War deg deg ah: DAAWO VIDEO: Weerar ismidaamin ah oo hadda BAYDHABA ka dhacay iyo Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ka tacsiyeeyay

WAAJIDPRESS – 27 FEB 2016:

Waxaa wali isa soo taraaya wararka aan ka heleyno weeraradii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay bartamaha magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ururka Al Shabaab ayaa dhabarka u ritay mas’uuliyada labo Qarax oo ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Magaalada Beydhabo maanta.

Qoraal ka soo baxay Ururka Al Shabaab ayaa lagu sheegay in Weerarkaasi ay ku beegsadeen Saraakiil ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyo sidoo kale Xubno ka tirsan Odayaashii soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi.

Laba weerar oo middi uu fuliyay nin naftii hurrre ahaa, ayaa gelinkii dambe ee maanta waxaa lagu qaaday laba maqaaxi oo ku yaala Magaalada Baydhabo.

Nin naftii hurre ahaa, ayaa isku qarxiyay maqaaxida Isku Aamow oo xilliyada galbihii ay aad u fariistaan bulshada ku dhaqan Magaalada Baydhabo, waxaana la soo sheegayaa in khasaaro dhimasho iyo dhaawacba uu jira.

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo la soo dhigay meel aan sidaasi kaga fogayn Xawaaladda Dahabshiil, ayaa waxaa lala eegtay maqaaxi labaad oo halkaasi ku taala. Maqaaxidan ayaa sidoo kale la fariistaa galbihii.

Ku dhawaad 30 Qof oo shacab ah Ayaa Ay Ku Dhimatey, 60 qof oo shacabka ahna waa Ay Ku dhawacmeen Qaraxyo Galabtaan Kadhaceen Magalada Baydhabo, (ALLAMA U NAXARIISTO,  INTII DHAAWAC AHNA ALLAHA CAAFIYO ).

Ciidamada Nabad Suggida iyo Booliska ee Maamulka Koonfur Galbeed oo isla markiiba gaaray goobaha la beegsaday, ayaa waxay xireen wadooyinka soo gala, waxaana la maqlayaa rasaas teel teel ah oo ay ridayaan.

Dadka ku dhintay iyo kuwa kale ee ku dhaawacmay weeraradaan, ayaa waxaa dhaawacyadooda loo qaaday Isbitaalka Guud Baydhabo, iyadoo halkaasi wax looga qabanaayo dadka dhaawacyada kala duwan qaba.

Isbitaal Ciidanka AMISOM ee BAYDHABO ayaa isagana waxaa la gaarsiiyay Dhaawacyo badan.

Wararkii ugu danbeeyay ee aan ka heleyno magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in dadka ku dhintay weerarka uu kamid ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaarada Hub ka dhigista iyo Dhaqan celinta ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Ibraahim.

Wasiirka ayaa la sheegayaa inuu ku jiray dadkii ku dhintay weerarka uu fuliyay ruuxii isa soo miidaamiyay, waxaana sidoo kale jira warar sheegaya in dadka dhintay ay ku jireen shaqsiyaad kale oo caan ka ah magaalada Baydhaba.

Guddoomiyaha Gobolka Baay, Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in labada weerar ay ahaayen kuwo saameyntooda leh, waxa uuna sheegay in khasaaro badan uu ka dhashay.

Guddoomiye Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa sidoo kale sheegay in Xaalada ay kacsan tahay islamarkaana Gaadiidka gurmadka deg deg ahn

Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya Prof. Xassan Sheekh iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” , Wasiiro, Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Ganacsato badan ayaa tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed ee ay ehelladooda ku wax yeeloobeen qaraxyada ay argigixisadu ka geysatay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay maanta.

“INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, hor iyo horaan waxaan doonayaa inaan halkaan tacsi ugu diro shacabka ay ehelladooda ku geeriyoodeen weerarrada argigixisanimo ee ka dhacay magaalada Baydhabo runtii waa ficil sheydaan oo aan raad ku laheyn diinta Islaamka waana ficil Alle ka fogaansho midka ugu xun in dad muslimiin ah oo aan waxba galabsan la laayo oo dhiigooda la daadiyo” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”.

“Marka la eego ficilladii ugu dambeeyey ee ay argigixisada ka sameeyaan Soomaaliya sida magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo waxaa bartilmaameed looga dhigtay goobaha ay bulshadu isugu timaado waxaana ay sii cadeynayaan sida ay argigixisada uga go’antahay leynta umadda Soomaaliyeed saa daraadeed waxaa muwaadin walba oo Soomaaliyeed waajib ku ah iney Ciidammada ammaanka ku gacan siiyaan sugidda amniga,waana waajib muqadas ah oo saaran qof walba oo Soomaali ah” ayuu sidoo kale yiri Madaxweyne Xassan.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa tilmaamay in argigixisada looga adkaan karo marka ay shacabka iyo Ciidammada ammaanku si wadajir ah u howlgallaan waxaana uu Alle ka baryey in umadda Soomaaliyeed uu waafajiyo guusha u muuqata.

Weerarkan ayaa yimid kadib kii Muqdisho ka dhacay maalintii Jimacada ee la soo dhaafey, kaas oo Al-Shabaab u isticmaaleen bom culeyskiisa lagu sheegay 200kg.

Maqaaxidan Dahabshiil ku dhegan, ayaa mar sii horeysay waxaa lagu weeraray Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed, C/fataax Maxamed Ibraahim (Geesey) – DAAWO:

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: