Madaxweynaha oo maanta furay shir caalami ah oo looga hadlayo horumarka Soomaaliya “Sawirro”

WAAJIDPRESS – 29 JUL 2015:

image imageimageimageimage

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay shirka wadamada iyo hay’adaha iskaashiga la leh Soomaaliya, iyadoo uu wadajir ula gudoominyay wakiilka Qaramada midoobey ee Soomaaliya Necholas Kay.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalay wufuud ka badan 30 dowladood iyo 120 xubnood oo ka kala socotay barlamanka federalka, maamullada gobollada iyo beesha caalamka.

Shirkan oo ujeedkiisu ahaa dib u eegista waxa ka qabsoomay hehsiiskii New Deal-ka iyo howlaha horyaalla waqtiga harsan ayaa waxaa khudbad ka jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka ahdlay sida Soomaaliya u hiigsaneyso xiligan sanadka 2016 iyo guulaha la gaaray 8-dii bilood ee ugu dambeysay.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey Necholas Kay ayaa ka hadlay sida ay muhiim u tahay in laga wada tashado gaarista hiigsiga 2016-ka, isagoo xusay ineysan jiri foonin watqi kordhin.

Alex Rodson oo ka mid ah madaxda ka socotay Midowga Yurub ayaa ka hadlay dhankiisa muhiimadda shirkan iyo tageerada reer yurub ee ku aaddan heshiiska hiigsiga cusub ee New Deal-ka.

Wasiirka arraimaha dibedda Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar ayaa rajo wajo wanaagsan ka muujiyay in shirkan ay ka soo baxaan najiijooyin wax ku ool ah oo u wanaagsan aayaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa khudbado ka jeediyay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya, Madaxweynaayaasha maamullada Koonfur Galbeed Shariif Xassan, Galmudug – Cabdikariim iyo Duqa magaalada Muqdisho Gen. Muungaab iyo mas’uuliyiin kale, Filo Video , iyadoo la filayo in maalinimada berrito ah la soo geba gabeeyo.

Mudane Cumar C/rashiid ayaa sheegay Dowladda Federaalka in ahmiyad iyo mudnaan gaar ah ay siineyso howlaha muhiimka ah ee sahlaya inaan horumarinta dalka, sida Dib u eegista, nidaamka Federaalka oo hadda guulo wax ku ool ah laga gaaray.

“Xukuumaddu waxey diirada saari doontaan bilaha soo socda sidii loo xaqiijin lahaa in uusan dhicin dib u dhac ku yimaada arrimaha mudnaanta sare leh, oo aan hubinaa dhismaha hay’adaha muhiimka ah iyo nidaamyada lagu xaqiijinayo in laga gun gaaro dhaqangelinta hiigsiga 2016 taasoo wadada u sii xaareysa sidii loo heli lahaa nabad waarta, xasilinooni iyo dib u heshiisiin” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Sharmaarke.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale yiri “Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay dalka waxaa ka jiray horumar ballaaran oo laga sameeyey dhinacyada Federaalka iyo dib u xoreynta, waxaa la dhisay qaar kamid ah maamulladii qaybta ka noqon lahaa Federalka sida Galmudug oo Xukuumaddu ay hoggaaminaysay dhismaheeda, waxaan gacanta ku dhignay deegaano ay kooxaha xagjiriintu maamulayeen kuwaas oo hadda ku jira gacanta dowladda. Horumarka socda waa mid ka yimid guulaha amniga iyo xasilinta oo noo keenaya faa’iidooyin fog-fog oo waqti dheer leh, isla markaasna uu shacabku ka dareemi doono dhammaan dalka oo dhan”.

Ra’iisul Wasaaruhu waxuu u mahadceliyey saaxiibada Soomaaliya ee isagu yimid kulanka, isla markaana si gaar ah uga mahadceliyey taageeradooda dhaqaale iyo mid farsamo, waxuuna soo dhoweeyey sida ay uga walwalayaan mustaqbalka Soomaalia mar walba.

Filo Video.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: