Archive for Maarso, 2016

DAAWO: CIIDAMADII BOLIISKA KOONFUR GALBEED EE LOOGU TALO GALEY GOBOLKA SHABEELAHA HOOSE EE SHALAY TABABARKA U DHAMAADEY OO MAANTA XAFLAD DAMAASHAAD AH IYO SAGOOTIN AH KA DHIGEY BAYDHABA JANAAY

Maarso 31, 2016

WAAJIDPRESS – 31 MAR 2016:

DAAWO: CIIDAMADII BOLIISKA MAAMULKA KOONFUR GALBEED EE LOOGU TALO GALEY GOBOLKA SHABEELAHA HOOSE EE SHALAY TABABARKA UGU DHAMAADEY  MAGAALADA BAYDHABA OO MAANTA XAFLAD AY CIIDAMADAASI DAMAASHAADAYAAN  KA DHIGEY BAYDHABA JANAAY, IYAGOO MAANTA U AMBABAXAYEYNA  GOBOLKA SHABEELAHA HOOSE HALKAASI OO LOOGU TALO GALEY IN AY KA HOWLGALAAN— DAAWO:

 

War Culus: DAAWO: GUDOOMIYAHA GOBOLKA HIIRAAN Mr. Dabageed oo si cad maanta u sheegey in Madaxweynaha ee Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe lagu caleemo saari doono BALADWEYNE

Maarso 31, 2016

WAAJIDPRESS – 31 MAR 2016:

War goordhow naga soo gaaray Magaalada Beladweyne ee Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in iminka halkaasi uu ka socdo dagaal u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada dega.

Dagaalka oo leysu adeegsanaayo Hubka fudud ayaa waxaa iminka ka dhashay khasaaro dhimasho leh, waxaana lasoo warinayaa in labada maleeshiyo uu maalmahaani ay maalmahaani ka dhexeysay xiisad.

Inta la ogyahay ilaa laba ruux, ayaa ku dhimatay Dagaalka waxa uuna iminka kusii faafayaa qeybo kamid ah magaalada

Dhinaca kale, Guudoomiyaha  maamulka Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Daba Geed) ayaa sheegay in Madaxweynaha dowlada Goboleedka Hiiraan iyo shabeellaha dhexe marka lagu soo doorto Magalaada Jowhar ee gobolka shabeellaha dhexe lagu caleemo saari doono Magaalada Baladweyne – DAAWO:

 

 

 

War deg deg ah: Qarax Ismidaamin ah oo hadda Magaalada Galkacayo ka dhacey iyo Magacyada Mas’uuliyin xil u hayey Puntland oo ku geeriyoodey

Maarso 31, 2016

WAAJIDPRESS – 31 MAR 2016:

Wararka ka imaanaya Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in Qarax Ismiidaamin ah uu halkaasi ka dhacay, kaasi oo geystay Khasaare kala duwan.

Qaraxan ayaa waxaa fuliyay nin naftiise halige ah oo ka tirsan ururka ALSHABAAB, kaasi oo beegsaday inta u dhaxaysa Hotelada Capital iyo Unlaaye oo ku yaallo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Qaraxaasi uu ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray dadkii halkaasi ku sugnaa.

Tirada dhimashada ayaa la sheegayaa  10 ruux oo uu ku jiro ruuxii Ismidaamiyay, Waxaa kaloo ku dhintey oo ka mid ahaa 10-ka ruux : Xasan Maxamed Xasan (Ruush) oo mar soo noqday wasiirka warfaafinta Puntland iyo  Xisaabiyihii Wasaaradda Maaliyada Gobalka Mudug ee Puntland Siciid Cali Yuusuf oo ku magac dheeraa (Gaadayare) – (ALLAHA U WADA NAXARIISTO).

Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland weli kama aysan hadlin Qaraxaan Ismiidaaminta ah ee ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyada weerarkaan ee maanta ka dhacay Waqooyiga Galkacayo ee Maamulka Puntland.

 

 

 

 

War Farxad leh: DAAWO: CIIDAMADA BOLIISKA MAAMULKA KOONFUR GALBEED EE GOBOLKA SHABEELAHA HOOSE OO MAANTA QALIN JEBIN LOOGU SUUBIYEY MAGAALADA BAYDHABA

Maarso 31, 2016

WAAJIDPRESS – 30 MAR 2016:

Xaflada Ayaa waxaa ka qeybgaley Taliyaha Boliiska Soomaaliya Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xassan Xaamuud, Madaxweynaha Koonfur Galbeed SHARIIF XASSAN, Taliyaha Boliska Ciidamada AMISOM, Taliyaha Ciidamada Ethiopia,…..

 

DAAWO: WASIIRKA CAAFIMAADKA EE SOMALILAND Mr. XAGLATOOSIYE OO BOOQASHO KU TAGEY BUUHOODLE

Maarso 30, 2016

WAAJIDPRESS – 30 Mar 2016:

 

 

CIIDAMO CUSUB oo 2000 AH OO KA TIRSAN DOWLADA UGANDA OO MAANTA MUQDISHO SOO GAAREY

Maarso 30, 2016

WAAJIDPRESS -30 MAR 2016:

Ciidamo Cusub oo ka socda Milatariga dalka Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho kuwaasoo tiradooda lagu sheegay illaa 2000 Askari.

Askartaan oo uu hoggaaminayo Taliye Cusub ayaa la filayaa in ay bedeleen Ciidamada Uganda ee horay ugu sugnaa deegaanka Carbiska ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Ciidamadaasi oo uu hoggaaminayo Taliye Cusub ayaa la filayaa in ay bedeleen Ciidamada Uganda ee horay ugu sugnaa deegaanka Carbiska ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Imaanshaha Ciidamada Cusub ee ka socda Uganda ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa iyadoo Al Shabaab ay kordhiyeen weerarada ay ku qaadaan saldhigyada AMISOM ee ku yaalla Gobollada Koofureed ee dalka.

Ka hor intii aysan Ciidamadaan Cusub soo gaarin Soomaaliya ayaa waxaa horay loogu wargeliyay in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah si ay isaga ilaaliyaan weeraro gaadmo ah oo ay ku soo qaadaan Al Shabaab.

Bishii September ayaa sanadkii horay waxaa Al Shabaab weeraro khasaaro badan dhaliyay ku qaadeen fariisinkii Ciidamada Uganda ay ku lahaayeen deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

War deg deg ah: 2 (labo) shaqaale oo Turkey ah iyo labo nin oo Soomaali ah oo hadda Muqdisho lagu diley iyo 4 Turkey ahna la dhaawacey

Maarso 30, 2016

WAAJIDPRESS – 30 MAR 2016:

SA-2 SA-3

 

Waxaa gelinkii dambe ee maanta Magaalada Muqdisho lagu dilay laba qof oo u dhashay dalka Turkiga, kana mid ahaa Shaqaalaha Turkiga ee ka hawlgala Xarunta Somaliya.

Dabley hubeysan oo la socotay gaari caasi/hoomey ahaa, ayaa gaari kale oo Shaqaalaha Turkiga ay wateen ku weeraray xaafadda Taleex ee Degmada Hodan, gaar ahaan dhabarka dambe ee Masaajidka Sheekh C/rashiid.

Shaqaalaha Turkiga oo sida la sheegay la socday gaari NOAH ah, ayaa waxaa la soo sheegayaa in wa-xooggaa ay daba socdeen dableydii wadatay gaarigii caasiga, iyagoona rasaas xoogan oodda kaga qaaday.

Laba nin oo Turkish ahaa iyo laba kale oo Soomaali ah, ayaa sida la xaqiijiyay lagu dilay weerarkaasi, iyadoo afar kale oo Turkish ahna lagu dhaawacay, waxaana dhaawacyadoodu la geeyay Isbitaalka Deva, oo Turkigu uu gacanta ku haayo.

Gudoomiyaha Degmada Hodan, Axmed Salaad Ibraahim, ayaa xaqiijiyay in weerarkan lagu dilay afar qof oo laba ka mid ihi ay Turki yihiin, halka labada kalana uu Soomaali ku sheegay.

Gudoomiyaha wuxuu kaloo sheegay inay jiraan afar qof oo kale oo u dhashay Turkiga, oo sida uu sheegay ku dhaawacantay weerarkaasi, waxaana la geeyay buu yiri Isbitaalka Deva oo ku yaala Degmadaasi Hodan.

Axmed Salaad Ibraahim oo siyaabooyin kala duwan ula hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa sheegay dhammaan Shaqaalaha la weeraray inay ka tirsanaayeen Isbitaalka Deva, sida uu yiri.

Labada nin ee Soomaalida ah, laguna dilay weerarka, ayaa waxaa uu middi ahaa darawalkii gaariga, halka midka kalana uu turjubaan u ahaa Shaqaalaha Turkiga ee ka hawlgala Isbitaalka Deva.

 

War farxad leh: Daawo: Dufcaddii Labaad Ee Ciidanka Booliiska Koonfur Galbeed Oo Tababar Loogu Soo Xiray Magaalada Baydhabo

Maarso 29, 2016

WAAJIDPRESS – 29 MAR 2016:

993091_210570452643135_2943540377519843981_n 12143247_210578809308966_6621705351472390957_n 12321687_210603059306541_3251635853855895882_n 12670654_210568739309973_1142919881811295391_n 12717595_210578515975662_1947938373648717031_n 12920352_210570709309776_7298074599751815400_n 12924603_210578835975630_8436136648321398948_n 12936780_210578775975636_7634095145078426530_n

Waxaa Baydhabo maanta lagu soo xiray tababarka dufcadda 2aad ee Booliiska Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliya oo ay tiradooda tahay 950 askari, waxaa xafladda xiritaanka ka qeyb galay Madaxweynaha KGS  Shariif Axmed, Taliyaha Booliiska qaranka Sareeye Gaas Maxamed Xasan Xaamud, wasiiro, Xildhibaanno, saraakiil AMISOM gaar ahaan Ethiopia oo uu hogaaminayo Generaalka uGu sareeya ee Ciidamada Ethiopia ee jooga Soomaalia iyo UNSOM oo ay hogaamineyso Safiirka Ingriiska ee Soomaalia iyo kuwa kale oo faro badan

Madaxweynaha Dowladd Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa ugu baaqay dufcadda qalin jabisay in ay waajibkooda gutaan, weliba qaar firfircooni leh.

Taliyaha Booliiska qaranka Maxamed Xasan Xaamud  ayaa dufcadda 2-aad u sheegay inay u shaqeeyaan sidii qaranka loo badbaadin lahaa, kana shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida deegaanka

Mashruucan tababarka  waxaa loo qabtay illaa 950  oo Booliis ah, waa dufcaddii 2-aad waxaa tababarka fuliyay AMISOM, waxaa maalgeliyay Dowladda Ingiriiska – Filo Video:

War deg deg ah: Ganacsade caan ah oo hadda lagu diley Magaalada Muqdisho

Maarso 29, 2016

WAAJIDPRESS – 29 MAR 2016:

Wararka aynu ka heleyno Suuqa Siinaay ee degmada wardhiigley ay sheegayan in goordhaw ay halkaasi ay kooxo hubeysan ku dileen Ganacsade can ah oo la sheegay in uu ka mid ahaa ganacsatada suuqa siinaay ee magaalada Muqdisho.

Kooxaha Dilka geystay ayaa ku hubeysnaa Bastoolada waxaana ay rasaas madaxa kaga dhufteen Marxumka la dilay iyagoona durbadiiba goobta ka baxsaday.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabayay Cabdi Xalane Baaxuur waxaana uu ka mid ahaa ganacsatada qudaarta suuqa siinaay .

ilaa iyo hada lama oga sababta loo dilay ganacsadahan iyo kooxaha dilka u geystay balse Ciidamada Dowlada ayaa durbadiiba  gaaray goobta uu dilka ka dhacay baaritaan ayeyna hada ka wadaan.

Dhinaca kale wararka ayaa intaa ku daraya in ruuxa la dilay uu ahaa gudoomiyaha suuqa qudaarta siinaay ee magaalada muqdisho

War hadda soo dhacay: Darawalkii Agaasimaha Wasaarada Dastuurka oo Muqdisho maanta lagu Afduubtey

Maarso 29, 2016

WAAJIDPRESS – 29 MAR 2016:

Warar goor dhow soo gaaray Warqabadka WAAJIDPRESS ee Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in kooxo hubeysan ay qafaasheen Dareewalka Gaariga Khaaska ee Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka.

Rag ku labisnaa Dareeska Ciiddanka ayaa la sheegay inay goor dhow Isgoyska Degmadda Boondheere ka qafaasheen gaarigaasi, iyagoo moodayey inuu la socdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka.

Ma cadda ujeedada rasmiga ee ay dableydaasi u qafaasheen gaarigiisa iyo waxa ay ku sugan yihiin Dareewalka iyo qof kale ee lagu afduubtay gaarigaasi.

Saakayto ayey ahayd, markii ay kooxo hubeysan toogasho ku dileen Guddoomiyihii Suuqa Khudaarta Siinaay ee Degmadda Warta Nabadda, Cabdi Xalane Baaxuur.