War deg deg ah: Baarlamaanka Ayaa laga yaabaa in codka diidmada geliyaan labo qodob oo ka mid AH qodobadii ka soo baxay shirka madasha

WAAJIDPRESS – 15 APR 2016:

Qaar ka mida xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa bilaabay olole ay ku doonayaan inay ku diidaan qaar ka mida heshiiskii Madaxda dowladda Federaalka iyo maamulada dalka ee dhowaan ka dhacay Muqdisho, kaasoo lagu faahfaahiyay qaabka doorashada 2016.
Xildhibaanada oo shir gaar gaar ah ku leh Muqdisho ayaa si weyn uga horjeeda laba qodob oo ka mida heshiiska kuwaasoo kala ah:

1 – In madaxweynayaasha Maamulada ay yeeshaan saxiixa ugu danbeeya ee xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka
2 – Iyo in guddiyo doorashooyin cusub la sameeyo.
Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanadan ay doonayaan in heshiiska laga saaro labadaasi qodob oo midka hore uu halis ku yahay Aqalka sare ee Baarlamaanka mar haddii gacanta loo geliyay siyaasiyiin damac leh inay iyagu keensadaan ciddii ay doonayaan.
Qodobka labaad ayaa isna lagu diidan yahay jiritaanka guddi doorasho oo Baarlamaanka Federaalka u codeeyay isla markaana ansixiyay, ayna sharci darro tahay in guddi cusub la dhiso.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: