Archive for Luulyo, 2015

War deg deg ah: Ciidamada Jubba oo bilaabay in shacabka ay u dilaan qaab cusub

Luulyo 29, 2015

WAAJIDPRESS – 29 JUL 2015:

Wararka laga helaayo dhanka Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Jubba ay toogasho ku dileen laba ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Labadaani ruux ayaa lagala baxay Maqaaxi ay kaga sugnaayen Magaalada Kismaayo, waxaana la soo warinayaa in lagu dhextoogtay xero Ciidan oo Kismaayo ku taala, waxa uuna dilka ka dhacay tuulada Buulagaduud.

Lama shaacin magacyada labadani nin hase ahatee waxaa laga war helay in la toogtay habeenimadii xalayna islamarkaana lagu aasay Buulagaduud, Aadan Goojaar taliyaha ciidanka Jubbaland ayaa arrinta mar wax laga weydiiyay ka gaabsaday.

Dadkad Tuulada ayaa sheegaya in dhallinyaradan ay yihiin kuwa ehelkooda ay degan yihiin Tuulada marar badana booqasho ku imaan jiray warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in nimankan marar badan la xiray oo la qabtay lana sii daayay.

Dhawaan ayeey ahayd markii Buulaa Gaduud lagu khaarajiyay taliyihii ciidanka Jubbaland ee aaga Buulagaduud Korneyl Mursal Geedi kaa oo suuli uu isticmaalayay loogu xiray Miino.

Advertisements

War deg deg ah: Nickolas Kay iyo ciidamada AMISOM oo waqti kordhin loo sameeyay

Luulyo 29, 2015

WAAJIDPRESS  -29 JUL 2015:

Golaha amaanka ee QM ayaa ka ogolaaday xubnaha golaha amaanka ee midowga Africa iney joogteeyaan soo daabulida ciidamada ka mid noqda AMISOM muddo 10 bilood ah, ilaa laga gaarayo 30 May 2016.

Golaha amaanka ayaa sheegay iney aqbaleen codsiga midowga Africa kadib soo jeedin ka timid xoghayaha guud ee QM kuna aadan xaalada dalka Soomaaliya iyo howlgalka nabad ilaalinta ilaa dhamaadka 2016.

Golaha ayaa sidoo kale waqti kordhin u sameeyay xafiiska caawinta Soomaaliya ee QM “UNSOM” ilaa dhamaadka bisha Maarso 2016, waxaana ay sheegeen in AMISOM iyo UNSOM ay xoojinayaan xiriirkooda si loo xaqiijiyo taageerada siyaasadeed ee ka socota Soomaaliya.

Golaha ayaa sheegay in ciidamada AMISOM kaalinweyn ka qaateen dhismaha nabada Soomaaliya, waxayna ku amaaneen qabasashada degmooyinkii ugu dambeeyay oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Dhanka kale golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay qaraxii maalin ka hor ka dhacay hotelka jazeera ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku dhinteen inka badan 15 ruux.

Waxay sheegeen in weerarada ka dhacaya Muqdisho aysan saameyn ku yeelan doonin dadaalka ay ka wadaan dalka Soomaaliya.

DAAWO: GUDOOMIYE JAWAARI OO KU DHAWAAQEY IN 2016 aysan DOORASHO KA DHICI KARIN DALKANI

Luulyo 29, 2015

WAAJIDPRESS – 28 JUL 2015:

 

 

MAALINTA BERI OO SHIR CAALAMI AH KA FURMI DOONO MAGAALADA MUQDISHO

Luulyo 28, 2015

WAAJIDPRESS – 28 JUL 2015:

Maalinta barri ah waxaa magalaadda Muqdisho ka furmaya shir calami ah oo looga hadali doono dardar galinta barnamijka New Deal-ka iyo guulaha dowladda Soomaliya ay ka gaartay dhinacyadda Siyaasadda, amniga, hormarinta dalka iyo suurta galnimadda in dalka Soomaliya ay ka dhacdo doorasho sanadka 2016-ka.

Dowladda soomaliya ayaa wada diyaar garow ku aaddan marti galinta shirkaas oo lagu qaban jiray dalka dibaddiisa, isla markaana ay ka qayb galayaan wakiillo matalaya beesha calamka.

Ra’iisal-wasaare ku xigeenka xukumadda Soomaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta lagu qabanayo, Dowladda ayaa sameysay xarun gaar ah oo shirka lagu qaban doono, taas oo ku taalla xarunta ciidanka cirka ee Afisiyooni. Oo ku dheggan garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Wasiirka qorsahynta iyo iskaashiga calamiga ah ee xukumadda Soomaliya Mudane CabdiraxmaanYuusuf Caynte ayaa idaacada Dowlada u sheegay in shirkani uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dhaqan gelinta mashaariicda ay midowga Yurub ballan qaadeen ee New Deal iyo arrimo kale.

“Shirkaan ayaa ah kii ugu horreeyey ee heerkan ah oo lagu qabto Soomaliya, kaa oo looga hadalayo barnamijka New Deal-ka ee looga dhawaaqay Brussels 2013kii, kaa oo micnahiisu ahaa maaraynta deeqaha dowladda Soomaliya ay caalamka ka hesho iyo xoojinta geeddi socodka waxa loogu yeero Hiigsiga cusub ee Soomaliya” ayuu yiri Wasiir Ceynte.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nekolas Key ayaa guddoomin doona shirkaan oo ay ka soo qeyb galayaan dowlado iyo wakiilo ka socda caalamka.

War deg deg ah: DHAGEYSO: Prof. Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari : Go’aan ka soo baxay Guddoonka Baarlamaanka ee doorashada 2016-ka

Luulyo 28, 2015

WAAJIDPRESS – 28 JUL 2015:

image imageGuddoonka-Golaha-Shacabka-620x264

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federalka Somaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa iclaamiyay isla markaana Xildhibaanada oo dhan ay ku raaceen ayaa sheegey inaanay dalka doorasho qof iyo codkii ka dhici karin sanadka ina soo aadan ee 2016.

Hay’ada ugu Sareyso Dalka oo ah Baarlamaanka Soomaaliya, Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa Isniintii kulan adag ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka Ee Magaalada Muqdisho, waxayna kulankaasi kaga doodeen qaraar uu soo diyaariyay Guddi Hoosaad uu dhawaan magacaabay Guddoonka Baarlamaanka, lana xiriiray inay ka soo talla-bixiyaan siyaasadda ugu wanaagsan ee lagu jiheynaayo sanadka 2016-ka, ka dib xilliga kala guurka ee Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Biya dhaca dooda Xildhibaanada, ayaa ahayd in Hay’adaha Dowladda Somaliya ka wada shaqeeyaan, sidii dalka uu ugu gudbi lahaa marxaladda kala guurka, si kasta oo ay ahaataba.

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ka hadal ka jeediyay Xarunta Golaha Shacabka, gab gabadii kulankaasi, ayaa wuxuu yiri “Waxaan isku raacsanahay ama la’ogyahay, Xukuumadana ay ogtahay, Somali kasta, Muwaadin kasta uu ogyahay 2016, August inaysan dhici karin qofkiiba hal cod. Waxaan kaloo ognahay Dastuuriyan, Baarlamaankan, Madaxweynaha iyo dhammaan wixii la doortay iyagana ugu dambeen September, 10-keeda waa naga dhammaaday xilkii.” Dhageyso:

 

DAAWO: SHIRKA CAALAMIGA EE ARIMAHA SOOMAALIYA WAKHTIGA UU DHACAYO

Luulyo 28, 2015

WAAJIDPRESS – 28 JUL 2015:

 

 

Wasiirka Caafimaadka iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka oo booqday dhaawacyada isbitaalka Madiina+Sawirro

Luulyo 27, 2015

WAAJIDPRESS – 27 JUL 2015:

vlcsnap-2015-07-27-19h13m41s3 vlcsnap-2015-07-27-19h14m31s246

Wasiirka caafimaadka iyo xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa booqday dadkii ku dhawacmay qaraxii kooxdda argaxisadda UGUS ay ka gaysteen  Hoteelka Aljazeera oo la geeyay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka caafimaadka Drs. Xaawo Xasan Max’ed  (oo ka soo jeeda beelweynta DIGIL IYO MIRIFLE) iyo xeer ilaaliyaha guud ee Qaanka  Dr. Axmed Cali Daahir (oo ka soo jeeda Beelweynta DIR) oo mid mid usoo booqday dhaawacyada isbitaalkaasi lagu daweeynayo ayaa warbixin ku saabsan xaaladda dhaawacyada ka dhageystay agaasimaha isbitaalka madiina oo sheegay in 25 ruux oo dhawac ah la keenay isbitaalka, isagoo xusay in afar ka mid ah uu fududaada dhawacoodda midna uu geeriyooday ,sidoo kalana isbitaalka la soo gaarsiiy maydadka Sideed qofood oo ku geeriyootay qaraxii hotelka Jaziira.

Sidoo kale wasiirka caafimaadka iyo xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka  ayaa booqday hoteelka Aljazeera ee Qaraxaha lala beegsaday iyagoo soo eegay burburka uu geystay qaraxaasi.

Xeer ilaalihay guud ee qaranka Dr Axmed Cali Daahir oo ku hadlay hotelka Aljazeera ayaa ka tacsiyey dadkii ku geeriyooday isagoo xusay in dadka ku dhaawacmay ay dowladdu wax u qabaneyso.

“aad iyo aad ayey  u fiicnayeen dadkii aan booqanay haddii ay jiraan dad ay cuslaato xaladoodda dowladda ay caawinayso dowladda, waxaan u rajaynayaa dadkii ku geeriyooday in Alle u naxariisto kuwa dhawacana ay bogsadaan gacan ka xaqdaran ayaa dishay,waxaa ay tani natusanaysaa cadawadda qotada dheer oo ay dadka Soomaaliyeed u qabaan dhagar qabayaasha” ayuu yiri eel ilaliyaha.

Wasiirka Caafimaadka ayaa hoosta ka xariiqday in wasaaraddu ay wax u aban doono dadka ku dhaawacmay qaraxaasi, iyadoo fal argagixiso ku tilmaantay qaraxii Hotelka Jasiira, waxeyna ugu baaqday ummadda Soomaaliyeed ineey meel uga soo wadajeestaan la dagaallanka kooxda UGUS.

War deg deg ah: Dhageyso: Dowlada Federaalka oo Go’aan ku gaartey in Maamulka JUBBA uusan ka shaqeyn doonin dhamaan deegaanada GOBOLKA GEDO

Luulyo 27, 2015

WAAJIDPRESS – 27 JUL 2015:

image

Magaalada Doolow ee gobolka Gedo waxaa ka dhacay kulan udhaxeeya saraakiisha DF Soomaaliya ee gobolkaas iyo Maamulka KMG ah ee Jubba.

Kulankan waxaa uu dhexmaray Jen. Fartaag oo ah Madaxweyne kuxigeenka Jubba iyo Dhanka DF oo ay matalayeen Maxamuud Sayid Aadan (isla markaana AH MADAXWEYNAHA Maamul GOBOLEEDKA lixda gobol EE koonfur  Galbeed) iyo gudoomiyaha DF ee Gedo Maxamed Cabdi Kaliil, sidoo kale waxaa goob joog ahaa Sh AW-Libaax oo matalayay Ahlu Sunna Waljamaaca.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay labo qodob oo ah in Maamulka Jubba uusan ka shaqeyn doonin deegaanada Gobolka Gedo oo dhan laga bilaabo MAANTA oo taariikhdu tahay 27 Jul 2015 iyo in Kulan weyne siyaasadeed oo u dhaxeeya Maamulka DF ee Gedo iyo Jubba la qabto – Dhageyso:

 

HOOS KA DHAGAYSO CODKA

Audio PlayerKaliil-1.mp3

Vm
Kaliil-1.mp3

00:00
R
P

Xaliima Yarey oo maanta loo doortay Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxa Bannaan

Luulyo 27, 2015

WAAJIDPRESS – 27 JUL 2015:

Guddiga Doorashada Madaxa Bannaan Ee Somaliya, ayaa waxay maanta Gudoomiye & Gudoomiye Ku Xigeenba, ay ku doorteen Magaalada Muqdisho.

Doorashada oo Hotel Madaxtooyada Somaliya ku dhow lagu qabtay, ayaa waxaa goobjoob ka ahaa xubno ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federalka Somaliya. Waxaana wax dooranaysay xubnaha uu ka kooban yahay Guddiga.

Xaliima Ibraahim Ismaaciil (Xaliima Yarey) (OO ka soo jeeda beesha Habargidir-Saleebaan), ayaa waxaa loo doortay Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan Ee Somaliya, halka Gudoomiye Ku Xigeen loo doortay Dr. Sayid Cali Sheekh Maxamuud (OO ka soo jeeda beesha DIGIL IYO MIRIFLE).

Xaliima Ibraahim Ismaaciil, ayaa mahadcelin u jeedisay intii soo dooratay iyo intii kale aan soo dooranba. Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay soo dhaweysay qaabka ay wax u doorteen Guddigu.

Xaliima Yarey, ayaa waxay horey u soo noqotay xubin ka mid ah xubnihii ugu fir fircoonaa ee Guddiga Doorashadii September, 10, 2012 ka dhacday Magaalada Muqdisho, laguna soo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xaliima Yarey, ayaa waxay hadda ahayd Gudoomiyihii Guddiga Farsamada Ee Maamul U Samaynta Gobolada Dhexe, oo 4-tii bishaan Madaxweyne loogu soo doortay C/kariin Xuseen Guuleed.

Xaliima waxay ka mid tahay dadka Somaliyeed ee dibadda ka soo laabtay, waxayna xilligii burburka ay ku noolleyd Waqooyiga Mareykanka, oo magangelyo ay ka heshay.

Taliyaha booliska oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya,Sawirada

Luulyo 27, 2015

WAAJIDPRESS – 27 JUL 2015:

imageTaliyaha Ciidanka Boliska Soomaaliya Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Olgen Baker oo hambalyo uga siday dhigiisa dalka Turkiga ayaa sheegay in ay ka wada hadleen sidii loo dar dar gelin lahaa xiriirka labada dhinac, gaar ahaan tan ciidamada booliska Soomaaliya iyo Turkiga, iyo sidii ciidamada booliska looga caawin lahaa xagga tababarada iyo qalabeyntooda – Sawirka Hoos Waa Safiirka Turkey, Taliyaha Boliska SOOMAALIYA IYO First secretary isla markaana ah sii haya Safiirka Safaarada Soomaaliya AY ku leedahay Dalka Turkey Dr. Jaamac (OO ka soo jeeda beesha JIROON- DIGIL IYO MIRIFLE):

image image

image
Taliyaha booliska ayaa tilmaamay in safiirka uu ka guddoomay dhambaalka uu uga siday dhigiisa dalka Turkiga, isla markaana ay isla meel dhigeen xoogga saarayaan sidii ciidanka booliska ay u heli lahaayeen tababaro.

“Waxaan maanta xarunta taliska booliska aan ku qaabilnay safiirka Turkiga u fadhiya dalka, Danjire Olgen Baker, waxa uu dhambaal iiga siday dhigeyga dalka Turkiga, runtii xiriirka labada ciidan boolis, horey ayuu u jiray, waxaana ka wada hadalnay sidii loo dar dar gelin lahaa, aniga waxaan qorsheynayaa inaan dib u soo bilowno, ciidanka booliska waa ciidanka ugu faca weyn ee dalka, tani waxa ay qeyb ka tahay sidii dalalka daneynayaa arrimaha Soomaaliya, aan kala kaashano sidii loo tayayn lahaa ciidanka booliska oo ay u heli lahaayeen tababaro kala duwan” ayuu yiri Taliyaha booliska.