Archive for Janaayo, 2016

SOMALI POPULATION AS OF TODAY

Janaayo 31, 2016

WAAJIDPRESS  – 31 JAN 2016:

 

IMG958402

Advertisements

DAAWO : MAAMUL CUSUB OO LA YIRAAH WAAMO STATE OO MAANTA LOOGA DHAWAAQEY JUBOOYINKA

Janaayo 31, 2016

WAAJIDPRESS – 31 JAN 2016:

Maamul cusub oo la magac baxay WAAMO STATE oo ay ku mideysan yihiin beelaha DIGIL IYO MIRIFLE, SHEEKHAAL,  MAREEXAAN, GAALJECEL IYO JAREERWEYNE oo ka kooban gobolada JUBADA HOOSE, JUBADA DHEXE IYO GEDO ayaa maanta looga dhawaaqey magalada muqdisho kaasoo ka howl geli doono gobolada jubooyinka – DAAWO :

 

DAAWO: BEESHA DIGIL IYO MIRIFLE OO AAD U SOO DHAWEYSEY SHIRKII WADATASHIGA IYO BANAANBAX MAANTA KA DHACAY MAGAALADA XUDUR OO LAGU TAAGEEREY GO’AANKII SHIRKII WADATASHIGA IYO 4.5

Janaayo 30, 2016

WAAJIDPRESS  – 30 Jan 2016:

DSC08611 DSC08607 DSC08597

Maamulka Gobolka Bakool iyo Boqolaal Dadweyne ayaa isugu soo baxay banaanbax lagu taagyeerayo go’aankii ka soobaxay shirkii madasha wadatashiga Qaran ee hanaanka doorasho sanadka 2016, kaasi oo lagu qabtay degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Isu soo baxa oo ahaa mid nabadeed ayaa dadkii ka qeyb galay waxa ay siteen boorar ay ku qornayeen hal ku dhigyo ay ku taageerayaan go’aamadii ka soo baxay shirkii Muqdisho lagu qabtay ee ahaa in sanadkan doorashaa baarlaamanka ay noqoto mid ku saleysan 4.5 iyo in aqalka sare lagu saleeyo maamul goboleedyada dalka ka jira.

Maamulka iyo qeybaha bulshada oo isugu soo baxay fagaaraha magaalada Xudur ayaa si wada jir ah ugu dhawaaqay in ay taageersanyihiin go’aamadii ka soo baxay shirkii lagu soo gabo gabeeyay Muqdisho ee Madasha wadatashiga Qaran.

DAAWO : XOGHAYA QARAMADA MIDOOBEY OO SHEEGEY IN TALAABO ADAG LAGA QAADAYO CIDII KA SOO HORJEESATA GO’AANKII SHALAY MADAX SOOMAALIDA GAARTEY

Janaayo 29, 2016

WAAJIDPRESS  – 29 JAN 2016:

 

DAAWO VIDEO SAWIRO MAANTA: BANAANBAX WEYN OO AY SAMEEYEEN SHACABKII SOOMAALIYEED OO LAGU TAAGEEREY GO’AANKA NIDAAMKA 4.5 OO MAANTA KA DHACAY MAGAALADA BAYDHABA JANAAY

Janaayo 29, 2016

WAAJIDPRESS – 29 JAN 2016:

image

Boqolaal Dadweyne ah ayaa maanta ka qeybgaley Banaanbax maanta lagu qabtey magaalada Baydhabo oosi cad  loogu taagyeeraayey go’aanadii ka soobaxey shirkii wadatashiga doorishooyinka la filayo in ay dalka kadhacaan dabayaaqada sanadka aan kugudajirno 2016, oo ah in nidaamka 4.5 lagu dhaqo Soomaaliya.

Dibadbaxa oo ay soo abaabuleen maamulka gobolka Bay iyo Degmada ayaa waxaa dibadbaxiyaashu socod ay kusoomareen wadooyinka magaalada baydhabo iyagoona ugadanbeentii isugutagey bartamaha magaalada baydhabo ee afar idooka .

Waxaana dadka mudaharaadayey horkacayey gudoomiyaasha gobolka iyo degmada .xildhibaano katirsan kg iyo waliba odayaasha dhaqanka .

waxaana dadka dibadbaxayey ay gacamaha kululayeen calamada soomaaliya iyo kan KG iyo waliba boorar ay kuqornaayeen halkudhegyo ay kutaagyeerayeen hanaanka doorashada dalka ee 4.5 Iyadoo ugudanbeyntii dibad baxayaashu meelfagaala ah ay kulahadleen Gudoomiyaha Gobolka Cabdirashid Cabdulaahi maxamed iyo Duqa magaalada Baydhabo Cabdulahi cali watiin iyo odayaal iyo waxgarad – DAAWO VIDEO IYO SAWIRO HOOS:

 

 

 

image    12573786_1732319800312709_1274724787491442248_n 12573806_1732319836979372_6438295137185078334_n 12647271_1732319893646033_6836994443974819119_n 12647296_1732319726979383_8461637197857357433_n 12651090_1732319640312725_2669886904878253597_n 12654100_1732319810312708_8623738535596118520_n

War deg deg ah: CIIDAMADA KENYA OO KA GUUREY GAROONKA MAGAALADA KISMAAYO IYO…..

Janaayo 29, 2016

WAAJIDPRESS – 29 JAN 2016:

iyadoo maalmihii dambe ciidanka kenya ay ka baxayeen saldhigyo badan oo ay ka dagnaayeen gobalada gedo iyo Jubbada hoose ayaa markaan ciidanka kenyaanka waxaa ay iskaga baxeyn garoonka diyaaradaha magaalada kismaayo .

Ciidamadani Ayaa galinkii dambe ee shalay isaga guuray garoonka Kismaayo iyagoo dagay Xarun ay kuleeyihiin Jaamacadda Kismaayo, halkaas oo ay hada ku suganyihiin.

Lama oga sababaha ka dambeeya dib ugurashada ciidamadani fariinsinka kulahaa garoonka Kismaayo sadexdii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo iminka ay fariisimihii ay baneeyeen ay la wareegeen ciidanka itoobiya ee ee dhawaan halkaasi gaaray.

Shalay ayey aheyd markii Ciidamada Kenya ay kasoo baxeen tuulada Buula guduud oo dhacda Duleedka Waqooyi ee Magaalada Kismaayo,Maalmo kahorna kenyanka waxay faarujiyeen saldhigyo ay ku lahaayeen Gobolada Gedo Iyo Jubada Hoose sida Badhaadhe iyo deegaanka Ceel-cadd

XAQII AYAA SOO DAAHIREY, DAAWO: HEESTII LOO QAADEY KUWII DULMIGA KU RABAY IN KU QAATAAN DHULKA LIXDA GOBOL EE KOONFUR GALBEED IYO AKHRISO SIDA AY QABIILADA U DEGAN YIHIIN LIXDA GOBOL EE DEEGAANADA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA

Janaayo 29, 2016

WAAJIDPRESS  -29 JAN 2016:

image

SHACABKA SOOMAALIDA DHAMAAN WAXAY TAAGEERSAN YIHIIN NIDAAMKA 4.5.

XAQII AYAA SOO DAAHIREY, DAAWO: HEESTII LOO QAADEY KUWII DULMIGA KU RABAY IN KU QAATAAN DHULKA LIXDA GOBOL EE KOONFUR GALBEED IYO AKHRISO SIDA AY QABIILADA U DEGAN YIHIIN LIXDA GOBOL EE DEEGAANADA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA- DAAWO THEN AKHRISO:

 

AKHRISO SIDA DEEGAANADA KOONFUR GALBEED LOO KALA DEGAN YAHAY :

GOBOLADA KOONFUR GALBEED  QAABKA KORAAS QEYBSIGA DEGMOOYINKA PERCENTAGE AHAAN INTA QABIIL WALBA KA DEGTA DEEGAANADAASI IYO  SIDA U KALA DEGAAN:
JUBADA HOOSE KISMAAYO QABIILADA DEGA:
1 BAAJUUN 100/80
2.TUNI – (DIGIL & MIRIFLE ) 100/75
3.JAREERWEYNE 100/70
4.EELAAY – (DIGIL & MIRIFLE ) 100/69
5.GEELIDLE – (DIGIL & MIRIFLE) 100/65
6.HUBEER – (DIGIL & MIRIFLE) 100/50
7. AJUURAAN 100/45
8.OORMALE 100/45
9.GAAL JECEL 100/45
10. SHEEQAAL 100/35
11.WARDAAY 100/15.

GOBOLKA JUBADA DHAXE:
1. DABARE – (DIGIL  & MIRIFLE ) 100/95
2. GEELIDLE -(DIGIL  & MIRILE ) 100/80
3. EELAAY – (DIGIL & MIRIFLE ) 100/70
4.OGAADEEN IYO BARTIRE 100/50
5.ORMALE 100/45
6. LEYSAAN – (DIGIL  & MIRILE ) 100/40.
GOBOLKA GEDO:
1.GASAARE GUDE 100/85
2.MARIIXAAN 100/70
3. GARE – (DIGIL  & MIRIFLE ) 100/75
4.MACALINWEYNE – DIGIL  & MIRIFLE ) 100/69
5.GEELIDLE – (DIGIL  & MIRIFLE ) 100/65
6. JIROON – (DIGIL  & MIRIFLE ) 100/50
7 REER DUMAAL – (DIGIL & MIRIFLE ) 100/40
8..GOBAABWEYN – (DIGIL & MIRIFLE ) 100/55
9. DIR 100/25

GOBOLKA BAAY
1. EELAAY 100/95
2. GEELIDLE 100/90
3. HARIIN 100/80
4. LEYSAAN 100/80
5. HUBEER 100/70
6. BOQOL HORE 100/70
7.YINTAR 100/70
8. GARWAALE 100/50
9. WANJHEEL 100/45
10. HARAAW 100/45
11. HELETHY 100/45
12 EEYLY 100/45
13. LUWAAY 100/45
14. JILIBLY 100/35
15. HADAMO 100/35
16. JIROON 100/30
17. DABARE 100/45.

GOBOLKA BAKOOL HUDUR
1. JIROON  100/85
2. HADAMO 100/85
3. GARWAALY 100/70
4. LUWAAY 100/75
5. JILIBLY 100/80
6. WAANJHEEL 100/50
7. BOQOL HORE 100/75
8. MALING WIINY 100/20
9. OGAADEEN – (DAAROOD ) 100/15
10. JAJEELE – (HAWIYE ) 100/20.

SHABELADA HOOSE MARKO
1.TUNY BARAWA 100/85
2. BIYAMAAL 100/70
4. JIIDY 100/69
5. GELEDI 100/70
6. BEGEDY 100/70
7.GARE 100/80
8.SHANTA ALEEMY 100/80
9.WACDAAN 100/30
10.ABGAAL  WARMAHAN 100/5
11. MURUSADE – 100/10.

12. SHEEKHAAL JAZIIRA – AKHRISO HOOS:

tirada-dadka-soomaalid

War farxad leh: Golaha Wasiirada oo Ansixiyey Hanaanka doorasho ee sannadkan

Janaayo 28, 2016

WAAJIDPRESS  – 28 JAN 2016:

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid, iyada oo lagu ansixiyay qodobadii ka soo baxay Shirkii Hoggaamiyaasha ee Madasha Wadatashiga Qaran ee Hannaanka Doorasho sanadkan 2016.

Hoos ka Daalaco qodobada Shirka ka soo baxay;

Baaqii Muqdisho ee 16kii Disembar ka soo baxay madasha wadatashiga qaranka waxaa lagu xusay in barlamaanka la soo dooranayo uu ka koobnaanado Aqalk Hoose iyo Aqalk Sare. Waxaa kaloo baaqaa lagu xusay in metelaadda xubnaha Baarlamaanka ay guud ahaan ku saleysnaan doonto isku dheellitirka deegaanada iyo beelaha.

Muddadii ka danbaysay 16kii diseembar wadahadalo iyo wadaxajood dheeraad ah ayay galeen madaxda dowlada fedaraalka iyo maamul goboleedadu, kuwaas oo socday intii u dhaxaysay 17-27 Janaayo 2016 kana qabsoomay magaaloyinka Kismaay iyo Muqdishibo.

War farxad leh: SHIRKII WADATASHIGA OO MADAXDA SOOMAALIYA IYO BEESHA CAALAMKA AYAA MAANTA KU HESHIIYEY SAXIIXAYNA QODOBO UMADDA SOOMAALIYEED U RIYAAQDEY IYO DAAWO : MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO NOQDEY MIDKII KELIGIISA DIIDEY QODOBADII KA SOO BAXAY SHIRKA

Janaayo 28, 2016

WAAJIDPRESS – 27 JAN 2016:

QODOBADA MAANTA AY MADAXDA SOOMAALIDA KU HESHIIYEEN SHIRKII WADATASHIGA AYAA AH:

Shirkan oo ay ka qaybgaleen Wakiilada Beesha Caalamka, ayaa waxay taageereen heshiiska is afgaradka ah, ee ay gaareen Madaxda Xukuumadda iyo inta badan Masuuliyiinta Maamul Goboleedyada.

Suxufiyiinta Magaalada Muqdisho, ayaa soo sheegaaya in Madaxda Maamul Goboleedyada, ay saxiixeen heshiiskan, marka laga reebo maamul goboleedka Puntland oo si cad u DIIDEY heshiiska.

Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaliya, Michael Keating, ayaa waxaa la soo sheegayaa in uu bogaadiyay heshiiska ay qalinka ku duuggeen Madaxda Somalida.

Baarlamaanka hadda jira oo lagu soo xulay nidaamka 4.5, ayaa midka kale ee bedeli doona bisha Augusta, waxaa isna lagu soo xuli doonnaa nidaamkaasi.

Iyadoo la raacayo Baaqii Muqdisho ee 16kii Disembar, geeddi-socodka doorashada ee sannadka 2016 wuxuu ka koobnaan doonaa sameynta Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka labadaba. Guud ahaan metelaadda xubnaha Baarlamaanka waxay ku saleysnaan doontaa isku dheellitirka deegaanada iyo beelaha.

AQALKA HOOSE EE BAARLAMAANKA:

• Tirada kuraasta baarlamaanka ee Aqalka Hoose waxay noqonaysaa 275.

• Kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka waxaa lagu qaybin doonaa habka 4.5.

• Ugu yaraan 30% kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ayaa loo qoondeyn doonaa haweenka.

• Codeynta iyo tirintu waxay ka dhacayaan mid kasta caasimadaha dowlad goboleedyada federaalka ee hadda jira iyo kuwa sameysmaya (iyadoo qorshe gaar ah loo sameyn doono Soomaaliland).

AQALKA SARE EE BAARLAMAANKA:

• Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka isla mar baa la dhisi doonaa.

• Aqalka Sare ee Baarlamaanku wuxuu ka koobnaan doonaa 54 xubnood.

• 48 ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ayaa si siman loogu qaybin doonaa dowlad goboleedyada federaalka ee hadda jira, kuwa sameysmaya iyo kuwa mustaqbalka.

• Mid kasta oo ka mid ah dowlad goboleedyada federaalka waa inay ugu yaraan hal ka mid ah kuraasteedaa ay ku leedahay Aqalka Sare u qoondeyso dadka laga tirada badanyahay.

Dhinaca kale,

DAAWO : MADAXWEYNAHA PUNTLAND CABDIWELLI GAAS OO NOQDAY QOFKA KELIYA EE KA SOO HORJEESTAY MASIIRKA UMADDA SOOMAALIYEED IYO GO’AAN KII BEESHA CAALAMKA :

AKHRISO GUDOONKA BAARLAMAANKA OO GO’AAN KA CAD KA QAATEY SHIRKA WADATASHIGA OO AY U FADHIYAAN …..

Janaayo 27, 2016

WAAJIDPRESS  – 27 JAN 2016:

 

IMG-20160127-WA0000 IMG-20160127-WA0001