Archive for Oktoobar, 2015

BANAANBAX KA DHACAY BALEDWEYNE maanta

Oktoobar 31, 2015

WAAJIDPRESS – 31 OCT 2015:

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baladweyne ee xaruunta gobalka hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi goordhaw uu ka dhacay banaan bax looga soo horjeedo gudiga farsamada maamul usameynta Gobalada Hiiraan & Shabeelada dhaxe.

 
Boqolaal Shacab ah oo ka kala yimid Xaafadaha kala duwan ee ay ka Kooban tahay Magaalada Baledweyne ayaa iskugu soo baxay wadooyinka,kuwaas oo si weyn uga soo horjeeda Magacaabisa Guddiga Farsamada ee Shalay wasaaradda Arrimaha Gudaha ay ku dhawaaqday.

 
Guddiga Farsamada oo la hadal hayay in la gaarsiin doono 31 Xubnood ayaa laga dhigay 14,iyadoo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Siyaasiinta ka soo jeeda Gobolka ay ka horyimaadeen Magacaabista Guddiga.

 
Wareegto kasoo baxday wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu magacaabay 14 xubnood oo ah guddiga farsamada maamul u sameynta gobalada Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Advertisements

Raisul Wasaare ku-XIGEENKA Maxamed Cumar Carte iyo Wasiiro OO Baydhaba gaarey

Oktoobar 31, 2015

WAAJIDPRESS – 31 OCT 2015:

Cumar Carte, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Somaliya & Wafdi uu hogaaminaayo OO ah 8 Wasiir iyo 23 Xildhibaan OO ku socdey Labo Ditaaradood ayaa maanta waxa ay gaareen Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Garoonka Diyaaradaha ee Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo, waxaa xubnaha wafdiga ku soo dhaweeyay masuuliyiinta Maamulka Degmada Baydhabo iyo masuuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed.

Wafdigan OO loo magacaabey Guddiga  fatahaadaha iyo roobabka la filayo iney ka da’aan dalkeena ayaa goor dhaweyd gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Guddiga oo uu hoggaaminayo R/wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo si diirran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka Koofur galbeed, iyo bulshada ku dhaqan magaalada Baydhabo.

Muddada ay joogaan guddigaasi magaalada Baydhabo ayaa la filayaa iney kulamo la qaataan bulshada ku dhaqan gobolka Baay, iyagoo kala hadli doona sidii looga tabaabusheysan lahaa daadadka iyo fatahaadaha la sheegay iney ku soo wajahanyiuhiin dalkeena Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda “Sida aan u wanaajinno dajinta Miisaaniyadda dowladda ayay ku xirantahay in nalaga cafiyo deymaha caalamku nagu leeyahay”

Oktoobar 31, 2015

WAAJIDPRESS – 31 OCT 2015:

Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maxamed Ibrahim Aadan Fargeeti  oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay miisaniyada 2016-ka ee shalay golaha Wasiirada ay ansixiyeen in muhiimad gaar ah ay ugu fadhiso umadda Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa baarlamaanka ugu baaqay in si deg deg ay u ansixiyaan miisaaniyadaasi oo uu xusay in ay korortay marka loo fiiriyo tan sanadkani, waxaana uu hoosta ka xariiqay in mar walbo ka wasaarad ahaan ay ku dadaali doonaan horumarinta iyo hufnaanta dakhliga Dowladda.

Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maxamed Ibrahim Aadan Fargeeti oo sii hadlay ayaa xusay in sida ay u wanaajiyaan dejinta miisaaniyadda Dowladda ay ku xirantahay in Soomaaliya laga cafiyo deymaha Caalamka uu ku leeyahay.

Kulankii Shalay ee Golaha Wasiirada ayaa waxaa si qota dheer looga dooday Miisaaniyad sanadeedka sanadka 2016, oo ah kharash dhan 216, taasoo 64% (Boqolkiiba lixdan iyo afar), loo qoondeeyey inay ka imaan doonto dakhliga gudaha dalka ka soo xarooda, waxaana Miisaaniyaddan golaha u faah faahiyay Wasiirka Maaliyadda Maxamed Aadan Fargeeti.

Golaha Wasiirada, ayaa dood dheer kadib, meel mariyay Miisaaniyad sanadeedkan, waxayna Wasaaradda Maaliyadda ballan qaaday in haddii dakhliga gudaha dalka uu kordho dib u eegis lagu sameyn doono, si loo kordhiyo qoondada wasaaraddaha

War deg deg ah: Ciidamada Booliska Puntland oo xalay gurigiisa kala baxay Siyaasiga Daahir Ciiro

Oktoobar 31, 2015

WAAJIDPRESS – 31 OCT 2015:

 

image

 

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland, ayaa sheegaya ciidamada ammaanka Magaaladaasi inay xabsiga dhigeen Siyaasiga Daahir C/qaadir Muuse (Daahir Ciiro) oo horay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaankii KMG u soo noqday.

Daahir Ciiro, ayaa muddooyinkii dambe wuxuu ku noolaa Magaalada Garoowe, halkaasi oo deegaan ahaan uu ka soo jeeda, waxaana la sheegay xalay ciidamo ka tirsan Booliska Puntland inay aqalkiisa kala baxeen.

Wararka waxa ay sheegayaan Daahir Ciiro in lagu xiray Saldhiga Magaalada Garoowe, iyadoo Booliska weli aysan faah-faahin rasmi ah ka bixin sababta ka dambeysay xariga Daahir Ciiro.

Siyaasigan ayaa la sheegay dhowr maalin ka hor in uu Warbaahinta ka jeediyay eedeymo uu u jeediyay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, taasina ay soo de dejisay xarigiisa.

Ma’ahan markii ugu horeysay oo Siyaasiga Daahir Ciiro lagu xiro Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland, horay sidan oo kale ayaa xabsiga loo dhigay.

Amarka lagu xiray Siyaasi Daahir Ciiro, ayaan sidoo kale la ogeyn cida bixisay, laakiin xalay fiidkii ayaa mar qura laga war helay ciidamo Boolis ah oo aqalkiisa isku gadaamay, kadibna ku kaxeeyay gaadiidka ciidanka.

War deg deg ah: Maamulkii JUBALAND OO mucaaradkeeda BADANAYA maalin walba

Oktoobar 30, 2015

WAAJIDPRESS – 30 OCT 2015:

-Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil (OO aad uga soo horjeeda DHUL Boobka ay KA WADAAN JABHADA RAASKAMBOONI ee uu Hogaamiyo Axmed Madoobe) , ayaa magacaabay gudoomiyaha Degmada Garbahaareey markii uu dhawaan iska casilay xilkaasi Iimaan Cadow Kaarshe OO uu hadda KA hor U soo magacaabey Hogaamiyaha Raaskambooni Axmed Madoobe.

Kaliil oo Dowlada uga wakiil ah Gobolka Gedo ayaa aad uga soo horjeeda maamulka Juba ee uu madaxda ka yahay Axmed Madoobe kuwaasoo iyagana gudoomiye u soo magacaabay Gobolka Gedo iyo Degmada Garbahaareey oo ah caasimada Gobolka Gedo.

Kaliil oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay inuu Gudoomiyaha Garbahaareey u magacaabay Cabdullaahi Sheekh Faarax.

Magacaabista Kaliil ayaa timid markii uu wadatashi la sameeyay siyaasiyiinta iyo qeybaha bulashada ee Magaalada Garbahaareey dhanka taageersan garabkiisa.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo wuxuu dhanka kale ka dhawaajiyay inuu wanaagsan yahay xiriirka uu la leeyahay Amisom gaar ahaan ciidamada Itoobiya ee ku sugan Garbahaareey kuwaasoo xili hore la safnaa dhanka Axmed madoobe.

 

War deg deg ah: Gudoomiyhii PUNTLAND ee is casiley Ayaa sheegey in Muqdisho laga soo abaabuley in la iga qaado jagada sidaas Ayaa isku casiley

Oktoobar 30, 2015

WAAJIDPRESS – 30 OCT 2015:

 

Gudoomiyahii hore ee Baarlamaanka Puntland Saciid Xasan Shire, ayaa ka hadlay xilkii uu ka degay iyo sidoo kale halka laga soo abaabulay mooshinkii isaga laga keenay.

Waxa uu sheegay in mooshinkii 40-ka xildhibaan ka keeneen uu ahaa mid sharci darro ah, islamarkaana kaalin ay ku lahayd dowladda Federaalka oo Muqdisho laga soo abaabulay.

Sidoo kale madaxda Puntland ayuu sheegay in kaalin ay ka qaateen Mooshinkaasi, laguna bixiyay lacag aad u badan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Arrinta ugu weyn ee mooshinkaan looga keenay ayuu sheegay inay u weyntahay khilaafkii hore ee u dhaxeeyay Puntland iyo dowladda Federaalka iyo sidoo kale kaalinta uu isaga ka taagnaa.

War Cusub: Wasiirka Arimaha Gudaha OO maanta ku dhawaaqey Gudiga farsamada ee maamul U sameynta gobolada HIIRAAN iyo SHABEELAHA dhexe – Magacyada

Oktoobar 30, 2015

WAAJIDPRESS – 30 OCT 2015:

 
Wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa lagu shaaciyay magacyada guddiga farsamada maamul u sameynta labada gobo lee Sh/dhexe iyo Hiiraan,

Wareegtadan ayaa lagu shaaciyay magacyada 14 xubnood oo labo ka mid ah ay dumar yihiin, lamana oga sababta keentay in guddiga farsamada oo lagu waday inuu noqdo 31 xubnood la soo yareeyo.

Halkan ka aqriso magacyada guddiga farsamada maamul u sameynta labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan:

 

Caasho Cabdulle Xasan (Raagto).
Maxamed Cali Nuur.
Cusmaan Barre Muxumad
Caa’isho Abuukar Cismaan.
Cabdikariin Shire Cabdi.
Bashiir Sh.Ibraahin Xaaji Cismaan.
Cusmaan Ibraahin Cali.
Maxamed Axmed Xasan (Ayax)
Cabdraxmaan Maxamed Diiriye.
Cabdraxmaan Faarax Xirsi.
Axmed Cabdraxmaan Abuukar.
Sh,Maxamuud Shiikh Yuusuf.
Cabdraxmaan Cabdi Cilmi.
Cabdraxiin Xaaji Fiqi.

DAAWO: 1969 ilaa 2014 SIDA DOWLADIHII SOO MARAY SOOMAALIYA AY XAQA BEESHA DIGIL IYO MIRIFLE UGU TUNTEEN

Oktoobar 30, 2015

WAAJIDPRESS – 30 OCT 2015:

 

DAAWO: BARNAAMIJ KOOBAN OO LOOGA HADLAYO SIDA XAQOODA LOO QAATEY BEESHA DIGIL IYO MIRIFLE 1969 ilaa 2014:

 

Ku simaha madaxweynaha iyo R/wasaaraha oo ka qeybgalay munaasabadda xuska maalinta xorriyadda Turkiga “Sawirro”

Oktoobar 29, 2015

WAAJIDPRESS – 29 OCT 2015:

 

vlcsnap-2015-10-29-19h36m28s33 vlcsnap-2015-10-29-19h36m56s225 vlcsnap-2015-10-29-19h37m33s1761vlcsnap-2015-10-29-19h35m01s209

 

Munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay xuska maalinta xorriyadda dalka Turkiga oo ku asteysan 29-ka Octobar  ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Ku simaha madaxweynaha ahna gudoomiyaha Baarlamanka Maxamed Sheekh Cusmaan Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo  R/wasaaraha Cumar Cabdi rashiid, wasiirro, xildhibaanno iyo xubno ka socday ururada bulshada ayaa ka qeybgalay Xafladda xuska 92 guuradii ka soo wareegtay madaxbanaanida dalka Turkiga taasoo lagu qabtay xarunta dhismaha safaaradda cusub ee Turkigu ku leeyahay Muqdisho.

Danjiraha dowladda Turkiga ee Soomaaliya oo munaasabadda ka hadlay ayaa soo dhaweeyay mas’uuliyiinta dowladda ee ka qeybgashay munaasabadda, isagoo xusay in dowladda Turkigu ay garab taagantahay dowladda Soomaaliya.

Ku simaha madaxweynaha ahna afhayeenka Baarlamanka Maxamed Sheekh Cusmaan Prof. Jawaari  oo ka  hadlay ayaa dowladda iyo shacabka Turkiga ugu hambalyeeyay munaasabadda xuska 92 guuradii ka soo wareegtay madaxbanaanida dalkaasi.

Munaasabadda xuska maalinta madaxbanaanida Turkiga ee maanta lagu qabtay safaaradda dalkaasi uu leeyahay Muqdisho ayaa ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan .

 

War deg deg ah: Madaxweynaha PUNTLAND OO Xilka laga qaadayo

Oktoobar 29, 2015

WAAJIDPRESS – 29 OCT 2015:

Baarlamaanka Puntland ayaa waxay ku leeyihiin Garoowe shirar goosgoos ah oo ay kaga tashanayaan xil ka qaadis lagu sameeyo madaxweyne Cabdi Weli Gaas.
Xildhibaanada ayaa Gaas ku eedeynaya in xaaladda Puntland ay faraha ka baxay, siyaasaddii Puntland oo jahawareertay sidii loo dhisay Galmudug, madaxweynihii Puntland oo isaga cararay caasimaddii Garoowe una guuray Gaalkacyo oo uu ka dhisanayo madaxtooyo cusub, kadib markii Faroole iyo qoyskiisa ay ku karkariyeen Garoowe.
Dhibaatooyinka ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah Kharash la’aanta iyo dhaqaale xumada ka jirta Puntland oo gaartay in mushaar loo waayo shaqaalihii ka shaqeynayey xarunta madaxtooyada Garoowe oo ay hadda ilaalo ka hayaan ciidamo u daacad ah wiilasha Faroole.
Xubnaha Baarlamanka Puntland oo ay dabada kaga jiraan qoyska Faroole ayaa ka fekeraya inay mooshin ka keenaan C/weli Gaas, xilkana uga tuuraan oo ay markaa kadib u magacaabaan isla Faroole si ay Puntland uga badbaadiyaan burbur.