Archive for Maarso, 2016

War Hadda soo dhacay: Gaari ay ka buuxaan Walxaha Qarxa iyo Hub oo ciidamada Nabad Suggida ay ku qabteen Magaalada Muqdisho

Maarso 29, 2016

WAAJIDPRESS- 29 Mar 2016:

Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka Somaliyed ayaa gacanta ku dhigay Gaari noociisa uu yahay kaarib oo waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay, gaarigaasi oo la doonaayay in lagu dhibaateeyo Umadda Somaliyed.

Gaarigan waxaa xalay saqdii dhexe lagu qabtay Afaafka hore ee Madaxtooyadii hore ee C/qaasim Degmada Hodan, gaar ahaan Xaafada Taleex, halkaasi oo gaariga ay dhigteen raggii watay.

Ciidamada Nabad Suggida Iyo Sirdoonka Qaranka Somaliyed oo helay macluumaadka gaarigan ayaa xalay oo dhan ku daba jiray, iyadoo ugu dambeyn lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo Baabuurkan.

Gaariga oo noociisa uu yahay Kaarib, waxaa ku jiray waxyaabo loogu talo galay marka uu qarxo gaariga inay laayaan dadka, waxaana ka mid ah waxyaabahaasi, Boolal Fara badan, Haamaha Suujimada leh, Biro dhaadheer iyo Bambooyin, waxaana raggii watay ay doonayeen marka ay qarxiyaan gaariga in waxyaabahaasi oo dhan ay noqdaan kuwa laaya dadka.

Ciidamada Nabad Suggida ayaa gacanta ku dhigay gaarigaasi oo ka fur furay waxyaabaha qarxa ee saarnaa, kadibna ciidanka waxa ay soo qabteen 11 ruux oo la tuhmaayo inay raad ku leeyihiin falka la doonaayay in lagu dhibaateeyo Umadda Somaliyed.

Advertisements

DAAWO: TALIYAHA BOLIISKA SOOMAALIYA OO BOOQASHO SHAQO KU JOOGA MAGAALADA BAYDHABA

Maarso 29, 2016

WAAJIDPRESS – 27 MAR 2016:

 

 

War deg deg ah: Daawo: Xiisad Dagaal oo ka Jirta Hiiraan iyo Xildhibaan Godax oo ka soo jeeda beesha Xawaadle oo yiri waan in lala Dagaaalamaa Madaxweyne Xassan….

Maarso 28, 2016

WAAJIDPRESS – 28 MAR 2016:

Xiisad Colaadeed ay ka taagan Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, kadib markii sida la sheegay ay soo buux dhaafiyeen xaafadaha magaalada Maleeshiyo beeleed hubeysan oo ka yimid gudaha iyo Daafaha Magaaladaasi.

Cismaan Max’ud Sharaawi oo ka mid ah waxgaradka Magaalada B/weyne ayaa sheegay in laga cabsi qabo dagaal culus in uu ka qarxo waxaana uu Nabadoonku tilmaamay in maleeshiyo beeleedkani muddooyinkii dambe ay isku hub aruursanayeen islamarkaana ay ka dhex aloosneed Xurguf xoogan.

Xildhibaan C/Laahi Goodax Barre oo katirsan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu ka hadlay Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagay Magaalada Baledweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Goodax Ayaa balan qaaday in ay culees badan saari doonaan Madaxweynaha oo ay la tiigsan doonaan Maxkamadaha Caalamiga isagoona hoosta ka xariikhay in ay la dagaalamayaan oo ka gaban doonin madama dhiga reer Hiiraan uu ku sarifanayo Dano gaar ah xiligaan laga bilaabana aysan u aqoonsaneen Madaxweyne; – DAAWO HOOS:

 

Taliyaha Boliiska Soomaaliya oo Booqasho Rasmi ah ku Tagey Magaalada Baydhaba isla maantana booqdey Xarumaha Ciidamada Bolliska – Sawiro

Maarso 28, 2016

WAAJIDPRESS – 28 MAR 2016:

image   download-10 IMG_2133 IMG_2146 IMG_2153-1 Taliyaha-Booliska_8jpg

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo maalinti labaad booqasho ku jooga magaalada Baydhabo ayaa maanta kormeeray saldhiga Booliiska ee degmada Baydhabo, isagoo halkaasi kula kulmay saraakiil faro badan oo ka tirsan Booliiska Maamulka Koofur Galbeed.

Taliyaha ayaa warbixin ku saabsan xaaladda ciidanka iyo duruufaha ay ku shaqeeyaanba ka dhageeystay saraakiisha booliiska ee uu kula kulmay saldhiga booliiska degmada Baydhabo.

Sidoo kale Sareeye Gaas  Xaamud ayaa xarunta qeybta guud ee booliska koofur galbeed kulan gaar ah kula qaatay saraakiil ka tirsan booliska maamulka Koofur galbeed, wuxuuna kala hadlay dar dargelinta howlaha adag oo ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada ay ka howlgalaan.

Taliyaha booliiska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Xaamud ayaa saraakiisha booliiska ku wargeliyay iney u diyaargarooban sanadkan tababarro sare loogu qaadayo aqoontooda la xiriirta xirtfadda booliiska, kuwaasoo uu sheegay in lagu kala qaban doono gudalha dalka iyo dibadda.

Sareeye Gaas  Xaamud ayaa ammaanay dadaallada dheeraad ah oo ay muujiyeen saraakiisha iyo ciidamada booliiska ee ka howlgala meelaha uu maanta booqday, wuxuuna kula dardaarmay iney sii kordhiyaan dadaalkooda, isagoo xusay iney heli doonaan qalab dheeraad ah oo u adeegsandoonaan howlahooda.

Guddoomiyaha baarlamaanka oo Kampala ka furay kulan howleedka diyaarinta qorshayaasha golaha ee kalfadhiga 8aad “Sawirro”

Maarso 28, 2016

WAAJIDPRESS – 28 MAR 2016:

Kampala-Retreet-1 Kampala-Retreet-2 Kampala-Retreet-3 Kampala-Retreet-9 Kampala-Retreet-10

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda si rasmi ah uga furay maanta kulan howleed ku aadan diyaarinta qorsheyaasha Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayadoo kulankanna lagu marti qaaday Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada maamul goboleedyada dalka ka jira qaarkood.

Khudbad uu ka jeediyey furintaanka shirka ayuu Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” waxa uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu furan yahay kulan howleedkii 8aad ee lagu diyaarinayo qorshayaasha ama howlaha la doonayo in Baarlamaanka uu qabto Kalfahdiga 8aad ee dhowaan furmi doona hadii uu Alle idmo waxaana uu Guddoomiye Jawaari uga mahad celiyey Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed kasoo qeybgalka shirkan.

Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlayey Howlaha ugu muhiimsan ee la doonayo in Kalfadhiga 8aad uu qabto Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in shaqada ugu muhiimsan ay tahay dhameystirka dib u eegista Dastuurka Dalka taasina looga baahan yahay Baarlamaannada dowlad goboleedyada dalka ka jira iney gacan weyn ka geystaan taasi oo aheyd qodob ka mid ah is afgarad ay magaalada Muqdisho ku gaareen Guddoomiyeyaasha Golayaasha sharci dejineed ee dalka.

Kulan howleedkan oo kale ayaa la qabtaa mar kasta oo uu soo dhow yahay furitaanka Kalfadhiga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya balse waxaanan kulanka kasoo qeybgalin markan oo aan lagu casuumin hay’adaha taageerra Baarlamaanka oo iyagu horey loo marti qaadi jirey ayadoo taa bedelkeedana la marti qaaday Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dowlad goboleedyada dalka ka jira si ay qorshe howleedkan talo ugu yeeshaan balse kulankii Guddoonka Baarlamaanka iyo hay’adaha taageerra ayaa ka dhici doona magaalada Muqdisho horaanta bisha April ee soo socota insha Allah.

War farxad leh: DAAWO : CIIDAMO LOO TABABAREY COMANDOS AMA DARAAWIISH AHAAN OO MAANTA TABABAR DOWLADA ETHIOPIA UGU SOO GABAGABEYSEY MAGAALADA WAAJID

Maarso 28, 2016

WAAJIDPRESS  – 27 MAR 2016:

 

 

DAAWO : XOGHAYAHA DOWLADA HOOSE EE MAAMULKA BAYDHABO AYAA KORMEER XAGA NADAAFADA AH KU TAGEY SUUQA MAGAALADA BAYDHABA

Maarso 28, 2016

WAAJIDPRESS  – 27 MAR 2016:

 

DAAWO : QAAR KA MID AH MACALIMIINTA JAAMACADA HARGEYSA OO TABABAR KU SOO QAADANAYA DALKA ETHIOPIA

Maarso 28, 2016

WAAJIDPRESS – 27 MAR 2016:

 

 

DAAWO: GUDOOMIYAHA GOBOLKA SHABEELAHA HOOSE EE MAAMULKA KOONFUR GALBEED OO MAANTA AFGOOYE KA SHEEGEY IN BIYO LA’AAN AY KA JIRTO GOBOLKA

Maarso 27, 2016

WAAJIDPRESS – 27 MAR 2016:

image

Masuuliyiinta maamulka Gobolka shabeelaha hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay Ummada Soomaaliyeed in la caawiyo dadka biyo la’aanta Ku Haysata Degmooyinka Gobolkaas – Daawo:

 

War deg deg ah: Madaxweyne Xassan oo heshiis la gaarey qaar ka mid ah Odayaasha reer Hiiraan iyo Qaar kale oo si kulul uga soo horjeestey Heshiiskaasi iyo Magacyada Qabiilada Ugaasyada ……….

Maarso 27, 2016

WAAJIDPRESS – 27 MAR 2016:

heshiiska-dowlada-iyo-odayaasha-8 heshiiska-dowlada-iyo-odayaasha-11 heshiiska-dowlada-iyo-odayaasha-21 heshiiska-dowlada-iyo-odayaasha-32

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay go’aanka ay maanta magaalada Beled Weyne kaga dhawaaqeen ilaa toddoba beelood oo ka mid ah beelaha gobolka Hiiraan oo oggolaaday inay dib ugu biiraan shirka ka socda magaalada Jowhar ee maamulka loogu dhisayo gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo doorkeedu yahay fududeynta iyo taageerada barnaamijka baahinta xukunka ay si diiran u soo dhoweyneyso tallaabadan geesinimada leh ee ay maanta ku dhawaaqeen hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan.

“Aad baan ugu faraxsanahay in tallaabadan horay loogu dhaqaajinayo geeddi-socodka dhismaha maamulka labadan gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Marnaba kama daaleyno inaan shacabka ku dhiirigelino inay wadahadlaan, aayahoodana ka tashadaan. Dowladda waxay sii wadeysaa dadaalkeeda ku aaddan in shirka ka socda Jowhar uu noqdo mid loo dhan yahay, isla markaana qeybaha maqan loogu bishaareynayo in albaabada wadahadalka ay mar walba u furan yihiin’’.

Dhinaca kale, Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, Ugaas Cali Ugaas Muxamed Ugaas Shafeec iyo Ugaas Cali Ugaas Xasan Ugaas Raage oo ka mid ah Ugaasyada Gobolka Hiiraan ugu waawayn, ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday heshiiskii uu Madaxweynuhu la gaaray Odayaasha Dhaqanka qaarkood.

Ugaasyadan waxay sheegeen in Madaxweynaha oo heshiis la gaaray Odayaasha Dhaqanka qaarkood, aanay macnaheedu ahayn in reer Hiiraan oo idil ay Shirka Maamul U Samaynta Gobolada Shabellaha Dhexe & Hiiraan kaga qaybgalayaan Magaalada Jowhar.

Ugaas Cali Ugaas Muxamed Ugaas Shafeec, ayaa waxaa uu sheegay in Magaalada Jowhar ay tahay Magaalo Somaliyeed, balse aanay iyagu marnaba u socon, balse cidii dooneysa ay shir kaga qaybgeli kareyso.

Ugaas Cali Ugaas Muxamed Ugaas Shafeec oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Baledweyne, isagoo ay barbar fadhiyaan 2-daasi Ugaas ee kale, ayaa wuxuu Madaxda Dowladda Somaliya uu ku dhaliilay inaanay wax ixtiraam ah u muujin rabitaanka dadka deegaanka.

Wuxuu tilmaamay inay saddex qodob kala hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, balse aanay u muujin inay diyaar u yihiin fulinta qodobadaasi.

Wuxuu sheegay inay kala hadleen in gogosha taala Jowhar loo soo wareejiyo Baledweyne, in shir dib u heshiisiineed loo furo beelaha degga Gobolka Hiiraan, si ay isugu cafiyaan iyo in Gobolka Hiiraan laga dhigo laba gobol, maadaama uu ka mid yahay 8-dii gobol ee ku curatay Jamhuuriyaddii Somaliya, isla-markaana aan laba gobol loo kala qaadin, intii Gobolada kale la qaybinaayay.

Sidaasi daraadeed wuxuu sheegay illaa iyo inta wax laga qabanaayo sharuudaha ay hordhigeen Madaxda Dowladda Somaliya, inaanay iyagu waxba ka maqli doonin Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, ayaa wuxuu isna sheegay inaysan ka jawaabi doonin rabitaanka Dowladda Somaliya, illaa iyo inta laga meelmarinaayo rabitaanka dadka deegaanka.

Heshiiska uu Mdaxweyne Xassan iyo Odayaasha reer Hiiraan wada gaareen ayaa waxaa ka mid ah ah, in shirka Jowhar dib loogu laabto, in talada gacanta loo geliyo odayaasha labada gobol, dowladduna ay fududeyso iyo in wada jir loo raadiyo dadka diidan ama dhaliisan shirka.

Fulinta heshiiska ayaa waxaa loo saaray Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar, kaasoo dhameystiri doona wixii tabasho ah ee ay qabaan beelaha.

Qaar ka mid ah Odayaasha shirka ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan heshiiska, ayna tagayaan shirka Jowhar.

Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Odawaa ayaa sheegay in wixii berri ka bilowda la bilaabi doono daad-gureynta ergada ka qeyb galeysa shirka.

Hase ahaatee odayaasha kale ee uu hogaaminayay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa heshiiska ka soo horjeestay, iyagoo sheegay in aanu quseyn heshiiskaas.

HOOS KA AKHRISO UGAASYADA QAATAY IN SHIRKA JOWHAR LAGU LAABTO:

1-Ugaaska beesha Gaaljecel Ugaas C/raxmaan Ugaas C/llaahi.

2-Wabarka beesha Jajeele Wabar Geedi Wabar Xassan.

3-Wabarka Baadi-cadde Wabar Max’med Wabar Axmed.

4-Ugaas beesha Jidle, Ugaas C/naasir Ugaas Nuur

5-Ugaaska beesha Baajimaal Ugaas C/xakiin Ugaas Maxaad.

HOOS KA AKHRISO UGAASYADA QAADACAY IN SHIRKA AAN DIB LOOGU LAABAN:

1-Ugaas Xassan Ugaas Khaliif -(UGAASKA BEESHA XAWAADLE).

2-Ugaas Cali Ugaas Xassan.

3-Ugaas Cali Ugaas Muxumed Shafeec.