Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ka qeybgalay shirka IMF “Sawirro”

WAAJIDPRESS – 15 APR 2016:

image image image

Shir sanadle ah oo ay soo qaban qaabiyeen Bangiga adduunka iyo hay’adda lacagta dunida ee IMF ayaa ka furmay magalada Washinton ee dalka Mareykanka kaasi oo ay ka qeyb galeen wafuud kala duwan oo ka kala socota dowladaha caalamka.

Dowladda Soomaaliya ayaa shirkani waxaa uga qeyb galay wefdi uu hogaaminayo wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Max’ed Aadan Ibrahaaim Farkeeti ayadoo diiradda lagu saaray horumarinta dhaqaalaha caalamka, iyo arrimaha dhaqaalaha Soomaaliya iyo horumarka ay ku talaabsanayso dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliya, Dr. Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti) OO ka soo jeeda Beelweynta DIGIL IYO MIRIFLE, iyo wafdi uu hogaaminayo  ayaa waxaa uu Magaalada Washington Ee Xarunta Wadanka Mareykanka, uu Khamiistii kaga qaybgalay shir ay soo qaban qaabiyeen Bankiga Adduunka & Hay’adda IMF.

Shirkan, ayaa waxaa diiradda lagu saray horumarinta dhaqaalaha iyo la dagaalanka musuq maasuqa, gaar ahaan dadka iyo shirkadaha dowladaha kala baxsanaaya canshuuraha.

Wasiirka oo hadal ka jeediyay shirkaasi, ayaa waxaa uu sheegay in Dowladda Somaliya ay ku guuleysatay inay wax ka qabato dhaqaalaha dalka.

Wasiirka, ayaa sidoo kale soo hadal qaaday heshiis ay Somaliya toddobaadkii hore la gashay Hay’adda IMF, oo ku saabsanaa in Somaliya laga cafiyo lacago amaah ahayd oo lagu yeeshay.

Wasiir Fargeeti, ayaa heshiiskaasi waxaa uu ku sheegay mid muhiim u ahaa Dowladda Dhexe Somaliya, iyadoona uu markale IMF kaga mahadceliyay aqbalaadda in Somaliya laga cafiyo amaahdaasi.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: