War deg deg ah: Qarax Ismidaamin ah oo hadda Magaalada Galkacayo ka dhacey iyo Magacyada Mas’uuliyin xil u hayey Puntland oo ku geeriyoodey

WAAJIDPRESS – 31 MAR 2016:

Wararka ka imaanaya Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in Qarax Ismiidaamin ah uu halkaasi ka dhacay, kaasi oo geystay Khasaare kala duwan.

Qaraxan ayaa waxaa fuliyay nin naftiise halige ah oo ka tirsan ururka ALSHABAAB, kaasi oo beegsaday inta u dhaxaysa Hotelada Capital iyo Unlaaye oo ku yaallo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Qaraxaasi uu ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray dadkii halkaasi ku sugnaa.

Tirada dhimashada ayaa la sheegayaa  10 ruux oo uu ku jiro ruuxii Ismidaamiyay, Waxaa kaloo ku dhintey oo ka mid ahaa 10-ka ruux : Xasan Maxamed Xasan (Ruush) oo mar soo noqday wasiirka warfaafinta Puntland iyo  Xisaabiyihii Wasaaradda Maaliyada Gobalka Mudug ee Puntland Siciid Cali Yuusuf oo ku magac dheeraa (Gaadayare) – (ALLAHA U WADA NAXARIISTO).

Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland weli kama aysan hadlin Qaraxaan Ismiidaaminta ah ee ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyada weerarkaan ee maanta ka dhacay Waqooyiga Galkacayo ee Maamulka Puntland.

 

 

 

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: