Archive for Agoosto, 2015

DAAWO SAWIRADA:- Madaxweyne Xasan iyo Wafdigiisii Oo Galabta Dib Ugu laabtay Muqdisho.

Agoosto 31, 2015

WAAJIDPRESS – 31 AUG 2015:

unnamed-61 imageunnamed25

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu soo dhameystey booqasho rasmi ah oo uu ku tegey dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa intii u halkaasi joogay kulan rasmi ah la yeeshay dhaxal sugaha dowladda Imaaraadka Carabta, Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyan, oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal.

Madaxweynaha oo xubnaha wafdigiisa ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibedda, Mudane Cabdisalaam Hadliye Cumar iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Cali Axmed Jaamac (Jangeli), ayaa sidoo kale xaley kulan gaar oo looga hadlayey dhinacyada ay labada dal sida dhow isaga kaashan karaan la yeeshay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda ee Isutagga Imaaraadka Carabta, Dr Anwar Al-Gargarsh.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda Imaaraadka Carabta ayaa kulamadaasi isku afgartey in la kordhiyo taageerada la siinayo Soomaaliya ee dhinacyada dib u dhiska, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.

War culus: DAAWO: BEESHA DIGIL IYO MIRIFLE OO SHEEGTEY IN MAAMULADA PUNTLAND IYO GALMUDUG AY KA DOONAYAAN XAQOODA MAADAAMA AY BEESHU DEGTO DEEGAANADAASI

Agoosto 31, 2015

WAAJIDPRESS – 31 AUG 2015:

image  Digil_iyo_Mirifle%20(9)  imagesQ8MCHY8L

Dr. Ustaad Aadan oo ah Afhayeenka beesha DIGIL IYO MIRIFLE oo Barnaamijka Maxaa Soo Kordhey Lagu Casumey ayaa wax aad loogu xumaado ku tilmaamey in Galmudug iyo Puntland ay daah weyn ku daboolaan xuquuqdii Reer KGS ay ku lahaayeen Deegaanada Maamuladaasi ka jira.

Ustaad Adan oo Dareenkiisa aad u kacsanaa yaa sheegey in Xitaa Muungaab Duqa Magaalada Muqdisho loogu fadhiyo Inuu Xaquuqdii Dadkaasi Miiska soo saaro Hadii Kale … – DAAWO:

War deg deg ah:- Madaxii Dambi Baarista Degmada Dharkanleey oo goordhow Lagu Dilay Muqdisho

Agoosto 30, 2015

WAAJIDPRESS – 31 AUG 2015:

Kooxo aan heybtooda la garaneynin ayaa goor dhow Degmada Dharkeenley Magaalada Muqdisho ku toogtay Sargaal la sheegay inuu ka tirsanaa Ciidamada Booliska.

Sarkaalkan, ayaa barqanimadii maanta waxaa lagu dilay Degmada Dharkiinley Ee Galbeedka Magaalada Muqdisho, xilli uu la socday gaarigiisii gaarka ahaa.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Ciise Macalin Yariis, ayaa ahaa Madaxii Dembi Baarista Booliska Ee Degmada Dharkiinley , wuxuu ahaa Madaxii Danbi Baarista Ciidamada Booliska Degmada Dharkenleey ee Gobolka Banaadir

Saddex nin oo mooto/dhugdhugley la socday, ayaa si boobsi ah ugu dhufatay dhowr xabadood, waxaana markiiba u suurta gashay inay ku baxsadaan mootadii ay wateen

Raggan oo aan haybtoodu la aqoonsan, ayaa waxay ka baxsadeen goobtii ay dilka ka gaysteen, oo daqiiqado ka dib ay gaareen Ciidamada Booliska & Nabad Suggida

War deg deg ah: Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Garoowe

Agoosto 30, 2015

WAAJIDPRESS- 30 AUG 2015:

Wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland, ayaa sheegaya in xalay Magaaladaasi uu ka dhacay qarax khasaaro geystay.

Qaraxaan oo ahaa Bambada nooca gacanta laga tuuro, ayaa la sheegay inuu ka dhacay gaari yar oo yaallay wadada dhinaceeda, wuxuuna yaallay gaariga Suuq Inji halka loo yaqaan, meel ku dhaw mehrada Xalwo Kismaayo.

Saddex ruux ayaa la sheegay inay qaraxaasi ku dhaawacmeen, kuwaasi oo ahaa Dhalinyaro wadada dhinaceeda mareysay xilliga Baabuurkaan Bambada ay kasoo dhacday.

Baabuurka qaraxa uu kasoo dhacay, ayaa la sheegayaa inay wadatay haweenay, ilaa hada lama oga waxa qaraxa u saaray haweenaydaasi gaariga ay wadatay iyo ujeedka ay laheyd intaba.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxa ayaa loola cararay Isbitaalka Magaalada Garoowe, halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibaayo.

