War deg deg ah: DOWLADA KENYA OO KU GACANSEYRTEY CODSIGII DF SOOMAALIYA EE DARBIGA LAGA DHISAYO XUDUUDA

WAAJIDPRESS – 30 JUL 2015:

Dowlada Kenya ayaa daaha ka rogtay in dhismaha darbiga dheer ee Xadka ay Somalia la wadaagto Kenya uu yahay mid aan ka laabasho laheyn.
Joseph Nkaissery oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya, ayaa sheegay in dhismaha darbiga uusan u baaqan doonin wararka kasoo yeeraya DF Somalia oo iyadu ka didsan dhismaha waxa uuna sheegay in faa’iido iyo Khasaaraba ay diyaar u yihiin.
Waxa uu Mr Joseph Nkaissery tilmaamay in Xukuumada iyo Baarlamaanka Kenya ay si wada jir ah qalinka ugu duugen in lasii wado dhismaha si meesha looga saaro weeraro Kenya kaga imaada dhanka Al-shabaab.
Go’aanada DF Somalia ee dhismaha Derbiga ayuu ku sheegay mid aan saameyn doonin go’aanka lagu dhisaayo derbiga waxa uuna ku nuux-nuuxsaday in iska caabinta Al-shabaab dhismaha kadib lagula xisaabtami doono Ciidamada ka howlgala xadka Somalia iyo Kenya.
Haddalka kasoo yeeray Mr Joseph Nkaissery oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya, ayaa barbar socda qorshooyinka ay sanadka cusub Kenya uga gaashaamaneyso awoodaha Maleeshiyada Al-shabaab ee kusii baahaya Kenya.
DF Somalia ayaa dhawaan canbaaraysay qorshaha lagu dhisayo Derbigaasi, waxayna sheegtay inuusan Derbigaasi hakin karin weeraradda ay Al-shabaab ka geystaan gudaha Kenya.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: