War deg deg ah: Weerar ismidaamin ah oo hadda ka dhacay Hotel SYL oo u Madaxtooyada Magaalada Muqdisho

WAAJIDPRESS – 26 FEB 2016:

 

Warar kale duwan oo is khilafaayo ayaa haatan kasoo baxaayo weerarkii ismiidaminta ah qadar daqiiqado kadhacay Muqdisho kasoo isla xiligaan isku badalay Rasaas xoogan kadhacayso NAwaaxiga Madaxtooyada Soomaaliya.
Wararka is khilaafsan ayaa sheegaya in Qaraxa oo ahaa Gaari Walxaha Qaraxa laga soo buuxiya lagu weeraray Hoteelka SYL.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho laga maqlay abaarihii 8-da Fiidnimo.

Qaraxa kadib ayaa la maqlay rasaas xoogan, waxaana la sheegayaa in dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab gudaha u galeen Hotelka.

Al-Shabaab ayaa goor dhow soo dhigay baraha Bulshada, iyagoo sheegtay inay ka mas’uul yihiin weerarka Hotelka SYL.

Qaraxa Labaad oo aad u xoogan ayaa Goor dhow mar kale laga maqlay  Gudaha magaalada Muqdisho Qaraxa labaad ayaa ah mid aad u xoogan,waxana warar aan helnay ay sheegayaan inuu ka dhacay qaraxaasi beerta nabadda.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya waxa ayna wararka qaar sheegayaan in qaraxa iminka dhacay uu daba joogo kii hore oo ahaa mid ismiidaamin ah oo gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay loo adeegsaday isla mar ahaantaana ka dhacay Hotel Syl oo ay kaabiga isku hayaan Beerta Nabadda.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in  goobaha weerarka sida tooska ah loogu qaaday ay yihiin Hotel SYL iyo Beerta Nabadda ,balse aanan wali la xaqiijin karin in dableeyda ay gudaha u galeen goobahaasi.

ilaa iyo hadda ma cada tirada dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay inta ay la egtahay,balse dad goobjoogayaal ah ayaa inoo sheegay inay jiraan dad badan oo goobta ku dhintay iyo ku dhaawacmay.

Hotelka SYL ayaa waxaa ku dhegan Beerta Nabadda, halkaasoo maalin walba oo jimco ah dad badan ay u nasasho tagaan,

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: