Archive for Seteembar, 2015

War deg deg ah: CIIDAMADA ETHIOPIA EE AMISOM OO BEDALAYA KUWA KENYA ISLA MARKAANA LA WAREEGAYA MAGAALADA KISMAAYO IYO JUBOOYINKA

Seteembar 30, 2015

WAAJIDPRESS – 30 SEPT 2015:

Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay inay ciidamo dheereed ah u diro doonto dalka Soomaaliya iyagoo ku biiraya ciidamadii hore ugu sugnaa dalkaasi ee qaybta ka ahaa howlgalka AMISOM.

Ciidamada cusub ee Itoobiya u direyso Soomaaliya ayaa gaaraya 1000 askari oo hor leh, oo ah qeybta hore oo kaliya ,  waxayna la wareegi doonaan magaalada Kismaayo oo hore ay ugu sugnaayeen ciidamo Kenya ka socda oo ka mida qeybta 2 (scetor 2) AMISOM ee Jubbooyinka.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo hordhac u ah ciidamadan ayaa dhowaan tegay magaalada Kismaayo. Ciidamada Ethiopia ee AMISOM ayaa la qorsheynayaa in ay dhamaan  kala wareegaan Dowladaha KENYA iyo BRUNDI ee ku sugan Jubooyinka.

Ciidamada Itoobiya ayaa sidan ku noqonaya inay ku wada sugan yihiin dhammaan gobolada Waqooyiga, Bartamaha iyo  Koonfurta Soomaaliya iyo magaalooyinka waaweyn ee istiaatiijiga ah marka laga reebo Muqdisho.

Advertisements

Gudoomiye Jawaari: Halla Joojiyo Dagaallada Ka Socda Sool Iyo Nugaal

Seteembar 30, 2015

WAAJIDPRESS – 30 SEPT 2015:

Ku simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha baarlammaanka federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa ka dalbaday dhinacyada ku dagaallamaya gobolada Sool iyo Nugaal inay shuruud la’aan ku joojiyaan dagaalka.
Jawaari ayaa tilmaamay inaan la aqbali karin dagaallo sokeeye oo ka curta Soomaaliya oo oo xilligan kasoo kabanaysa dhibaatooyinkii ay ka dhaxashay colaadihii ka jiray muddada dheer.
Guddoomiyaha baarlammaanka Soomaaliya ayaa waxaa kaloo uu soo jeediyay in laga qaybqaato dadaallada lagu joojinayo colaadda, laguna wadahadal siinayo dhinacyada is-haya.
Jawaari ayaa ugu dambayn ka tacsiyeeyay khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Ciidanka Ethiopia oo qorshe isbalaarin ah ka wada GALGADUUD

Seteembar 30, 2015

WAAJIDPRESS – 30 SEPT 2015:

War hadda naga soo gaaray Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ay fariisimo cusub ka sameysteen deegaano ka tirsan Gobolkaasi.

Ciidamada oo wata gaadiidka gaashaaman ayaa ilaa Seddex saldhig ka sameystay deegaankaasi oo in muddo ah ay ku taamayeen Ciidamada Ethiopia.

Deegaanada ay fariisimaha ka sameysteen ayaa waxaa ka mid ah Deegaanka Ceel la helay oo u dhexeeya degmooyinka dhuusamareeb iyo Ceelbuur halkaasi oo istiraatiiji ah marka la eego dagaalada lagula jiro Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Maxamed-nuur Cusmaan oo kamid ah dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in dadka deegaanka ay intooda badan ka barakaceen Ceel la helay islamarkaana Ciidamada Ethiopia ay fariismo waaweyn ka dhigteen gudaha iyo daafaha deegaankaasi.

Waxa uu sheegay in wadooyin farabadan oo kamid ah deegaanka ay ku jareen gaadiidkooda, waxa uuna intaa raaciyay in ku dhawaad 3 bil ay ku howlanaayen sida ay halkaasi uga heli lahaayen fariisimo.

Waxaa si dhab ah loo ogeyn u jeedada Ciidamada Ethiopian-ka ah ay uga goleeyihiin fariisimaha ay ka sameyseen Deegaanka Ceel la helay ee Gobolka Galgaduud.

War farxad leh: DAAWO: CIIDAMADA ETHIOPIA OO BILAABEY IN AY TABABARAAN DHALINYARO CIIDAMO DIGIL IYO MIRIFLE OO AAN KA TIRSANAAN DOONIN CIIDANKA DOWLADA BALSE QABIIL AHAAN KA DIFAACDA DHULKOODA AL-SHABAAB

Seteembar 29, 2015

WAAJIDPRESS – 28 SEPT 2015:

Waxaa Tv-ga Dawlada Ethopia ee EBC qaybtiisa afka Soomaaliga laga baahiyey war ku saabsan Ciidamada Ethopia ee ku sugan magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay iyo dhalinyaro tiro badan oo ay Tababarayaan.

General Ethopian ah oo goobta ka hadlay ayaa si cad u SHEEGEY in ciidamadani aysan Marnaba noqon doonin kuwo KA tirsan Dawlada Soomaaliya, Wuxuuna sheegay in Ciidamada ay Tababarayaan ay Qaabi’ilka Odayaashoodu ka codsadeen si ay beeshani dhulkooda uga difaacdaan cadowga AL-SHABAAB iyo cadowgooda kale,  Sidoo kalana waxaa dhankooda ka hadlay Halkaasi dhalinyarada tirada badan ee u dhamaadey Taba-barka – DAAWO:

 

War deg deg AH: MAAMULKA PUNTLAND OO MAR LABAAD KU DUULEY DEEGAANKA QORILEEY EE SOOL

Seteembar 29, 2015

WAAJIDPRESS – 28 SEPT 2015:

Wararkii ugu danbeeyey ee jiida dagaalka ayaa sheegaya in xabadii goordhawady qaboowdey, isla markaana ciidamadi labada dhinac ay isku horfadhiyaan halkii saaka dagaalku ka qaraxay, wararku waxay sheegayaan dhanka maamulka Puntland ee ciidankooda dagaalka ku jirey uu hogaaminayey nin lagu magaacabo Caynaanshe, kaasoo ka mid ah saraakiisha ciidamada daraawiishta la baxay ee Puntland.

Khasaaraha dagaalka ayaa la sheegay inuu yahay shan ruux oo dhinacyada dagaalamayey ah, kuwaasoo lagu kala sheegay 4 ruux oo oo ka soo jeeda deegaanka Galkacyo iyo hal ruux oo dhanka Qoriley ah balse weli aan la xaqiijin geeridiisa, inkastoo wararku weli ay yihiin kuwa teel teel ah isgaadhsiinta oo xun awgeed ayaa dagaalku ahaa mid markii hore ku bilowday qaab beeleed oo labadii maleeshiyo beleed dhexmaray.

Balse goordanbe ay cidamada Puntland ku biireen ka dib markii dhankii ay fadhiyeen loo soo durkiyey maleeshiyaadka ka soo jeeda Waqooyiga Gaalkacyo, waxana la sheegy in ciidamada Puntland adeegsadeen hubka waa weyn ee Tiknikada, waxana warar intaas ku darayaan in dhankooda khasare gaadhay.

Ilaa hada ma jirto cid nabadeyn ah oo waan waan wax ku Ool ah ka dhex wada coladaas ka dilaacday gobolada Sool iyo Mudug, colaadan ayaa dadka odorasa arimaha goboladaasi sheegeen inay nooceeda ugu danbeysay sanadkii 1955 dagaalkii Dhula dheer, kaasoo ahaa mid xasuusiyey dad badan kan maanta ka taagan deeganadaasi.

Inkastoo colaadani ay soo jiitamaysay 13kii sano ee ugu danbeeyey hadana marna ma aysan dhicin dagaalo safeyn ah oo hubka waa weyn la isku adeegsado, marka laga reebo gaadooyin iyo Korjoogtooyin reer Beediya ah oo is laynayey, maamulka Abdelweli Ali Gaas ayaa lagu Eedeynayaa inuu hurinayo colaadaas labada beelood oo hada u eg in dhanka Puntland ay si buuxda u siyaasadeeyeen.

War deg deg AH: Akhriso then SAWIRO: BANAANBAX LOOGA SOO HORJEEDO MADAXWEYNE XASSAN OO BEESHA JAREERWEYNE MAANTA KA DHIGTEY MAGAALAD NEW YORK EE XARUNTA UNITED NATION

Seteembar 29, 2015

WAAJIDPRESS – 28 SEPT 2015:

Boqolaal Soomaali ah ayaa ku hor banaanbaxay Xarunta Qaramada Midoobay ee New York, halkaas oo uu ka socdo shirka Guud ee Qaramada Midoobay.
Boqolaalkaani shacab ah ayaa kasoo jeeda Beesha Jareer weyne oo Banaanbaxyadooda uga soo horjeedo Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud oo isagu Xaruntaasi uga qeybgalaayo Shirka.
Dadkaani ayaa Madaxweyne Xassan ku eedeynaayo inuu laalay Cadaalada dalka islamarkaana ay DF Somalia ku tumatay xuquuqdii ay Beeshu ku laheyd Dowlada.
Inta uu Banaanbaxa socday ayaa waxaa Xarunta horteeda Saxaafada kula hadlay Cabdi Mude oo ah Afhayeenka Beesha Jareerweyne waxa uuna sheegay in Banaanbaxa uu yahay mid ay uga soo horjeedan Madaxweyne Xassan, waxa uuna Tilmaamay in DF ay baabi’isay xuquuqda Beesha Jareer weyne.

Afhayeenka Jareerweyne, Cabdi Mude oo la hadlay Idaacadah meesha joogey ayaa dibadbaxooda ku sheegay inuu yahay mid ay kaga Cabanayaan Cadaalad-darro lagu hayo, Ttaasoo uu sheegay inay qayb ka tahay qaybsiga Awoodda siyaasadeed ee dalka.

“Mudaahaaraadkeenna waxaa kaga cabanayno cadaalad-darro nalagu hayo oo ay ka mid yihiin awood-qaybsiga dalka, gaar ahaan Jubbooyinka oo saamigii aan ku lahayn aanan ka helin iyo sidoo kale dhac loo geystay beero aan Jubbooyinka ku leennahay,” ayuu yiri Afhayeenka u hadlay Jaaliyadda Jareer-weyne.

Sidoo kale, mar ay WAAJIDPRESS waydiisay Afhayeenka inay Madaxweynaha Soomaaliya oo ay sheegeen inay doonayaan inuu ogaado cabashadooda uu maqlay iyo in kale, ayuu sheegay inaanay weli is-arag, balse ay la kulmayaan, ayna kala hadlayaan cabashadooda.

Cabdi Mude waxa uu sheegay in Cadaaladarida lagu hayo ay qayb ka tahay qaybsiga awoodda Siyaasadeed ee dalka.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Banaanbaxa uu yahay mid ay Cabashadooda ku ogeysiinayaan Madaxweyne Xassan iyo Xubnaha Beesha Caalamka ka jooga Shirka.
Dibadbaxan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horeysay oo Somali ay dhigto oo ka dhaca Xarunta Qaramada Midoobay ee New York, halkaasoo uu ka socdo Shirka 70-aad ee Qaramada Midoobay – DAAWO sawiro:

 

image image image image image image

War Murtiyeed laga soo saaray shirkii Somaliya looga hadlaayay ee ka dhacay Magaalada New York

Seteembar 29, 2015

WAAJIDPRESS – 28 SEPT 2015:

Shirkan gaarka ah ee Soomaaliya iyo caalamka, ayaa waxaa wada shir gudoominayey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Africa DR. Nkosazana Dlamini Zuma, xogahayaha guud ee Ururuka iskaashiga dalalka Islaamka Iyad Ameen Madani, xogahayha guud ee Jaamacadda Carabta Mr. Nebil Elaraby iyo xogahayha guud ee QM Ban Ki Moon.

Kullanka ayaa waxaa diiradda lagu saarayey hannaanka siyaasadda Soomaaliya, hab si buuxda wax looga qaban karo halista kooxda Al-Shabaab, arrimaha bani aadannimo ee Soomaaliya, iyo sidii Soomaaliya loogu jiheyn lahaa waddo dib usoo kabasho dhaqaale.

Warmurtiyeed kasoo baxay kullanka, ayaa lagu sheegay in beesha caalamka ay ku amaaneyso dowladda federaalka horumarka ay ka sameysay abuurista sidii Somalia ay ku noqon lahayd dal mideysan, federal, demuqraadi iyo amni intaba ah.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in beesha caalamka ay la dhacsan tahay aas-aasidda maamullada federaalka ee dhowrka ah ee dhowaan laga hir-geliyey Soomaaliya, iyo dhismaha guddiga xuduudaha iyo federaalka ee dowladdu ay sameysay, ayada oo dowladdana loogu baaqay soo dhameystirka dhismaha hay’adaha kale ee harsan.

Warmurtiyeedka waxaa sidoo kale lagu yiri inay carabka ku adkeynayaan muhiimadda ay leedahay dhismaha maamul federaaleedyada kale ee harsan iyo in lagu soo dhameystiro inta ka harsan sanadkan 2015, lana dar-dar geliyo dib u eegista lagu sameynayo dastuurka Soomaaliya.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in caalamka uu garwaaqsan yahay caqabadaha hortaagan in dalka laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah, sanadda 2016, balse ay qasab tahay in la ixtiraamo xilliga dastuuriga ah ee golaha sharci dejinta iyo kan fulinta Soomaaliya, oo labaduba ku kala eg bilaha August iyo September ee 2016. Sidaa darteed, ayay beesha caalamka tiri “Waxaan soo dhoweyneynaa aas-aasidda golaha wada tashiga qaran ee Muqdisho loogu dhowaaqay 19-kii bishan September”.

Waxaa dadka ay ka go’do siyaasadda Soomaaliya uu caalamka ugu baaqay inay taageeraan qorshaha iyo dadaallada dowladda feederaalka ee ku wajahan hannaanka doorashada Somalia ee 2016.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri in calaamka uu walaac ka muujinayo xasaradaha siyaasadeed ee dhowaan ka dhex jiray dowladda federaalka ah, ee u dhaxeysay xildhibanaada qaar iyo madaxweynaha, waxana lagu yiri qoraalka in nabad ka dhalata Soomaaliya ay ku xiran tahay ka go’naansho iyo in si buuxda diiradda loo saaro, sidaa darteedna khilaafyada dowladda dhexdeeda ah ay taasi horistaagayaan.

Waxaa ciidamada qaranka Soomaaliya iyo kuwa Amisom uu warmurtiyeedka ugu baaqay inay sii wdaaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, si loo furto deegaanada iyo magaalooyinka weli ku dambeeya gacanta kooxdan, islamarkaana inta weeraradan ay socdaan laga fogaado khasaraaha shacabka, lana dhowro xeerarka calamaiga ah ee dagaalka.

Waxa laga maarrmaan ah ayaa lagu yiri qoraalka in la dar-dar geliyo horumarinta ciidamada Soomaaliya, ayada oo taas lagu dabaqayo qorshaha Guulwade ee dowladda Soomaaliya ay dejisay,.

Beesha caalamka waxa ay sheegtay inay ogtahay in tallaabo milatari oo kaliya aysan xal u noqon karin in dib loo soo celiyo amniga Soomaaliya, sidaa darteedna la isku raacay in si buuxda loo wajaho la dagaalanka xagjirnimada Soomaaliya.

Beesha caalamka waxay walaac ka muujisay xaaladda bani aadannimo ee aadka u jilicsan ee Soomaaliya iyo qiyaastii 3 milyan ee qof ee Soomaalida ah ee gargaraka u baahan.

Warmurtiyeedka ayaa lagu codsaday in dhammaan dhinacyada ay quseyso ay fududeeyaan derista lacagta xawaaladaha la marsiiyo ee Soomaalida qurbaha ay ku caawiyaan dadkooda, taasi oo ay ka muhiimsan kana badan baa la yiri gargaarka Soomaaliya la siiyo iyo maal gelinta dalka lagu sameeyo intaba.

Waxaa ugu dambeyn beesha caalamka ay dhammaan Soomaalida ugu baaqday inay ka wada shaqeeyaan dantooda oo ah dhismada dal nabad ay ka jirto, islamarkaana caalamka uu taasi ku caawin doono.

XOG CULUS: ISKU SHAANDHEYNTA GOLAHA WASIIRADA OO SOO SOCOTA

Seteembar 29, 2015

 

WAAJIDPRESS – 28 SEPT 2015:

 

Warar ay heshey website WAAJIDPRESS ayaa sheegaya in Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaarihiisa Cumar Cadirashiid Cali oo uu wehliyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ay si hoose uga wada hadleen in isku shaandhayn ay ku jiraan wejiyo cusub lagu sameeyo Xubnaha Golaha Wasiirada ee hadda shaqeeya si loo dar-dar geliyo waxa loogu yeero Hiigsiga sanadka 2016-ka oo ay muddo sanad ah naga xigto.

Ku dhawaaqista isku shaandhaynta Xubnaha Golaha Wasiirada ee cusub ayaa mabda’iyan madaxda dalku isku af garteen in la sameeyo Todobaadka ugu horeeya Bisha Oktoobar ee sanadkan iyadoo carabka lagu godayo labada ama sedaxda bisha.

Isku shaandhayntan ayaan si rasmiya loo ogayan sida ay noqon doonto , iyadoo ay ku soo beegmayso xili aan la xalin Mooshinkii ka dhanka ahaa Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo uu Afhayeenka Baarlamaanku laalay ama meesha ka saaray tasoo ay ka biya diideen qaar ka mid ah Mudanayaashii Baarlamaanka ee markii horeba keenay Mooshinkaasi.

Lama oga in Xubnaha Golaha cusub ee Wasiirada ay ku jiri doonaan Xubnihii Geed fadhiga u ahaa Mooshinkii lidiga ku ahaa Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh iyo in kale, iyadoo laga yaabo in ay isku shaandhaynta la filayo ay la timaado Dhibaato Afraad, wararka ayaa intaa ku daraya in isbedelkani saamayn ku yeelan doono qaar ka mid ah Taliyaasha Ciidamada kadib markii dhowaan la bedeley hogankii saraakiisha Ciidanka Milatariga.

War culus: Xildhibaan Axmed Aabi Aadan oo sheegay wax wada hadal ah inaysan la galeyn Madaxweynaha Somaliya

Seteembar 29, 2015

WAAJIDPRESS- 28 SEPT 2015:

Iyadoo Guddoonka Baarlamaanka Somaliya uu sheegay 7-da Bisha October in wada hadal ay isugu imaanaayo Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha qudhiisa, ayaa qaar ka tirsan Xildhibaanada Mooshinka wada waxa ay sheegayaan inaysan wax wada hadal ah la galeyn Madaxweynaha.

Xildhibaan Axmed Aabi Aadan oo ka tirsan Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Madaxweynaha Somaliya ayaa sheegay hadii Guddoonka Baarlamaanka uu go’aan ka gaaray Mooshinka, aysanba jirin wax laga wada hadlo.

Wuxuu sheegay Guddoonka inuu go’aan gaaray, meesha aysanba oolin wax ay ka wada hadlaan Xildhibaanada iyo Madaxweynaha, maadaama Go’aanka uu gaaray Guddoomiyaha Baarlamaanka uu yahay mid cad.

“Mar hadii uu Qoraal u gaar ah soo saaray, wax laga wada hadlo ma jirto, howsheena waan wadannaa, waana wadan doonnaa, sharci yaqaanadeena iyo looyaradeena maanta ayeey noo soo saarayaan arrimaha sharci ee aynu ka dalbanay, waana la wadaagi donnaa isaga oo Guddoomiyaha ah, Baarlamanaka iyo caalamka.” Ayuu ku waramay Xildhibaan Aabi

Xildhibaan Axmed Aabi Aadan, ayaa sidoo kale dhaliilay qaabka Guddoonka Baarlamaanka Somaliya uu u soo xiray Baarlamaanka Somaliya.

“Jawaari waa Guddoomiye Baarlamaan, waxaana uu shir Guddoomiyaa kulamada Xildhibaanada, isaga oo jooga Villa Hargeysa ayuu sheegay inuu xiray Baarlamaanka, iska xir ma ahan Baarlamaanka ee sharci loo xiro buu leeyahay” ayuu yiri Xildhibaan Aabi.

War farxad leh: DAAWO: AQOONYAHANADA DIGIL IYO MIRIFLE OO SI KULUL UGU JAWAABEY HADALKII KA SOO YEEREY WARIYE ABDI GOOD KA DIB MARKII UU WAX KA SHEEGEY LUQADA “AF-MAAY MAAY-ga”

Seteembar 29, 2015

WAAJIDPRESS – 28 SEPT 2015

 

BEESHA DIGIL IYO MIRIFLE OO MARKAAN HURDADA KA KACDEY. DAAWO JAWAABTII AY SIIYEEN WARIYE CABDI GOOD: