Ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga oo bad baadiyay illaa 4,000 oo SOOMAALI ah

WAAJIDPRESS – 13 APR 2016:

Ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay bad baadiyay illaa 4,000 oo muhaajiriin oo Qaxooti SOOMAALI ah, iyadoo tiradan ay ka dhigeyso kuwii ugu faraha badnaa ee la soo bad baadiyo muddooyinkan.

Saraakiisha Ilaalada Xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay in Talaadadii shalay iyo Isniintii ay Badda Mediterranean-ka ka soo bad baadiyeen dhowr doonyo ay saarnaayeen illaa 4-kun tahriibayaal ah Afrikan ah.

Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Donald Tusk ayaa ka digay tirada badan ee Qaxootiga wadamada SOOMAALIDA iyo ERETRIA ku qul qulaya Talyaaniya iyo Jaziirada Malta.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii laga baxay bad-xirankii xilliga qaboobaha oo ay yaraadeen doomaha ay muhaajiriinta ka soo raacaan Xeebaha Libiya.

Qul qulka Muhaajiriinta ayaa sii kordhiyay, iyadoo Midowga Yurub uu soo saaray tallaabooyin uu kaga hortagayo muhaajiriinta.

Ciidamada Booliska Macedonia ayaa ayaa gaaska indhaha ka ilmeysiiya kala hortagay muhaajiriin dibad bax ka dhigay xuduuda Greece.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: