Ciidamada Puntland ee Gaalkacyo oo la ogaaday inay dileen nin Oromo ah iyo nin Koonfurta Somaliya ka soo jeeda

WAAJIDPRESS – 16 APR 2016:

Kadib markii saddex Maalin ka hor deegaanka Gobsho ee duleedka Magaalada Gaalkacyo lagu arkay meydka labo ruux oo mid uu yahay Somali halka kan kalena uu yahay Oromo, ayaa dilka loo geystay labadaasi ruux waxaa la sheegay inay geysteen ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland.

Labada ruux ee dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray C/laahi Xaaji iyo Cabdi Wahaab, waxaana ay ka shaqeynaayeen Hotelka Uunlaaye ee ku yaal Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo. Hotel Uunlaaye 31-kii Bishii March maalin Khamiis ah waxaa ka dhacay Qarax Ismiidaamin ah oo uu fuliyay ruux naftiisa haligay, Qaraxaasi waxaa sheegtay Ururka Al Shabaab.

Habeenkii Sabtida Isbuucii aynu soo dhaafnay ayaa labadan nin lagala baxay Hotelka Uunlaaye oo ay ka shaqeynaayen sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta Maamulka Hotelka, waxaana la baxay ciidamo ka tirsan kuwa Puntland.

Nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo ah Maamulaha Hotelka Uunlaaye ayaa sheegay in raggaan laga kaxeystay Hotelka ayna wateen ciidamo ka tirsan kuwa Puntland, isaga oo sheegay durbadiiba arintaasi inuu ku wargeliyay Taliye ku xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Mudug, si arintaasi wax looga qabto.

“Waxaan la xiriiray Taliyaha Qaybta Booliska oo aan ku idhi falkaas ayaa Hotelka ka dhacay waxna nalama soo socodsiin, waa tii Hotelka agtiisa Shil uu ka dhacay cid wax na weydiisayna malahan labadaasi nin oo Shaqaalaha ah ayaa ciidanka ay la tageen Taliye ogoow ayaan ku idhi, laakiin wuxuu iigu jawaabay wax hadeer Boolis ahaan howlgalkaasi aan amar ku siinay ma jiraan, laakiin Hay’ado kale oo Dowlada leedahay oo baaris wada inay jiraan ayaa suuragal ah ayuu igi yidhi.” Sidaasi waxaa yiri Nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo ah Maamulaha Hotelka Uunlaaye

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: