Archive for Seteembar, 2015

War deg deg ah: Kooxo hubeysan oo weerar ku qaaday shaqaalaha Turkiga ee MUQDISHO.

Seteembar 28, 2015

WAAJIDPRESS – 28 SEPT 2015:

Xoogag hubeysan oo aan la garanayn cidda ay ka tirsan yihiin, ayaa xilli dambe oo xalay ahayd weerar xoogan ku qaaday kaawada Degmada Wadajir Ee Gobolka Banaadir, xilli Dowladda Turkiga ay dhismo ka wado.

Ciidanka Dowladda ee ilaaliya Shaqaalaha Turkiga, ayaa iska caabin xoogan ugala hortagey Xoogagii weerarka soo qaaday, waxaana halkaasi ka dhacay iska horimaad in muddo ah socday.

Iska horimaadkan, ayaa ku bilowday gantaalaha garbaha laga gano, oo sida la sheegay qabsaday haamo iyo kunteenaro, iyadoona uu dab qabsaday haamaha iyo kunteenarada.

Xoogagii weerarka soo qaaday, ayaa dib kaga gurtay halkaasi, waxaana adag in faah faahin sax ah laga helo, haddii ay jiraan waxyeelo ka soo kala gaartay labada dhinac.

Rasaastii leesku adeegsaday iska horimaadkaasi, ayaa si weyn looga maqlaayay Magaalada Muqdisho, iyadoona ay dadku kaga soo tooseen hurdada, rasaasta oo ahayd mid xoogan.

Weerarkan, ayaa noqonayo noociisii ugu horeeyay oo lagu qaado kaawada Degmada Wadajir, oo ay soo baxayan warar sheegaya in Dowladda Turkigu, ay ka dhisanayso xero militari.

Turkiga waa isha ugu muhiimsan ee taageerada tooska ihi ka hesho Dowladda Federalka Somaliya. Turkigu waxa uu Somaliya ka caawinaya dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida.

Advertisements

War deg deg ah: GAAS oo wajahaya xaalad halis ah kaddib markii taliyaha ciidamada Puntland uu ku hanjabay in..

Seteembar 28, 2015

WAAJIDPRESS – 28 SEPT 2015:
Taliyaha ciidamada Puntland Sareeye Guuto Siciid Maxamad Xirsi (Siciid Dheere) ayaa wareysi uu siiyey Radio Daljir sheegey in aan laga aamusnaan karin mushahar la’aanta ragaadisey ciidamada Darwiishta iyo Booliska Puntland.

Siciid Dheere oo markii ugu horeysay ka hadley mushahr la’aanta ciidamada Puntland ayaa ku tilmaamey iney tahay waxaan loo dulqaadin karin in madaxda dowlada tiraahdo in ciidamada xaqooda ma maqna balse uusan arinku sida kale yahay.

Taliye Siciid Dheere ayaa ku hanjabay inuu xilkaan uu iska casilayo hadaan si deg deg ah wax looga qaban mushahar la’aanta haysata ciidamada Puntland.

Hadlka taliyaha ayaa yimdi maalmo kadib markii madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas diidey ineysan jirin mushahar ka maqan ciidamada Puntland isaga oo shegeey in kuwa gadoodka sameeyey maalmihii laoso dhaafey dowlada la xisaab tami doonto.

SAWIRRO: Gudoomiye Ku-Xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka oo Nairobi Tababar ugu Soo Xiray Gudiga Maaliyada

Seteembar 28, 2015

WAAJIDPRESS – 27 SEPT 2015:

image image image image

Gudoomiya ku xigeenka Koowaad ee golaha baarlamanka Soomaaliya mudane Jeylaani Nuur Iikar ayaa maanta magaalada Nairobi tababar mudo todobo maalmood ah socday ugu soo xiray gudiga baarlamaanka u qaabilsan maaliyadda,qorsheynta iyo la xisaabtanka xukuumada.

Tababarkan oo ay fududeysay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan horumarinta barnaamiyada ee UNDP ayaa waxa uu ku saabsanaa dib u eegista hindise sharciyeedka la dagaalanka been xalaaleysashada lacagaha iyo ka hortagga maal galinta kooxaha argagixisada ah.

Gudoomiyaha gudiga baarlamaanka u qaabilsan maaliyadda,qorsheynta iyo la xisaabtanka xildhibaan Samaan Maxamed Shiikh Daahir (oo ka soo jeeda beesha HUBEER – DIGIL IYO MIRIFLE OO DEGTA KISMAAYO) ayaa sheegay in mudada todobada maalmood ah ay gudigu qaateen qaateen duruus ku saabsan sharciga la dagaalanka been xalaaleysashada lacagaha iyo maali galinta argagixisada.

“Sharcigaas waa sharci ku cusub dalkeena,waxana ay xildhibaanadu galiyeen dadaal badan,waxaan imaanay anagoo fikir ka haysan sharcigan,laakin hada gudigu waxa ay heleen fahan fiican oo ku aadan waxa uu yahay sharcigan”Ayuu yiri gudoomiyaha gudiga Xildhibaan Samaan Maxamed Shiikh Daahir.

Sidoo kale Qaar ka mid ah xildhibanada Gudiga baaramaanka u qaabilsan Maaliyadda,qorsheynta iyo la xisaabtanka xukuumada ayaa sheegay in ay wax badan ka faa’ideen ka fahmeen hindise sharciyeedkan mudadii todobada maalmood ahayd oo uu tababarkan socday.

Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee golaha baarlamanka Soomaaliya mudane Jeylaani Nuur Iikar oo tababarka soo xiray ayaa waxa uu balanqaaday in marka uu furmo kalfadhig 7-aad ee Baarlamanka ay muhimad gaar ah siin doonaan hindise sharciyeedkan si uu u meel mariyo Baarlamaanka.

Gudoomiye Jeylaani ayaa u sheegay in gudiga maaliyadda,qorsheynta iyo la xisaabtanka xukuumada in ay hor taalo howl culus oo ay ka mid tahay xisaab xirka sanadkii 2014 iyo dajinta miisaaniyadda sanadkan 2016.

Hindise sharciyeedkan la dagaalanka been xalaaleysashada lacagaha iyo maal galinta argagixisada ayaa waxa uu ka mid yahay dhowr hindiso sharciyeed oo la filayo in baarlamaanka Soomaaliya uu meel mariyo marka uu bisha soo socota furmo kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka.

DAAWO: RAISUL WASAARE CUMAR OO KA HADLEY XASUUQII KA DHACAY DEEGAANKA QORILEY

Seteembar 27, 2015

WAAJIDPRESS – 27 SEPT 2015:

 

 

Saraakiil Ciidan oo ka kala yimid Gobolada dalka oo Muqdisho tababar looga furay

Seteembar 27, 2015

WAAJIDPRESS – 27 SEPT 2015:

image image image

 

Taliyaha ciidamada Booliska Somaliya Sareeyo Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud (oo ka soo jeeda BEELWEYNTA DIGIL IYO MIRIFLE) ayaa maanta Magaalada Muqdisho wuxuu uga furay tababar Saraakiil ciidan oo ka kala yimid Gobolada dalka Somaliya.

Saraakiishaan oo ka kala yimid Maamul Goboleedyada dalka ka jira, ayaa tababarka loo furay waxa uu yahay mid ku saabsan sharciyada Federalka Booliska kaga aadan, waxaana uu socon doonaa tababarka muddo Afar cisho ah.

Sareeyo Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Taliyaha ciidamada Booliska Somaliya ayaa madasha ka sheegay ahmiyada Booliska uu u leeyahay Barashada sharciyada Federalka ee Booliska.

Wuxuu sheegay Booliska Somaliya inaysan laheyn xuduuda, islamarkaana ay yihiin ciidan Boolis oo Somaliya guud ahaan ka howlgala, ayna yihiin ciidan isku xiran ooh al hadaf leh.

War culus: GANACSATADA GOBOLKA MUDUG OO DAGAAL GALEY

Seteembar 27, 2015

WAAJIDPRESS – 27 SEPT 2015:

Sida ay kusoo waramayaan ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal udhaxeeya Ciidanka Al Shabaab iyo ganacsato deegaanka Ceel huur ee Gobolka Mudug.

Dagaalka xoogiisa waxa la sheegay inuu shalay galab ka dhacay deegaanka Ceel huur,waxaana ganacsatada dagaalka gashay la tilmaamay inay ahaayeen kuwo iibiya Khaatka (Jaatka).

Inta la og yahay hal qof oo shacab ah ayaa ku dhintay oo ahaa ganacsade meesha dukaan ku lahaa kana madax banaanaa dhinacyada dagaalka udhaxeeyey.

Saaka oo Axad ah waxa jawiga uu yahay mid deggan kadib dagaalkii shalay gelinkii dambe ka dhacay deegaanka Ceel huur ee Gobolka Mudug.

War culus: VIDEO:-Cabdiraxmaan Ciiro oo si adag uga hadlay dagaalkii Feerka ahaa ee Baashe iyo arrinta MD Siilaanyo

Seteembar 27, 2015

WAAJIDPRESS – 27 SEPT 2015

 

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Mareykanka Kaga Qeyb Galaya Shirka Golaha Amaanka QM

Seteembar 26, 2015

WAAJIDPRESS – 26 SEPT 2015:

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo oo AY KA mid yihiin Wasiirka Maaliyada Dr. Maxamed Ibrahim FARGEETI (oo ka soo jeeda BEELWEYNTA DIGIL IYO MIRIFLE) iyo Wasiirada Qorsheynta Mr. Caynte iyo Wasiirka Arimaha Dibada Cabdisalaan ayaa Maanta u Ambabaxay dalka Maraykanka.

Waxaa Madaxweynaha Garoonka diyaaradaha Kusii Sagootiyay Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Mas’uuliyiin kale oo ka socda labaada gole.

Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud ayaa Magaaladda New York kaga qeybgali doona shirka Golaha Amaanka Ee QM.

War deg deg ah: Qarax ka dhacay maqaaxi ku dhegan Xarunta Caymiska Kismaayo

Seteembar 26, 2015

WAAJIDPRESS – 26 SEPT 2015:

Qarax weyn, ayaa goor dhow ka dhacay Bartamaha Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo dhinaca kalana uu qaraxu sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Qaraxan, ayaa ka dhacay Maqaaxida Barni Hooyo oo ku dhegan Xarunta Caymiska Kismaayo, waxaana lala beegsaday askar ka tirsan Ciidanka Maamulka Jubbaland iyo dad shacab ah oo fadhiyay.

Qaraxa ka dib waxaa halkaasi laga maqlay rasaas ay dhowr jiho u furayn Ciidanka Jubbaland, inkastoo aanay jirin cid la sheegay inay waxyeelo ka soo gaartay rasaastaasi.

Illaa iyo hadda waxaa la ogyahay qaraxaasi inta ku dhimatay saddex ruux oo middi uu askari ahaa, halka ay ku dhaawacantay illaa 10 qof oo kale, oo u badan askarta Jubbaland.

Suxufiyiinta Magaalada Kismaayo, ayaa soo sheegaya in lagu kala cararay maqaaxidii uu qaraxu ka dhacay, isla-markaana uu qaraxu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga haggo.

Kismaayo waxaa ku soo badanaya qaraxyada ay gaysanayan xubnaha ka tirsan Ururka Al Shabaab. Soddonkii maalmood ee ugu dambeysay waxaa Kismaayo ka dhacay illaa saddex qarax, oo siyaabooyin kala gedisan loogu beegsaday Ciidanka Jubbaland

War deg deg AH: Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Madaxweynaha oo ka soo hor jeestay Go’aanka ka soo baxay Guddoonka Baarlamaanka

Seteembar 26, 2015

WAAJIDPRESS – 26 SEPT 2015:

Iyadoo xalay Guddoonka Baarlamaanka Somaliya uu soo saaray go’aan ku saabsan Mooshinka laga soo gudbiyay Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, uuna Guddoonka Cadeeyay in gabi ahaanba sii jiritaanka Mooshinkaasi la soo afjaray, ayaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya waxa ay ka soo horjeesteen arintaasi.

Xildhibaan C/laahi Goodax Barre oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya kana mid ah Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Madaxweynaha, ayaa sheegay inuusan sharci aheyn go’aanka ka soo baxay Guddoonka Baarlamaanka, islamarkaana ay ka soo horjeedaan.

Xildhibaan Goodax wuxuu sheegay go’aankaasi inaysan u dhameyn Guddoonka, balse uu ka soo baxay Xafiiska Jawaari iyo Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Goodax Barre, ayaa ku eedeeyay Guddoomiye Jawaari inuusan dhex dhexaad ka aheyn arintaan, maadaama Guddoonka uu sheegay in lasoo afjaray Mooshinka.

Waxa uu diiday Goodax Barre in Mooshinka la tuuray, isaga oo ku adkeystay in Mooshinkaan uusan aheyn mid meesha ka baxaayo, isaga oo intaasi ku daray hadalkiisa in warqad jawaab ah u qorayaan Xafiiska Guddoonka Baarlamaanka Somaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya ayaa 7-da Oktoobar wuxuu ku balamiyay Xafiiska Guddoonka Baarlamaanka inay isugu yimaadaan dhamaan Dhinacyada ay khuseyso Mooshinka si looga hadlo arinta Mooshinka oo qaab wada hadal ah lagu dhameeyo.

Mooshinkaan laga soo gudbiyay Madaxweynaha ayaa weli Xildhibaanada soo gudbiyay waxa ay ku adkeysanayaan sii jiritaanka Mooshinkooda, xilli ay horay u aqbaleen in qaab wada hadal ah lagu xaliyo Mooshinka.