War deg deg AH: Akhriso then SAWIRO: BANAANBAX LOOGA SOO HORJEEDO MADAXWEYNE XASSAN OO BEESHA JAREERWEYNE MAANTA KA DHIGTEY MAGAALAD NEW YORK EE XARUNTA UNITED NATION

WAAJIDPRESS – 28 SEPT 2015:

Boqolaal Soomaali ah ayaa ku hor banaanbaxay Xarunta Qaramada Midoobay ee New York, halkaas oo uu ka socdo shirka Guud ee Qaramada Midoobay.
Boqolaalkaani shacab ah ayaa kasoo jeeda Beesha Jareer weyne oo Banaanbaxyadooda uga soo horjeedo Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud oo isagu Xaruntaasi uga qeybgalaayo Shirka.
Dadkaani ayaa Madaxweyne Xassan ku eedeynaayo inuu laalay Cadaalada dalka islamarkaana ay DF Somalia ku tumatay xuquuqdii ay Beeshu ku laheyd Dowlada.
Inta uu Banaanbaxa socday ayaa waxaa Xarunta horteeda Saxaafada kula hadlay Cabdi Mude oo ah Afhayeenka Beesha Jareerweyne waxa uuna sheegay in Banaanbaxa uu yahay mid ay uga soo horjeedan Madaxweyne Xassan, waxa uuna Tilmaamay in DF ay baabi’isay xuquuqda Beesha Jareer weyne.

Afhayeenka Jareerweyne, Cabdi Mude oo la hadlay Idaacadah meesha joogey ayaa dibadbaxooda ku sheegay inuu yahay mid ay kaga Cabanayaan Cadaalad-darro lagu hayo, Ttaasoo uu sheegay inay qayb ka tahay qaybsiga Awoodda siyaasadeed ee dalka.

“Mudaahaaraadkeenna waxaa kaga cabanayno cadaalad-darro nalagu hayo oo ay ka mid yihiin awood-qaybsiga dalka, gaar ahaan Jubbooyinka oo saamigii aan ku lahayn aanan ka helin iyo sidoo kale dhac loo geystay beero aan Jubbooyinka ku leennahay,” ayuu yiri Afhayeenka u hadlay Jaaliyadda Jareer-weyne.

Sidoo kale, mar ay WAAJIDPRESS waydiisay Afhayeenka inay Madaxweynaha Soomaaliya oo ay sheegeen inay doonayaan inuu ogaado cabashadooda uu maqlay iyo in kale, ayuu sheegay inaanay weli is-arag, balse ay la kulmayaan, ayna kala hadlayaan cabashadooda.

Cabdi Mude waxa uu sheegay in Cadaaladarida lagu hayo ay qayb ka tahay qaybsiga awoodda Siyaasadeed ee dalka.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Banaanbaxa uu yahay mid ay Cabashadooda ku ogeysiinayaan Madaxweyne Xassan iyo Xubnaha Beesha Caalamka ka jooga Shirka.
Dibadbaxan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horeysay oo Somali ay dhigto oo ka dhaca Xarunta Qaramada Midoobay ee New York, halkaasoo uu ka socdo Shirka 70-aad ee Qaramada Midoobay – DAAWO sawiro:

 

image image image image image image

Faallo u dhaaf