Booliska Magaalada Garoowe, ayaa sheegaya inay baaritaan ku sameynayaan qaraxa iyo sida uu gaariga uga soo dhacay, iyadoo dadkii ku sugnaa meesha qaraxa uu ka dhacay ay kala yaaceen xilliga bambada ay qaraxday.

Magaalada Garoowe, ayaa waxa ay ka mid tahay Magaalooyinka ammaankooda fiican yahay, marka loo eego ammaanka deeganada Maamulka Puntland.

War deg deg ah: Gabar u Shaqeyneysey Maamulka GOBOLKA BANAADIR oo hadda MUQDISHO LAGU DILEY

Agoosto 30, 2015

WAAJIDPRESS – 30 AUG 2015:

Dableey Hubeysan ayaa waxay xalay ku dileen Magaalada Muqdisho Haweeneey la shaqeeneysay Maamulka Gobolka Banaadir iyadoo dilkeeda faah faahin ay kasoo baxayaan.

Marxuumad Saciido Sheekh Mursal oo aheyd Gudoomiye Waaxeed la shaqeyn jirtay Maamulka Degmada Xamar Jajab ayaa waxay dableey bistoolado sitay ku dileed degmadaasi.

Warar kale waxay sheegayaan in Marxuumada ay dhaawac ugu geeriyootay mid ka mid ah Cusbitaalada Magaalada Muqdisho markii ay dhiig baxday.

Maamulka Degmada Xamar Jajab kama hadlin dilka Mas’uulkaan la shaqeenayey waxayse sheegeen in baaritaano wadaan.

War Cusub: MOSHIN CUSUB OO MUQDISHO LAGA DIYAARINAYO

Agoosto 30, 2015

WAAJIDPRESS – 30 AUG 2015:

Sida ay sheegeyso xog cusub oo WAAJIDPRESS ay heshay waxaa magaalada Muqdisho ka bilowday qorista mooshin cusub oo lid ku ah Mooshinka madaxweynaha, waxaana mooshinka cusub soo abaabulay xildhibaanada iyo wasiirada taageersan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Olole balaaran oo rogaal celin ah oo ay wadaan taageerayaasha madaxweynaha ayaa si weyn looga dareemayaa labada gole ee Baarlamaanka iyo xukuumadda, waxaana mooshinka cusub la sheegay inuu la magac baxan “TOOSIN & TALO SOO JEEDIN”, wuxuuna ka hadlayaa sharci darrada mooshinka xil ka qaadista ee laga keenay madaxweynaha.

Xildhibaano ku dhow 100 ayaa shirar uga socdaan Muqdisho waxaana lagu wadaa in muddo 24 saacadood ah lagu soo dhameystiro mooshinkan kadibna loogu gudbiyo guddoonka Baarlamaanka inta uusan dalka ku soo laaban madaxweyne Xasan Sheekh oo hadda ku maqan dalka Imaaraadka Carabta.

Baarlamaanka oo ku kala qeybsan mooshinka madaxweynaha ayaa hadda u muuqda inuu sida caadada u ahayd laba qeybood u kala jabay, halkaasi ka bilaaban doonto herdankii siyaasadeed ee hoteelada Muqdisho.

War culus: BEESHA KARANLE – MURUSADE OO KALSOONIDII KALA NOQDEY MAANTA MAAMUL GOBOLEEDKA GALMUDUG

Agoosto 29, 2015

WAAJIDPRESS – 29 AUG 2015:

War-Saxaafadeed Beesha Cabdalle Sabti ee Karanle Hawiye (Murusade) Go’aan ay kaga hortimid Golaha Wasiirada Galmudug.

Beesha Shir ay maanta isugu timid Magaalada Muqdisho 29/ 8/2015. Kuna falanqeysay Golaha wasiirada looga dhawaaqay Magaalada Cadaado ee maamulka Galmudug.

Beeshu markey qiimeysay maamuuska iyo maqaamka ay ku leedahay Soomaaliya iyo beesha Karanle dhexdeeda, hormuudna katahay beelaha dega gobolada dhexe (Galmudug). kana mid aheyd beelahii wax kasoo dhisay maamul goboleedka galmudug waxa ayna waqti dadaalku bixisay sidii uu u taabo geli lahaa loona heli lahaa deganaasho iyo xaqsoor.

Beeshu waxa ay xaq u leedahay in awood qeybsiga beelaha dega gobalka ku leedahay Wasiir iyo wax ka badan.

Dood iyo falanqeyn dheer kadib; dhaqanka, siyaasiyiinta, xildhibaanada, ganacsatada iyo dhalinyarada beeshu waxa ey isku raaceen qodobada soo socda;

Qodobada Go’aanadan:

1. Beesha waxa ay go’aansatay in uusan u qaadmin wasiir ku xigeen diyaarna aysan u aheyn in ay uga qeybgasho maamulka galmudug.

2. Beeshu waxa ay u cadeynaysaa madaxweynaha Galmudug in gudoomiyha baarlamaanka galmudug uusan matalin beesha Cabdale Sabti waxna u qaadi karin.

3. Beeshu waxa ay ugu baaqeysaa baarlamaanka Galmudug in aysan ansixin golaha wasiirada ee sida xaqdarada ah lagu dhisay.

4. Beeshu waxey cadeynaysaa in hadii wax laga qaban waayo gardaradan ay kala bixi doonto xubnaha uga jira baarlamaanka galmudug.

5. Beesshu waxa ay isku raacday in aysan la shaqeyn doonin waxna ku darsan doonin maamulkaas cadaalad darada ku dhisan.

6. Ugu danbeyn beeshu mas’uul kama aha wixii ka dhasha dhismaha golaha wasiirada ee xaqdarada ku dhisan.

Shariif Xasan oo Gaaray Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose

Agoosto 29, 2015

WAAJIDPRESS – 29 AUG 2015:

MADAXWEYNAHA Seddaxda Gobol, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa gaaray maanta Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.
Shariif Xasan ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Muqdisho iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya OO ka soo jeeda DIGIL IYO MIRIFLE IYO DIR .
Ujeedka socdaalka Shariif Xasan ayaa lagu sheegay inay tahay inuu geeynayo Magaaladaasi Maamulka cusub ee uu dhawaan magacaabay.
Hogaamiyaha Maamul Goboleedka Seddaxda Gobol ayaa waayahan wuxuu socdaal ku maraayay deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada uu ka taliyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u amba baxay Wadanka Emirate-ka Carabta

Agoosto 29, 2015

WAAJIDPRESS – 29 AUG 2015:

image

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno uu horkacaayo, ayaa Duhurnimadii maanta ka amba baxay Garoonka Aadan Cadde Ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa casuumaad ka helay dhigiisa Emirate-ka Carabta, Khalifa bin Zayed Al Nahyan, waxaana lagu wadaa inay ka wada hadlaan arrimo dhowr ah oo labada dhinac la xiriira.

Labada dhinac, ayaa ka wada hadli doono iskaashiga labada dal, xaaladda Somaliya, horumarka xilligan ka jira Somaliya iyo sidii loo dardargelin lahaa. Madaxweynaha Somaliya waxaa lagu wadaa laba illaa saddex maalmood in uu soo jooggo dalkaasi.

Madaxweynaha, ayaa inta uu ku sugan yahay dalkaasi waxa uu kulamo la qaadan doonnaa Masuuliyiinta Emirate-ka Carabta.

Emirate-ka, ayaa Somaliya ka caawinaaya dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida, iyadoo dhinaca kalana uu mashaariic ballaaran ka wado Magaalada Magaalada Ee Xarunta Somaliya.

Waa safarkii ugu horeeyay oo xagga dibadda ah uu ugu amba baxo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, tan iyo markii 12-kii bishan ay Mooshin ka keeneen Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya qaarkood.

War deg deg AH: Raisul Wasaare Cumar iyo Xildhibaanada Moshinka keeney OO Heshiis wada gaarey

Agoosto 29, 2015

WAAJIDPRESS – 29 AUG 2015:

Ra’iisal wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa soo gabagabeeyay wadahadal uu la lahaa xildhibaanada Mooshinka ka keenay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku saabsan sidii xal loogu heli lahaa xiisada ka dhalatay Mooshinka Madaxweynaha.

Xildhibaanada oo hore u soo jeediyay qodobo ay ku eedeeyeen madaxweynaha oo ku saabsan hiigsiga cusub iyo dalabyo ay ku xireen inay ka laabtaan Mooshinka ayaa Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ugu dambeyn ogolaaday in isku-shaandheyn lagu sameeyo Golaha wasiirada iyadoo lagu soo darayo qaar kamida xildhibaanada wada mooshinka.

Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa arrintaas si buuxda u ogolaaday balse ku xiray shardi ah in marka hore meesha laga saaro oo laga noqdo mooshinka madaxweynaha, kadibna ay arrintaasi fulin doonaan.

Xildhibaanada ayaa ku doodaya in mar haddii mooshin la geeyay Baarlamaanka aan laga noqon karin, balse ay u baahan yihiin in marka hore la siiyo balanqaad cad oo aan laga bixi karin, iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu balamo hore uga baxay.