War deg deg ah: 2 (labo) shaqaale oo Turkey ah iyo labo nin oo Soomaali ah oo hadda Muqdisho lagu diley iyo 4 Turkey ahna la dhaawacey

WAAJIDPRESS – 30 MAR 2016:

SA-2 SA-3

 

Waxaa gelinkii dambe ee maanta Magaalada Muqdisho lagu dilay laba qof oo u dhashay dalka Turkiga, kana mid ahaa Shaqaalaha Turkiga ee ka hawlgala Xarunta Somaliya.

Dabley hubeysan oo la socotay gaari caasi/hoomey ahaa, ayaa gaari kale oo Shaqaalaha Turkiga ay wateen ku weeraray xaafadda Taleex ee Degmada Hodan, gaar ahaan dhabarka dambe ee Masaajidka Sheekh C/rashiid.

Shaqaalaha Turkiga oo sida la sheegay la socday gaari NOAH ah, ayaa waxaa la soo sheegayaa in wa-xooggaa ay daba socdeen dableydii wadatay gaarigii caasiga, iyagoona rasaas xoogan oodda kaga qaaday.

Laba nin oo Turkish ahaa iyo laba kale oo Soomaali ah, ayaa sida la xaqiijiyay lagu dilay weerarkaasi, iyadoo afar kale oo Turkish ahna lagu dhaawacay, waxaana dhaawacyadoodu la geeyay Isbitaalka Deva, oo Turkigu uu gacanta ku haayo.

Gudoomiyaha Degmada Hodan, Axmed Salaad Ibraahim, ayaa xaqiijiyay in weerarkan lagu dilay afar qof oo laba ka mid ihi ay Turki yihiin, halka labada kalana uu Soomaali ku sheegay.

Gudoomiyaha wuxuu kaloo sheegay inay jiraan afar qof oo kale oo u dhashay Turkiga, oo sida uu sheegay ku dhaawacantay weerarkaasi, waxaana la geeyay buu yiri Isbitaalka Deva oo ku yaala Degmadaasi Hodan.

Axmed Salaad Ibraahim oo siyaabooyin kala duwan ula hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa sheegay dhammaan Shaqaalaha la weeraray inay ka tirsanaayeen Isbitaalka Deva, sida uu yiri.

Labada nin ee Soomaalida ah, laguna dilay weerarka, ayaa waxaa uu middi ahaa darawalkii gaariga, halka midka kalana uu turjubaan u ahaa Shaqaalaha Turkiga ee ka hawlgala Isbitaalka Deva.

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: