Archive for Febraayo, 2016

War deg deg ah: Diyaaradaha Kenya oo maanta Duqeeyey Gobolka GEDO

Febraayo 25, 2016

WAAJIDPRESS – 25 FEB 2016:

Waxa uu warar dheeraad ah kasoo baxayaa weerar cirka ah oo diyaaradaha Kenya ay maanta ku qaaden deegaano hoostaga Gobolka Gedo.

Duqeynta ayaa xooligeeda ku soctay masaajid ku yaalla deegaanka Tuulo-Barwaaqo oo u dhow degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Ciidamada cirka Kenya ayaa duqeyntaasi ka damacsanaa beegsiga unugyo ka tirsan Alshabaab oo ku dhuumaaleysta deegaano hoostaga Gedo, waxa ayna duqeynta masjidkaasi ku raadinayeen xubno la sheegay inay baxsad ka ahaayen duqeyn hore.

Nuur Siyaax Xareed oo ah Afhayeenka Maamulka Gobbolka Gedo, ayaa sheegay in diyaaraduhu ay dhulka dhigeen masjidkaasi.

Nuur Siyaax Xareed waxa uu xaqiijiyay in duqeymaha Kenya ay xadka dhaafen islamarkaana ay marayaan in la duqeeyo goobaha cidlada ah.

Nuur Siyaax Xareed waxa uu sheegay in duqeymaha dhacaayay ay galaafteen nolosha dadbadan, balse ma uusan sheegin tiradooda.

Diyaaradaha Kenya ayaa Sedexdii maalin ee ugu danbeysay Gobolka Gedo kawaday duqeymo muujinaaya in dadka ku nool Gobolka Gedo uusan jirin cid u danqaneysa.

Advertisements

War deg deg ah: Alshabaab oo madaafiic ku weerartey maanta Madaxtooyada Soomaaliya iyo Xildhibaan ku dhaawacmey iyo dhimasho. …. .

Febraayo 25, 2016

WAAJIDPRESS – 25 FEB 2016:

Tiro madaafiic ah oo maanta loo tuuray dhinaca Madaxtooyada Somaliya (Villa Somalia), ayaa sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, iyadoo dadka ku waxyeeloobay uu ka mid yahay Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya.

Illaa toddobo madfac ah, ayaa ku soo dhacay Madaxtooyada Somaliya iyo guryo ku dhow dhow oo ku yaala Degmada Wardhiigley, waxaa la xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan toddobo qof iyo dhaawaca sagaal kale.

Tiro madaafiic ah, ayaa ku soo hoobatay hoyga ay Madaxtooyada ka degan tahay Xildhibaanad Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo ku dhow guriga Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Shan qof oo afar ka mid ah ay isu qoys yihiin, ayaa ku dhintay madaafiicdaasi iyo qofka kale oo ahayd haweeney, sida la sheegay shaqaale u ahayd.

Macalin Dugsi Qur’aan iyo askari ka tirsan Ilaalada Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa sidoo kale ka mid ahaa dadka ku dhintay madaafiicdaasi.

Villa Somalia

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil, ayaa sheegay in isaga uu dhaawac fudud ka soo gaaray madaafiicdaasi, isagoo intaa ku daray inay jiraan illaa saddex askari oo sidoo kale ku dhaawacantay iyo gabar kula sugneyd Madaxtooyada, xilligii madaafiicda lagu soo weeraraayay.

Xildhibaanka oo qiyaas ka bixiyay halka madaafiicdaasi laga soo tuuray, ayaa ku waramaaya inay kaga imaaneysay dhinaca Degmada Boondheere, oo ood wadaag la ah Degmadaasi Wardhiigley. Shacabka ku dhaqan Degmooyinka Villa Somalia ku xeeran, ayaa baqdin ka muujiyay madaafiicdaasi.

Agaasimaha Isbitaalka Daaru Shifaa, Maxamed Cabaas oo ka hadlay madaafiicda, ayaa sheegay in loo keenay illaa sagaal qof oo laba ka midda ay meyd ahaayeen, isagoo intaa ku daray in hal qof dhaawac ahaa uu Isbitaalkoodu ugu geeriyooday dhaawacii uu qabay.

Agaasimaha, ayaa sheegay inay hadda la tacaalayaan lixda qof ee kale, kuwaa oo rajo uu ka muujiyay in xaaladoodu ay ka soo reynayso.

Ururka mayalka adag ee Al Shabaab, ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaasi, waxayna sheegeen in illaa sagaal madfac ay ku weerareen Qasriga Madaxtooyada Somaliya.

Waa weerarkii 3-aad oo maalin cad lagu weeraro Madaxtooyada Magaalada Muqdisho, tan iyo markii uu dhashay sanadkan cusub ee 2016-ka.

DAAWO: MARWADA MADAXWEYNAHA OO OOHIN LA ILMEYSEY MARKII MAANTA GABAR OO DHAAWAC AH OO LABADEEDA WAALIDNA LAGU DILEY XASUUQII HOTEL LIDO EE BISHII HORE MUQDISHO KA DHACAY

Febraayo 25, 2016

WAAJIDPRESS  – 24 FEB 2016:

Marwada kowaad ee Dalka Soomaaliya ayaa Galabta ku Booqatay Isbitaal ku yaala Turkey oo dhaawac xoog leh ka soo gaarey Gabar aad u yar oo dhaawac xoog leh ka soo gaarey xasuuqii bishii hore ka dhacay Maqaayada xeebta Liido isla markaasna lagu diley LABADEEDA  waalid, waxaana booqatay xili gabadhaas laga soo bixiyay saalada Qaliinka wallow ay kujirtay sunta qaliinka weli.
Marwada iyo wasiirka Haweenka iyo xaquuqul insaanka ayaa booqday waxaana marwada gabadhaas qoyskeeda gaarsiisay aduun lacageed oo dhan 10,000 Toban kun oo dollar wallow ay marwada u balan qaaday kawar qabi doonto – Daawo :

 

HALKAAN KADAAWO

DAAWO: KHUDBADII MAANTA UU MADAXWEYNE XASSAN KA JEEDIYEY SHIRKII ISTANBUL

Febraayo 24, 2016

WAAJIDPRESS – 24 FEB 2016:

Shirkii ka socday magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga ayaa goor dhow la soo gaba gabeeyay islamarkaana looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, oo ay ka qeyb galayeen madaxda Soomaaliya, iyo wadamada taageera Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlada Somalaiya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneyso ka jeediyay Shirka Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga – DAAWO:

 

Prof. Jawaari oo khudbad aad u fiican ka jeediyay Shirka Jaamacadda Carabta (SAWIRRO)

Febraayo 24, 2016

WAAJIDPRESS – 24 FEB 2016:

Cairo1 Cairo2 Cairo7 Cairo8 unnamed-12-2

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), ayaa khudbad qiimo leh ka jeediyey shirka madaxda Baarlamaannada dowladaha carabta uga furmay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.

Shirkan oo ka dhacaya xarunta Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira waxaa furintaankiisa khudbad ka jeediyey xoghayaha guud ee jaamacadda Carabta Nabil el Araby iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka carabta Ahmed Bin Mohamed Al-Jarwan waxaana labaduba ay si wadajir ah ugu soo dhaweeyeen magaalada Qaahira Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Carabta ayaga oo dhinaca kalena ka hadlay muhiimadda ay leedahay iskaashiga Baarlamaannada dowladaha carabta.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, ayaa khudbad uu ka jeediyey shirka ugu mahad celiyey dowladda iyo shacabka Masar iyo jaamacadda carabta waxaana uu ka hadlay muhiimadda ay xiligan leedahay iskaashi iyo wax wada qabsi ku dheehan isku duubni iyo is jeceyl ay ku wada howlgalaan Baarlamaannada carabta waxaana uu dhanka kale ku booriyey ney ka qeybqaataan maalgashiga xiligan dunidu ku sameyneyso Soomaaliya oo hada ku taagan wadadii hormarka.

Maalinnimada berrito ah, ayaa qorshaha uu yahay in si rasmi ah loosoo gebagebeeyo shirka Madaxda Baarlamaannada dowladaha carabta uga furmay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar ayadoo gebagebada shirkana laga soo saari doono war murtiyeed ay ku cad yihiin waxyaabaha shirka looga hadlay

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom oo Shabaab kala wareegay Ceelbaraf iyo Cadaley ee gobolka Shabeelaha Dhexe

Febraayo 24, 2016

WAAJIDPRESS – 24 FEB 2016:

Ciidamada Dowladda Federalka Somaliya iyo kuwa Amisom, ayaa la wareegay gacan ku haynta Deegaanada Ceelbaraf iyo Caadleey oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ciidamada, ayaa si nabadgelyo ah kula wareegeen labadan Deegaan sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha ciidamada Millateriga Dowladda oo Warbaahinta u xaqiijiyay la wareegitaanka deegaanadan.

Abaanduulaha ciidamada Xooga dalka Somaliya Cali Baashe Maxamed oo Saxaafadda kula hadlay Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in ciidamada oo wadajir ah guushaasi ay maanta soo hooyeen.

Waxa uu sheegay Abaanduulaha ciidamada Xooga dalka Somaliyed, ciidanka inay soo hooyeen guul ballaaran, maadaama deeganada Shabaabka ay ka qabsadeen ay ahaayeen Xarumihii ugu weynaa ee Shabaabka Shabeellaha Dhexe ku lahaayeen.

Abaanduulaha ciidamada Xooga dalka Somaliyed, ayaa ku hanjabay inuu sii socon doono howlgalka ka dhanka ah Shabaabka ee ka socda Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamadii Shabaabka ee laga qabsaday Deeganada Ceelbaraf iyo Ceelcadde, ayaanan la ogeyn halka ay aadeen.

Ciidamada Wadajirka ah ayaa horay ula wareegay Deeganka Biyo Cadde oo ka tirsan Afarta Tuulo Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Shabaab oo Dib u dayactiray Buundada Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose oo horay ay u jareen (SAWIRRO

Febraayo 24, 2016

WAAJIDPRESS – 24 FEB 2016:

Janaale 3Janaale 1

 

Ururka Al Shabaab ayaa dib u dayactir ku sameeyay Buundada Degmada Janaale ee Gobolka Shabeellaha hoose oo 1-dii Bishii Sagaalad ee sanadkii la soo dhaafay ay jareen.

Shabaabka ayaa xilliga ay jarayeen Buundada Janaale, waxa ay weerar ku qaadeen Saldhigii ciidamada Amisom ay ku lahaayeen halkaasi, waxaana sababta ay u jareen ay aheyd in Buundada aysan ka soo gudbin ciidan Gurmad ah.

Wixii xilligaasi ka dambeeyay Buundada Janaale oo ah mida Magaalada la galo, waxa ay aheyd mid aysan marin gaadiidka waaweyn oo keliya waxaa mari jiray Baabuurta yar yar oo si dhibaato ah ku mari jiray.

Al Shabaab oo dib u qabsaday Degmada Janaale, ayaa bilaabay inay dayactir ku sameeyaan Buundada oo markii hore gacantooda ay ku dhibaateeyeen, balse hada ay u baahdeen isticmaalkeeda, maadaama Janaale iyaga ay maamulaan.

Buundada Degmada Janaale, ayaa hada ah mid caadi ah oo gaadiidka ay mari karaan, gaar ahaan gaadiidka waaweyn iyo kuwa yar yar intaba.

Xoogaga Shabaab ayaa dib awood ugu soo yeelanaya Gobolka Shabeellaha hoose oo waxaa gacantooda soo galay deegaano iyo Degmooyin ciidamada Amisom ay ku sugnaan jireen, balse markii dambe ay ka baxeen.

 

 

<!– –>

Taliyaha Boliska Sareeya Gaas Xaamud oo booqday Saldhiga Amison Police ee Muqdisho, Sawirada

Febraayo 24, 2016

WAAJIDPRESS  – 23 FEB 2016:

Taliyaha Ciidanka Boliska Somaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Sheekh oo maanta talaado ah Booqasho Shaqo ku tagay Xarunta Amison Bolis ee magalada Mogadisho Kuna Amaanay wadashaqeynta Police ka Somaliyeed iyo Amison Police – Daawo :

BH0A3023 BH0A3023 BH0A3004 BH0A2978 BH0A2976 BH0A2948 BH0A2929 BH0A2928 BH0A2901 BH0A2898 BH0A2892 BH0A2884 BH0A3027

BH0A3027BH0A2884BH0A2886BH0A2892BH0A2895BH0A2898BH0A2901BH0A2903BH0A2908

DAAWO: Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari iyo Wafdi balaaran uu hogaaminayo oo maanta gaarey dalka Masar si ay uga qeybgalaan shirka…….

Febraayo 23, 2016

WAAJIDPRESS – 23 FEB 2016:

DSC_0050 DSC_0061 DSC_0064

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar halkaasi oo uu maalinnimada berrito ah uu ka furmi doono shirka madaxda Baarlamaannada dowladaha carabta.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Qaahira kusoo dhaweeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka dowladaha carabta Nabil el Araby oo ay in kooban kulan ku wada qaateen qeybta nasashada garoonka diyaaradaha magaalada Qaahira iyo sidoo kale mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar.

Xildhibaan Daahir Xaaji Geelle oo ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u metella Baarlamaanka Carabta oo ka mid ah wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaanka uu hogaaminayo oo faah faahin ka bixiyey safarka ayaa tilmaamay in Guddoomiye Jawaari uu ka qeybgalayo shirka madaxda Baarlamaannada carabta oo berri furmaya sidoo kalena uu kulammo gaar gaar ah la qaadan doono Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada carabta ee shirka ka qeybgalaya.

DAAWO: Ajandaha iyo Shirkii Istanbul oo maanta si rasmi ah u furmey beritana la soo gabagabeyn doono

Febraayo 23, 2016

WAAJIDPRESS – 23 FEB 2016:

Istanbul Istanbul2 Istanbul3

unnamed-1-8 unnamed-2-7 unnamed-5-3 unnamed-12-2 unnamed-13-2

Ajanda Shirka Heerka Caalami ee Turkiga ee maanta furmey ayaa ah Sidan:

1-Xaaladda amniga iyo nabadgelyada Soomaaliya
2-Dib u dhiska hay’adaha dowliga ah
3-Siyaasadda dib u heshiisiinta
4-Arrimaha Federaalka, Dimoqraadiyeynta iyo Geeddi socodka Doorashooyinka
5-Dib u eegista Dastuurka
6-Hormarinmta dhaqaalaha bulshada
Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa si rasmi ah uga furmay shirka Madasha Wadatshiga heerka sare ee Soomaaliya iyo beesha Caalamka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Turkiga  Recep Tayyib Erdogan ayaa si wadajir ah u furay shirka,  oo looga hadlayo  arrimaha Amniga,  Siyaasada, horumarka  iyo qaabka doorashada dalka Soomaaliya ee dabayaaqada sanadkan 2016.

Shirka oo socon doona muddo laba maalmood ah, ayaa waxaa qiimeyn iyo dib u eegis lagu sameyn doonaa horumarka laga sameeyay Barnaamijka Cahdiga Cusub ee Soomaaliya (the Somali Compact), kaas oo markii ugu horeysey lagu ansixiyey magaalada Brussels bishii September sannadkii 2013.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda ugu sareysa dowlada Soomaaliya,  xubno ka tirsan golaha wasiirada, madaxda maamul goboleedyada, uu ka mid yahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan, Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Guuleed iyo Jubaland Axmed Madoobe, Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Dr. Maxamed Ibraahim (Fargeeti) (oo ka soo jeeda BEELWEYNTA DIGIL IYO MIRIFLE), Safiirka Cusub ee soomaaliya u magacawdey Turkey Dr. Maxamed Madeer (oo ka soo jeeda BEELWEYNTA DIGIL IYO MIRIFLE), wasiiro, Xildhibaano iyo Ergooyin ka socda 50 dal iyo hay’ado Caalami ah.

Madaxweynaha Turkiga  Recep Tayyib Erdogan oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka inay door muhiim ah ka ciyaaraan dib u dhiska iyo taageerada Soomaaliya.

Dowladaha Somaliya iyo Turkiga, ayaa waxay maanta Magaalada Istanbul ku kala saxiixdeen heshiis dhinaca Tamarta iyo Korontada ah, oo Turkigu uu ka fulin doono dalka Somaliya.

Heshiiskan, ayaa waxaa uu ka dhacay Conrad Hotel, ka hor intii aanu maanta shirka Somalida ka furmin Magaalada Istanbul. Waxaana labada dhinac heshiiska u kala saxiixay Wasiirka  Tamarta & Korontada Soomaaliya Dr.  Maxamed Mursal (oo ka soo jeeda BEELWEYNTA DIGIL IYO MIRIFLE) iyo Wasiirka Tamarta iyo Korontada Dalka Turkey.

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa labaduba goobjoog ka ahaa heshiiska ay kala saxiixdeen labada dal.

Madaxdii ka hadashey shirka ayaa soo dhoweeyay horumarka dhinaca siyaasadda iyo amniga ee Soomaaliya ay ku tallaabsatey, iyo balanqaad ah inay sii wadayaan taageerada la siinayo Soomaaliya.