Warar hoose oo hadda soo dhacay: Mid kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya oo xilka laga qaadayo iyo Xilkaasi oo loo magacaabayo

WAAJIDPRESS – 14 APR 2016:

Warar lagu kalsoonaan karo oon ka helnay ilo ku sugan xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in xil ka qaadis lagu sameenayo mid kamid ah Golaha Wasiirada Xkuumada Federaalka Soomaaliya.

Sida aan Wararka ku heleyno waxaa la flayaa in xilka laga qaado Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumada Soomaaliya Guuleed Xasan Qaasim, waxaana xilka Wasaaradan loo dhiibayaa nin uu wato Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Wareegtada xilka looga qaadayo Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa lagu soo waramayaa in la diyaariyay, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa lasoo sheegayaa in ay isku raaceen in la badalo Wasiirkan mid cusubna la magacaabo.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya loo magacaabyo ayaa la sheegay in uu noqonayo nin la taliye u ah Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe, waxaana isbadalkan lagu waramayaa in uu gadaal ka riixayo Madaxweyne Axmed Madoobe.

Magacaabista Wasiirkan aadka ugu dhaw Madaxweynaha Jubbaland ayaa looga gon leeyahay in lagu hagaajiyo laguna xoojiyo xariirka ka dhaxeeya Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland uu hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe.

 

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: