Archive for Nofeembar, 2015

DAAWO: SHIR AY BAYDHABO MAANTA KU YEESHEEN HAWEENKA KOONFUR GALBEED OO LOOGA HADLAYEY HIIGSIGA 2016 AYAA SHEEGEY IN AY AQBALAYAAN OO KELIYA IN 2016 WAX LAGU QEYBSADO HANAANKA AWOOD QEYBSIGA 4.5 OO KELIYA

Nofeembar 30, 2015

WAAJIDPRESS – 30 NOV 2015:

image

“Dhamaan Haweenka Koonfur Galbeed Soomaaliya Waxay Isku Raaceen in 2016 wax lagu qeybsado Hanaanka Awood Qeybsigab Inuu Ahaado 4.5”

Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdulle oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamanka Ee Dowlada Federalka Ee Soomaaliya isla markaaana ka Soojeeda Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya una dhalatey (BEELWEYNTA DIGIL IYO MIRIFLE) oo Maanta ka Qiib Gashey Shir looga Hadleeyey Hiigsiga sanadka 2016 oo ay Soo qaban Qaabisey Wasaaradda Haweenka iyo Xaquuqul insaanka Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Ka dhacdey Gudaha Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ayaa ka Hadashey Mowqifka Haweenka Koonfur Galbeed Soomaaaliya ee Hiigsiga 2016.

Xildhibaan Sareedo ayaa sheegtey in Gabdhaha Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay Maanta ka Doodeen 4 qobob oo ay ka mid ahaayeen hanaanka Doorasho iyo Aboodi Qiibsiga Sanadka 2016, Xilligaasi oo dalka Soomaaliya la filaayo inay ka dhacdo doorasho lagu kala baxo isla markaana Goob joog ka ahaan doonaan Beesha Caalamaka, waxayna Xustey in Fekrado kala Duwan laga Aruuriyey Haweenka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee Maanta Ka Qiib galayey Shir Looga Hadlaayey Hiigsiga.

“Mar hadii aysan dhici Karin doorsho ah Qof iyo Codkiisa, Hadaba Haweenka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxay isku raaceen in Abood Qiibsiga uu ahaado 4.5, Dadkan Koonfur Galbeed Soomaaliya waa Kuwo ugu tirada badan Koonfurta iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya, hadana waxa Loo diidey In Degmooyinkooda ay Sheegtaan oo ayna ka soo galaan, inta laga gaarayo Waqti kale oo Cadaalad leh,hadii aynu nahay Haweenka KG Soomaaliya waxaan 100% aynu taagyeersanahay Hanaanka Abood qiibsiga 4.5” ayay tiri Xildhibaan Sareero.

Sidoo kale Xildhibaan Sareedo ayaa ku baaqdey in Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya laga Qiib Galiyo Haweenka KG Soomaliya isla markaana Si cadaalad ah Loo siyo Saamigooda, waxay kale intaaso ku dartey in Mar weliba ay u taagan tahay soo dhicista Xaquuqda Haweenka Soomaaliyeed, iyadoona Haweenka KG Soomaaliya ugu Baaqdey in ay Ka Qiib qaataan Siyaasada iyo Dib u dhiska Dalka – DAAWO:

 

DAAWO: GALMUDUG OO MAANTA SOO BANDHIGTEY MAXAABIISTII AY KA QABSATEY PUNTLAND

Nofeembar 30, 2015

WAAJIDPRESS – 30 NOV 2015:

Maamulka Galmudug ayaa magaalada Gaalkacyo kusoo bandhigay maxaabiis ay ka qabsadeen Maamulka Puntland kadib  ka dhacay magaalada.

Gaashaanle Sare Maxamed Cali Nuur Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Mudug ayaa faah faahin ka bixiyey Maxaabiista ay kusoo qabteen dagaalka, Wuxuuna sheegay inay yihiin kuwa uu soo khalday madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Gaas ; – DAAWO:

 

DAAWO: XAAJI MAXAMED AAWOOW “SOOMAALIYA WAA IN LOO DOORTAA 5 MADAXWEYNE OO KA KALA SOCDA 5TA BEELOODO SIMAN HIIGSIGA 2016 !!

Nofeembar 30, 2015

WAAJIDPRESS – 30 NOV 2015:

Warbaahinta KOONFUR GALBEED  ayaa salaan kadib si diiran loogu soo dhoweeyay hoyga Xaajiga kadibna waxaa ay gudagaleen in ay wareysi xiisa xambaarsan dhinacyo badan taabanaya ay kala yeeshaan soojireenka siyaasiga wareysigaaso ku qotomay intiisa badan Hiigsiga 2016 iyo qaabaalka ay Soomaalidan dulmigu daashaday halbeeg xalaal ah ay ku xasilaan ugu dooran lahaayeen ra’iis sanadka foodda inagu soo haya ee la doonayo in hoggaan cusub loogu doorto uruurka federaalka Soomaaliya dowlladda dhexe kaasoono loo aaminsanyahay in musuq iyo ku shubasho badani ay hareyn doonto haddii aan wax laga baddalin haykalkii qaribnaa ee xulashada madaxweynuhu deetana dhaliya qaraabakiilnimo sadbursiimo aan lala gamban dhac iyo boob gaar iyo hanti guudba magac xukaamad.
Xaaji Maxamed Mayow oo ku magacdheer Xaaji Awoow oo haatan ku nool gobolka Zurich xarunta ganacsiga ee dalka Switzerland islamarkaana taako taako ula socda heerka ay mareyso siyaasadda Soomaaliya ayaa waaya-aragnimadiisa ku taliyey in Soomaaliya ay yeelato 5 madaxweyne wada fariisanaya gole madaxtooyo kuwaasoo ka kala imanaya 5-ta beeleed ee Soomaalida islamarkaana madaxweyne waliba uu xilku qabto min hal sano isagoona 4-ta kale ee madaxweyne uu la tashanayo si uusan awoodda dalka kaligii ugu tagri falin.
Mr Awoow ayaa ku nuuxnuuxsaday in Soomaaliya si kale aan sidaasi ahayn sinaba aanay caddaalad ku heli kareynin, labadaraalana marnaba ayan isku aamini kareynin bacdama buu yiri Xaajigu in “Soomaaliya min 1960-kii teeriyo maatadan aynu joogno waxa halakan dhigay ay tahay caddaalad darro iyo ku tagrifal awoodeed turuqa shacbiga qolo gaar ah ay isaga falaadayso” – DAAWO:

 

DAAWO: BEESHA “EYLO” OO MAANTA NABADOON CUSUB KU DOORATEY GOBOLKA SHABEELAHA DHEXE

Nofeembar 30, 2015

WAAJIDPRESS – 30 NOV 2015:

image image image image image image

 

Beelaha dega gobalka Shabeelada Dhexe ayaaâ u duceeyey gudoomiyaha gobalka Shabeelada Dhexe Mudane Cali Cabdullahi xuseen Guudlaawe oo u taagan habeen iyo maalin garab siinta beelaha doonaya in aay sameestaan hogaan mideysan.
Munaasabad si weyn loo soo agaasimay ayna ka soo qeybgaleen boqolaal ruux oo isugu jira nabadoono, waxgarad, culumaaudiin, dhalinyaro ayaa lagu duubay nabadoon cusub oo ay yeelanayso beesha Eylo nabadoon Karaamad Jimcaale Socdaal.

Goobta ay ka dhacaysay celeema saarka nabadoonka ayaa waxa lagu soo bandhigay ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka iyadoo dhalinyaradu ay muujiyeen sida ay raaliga uga yihiin duubista nabadoonka.

Nabadoono ay ka mid ahaayeen Maxmaed Collow Barrow, Nabadoon Muxumad Jurus oo ka hadlay goobta ayaa kula dardaarmay nabadoonka cusub in uu bulshada soo dooratay ku hogaamiyo waddo wanaagsan.

Nabadoonka cusub ee beesha Eylo Nabadoon Karaamat oo ka hadlay xafladii lagu caleema saarayay ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono sidii uu beesha uu ka dhashay u soo celin lahaa taariiqdii iyo xadaaradii ay ku lahayd gobolka Sh/dhexe.

Gudoomiyaha gobalka Shabeelada Dhexe Mudane Gudlaawe ayaa amaanka gobalka shabeelada dhexe si weyn ugu shaqeeyey ayado xusid mudan tahay in aay soo badanayaan beelaha dooranaya nabadoonada metela beeshoodada.

War culus: Dowladda Somaliya oo u jawaabtay Maamulka Puntland

Nofeembar 30, 2015

WAAJIDPRESS – 30 DEC 2015:

Dowladda Federalka Somaliya ayaa ka jawaabtay eedeymo ka soo yeeray maamul Goboledka Somaliyed ee Puntland, taasi oo ku aadan in Dowladda dhexe ay door ku leedahay dagaaladii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, waxaana eedeymahaasi ay si isku mid ah uga soo yeereen Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas iyo Wasiirka Warfaafinta Maamulkaasi.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Somaliya Mahad Maxamed Salaad oo Gaalkacyo ku sugan, ayaa sheegay Doorka Dowladda Federalka Somaliya in uu yahay xalinta colaadaha ka soo cusboonaaday Magaalada Gaalkacyo, islamarkaana dowladda aysan qayb ka aheyn xiisadaha Galmudug iyo Puntland ka dhex taagan.

“Dowladda Federalka Somaliya Mushkilada Galmudug iyo Puntland ka jirta qayb ka ma’ahan xalkeeda ayeey qayb ka tahay waad ogtahay masuuliyada dadkaan iyo Dowladan Somaliyed ka saaran deeganadan iyo nabad ku wada noolaanshaha, waana sababta keenaysa in masuuliyiintii Dowladda ay ku soo noq noqdaan deeganadan oo dhulka u soo jaraan, hadii aan anagu jecelnahay inay dhibaato ka dhacaan deeganadan dhowr boqol oo Kilomitir uma aynaan soo jari laheyn.” Ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Somaliya Mahad Salaad.

Hadalkiisa wuxuu intaasi ku daray Mahad Maxamed Salaad Dowladda federalka Somaliya qorshaheeda in uu yahay inuusan dhiig shacab ku daadan Magaalada Gaalkacyo dib dambe, wuxuuna rajo ka muujiyay dadaalada ay wadaan in xal buuxa ay ka keenaan.

Wasiiru Dowladaha Madaxtooyada Somaliya ayaa ku baaqay in la joojiyo waxyaabaha hurinaya colaada Magaalada Gaalkacyo Af iyo Adin intuba.

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay inuusan ka soo tageyn Magaaladaasi ilaa xal buuxa laga gaaro xiisada ka dhex taagan Maamulada Galmudug iyo Puntland.

DAAWO SAWIRRO +WARBIXIN : Kulan Xasaasi ah Oo Koonfurta Galkacyo Caawa ku dhexmaray Shariif Xasan iyo C/kariin Guuleed – Ujeedada

Nofeembar 30, 2015

WAAJIDPRESS – 29 NOV 2015:

image image image

Madaxwaynaha maamulka Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa caawa kulan kula yeeshay magaalada Gaalkacyo madaxwaynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed.

Kaa soo ay uga wada-hadleen daminta colaadda u dhexeysa maamullada Puntland iyo Galmudug ee ka taagan Gaalkacyo.

Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa kulanka ka sheegay in maamulkiisa uu had iyo jeer diyaar u yahay ka qayb-qaadashada xasilloonida dalka. Isagoo boggaadiyay madaxda Galmudug ay dhankooda u aqbaleen in khilaafka lagu dhameeyo wadahadal iyo is-qancin.

Dhanka kale, madaxweynaha Galmudug C/kariin xuseen Guuleed ayaa uga mahad-celiyey madaxweynaha Koonfur-galbeed iyo mas’uuliyiintii la socda muhiimadda gaarka ah ee ay siinayaan daminta colaadda ka taagan magaalada Gaalkacyo, isagoo xusay in Galmudug ay ka go’an tahay in wax walba oo lagu dhameeyo iyo wadahadal.

Ugu dambeyn, Xaaladda magaalada Gaalkacyo ayaa maanta deggenayd; kaddib dagaal ka dhacay shalay, kaasoo u dhexeeyay ciidammo kala taabacsan labada maamul ee Galmudug iyo Puntland, sababayna dhimasho iyo dhaawac badan.

DAAWO: SHARIIF XASSAN IYO R.W. CUMAR OO MAANTA GAAREY MAGAALADA GALKACAYO SI AY U XALIYAAN DAGAALKA MAAMULADA PUNTLAND IYO GALMUDUG

Nofeembar 29, 2015

WAAJIDPRESS – 29 NOV 2015:

 

 

War deg deg ah: Cabdi-Welli GAAS oo sheegey in Dowlada Federaalka ku soo duushey GALKACAYO iyo Axmed Madoobe oo GAAREY GAROOWE maanta

Nofeembar 29, 2015

WAAJIDPRESS – 29 NOV 2015:

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntiland oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garawe ayaa eedeyn kulul waxa uu usoo jeediyay Dowlada Federaalka Soomaaliya, waxa uuna tilmaamay in Dowlada aysan dhax dhaxada ka aheyn colaada Gaalkacyo ka aloosan.

Mr Gaas ayaa dagaalka Gaalkacyo ku eedeyey Dowladda federaalka ,waxaana uu sheegay in aysan sinaba dhex-dhexaad u noqon karin Dowladda Federalka uu tilmaamay in Ciidamadii Qaranka Soomaaliya lagu soo weeraray Puntiland.

” Dowlada Federaalka Dhax dhaxaad maahan , iyadaa sharci darro ku abuurtey Galmudug, iyada ayaa hubeysey, waxaana hubaal ah in ciidamadii Dowladda federaalku Puntland dagaal la galeen iyaga oo Galmudug sheeganaya” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

 

“Dawladda Federaalku iyadaa Sharci darro ku abuurtay Galmudug, iyada sharci darro ku hubaysay iyadaa haddana sharci darro ku taageereysa gardarada iyo dhibka mandiqadda, ma aha wax la qarinayo In ay si’cad uga qabgaleen dagaalkaasi ciidamadii dawladda Federaalku, Dhex-dhexaad kama aha Dawladda Federaalku wax Gaalkacyo ka socda, masuuliyada dhibkaasna waxaa hadhow qaadanaysa dawladda federaalka iyo cidda kale ee la wadaagta”” Ayuu Yiri Gaas.

Dhinaca kale Waxaa maanta GAAREY GAROOWE hogaamiyaha JABHADA RAASKAMBOONI Axmed Madoobe iyo ku-xigeenkiisa oo la yiraah Fartaag, iyagoo sheegey in ay ka qeyb-qaadan doonaan dagaal ay PUNTLAND kula jirto Dowlada Federaalka iyo GALMUDUG oo ku soo duuley magaalada GALKACAYO.

 

 

War culus: Wasiirka Gaashaandhiga Dowlada Federaalka oo Jawaab kulul siiyey Maamulka PUNTLAND

Nofeembar 29, 2015

WAAJIDPRESS – 28 NOV 2015:

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa beeniyey warkii Puntland, wuxuuna sheegay inaanu hayn warbixin cad oo sheegeysa in qaar ka tirsan Ciidanka dowladda ay ka qeyb galeen dagaalka Gaalkacyo.

Wasiirka ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed meel kasto oo ay ku sugan yihiin aysan ku lug yeelan karin wax ka baxsan waajibaadkooda qaran ee ah difaaca dalka, wuxuna xusay in baaritaan lagu sameyn doono cid kasta oo ku lug yeelata dagaalkaas iyagoo adeegsanaya magaca Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka oo arrimahaas ka hadlaya ayaa yiri: “Waxaan aad uga xunnahay shaqaaqooyinka ka dhacaya magaalada Gaalkacyo oo dad Soomaaliyeed ay qaarna ku naf waayeen qaarna ku dhawacmeen, waana arrin tiiraanyo leh in dad Soomaaliyeed waqtigan la joogo ay dhib isku geystaan.”

“Waxaan kale oo rabaa in aan halkaan ka sheegno in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay masuuliyaddoodu tahay in dadka iyo dalkiisa uu difaaco, dagaalka haatan socdana ilaa iyo hadda ma hayno wax warbixin cad ah oo sheegaysa in dagaalka ay qayb ka yihiin. Cid walba oo ku xad gudubta waajibka uu qaranka Soomaaliyeed u hayo waa lagula xisaab tamayaa waxana laga qaadayaa tillaabo waafaqsan sharciga dalka, waxana loo aqoon sanayaa in uusan ka mid ahayn Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Wasiir Diini

Wararkii ugu dambeeyey: DAGAALKII GALMUDUG IYO PUNTLAND U DHAXEEYEY OO SII XOOGEYSTEY IYO AAGAG CUSUB OO LA KALA QABSADEY

Nofeembar 28, 2015

WAAJIDPRESS – 28 NOV 2015:

image image image image

Saxaafadeed goordhaw kasoo baxay Maamulka Puntiland ayaa shaaca looga qaaday in Dagaalkii maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ay ka qeyb qaateen Ciidamo katirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya oo ka soo jeeda beesha HAWIYE.

Warsaxaafadeedka Ayaa lagu sheegey in DAGAALKII maanta ka dhacay GALKACAYO ay ka mas’uul tahay Dowlada Federaalka ee uu hogaamiyo Xassan Sheekh.

Wararkii ugu dambeeyey khasaaraha  Dagaalka GALKACAYO ee U dhaxeeya maamulada GALMUDUG IYO PUNTLAND:

Wararka naga soo gaaraya Gaalkacayo ayaa sheegaya in uu sii Xoogeestay dagaalka islamarkaana Aagag muhiim ah laga qabsaday Ciidanka Puntland.

Goob Joogayaal ayaa Shabakada WAAJIDPRESS  u xaqiijiyay in Ciidamada Maamulka Puntland lagala wareegay Isbitaalkii GALKACAYO, Kontaroolkii Koofurta Magaalada Gaalkacyo ay horey u fadhiyeen Ciidamada PUNTLAND iyo Xaafado ka tirsan GALKACAYO Ayaa intaba la wareegey Ciidamada MAAMULKA GALMUDUG.

Dagaalka ayaa hadda waxa uu ka soconayaa Hoteelka Cagaarweyne ee xiga dhinaca waqooyi ee Magaalada Gaalkacyo.

Inta la xaqiijiyay tiro 10 ruux ka badan ayaa ku geeriyootay dagaalka oo dhinacyadii dagaalamay ah, halka dhaawaca la sheegayo inay gaarayaan ilaa 20 ruux oo u badan dad shacab ah sida Suxufiyiinta ay soo sheegayaan.

Sidoo kale dagaal ayaa ka socda duleedka garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo.

Dagaal u dhaxeeya ciidamada kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa saaka dib uga qarxay magaalada GALKACAYO, kadib markii odayaashii ku howlanaa waan waantii maalmahan socotay ay ku dhawaaqeen inay bur bureen wada hadaladaas socday ee xalka looga gaarayay.