Ismidaamin AH OO ka DHACAY maanta Dalka Sucuudi Carabiya

Maajo 29, 2015

WAAJIDPRESS – 29 MAY 2015:

Warar goor dhaw ay baahiyeen warbaahinta caalamka ayaa sheegaya in goor dhaw uu qarax Ismiidaamin ah ka dhacay Masjid ku yaalla dalka Sacuudiga oo ay Salaada Jimacaha ku tukanayeen dad Shiica ah.
Masjidkaan ayaa ku yaalla bariga magaalada la yiraahdo Dammam ee dalka Sacuudi Arabiya, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.
Inta la xaqiijiyay waxaa halkaasi ku geeriyootay Laba qof oo mid ka mid ah yahay ruuxii is qarxiyay, qofka kalena la sheegay in uu ahaa ruux isku dayay inuu celiyo qofka ismiidaamiyaha ah.
Weli fah faahin intaan ka badan lagama helin qaraxaan, hase ahaatee khasaaraha ayaa intaasi ka badan karo, waxaana qaraxan uu imaanayaa xilli Jimcihii hore sidaan oo kale Qarax Ismiidaamin ah lal beegsaday Masjic ay dad shiica ah ku tukanayeen, halkaasi oo khasaare uu ka dhashay.

Ku simaha madaxweynaha dalka oo xafiiskiisa ku qaabilay Qubaro iyo mas’uuliyiin ka socotay Q. M.

Maajo 29, 2015

WAAJIDPRESS – 28 MAY 2015:

Ku simaha Madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kulammo kula qaatay quburro iyo mas’uuliyiin ka socota QM.

Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa xafiiska ku qaabilay quburro ka socota QM waxaana kulanka uu ku saabsanaa qorshayasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee la xiriira arrimaha doorashooyinka la doonayo iney dalka ka qabsoomaan sanadka 2016ka.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa u sheegay quburrada ka socday QM in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay gaarsiinta dalkan iney ka dhacdo doorasho xor ah marka la gaaro 2016ka waxaana uu ka codsaday iney ku gacan siiyaan QM iyo beesha caalamka guud ahaanba sidii ay Soomaaliya ku gaari laheyd yoolkaas la hiigsanayo.

DAAWO: JAALIYADA UK EE KA SOO JEEDA BEELAHA DIGIL IYO MIRIFLE IYO 12 QABIIL EE DEGTA JUBOOYINKAOO TAAGEERTEY MOSHINKA KA DHAN-KA AH BAARLAMAANKA KISMAAYO KUNA BAAQDEY DAGAAL

Maajo 29, 2015

WAAJIDPRESS- 28 MAY 2015:

DAAWO: JAALIYADA UK EE KA SOO JEEDA BEELAHA DIGIL IYO MIRIFLE , SHEEKHAAL, HAWIYE, MAREEXAAN IYO 12 QABIIL KALE EE DEGTA JUBOOYINKAOO TAAGEERTEY MOSHINKA KA DHAN-KA AH BAARLAMAANKA KISMAAYO KUNA BAAQDEY DAGAAL: